Naa maxaad ku faleysaa wiil Somali ah ajnabiga ayaa shidan beryahaan


Waa yaab adigoo Somali arkeysid ka dooro ajnabi walee waa dhibaato
Haddaba maqaalkaan waxaan uga hadlayaa dhibaatada heysata dhalinyarada somaliyeed gaar ahaan hablaheena meel walbo ay jogaan
Hadey ahaan laheyd wadan carab mise yurub iyo America
Haddaba gabadhu waxey somaliya ka imaaneysaa ayadoo xijaabkeeda u weynyahay ku danbeeyo dhaqankii

Kadib bilooyin waxey arkeysaa gabdho kaga soo horeeyey wadanka oo bashaalkooda kacaayo misane xijaabkii weynaa iska tuurey afkana la caseeyey surwaal jeenis ah iyo funaanad yer dhab la isku siiyey xabadka la soo taagey
Timaha banaanka la soo bixiyey mise wax yer oo maro ah la saarey
Markey arakto waxey la saaxibeysaa kuwaasi ayadana
Waxaana loo sheegayaa ineysan ka soconeynin wax ayada ay wadato oo meeshaani looga dhaqmo qaabkaan hadii kale ay isaga laabato somali waxaana la dhahayaa abaayo meeshaan waxaa ka jirto xuriyad cid kugu qeylineyso malahan hadii aad sidaan banaanka ku baxdid waa lagula yaabayaa ee wadadaan soo raac
Laga yabaa iney isbuuc oo kale is adkeyso waxey arkeysaa gabadhihii kale oo wiilal ajaanib ah la socdaan markey suaasho oo tiraahdo see cml haddana ajaanib maad ku darsateen
Waxaa la leeyahay abaayo wiil Somali muxuu ii sheegayaa wax jiro maba ahan kuwaan ee anaga ajnabiga ayaa inoo shidan ooba na garaneyninee wiil somali oo beri meelaha kaaga sheekeynaayo dan kama lihinin
Gabadhii muddo kadib ayadan waxey bilaabeysaa sidaas oo kale
Waxey isku deyneysaa iney saaxiib yeelato madaama asxaabteedaba ay bashaalayaan ilee maalinkaste guriga majoogi kartee
Waxey baraneysaa mise sheeko la bilaabeysaa wiil Somali ah
Ayadoo ku qanacsan iney sheeko la wadaagto wiilasha somalida ah
Ayaa asxaabteeda waxey u keenayaan Nin kale oo ajnabi ah ahaado cadaan mise carab mise afrikaan
Naa maxaad ku faleysaa wiil Somali ah ajnabiga ayaa shidan beryahaan dhibkiisa iska daa Kan iska yeryareyso
Ayadoo laga dhaadhicinaayo iney xuriyad jirto ayna shukaansan karto cid kastoo ajnabi ah oo muslin ah nafteedana kii qanciyo oo kaliyah ku reysan karto
Kadib ninkaan ajnabiga ah wuxuu arkayaa gabadh dhib la, aan ugu timid oo asigoon wax dhib ah u soo Marin meel cidlo ah ku bartey aan laheyn wax ehel ah kala hadlaayo mise oranaayo halkeed u socotaa asiga howshiisa ayuu gudanayaa kadib
Meel cidlo ah ayuu kaga tagayaa

Haddaba akhristoow EEG qisdaani
Qisdaani waxey ka dhacdey wadanka filand waxeyna ku dhacdey gabadh somaliyeed
Gabadhaani waxey tagtey wadanka filand 2003dii ayadoo ah gabadh sharaf leh oo xijaaban waxaana la mariyey wadooyinka aan kor ku soo xusey waxeyna saaxib la noqotey gabadho kaga horeeyey wadanka oo meesha ku fasahaadey
Kadib waxey saaxiib la noqotey mise la barey wiil u dhashey wadankaasi filand
Gabadhaasi waxaa loo sheegey inuu wiilkaani yahay muslin waa sida uu asiga ka dhaadhiciyey gabadhaha si uu u soo dhaxgalo gabadhaha
Madaama uu yahay gaal cadaan ah
Ninkaani wuxuu isku dayey inuu gabadha marsiiyo mise uu arko waxey tahay
Laakiin wey ka diidey waxeyna u sheegtey inuu marka hore guursado kadibna ay is arki doonaan
Kama uusan diidinee wuxuu ku yiri wadada loo maro ii sheeg waan ku nikaaxsanayaaye waxaa la barey shahaada wax kale uu yaqaano malahan waana uu ku qaraabtaaa
Kadib waxaa loo tagey sheekh wax nikaaxo waxeyna ku tiri sheekhow igu nikaax ninkaani wuxu ku yiri ma muslimbaa haa ayey ku tiri kadibna hadiiba la yiri waa muslin sheekkii howshiisa ayuu gutey weyna ka tageen
Isla markiiba wuxuu ku yiri howshii aad ii dirtey sow Kama bixin haye ii fuli arinteyda
Kama eysan diidin ilee waa ninkeeda wuxuu sidaasi ugu tagi jirey muddo bil ah
Markii uu ogaadey waxa ay tahay ayuu wuxuu ku yiri
Kaaley ma waxaad rabtaa adigoo madow ah inaad aniga iga caqli badantahay
Ma waxaad u maleysey inaan adiga dartaada uga baxaayo diinteyda waxaan rabey inaan ogaado waxaan la qarqarinaayo waxa ku jiro ee sory noocaaga oo kale diinteyda ugama baxaayee
Gabadhii meeshii ayey oohin la fadhiisatey waxeyna u sheegtey saaxibadeeda waxeyna ku yiraahdeen maxaa kaa galey kuwa kale ayaa ka badan muxuu kuu hayaa hadii aad wax u qaadeyna noo sheeg halagaa farsameeyee
Calaaccalka iska dhaaf ee Na soo raac anaga maalinkaste waxa la adaa kalaab iyo meel lagu tunto
Ma ahan kuwaasi oo kale meel kastoo ay jogaan somalida arimahaani aad bey uga jirtaa qisdaan waxaa ka sheekeysey gabadhii ay ku dhacdey qisadaani
Markii ay araktey iney halaak ku dhex jirto ay dib uga laabatey waxeyna ka soo taktey gabolkaasi oo dhan si ay uga soo dheeraato gabdhihii sharafteeda ku dheeley
Haddaba ninkaasi meeqa gabadh oo somali ah ayuu been u sheegi karaa waayo wuxuu ogaadey iney sahal ay yihiin gabadha aysan laheyn wax ka danbeeyo
Inkastoo ay dad wanaagsani ay jiraan ilee ilaahey farahaan masiminee bini aadamkana waa sidaasi
Hadaba kuma koobna oo kaliyah gabdhaha wiilashana ayaa xitaa arintaasi wey la qabaan
Haddaba maxaa keeni karo dhibkaasi?
Waxaan la yaabanahay dhalinteena sida ay ciyow ay isugu bedelayaan marka ay tagaan qurbaha
Hadii aan ka hadlo wadankaan aan hadda ku suganahay waxaa ku nool dad fara badan oo ajnabi ah ma arkeysid gabdho oo ajnabi ah oo dhaqankoodi ka tagey walo ay iska jiraan wax xun ha ahaadaan gaalo ama muslin modow mise cadaan
Laakiin Somali aad bey isugu bedeleen
Waxaad arkeysaa gabadh Somali ah oo wiil cadaan ah la socoto ma oga wuxuu yahay mise mid madow ah la socoto wuxuu rabo ha ahaadee waa 70%
Maxaa ayaga oo kaliyah sidaas ka dhigey aawey muslinimadii aawey somalinimadii aawey dhaqankii aawey shareecadii islaamka madaana nalagu sheego inaanu nahay 100% muslimiin

http://www.nololcusub.tk
ka dhigo hoygaaga kowaad
waa hoyga dhalinyarada iyo arimaha bulshada
wixii faa faah noo sii dir insha allah fikirkaaga waa inoo muhiim
mahadsanidiin

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: