maxaa ka ogtahay dhibaatooyinka kasoo gaara dhalinyarada hablaha kasoo jeeda dalalka aasiya gaar ahaan dalka Indiya.


maxaa ka ogtahay dhibaatooyinka kasoo gaara dhalinyarada hablaha kasoo jeeda dalalka aasiya gaar ahaan dalka Indiya.
Priyana waxey aheyd gabar ka dhalatey reer faqiir ah, gabadhaan ayaa reerkeeda aad u jeclaa,

markii ay dhameysatey jaamcada dhaqaalaha, ayaa reerkeeda waxa ay udooneen wiil, si ay u siyaan, inanka loo doonay reerkooda ayaa weediistay soori aad ufara badan, waxeyna kasii codsadeen in ay ku bixiyaan soorida waqti aan fogeyn, reerka wiilka soo doontay ayaa aqbaleen in soorida ay ku bixiyaan si dhaqsi ah, ayagoo la tashanaya Priyana walaalkeed oo jira wadanka imaaraatka kana shaqeysta, in uu bixiyo qeyb soorida ka mid ah, qeybta kalena lagu bixiyo lacagtii loo keedin jiray intii ee yareyd si soorideeda marki ay weynaato loogu bixiyo, waxaa liiska meel dhigan in arooska la dadajiyo, reerka gabadha ayaa bixiyay sooridii inteeda badan si arooska loogu diyaariyo, waxa bilaabatay qaban qaabadii arooska, waxa la dhigay xafladii arooska iyo xafladii meherka oo isku jira, xafladaha arooska iyo meherkaba waxa kasoo qeyb galay dad fara badan, arooskiina halkaa aya lagu geeyey guriga wiilka.
aroosada waxa ubiloowday nolol cusub oo ka gadisan tii hore ee ku jirtey, waxeyna kusoo biirtay famil ka mudan xishood iyo xishmad,
waxaa biloowday in uu soo diro aroosada walaalkeed lacag si bil kasta qeyb soorida ka mid ah loo bixiyo, nasiib daro Priyana walalkeed ayaa ku timid geeri lama filaan ah, mana jirto reerkoowda qof kale oo ka mid ah oo u maqan si uu usii dhameestiro soorida inta ka dhiman.
reerka ee ku dhimaneyd soorida ayaa waxey guda galeen in ee ka walbahaaraan gabadhooda mustaqbalkeeda madoowga soo galay, familkii kale oo gabadha la xididay ayaa maqleen in geeri ku timid seedigood, waxeena guda galeen in ee uqadaan cadaawad xad dhaaf ah, maxaa yeelay halkii ay kasugaayeen in uu ugu curto gu’ ayaa xagaa aga yimid.
Priyana ayaa waxey laheyd uur 8 bilood ah, waxeyna ku jirtay qolkeeda u qaaska ah, waxaana si lama filaan ah ugu soo gashay sodohdeeda oo aad u careysan, durbadiiba waxey ku shubtey banziin waxeyna ku daartay taraq, gabadhii uurka laheyd ayaa ayadoo dhan gubatey una soo carartay banaanka si ay gar gaar deg deg ah uhesho, waxeyna ku qeylineysay ” ibadbadiya ibadbaadiya”, waxaa kusoo xoomay dariskii oo idil , waxeyna ku rusheeyeen biyo inkastoo aad ay u gubatey,dhibanaha ayaa waxaa loola cararay isbitaal udhawaa xaafadooda, kolkii isbitaalka gaartay ayaa la geeyey qeebta gargaarka qaaska ah, dadkii oo dhan aya is weydiiyay wax loo gubay gabadhaan uurka leh, waxaa ugu danbeentii la ogaaday, in familkeeda ee soo dhameestiri waayeen soorida ku dhinneyd,
labo maalin kadib Priyaano iyo cunigeeda caloosha ku jira ayaa nafsadoodii meesha ku waayay, waxeyna ka mid noqdeyn kumanaanta u dhimatay soorida darteed sanad kasta dalka Indiya
sheekadaan xanuunka badan oo ku dhacday gabadhaas dhibanaha ah, ayaa waxey murug aad u weyn ku abuurtay hablaha Indiya, ayagoo looga arko bulshadooda dhaxdooda in ay yihiin hanti ay ku xisaabtamaan ragga reer Indiya.
dhaqankaan ay heystaan ragga Indiya ayaanan aheyn mid hadda biloowday, hase yeeshee waa dhaqan soo jireen ah aanan lagu badali karin marnaba si fudud,
had iyo jeerba hablaha kasoo jeeda dabaqada hoose hadii ay u baahdaan in ay guursadaan wiil kasoo jeeda dabaqada sare waa in ay bixiyaan soori aad ubadan si ay uga mid noqdaan reeraha dabaqada sare kasooo jeeda.
dadka Hinduuga ah ayaa ku andacooda waxan in ay yihiin wax ku saleysan dhaqankooda iyo diinta ay heystaan ayna ku qoran tahay qoraaladii awoowiyaashooda ay ka dhaxleen.
ururada udooda xuquuqda haweenka aduunka ayaa marar badan isku dayay in ay dadka ka wacyi galiyaan arintaan dhibka ku heystaan hablaha Indiya, hase yeeshee wax uma tarin wacyi galinta ay sameeyeen iyada oo caqabad ku noqotay in uu yahay waxaan
wax dhaqan ah.
wixii talo iyo tusaalo ah iigu soo dira iimeelkayga oo ahcabdixasan151@hotmail.com

http://www.nololcusub.tk
waa hoyga arimaha bulshada iyo jaceyl
ka dhigo hoygaaga kowaad
waa saaxibkiina hawada waa Mr qalbijaceyl
qalbijaceyl11@hotmail.com

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: