Calamadaha jaceylka maxaad ka taqana ?( Ismaan Adde )



Calaamadaha JACEYLKA Doodi kama taagna in dunida aynu ku nool nahay in ay Jaceyl ku dhisan tahay , mana jiraan laba qof oo isku haysta in waxa la yiraahdo Jaceylka uu yahay mid jira laakiin qof waliba macna gaar ah ayuu u yeelaa gaar ahaan qof uu cudurkaasi ku dhaco

Waxaana adag in si dhab ah loo micneeyo Jaceylka ama la ogaado macnaha dhabta ah ee saxda ah ee uu leeyahay inkastoo qoraayaal badan ay isku micno u soo dhaweeyeen .
Haddii aad qof weydiiso waxaa maxay Jaceylka waa adag tahay in uu ka jawaabo weyna adag tahay in xiligaasi aad jawaabta hesho

Laakiinse jawaabta dhabta waxa ay noqoneysa in Jaceylka uu yahay magacyada kuwo la sameeyo kan ugu mac , waxaan kaloo u dhigi karnaa sidaan:

Jaceylka waa Koob ay ka buuxdo Hawo qof walba oo wadna sahqeynayana leh uu doonayo in uu Cabbo ,waana sida qaboow iyo kuleel sida uu kuu so maro , waa uuna ka dheereeya Ileyska dhab ahaan , waana asaaska wax walba oo qeyr ah oo Fiican

Jaceylka waa sida Doon Bilaa shiraac ah oo badda mowjadaheeda si amaan ah ku mareysa marna waa gilgilaha Dunida oo buuraha Fulkaano ka qarxiya .
Jaceylka waa Cudur , Guurkana waa Caafimaad , Cudur iyo Caafimaadna meel ma wada kulmaan

Jaceylka dhabta waa sida Catar ama Barfuun oo raadkiisa ama caraftiisa iska taagan tahay oo aan baaba`eyn waligiisa.
Jaceylka waa abuur dareen oo dabiici ah oo uu qofi qof kale ugu gudbiyo aragti, hadaan si kale u dhigana Jaceylka waa hanasho waa jamasho waa hiloow.
Jaceylka waa mid ka mid ah xalaadaha ugu weyn aduunka kaasi oo qofka qof kale u soo jeeda si ay u garaan wada noolaasho .
Ma ah Jaceylka in aad ku tiraah qofka wana ku jeclahaya balse waa in uu lahaada ficil oo la qaadaa talaabooyin si ugu dambeeyntii loo gaaro dhadhaminta macaanka nolosha lagu askumay Jaceylka dhabta ah .
Qofka wax jeclna waxa uu sameeyaa inta karaankiisa sidii uu soo jeedin lahaa nafta kale isaga oo ku saleeynaya dareemo ah in ay wada yihiin hal naf , hal caqli , hal gacan , hal jir iyo hal urur

Macnaha Jaceylka ma ah mid lagu soo koobi karo maqaal ama laba maqaal laakiinse waan filiyaa in nuxur badan ama macno badan aad kala bixi doonin .
Calaamadaha Jaceylka:

Inkastoo qof waliba oo uu soo maray Jaceyl dhab uu u leeyahay calaamado gaar ah hadana inta badan waxa la isku raacay calamadahaan Dhidid fara badan, farxada la`aan , Fikir xad dhaaf ah , dhibsiga hadalada dad kale , in si weyn ugu oomanaato in lagaaga sheekeeyo qofka aad jeceshahay(gabar ama Wiil) iyo in aad aragto muuqiisa , cunnada oo ka xeranta , iyo waliba aqrinta sheekooyinka la xariira Jaceylka .
Wax Yaabaha Jaceylka Sara U Qaada: daacadnimo . adkeeynta balanta, ihtimaam siin ama daryeel, Runta , kalsooni

Wax Yaabaha Jaceylka Bur Buriya:Qiyaanada waa mid ugu horeeysa ee ugu weyn in uu bur buro Jaceylka , Beenta iyana waa qeyb ka mid ah sababaha keena fashilka Jaceylka, Balan la`aan , in aadan daneyn qofka Jaceylka kaala dhaxeeyo , iyadoo Mowjadaha Jaceylka aad qof kula jirto in aan meel kale isku dayin in aad gasho taasi micnaheedu wa Damac qof kele.
Haddii aan Xaraf xafar ukala qaadno Jaceylka Soomaali ahaan waxa aynu u dhigi karnaa J(Jahwareer) A(Amakaag) C(Calaacal)A(Ahmiyad) Y(Yaab) L(Luul) dhanka Carabta erayga (EiKC ) waxa ay u dhiagaan sida EiKEI waxa ay u taagan tahay Wareer halka EiCEI-na un taagan taagan tahay Cudur

Erayga Jaceylka Ciyaar ma in aad ku dhawaaqdo waxaase asxaabta maqaalkaan fursad u hesha in ay aqristaan ku boorinayaa iyadoo aan Jaceyl hayn in qof kale ku yiraahdaan waan ku jeclahay iyadoo suura gal ah in qofka aad ku leedahay waan ku jeclahay uu dhab u qato ugu dambeeyntii cidlo uga tagto .
Ubaxu Waa Luqada Jaceylka
Dadka is jecel ee Duinada ku nool waxa ay leeyihiin habab u gaar ah oo ay ku muunjiyaan Jaceylkooda iyo waxa ay rabaan .
Tanina waxa ay tahay luqad u gooni ah oo uusan fahmi karin qof aan dhadhamin waxa uu yahay Jaceylka mooyee iyadoo luqadaasina ay tahay Luqadda Ubaxyada oo ka mid ah luqadaha ugu fiican Aduunka

Hadaba Haddii Laanta Ubaxa u janjeerto dhanka Midig micnaheedu waa (Aniga ) .
Haddii ay u janjeerto dhanka Bidix micnaheedu waa (Adiga)
Hadii Ubaxa laguugu soo dhiibo gacanta Midig waxa ay ka tarjumeysa jawaab wax ku ool ah oo lagu farxo haddiise laguugu soo gudbiyo Bidix waxa ay muujineysa jawaab aan fiicneyn oo aan wax ku ool aheyn.
Haddii Haweeneydu laanta ubaxa saarto wadnaheeda korkiisa waxa ay dooneysaa in ay tiraahdo “Waxaan jeclahay”

Haddii haweeneydu Ubaxa ku tidicdo timaheeda waxa ay taasi ku tuseeysaa Digniin .
Midibada Ubaxa iyo micnaha ay xanbaarsan yihiin .
Midibka Gaduudka Micnahiisa: Aniga waxaan diyaarinayay maalmihii mar kale aynu wada kulmi laheyn

Midibka Gaduudka Buuxa Micnahiisa: In Badan ayaan ku weysanaa.
Midibka Jaalaha Micnahiisa: Run ayaan kuugu dhaaranayaa waan ku jeclahay .
Midibka Cadaanka ah Micnahiisa:Waxaan aamisanahay hufnaantaada iyo ceeb la`aanta waxaana dhowrayaa dhowrsanaantada.
Midibka Oranjiga ah Micnihiisa: Waxaan ahay saaxibkaaga daacadda ah .
Midibka Maariinka micnihiisa:Waxaan kuu rajeeynayaa guul iyo barwaaqo.
Midibka Baluuga:Waan ku bar bar taaganahay inta aan ka dhimanayo .
Tirada Ubaxyada iyo micnahooda

1-Halkii Ubaxa Ah: Wax waliba waa ii Adiga .
2-labada xabo ee Ubaxa: Ina keen aynu wada safarnee .
3-sedexda Ubax: koorma ayaan awoodaa in mar kale aan kuula kulmo.
4-afarta xabo :Waan kuu mahad celinayaa .
5-shanta Ubax: Wax walab oo aad iga codsato waan sameynayaa.
6-lexda Xabo ee Ubax: Sheekadaada ama hadalkaada ayaan u xiisay .
7-todobada Ubax :waan ku Jeclahay .
8-sedeeda xabo ee Ubax :daacad ayaan kuu ahay inta aan ka dhimanayo.
9-sagaal Ubax:waxaan rabaa in aan kaligey ahaado xagaada .
10-Tobanka Xabo ee Ubax: Ma Dooneysaa in aad i guursato Aniga .
Dhambaaol Jaceyl oo kooban :

1-Nafyaheey degtay oo qabsatay qalbikeyga iyo maankeyga xukuntayna guud ahaan dareemaheyga , waxaan kuu soo dirayaa fariintaani xanbaarsan uduga Jaceylka iyo ubaxyada aduunka

Jaceylkeygaay waxaan ogaaday in Jaceylku Macaan yahay noloshana macno leedahay taasina waxa ay timid markii aan ku jeclaaday’Isaqaali

Jaceylkaaga qalibigeyga waa uu ku kobcay iyadoo haatan uu gaaray in aan maxbuus u noqdo Jaceylkaasi

Jaceylkeygaay waxaan xanbaarsanahay guud ahaan wax walba oo is burinaya oo liddi isku ah ee dunida yaal oo ah Rajo , Quus , Faraxad iyo Murugo waana ku faraxsanahay Jaceylkaaga

Waxaad iga soo bixisay nolosha murugada iyadoo Jaceylkaada uu i keenay oogada dhulka oo aad igu dhandhansiisay faraxda Jaceylka

Xabiibi kaama qarinayo in wadnaheygu ama qalbikeygu ahaa saxaro lama dagaan ah balse Jaceylkaada ayaa iiga dhigay beer doog leh oo uu Jaceylkaada waraabinayo

Xabiibi waxaan doonaya in aan ku qayliyo cod kan ugu dheer , waxaan doonayaa in guud ahaan waxa Qalin iyo warqad taal dunida in aa ku qoro Jaceylkada

Waxaan fariintaani ku soo qorayaa guud ahaan xarfaha Jaceylka oo aan ku soo qorayo dhiigga Qalbikeyga , haddii aan kuu soo qoro erayda kuwo ugu mac ee Jaceylka ma gudi karo xaqaaga , waxaan wadnaheyga ku wadaa wax walba oo uusan qof fileyn hadii aan dadka gabya kuwa wax qura u micneyn lahaana Jaceylka aan ku qabo mucjiso ayay ku noqon laheyd

Dhambaalo Jaceyl :
Macaanto, Waxaa ii tahay ileys ii baxay waxaa sidoo kale ii tahay Jaceyl aan marna Laabtayda ka go’i karin,Waxaa habeen iyo Maalin Gacaliso i hor taagan waa adiga iyo Riyadaada,Macaaneey Waxaan habeen iyo Maalin igu soo kordhaya waa Jaceylka aan ku qabo.

Walaahi Dareenka aad jirkeyga ku leedahay waa mid aan lasoo koobi karin,Laakiin waxaa mararka qaar niyadeyda ku dhistaa in aan Maalin un ku heli doono,Macaaneey la soco in aad nolosheyda gelisay Saaxada Caashaqa oo aad adiga mooyee aysan rabin cid kale

waxaan maanta halkan inoogu soo gudbin doonaa geeraar jacayl ah oo aan u tiriyey mid ka mid ah hablaha reer Mugdisho’taas oo aan is leeyahay ma jiro qof dabeecad hadii ay tahay habdhaqan hadii ay tahay iyo qurux hadii ay tahayba wuu ka horeeyaa. soomaalidu waxay ku maahmaahdaa sugaantu iskama timaado ee sabab ayey ku timaadaa waa run oo geeraarkan waxaa iga keenay waa wax maskaxdayda ka yaabiyey qof walbana waa dareemi karaa sababta oo ah waxay indho arkaan ayey ilakaha gooyaan haba akhristaw waakan ee dheeho waxaa la yidhaahdaa geeraarkan “Isaqaali”

ilaahay markii uu binu aadanka abuuray qof walba wuxuu siiyey dareen uu dadka kale kaga duwan yahay ha ahaado,fulaynimo,geesi nimo,deeqsi nimo,raganimo,dulqaad, beer jileec, naxariis i.w.m.

waxaa jira dad badan oo ilaahay kala duway aragti ahaan sabaabta oo ah jacaylku maaha wax qofku iska keeni karo ee waa dareen dabiici ah oo ku dhasha qalbigiisa kaas oo u horseeda naxariis iyo degenaan noloshiisii horena bedela.

waxaa badanaa qofku marka jacaylku hayo is weydiiyaa ma hanan doontaa oo ma heli doontaa qofka aad dunida ka jecelaatay laakiin xisaabta kuma darsado ma mari doontaa dhibaatada iyo imtixaanka jacaylku uu leeyahay, lakin wan soo’marey aniga hada’neh waxan alla ka’barina in aan helo dheeftiisa

dadka lama amaanoo been looma sheegee”
Isaqaali’ naftaydiyo dadka taan ka doortaay”
xuural cayn la moodyey xiligaan isbaranaad
xididada jidhkaygiyo dhiigayga raacdee”
Isaqaali’ naftaydaay hadba waxaan riyoodaa inagoo aroosoo aqalkeena laga tumay.
dadka lama amaanoo been looma sheegee”
Isaqaali ‘ naftaydaay waxaad iila dhigan tahay
xidigaha habeenkiyo ruux uu ilaahay u dhameeyey quruxoo xaragadu u dheertahay”
Isaqaali naftaydaay hadba waxaan riyoodaa inagoo aroosoo aqalkeena laga tumay.
dadka lama amaanoo been looma sheegee
Isaqaali’ naftaydaay waxaad iila dhigan tahay
sidii roob kaliileed ka hilaacay hawd sare saameeyey dunidoo dadku ay sugaayeen”
Isaqaali’ naftaydaay waxaad tahay qofta aan u noolee marna aan ka maarmayn”

wow wow wow
waxaa idiin soo diyaariyey inankii da,da yaraa oo ilaahey usiiyey khibrad iyo aqoonba u leh qorsita sheekooyinka waana abwaanka da,da yer tallow waa qofkee
waa ismaan cabdi’ilaah hamuud ismaan cadde

wixii faafaahin ah kala xariir ismaan adde inanka da,da yer emailkiisa
ismaan_cadde@msn.com

2 Comments

  1. Side lagu garta qof jaceyl hayo

  2. waa i cajabyay walal warbixinta ku daabacan webkaan , anigoo jooga magaallada asmara
    waxaan idinku salaamayaa salanta islaamka asalaamu calaykum.

    thank you


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: