Sow Somali ma ahi umadda kale maxey I dheeryihiin


Qisadaani waxey dhaxmartey lamaaniyaasha lagu kala magacaabo jamiila iyo haaruun
Jamiila waxey ku nooleyd magaalada muqdisho gaar ahaan xaafadda waaberi waxeyna aheyd gabdhaha ka iibiyaha suuqa bakaaraha shaahi mise waxey aheyd shaahiley

Haaruun wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo xiligaasi ku jirey wax barasho wuxuuna wax ka baran jirey school ka mid ah iskuulada ku yaala magaalada muqdisho
Jamiilo waxey aheyd gabadh aad u quruxbadan oo la dhihi karo gabadh ka quruxbadan ayaa jirto hadii ay dadka maqlaan quruxdeeda iyo shaqadeeda koley hadalbey gelinayaan laakiin shaqadu ceyb ma ahan ma aysan aheyd cid ladan si ay nolol maalmeedkeeda uga hesho waxey iibin jirtey shaahi
Balse waxey aheyd gabadh aad u sharaf badan oo ilaahey uu siiyey wanaag asluub dabeecad intaba
Haaruun khamiis kasta wuxuu imaan jirey bakhaar ku yaalo meesha ay jamiila shaahiga ay ku iibiso
Haaruun waxaa soo jiitey quruxda gabadhaani markuu imaado suuqa bakaaraha meel kale ma uusan aadi jirin waxaa uu inta badan shaahi ka cabi jirey jamiila
Haaruun waxaa uu aad ula dhacay gabadhaan kaftankeeda iyo habka wanaagsan ay dadka ula macaamileyso aad bey u soo jiidatey
Laakiin haaruun ma aheyn dadka u dhuun daloola mise jaceylka aaminsanaa balse waxaad modaa inuu damac soogaley
Haaruun wuxuu khamiis imaadaba goobta jamiilo markii danbe wuxuu isku dayey inuu galab xitaa uu soo booqdo
Waxaa la Is dhaafsadey kaftan iyo sheeko caadi ah
Haaruun ayaa yiri asigoo la kaftamaayo jamiilo
Abaayo adigoo raali ah magacaaga ma ii sheegi kartaa waxey ku tiri waxaasi waa caadi magaceygu waa jamiila
Masha Allah qofkii kuu bixiyey meel cidlo ah iskagama bixin wallee waad u qalantaa yaa kuu bixiyey magacaan
Waxey ugu jawaabtey waxaa ii bixiyey aabaheyga
Waxaan filayaa markuu arkey quruxdaada ayuu kugu yeerey magacaaga ma jamiilo mise waa naaneystaada
Maya aboowe waa magaceyga
Anigana abaayo waxaa la I dhahaa haaruun barasho wanaagsan
Jamiilo Kama gaarto hadal badan waayo waa qof marba meel looga yeeraayo cidi ka dalban laheyd shaahi mise liin banbeelmada la miiro
Waxey aheyd gabadh aad u macaamiil badan
Oo xitaa meel meeshada ka dheer looga imaan jirey
Haaruun oo la yaaban sida ay jamiilo u dad badantahay ayaa waxaa uu durbadiiba naftiisa u sheegey
Quruxbadnaa tani oo kale shaahi gaditaan kuma fiicneyn
Xili ay soo laabataba wuxuu ku tuuraa kaftan
Haaruun wuxuu weydiiyey meesha ay uga imaado bakaaraha yacnii meesha ay degantahay waxeyna u sheegtey iney degantahay waaberi
Haaruun waa uu laabtey wuxuuna u jiheystey gurigooda
Laakiin haaruun gabadhaasi si aad ah buu uga heley
Wuxuu galab kaste imaadaba waa la isbartey waa la is kaftan bartey heer waxey gaareen xitaa la isku xanto laakiin waxba Kama dhaxeynin
Haaruun ayaa waxaa uu kacodsadey ineysiiso taleefoon numbar hadii uu ahaan lahaa mobile mise Kan guriga
Waxaana la kala qaatey numbarkii haaruun wuxuu ka gaabiyey imaanshaha meesha wuxuu kula soo xariiri jirey taleefoon
Jamiilo waxey la yaabantahay sida uu wiilkaan uu u daneynaayo habka wanaagsan uu u sharfo iyo sida wanaagsan uu u xariiriyo markasta
Galab galbaha kamid ah haaruun wuxuu go,aan ku gaarey inuu u sheegto inuu jecelyahay uu ka heley uusan awoodin halahaan ka badan uusan ka aamusnaan karin wuxuuna la tashtey saaxibtiisa khaaska ah oo lagu magacaabo xamdi wuxuuna u sheegey sida ay wax u jiraan
Xamdi waxey aheyd gabadh uu ilaahey siiyey caqli ma eysan dhihin maxaad ku faleysaa gabadh shaahi gadeyso
Waxey ugu jawaabtey
Aboowe haaruun niyadu meeshey rabto ayuu qalbiga ku nagadaa koley nafsadaadaba hadey ka heshey waxaan ku dhihi lahaa u raadi naftaada meesha ay ku qanacsantahay aboowe una tag u sheego inaad jeceshahay
Haaruun waxaa uu wacey jamiilo
Wuxuuna ku yiri hello jamiilo ii waran abaayo macaan
Haaruunow aboowe waan ladanahay ka waran ehelka
Aad bey u ladanyihiin
Inyer ayuu ka aamusnaadey haaruun
Jamiilo ayaa ku tiri haaruun aboowe dhib miyaa jiro maxaa kugu dhacay maad hadashid lacag ayaa kugu socotee
Dhib malahan abaayo dhibaato ayaa ILA soo gudboonaatey marka si aan kugu sheego ayaan fahmi la, ahay
Maya aboowe ii sheeg aniga hadii aan adiga wax u qaban yaa kaloo kaa wanaagsan aan u qaban lahaa ii sheeg maxaa dhacay
Jamiiloy dhib male ma dhicinee nolosheyda ayaa lagu soo siyaadey marka culees ayaa isaaran culees kaasna adiga oo kaliyah ayaa dejin karo hadii aan runta kuu sheego aniga si xad dhaaf ah ayaan kaaga heley xitaa ka helitaan ley ma ahan ee hadii aan ku dhaho ka waran jaceyl ayaan kuu qaadey ma iga aamineysaa in muddo ah ayaan la dhitinaayey waan isheyn waayey marka sidaas awgeed ayaan cawada isu soo bandhigey abaayo waan ku baryaa waxaad tahay gabadhiii ugu horeysey aan ka helo oo aan u qaado jaceyl marka nafsadeyda ii badbaadi qalbigeyga ayaa kuu baahan koley waxaad tahay ruux qalbi leh
Jamiilo oo yaaban oona garanweysey waxa ay ugu jawaabto ayaa waxey ku tiri aboowe aniga iyo adiga isuma qalano waayo adiga waxaad tahay ubax soo baxaayo waxaad tahay qof wax barasho ku jiro misena aqoon leh anigana waxaan ahay gabadh shaahi iibiso hadii aan ku dhaho waan kaa aqbalayaa waalidkaaga kuuma ogolaanayaan gabadh shaahi gado marka xumaan ha ii arkin ma jiro qof adiga kaa wanaagsan oo lala wadaagi lahaa jaceyl waan ogahay jaceyl wuxuu yahay marka hana umaleyn inaan qalbiga kaa jabinaayo
Haaruun ayaa wuxuu ku yiri adiga afaarahaas ka bax ee teyda oo kaliyah ii yeel nafteyda aniga ayaa xukumo jaceylkeyga oo kaliyah ayaan u jedaa aabe iyo hooyana gabadh aan u keeney waxey rabto ha ahaatee uma maleynaayo iney iga diidayaan ee adiga ley halmar ii noqo gacalisadeyda aan kaa dhigto nafteyda
Jamiilo ayaa waxey ku tiri ok hadey saas tahay dhib malahan wax walbo wey hagaagayaan ee niyadda kheyr u sheeg anigana kaama dheeri aboowe macaan
Habeenkaasi waxey u aheyd haaruun habeen habeenadii uu soo qaatey uga duwanaa waa habenkii ugu farxad badnaa
Haaruun xili kaste waxaa uu la xariiri jirey qoftii uu hanantey jaceylkeeda
Jamiilo wiilkaan aad buu u soo jiite waxeyna u qaadey jaceyl aad u baxaad weyn markaste waxey tiraahdaa haaruunow horey ii soo mar galab kaste si aan aragaaga u doogsado jaceyl aad uweyn bey u qaadey run ahaantii
Waxaa la kulmaa jimco kaste madaama ay eysan heynin fursad kale waayo todobadkii oo dhan wey shaqeysaa ilaa aan ka aheyn maalinta laga harsanaayo shaqada waa maalinta jimcaha ee
Waxey ku tiri haaruunow ma isla heyn jaceyl baa ku qaban doona waxaan iska bartey raggan la kaftankooda kiisa weyn iyo kiisa yer
Waxaan ka baqayaa jaceylkaan aad igu abuurtey inuu igu keli noqdo
Maya jamiilo sidaas ha dhihin aniga marna lagama yaabo inaan ku cidleeyo asigoo dhabteeda ku jiifo oo ayadan madaxa u salaaxeyso aboowe labo is jecel hadey arkaan dadka sidii ay ku kala goyn lahaayeen ayey ka taliyaan ee adiga igu kalsoonow waayo aniga waxaan ahay gabadh shaqeysato oo haddana meel munaasib ii aheyn ka shaqeyso marka sidaas darteeda yeysan na soo dhaxgelin caqabad
Maya abaayo mardhow shaqadaani waad iska dhaafeysaa dhib malahan inta aan ka dhameynaayo dugsiga sare ley igu sin
Waxaa sidaasi lagu wada socdey muddo sanad iyo bar ah
Haaruun jimco kaste marka uu utagaayo gacalisadiisa wuxuu ugeyn jirey hadiyad oo kala duwan
Haaruun markuu dhameystey dugsiga sare wuxuu hooyadiisa iyo aabihiisa u sheegey inuu gabadh jecelyahay uuna rabo in loo aroosiyo
Waalidkiisa Kama diidin waxaa lagu yiri dhib malahan wiilkeeniyow tii aad rabto keenso laakiin ogow inaad dhiganeysid jaamacadda
Hooyo waa balan waan dhiganeyaa taasi aniga ayey ku jirtaa mustaqbalkeyga si aan u yeesho mustaqbal aan adinkana idinka dulqaado culeyska
Hooyo ayaa ku tiri gabadh maad inoo keentid si aan u aragno
Haaruun ayaa wuxuu la Hadley jamiila wuxuuna u sheegey inuu u sheegey waalidkiisa ayna ka ogolaadeen wuxuuna ku yiri waxey iga codsadeen inaan ku tisiyo sidii caadada aheyd waxey balameen maalinta jimcaha ah
Waxaa la gaarey xiligii balanta jamiilo oo markii horeba ilaahey siiyey qurux ayaa maalintaasi aad u soo bandhigtey quruxdeeda aad bey u soo labisatey haaruuna Kama yareysan
Waxey timid jamiila gurigii haaruun asigoo uu horsocdo haaruun
Waxaa loo soo dhoweeyey si aan caadi aheyn aad bey ula dhaceen haaruun waalidkiisa
Haaruun hooyadiisa waxey ku dhahdey haaruunow hooyo gabadh tan ka fiican maba ku soomari laheyn ee mardhow ayaa laguu aroosinaa ee gabadha waalidkeeda nagu xir
Jamiilo waxey u sheegtey iney la nooshahay waalidkeeda kuligoodna ay joogaan
Waxaa la gaarey xiligii ay bixi laheyd waxaa si wada jir ah u soo dhaweeyey haaruun iyo hooyadiisa
Markii uu ka soo laabtey ayaa haaruun hooyadiisa waxey weydiisay gabadh meesha uu kabartey iyo waalidkeeda waxey qabtaan
Haaruun ayaa wuxuu ka codsadey hadii uu u sheego in wax carqalad ah lagu abuurin jaceylkiisa
Wuxuuna ku yiri hooyo jamiilo waalidkeeda waa cid iska tabaaleysan ayada ayaa shaqeyso waxeyna ka shaqeysaa goob shaahi
Hooyo wax dhashey koley waad dareemi kartaan ma eysan eegin shaahi iyo waxyaabo la mid ah
Waxaana loo sheegy haaruun aabihiisa asna sidaas oo kale kama diidinee wuxuu eegey wiilkiisa jaceylka heeyo hadii loo diidana uu hadhow dhibka imaandoona
Haaruun ayaa wuxuu ku yiri haaruun
Aabe gabadh aad jeceshahay yey u dhalatey
Haaruun wuxuu ku yiri walaahi aabe weligey maweydiin qabiilkeeda laakiin hadda ayaan weydiinayaa
Dhalinyarada somali sida aan aaminsahay malahan cid isweydiineyso qabiil xiliga isbarashada waxaad arkeysaa wiilka iyo gabadh oo si aad ah isu dhaxgaley oo hadana qofba qofka kale oo haddana garaneynin qabiilkiisa qof weliba wuxuu fiirsadaa jaceylka uu qofkale uu qabo
Habeen habeenada kamid ah ayaa wuxuu ku yiri jamiilow suaal ayaan rabaa naan kuweydiiyo inkastoo aysan aheyn munaasab madaama aan isla wadaageyno mustaqbal
Yaad u dhalatey aabe ayaa suaashaas igu xujeeyey marka si aan ugu sheego ii sheeg
Waxey ku tiri waxaan ka dhashey qabiil ay somalida aad u yesto
Adiga waxaasi iska daa ee ii sheeg wax la yasho malahanee dadkaas jaahiliinta ah warkooda iga dhaaf
Waxaan ka dhashey tumaal
Haaruun aqoon umalahan qabiilkaasi asiga marka loo sheegey wuxu ku yiri aabo ayaa iga sugaayee mardhowna waan caqal galeynaa sidaa ula soco kadib sheeko iyo kaftan
Jamiilo cabsi ayaa la soo deristey waayo wey ogtahay in Somalia lagu yeso qabiilka ay ka dhalatey sidaas darteeda waxey u cabsatey iney jaceylkeeda weyso
Inkastoo haaruuna uu ka dhashey qabiilada awooda ku leh Somalia
Haaruun wuxuu usheegey aabihiisa wuxuuna ku yiri aabe gabadha waxey ka dhalatey qabiil la dhaho tumaal mataqanaa
Intuu ka aamusey ayaa wuxuu ku yiri tan miyaa ii danbeysey haddana ma tumaal ayaad ii jeclaatey oo weliba rabtaa inaad xaas ka dhigato haddaba I dhageyso taasi haku fekerin ee waa habeenkii xaley tagey hadii aad naag rabtid aniga ayaa kugu daraayo
Waxaana kugu daraa gabadhii uu dhaley adeerkaa oo joogtey mareykanka
Haaruun oo yaaban wuxuu ku yiri maxaa dhacay maxaad ku diideysaa qabiilkaasi muxuu ceyb leeyhay bal ii sheeg
Wuxuu ku yiri waa dad nasab dhiman ee sidaas ula soco gabadhaasi gurigeyga hadi aan ku arko iska jir naftaada halis hagelinin warkaasi iga xir
Haaruun waxaa la soo gudboonaadey murug haaruun waxaasi oo dhan war umaheeyo shaqadiisa ma ahan wuxuu u tagey saaxibtisa wuxuuna u sheegey waxa jiro oo asiga iyo aabihiisa dhaxmarey xamdi waxey kula talisey inuu yeelo talada waalidkiisa waayo waa waalidkaada gabadhna waalidkaaga ha uga go,in
Haaruun jamiilo ayuu ka codsadey iney kulmaan sida ugu dhaqsiyaha badan uusan awoodin inuu sugo jamcaha
Kama diidinee wey ka ogolaatey maalintaasi jamiilo shaqada wey ka hartey madaama gacaliyaheeda ku amrey
Wuxuuna u sheegey jabkii uu kala kalmey jamiilo wey isheynweysey oohin ayey la dhacdey waayo waxey u qaadey jaceyl waxeyna tiri
Sow Somali ma ahi umadda kale maxey I dheeryihiin
Haaruun kuma qanacsaneyn laakiin waxaa ka awoodweynaadey waalidkiisa
Haaruun aabihiisa ayaa durbadiiba walaalkiisa la Hadley kuna yiri
Ka waran hadii aan isku darno wiilkeyga iyo gabadhaada waayo wiilkeyga wuxuu rabaa gabadh nasab dhiman inuu guriga ii keeno
Haaruun asigoo waxba ka warheynin ayaa korkiisalagu tashtey
Haaruun ayaa loo wacey waxaana loo sheegey in lagu mehrin rabo gabadhii adeerkiisa
Wuxuu isku dayey inuu diido balse waxaa loo soo taagey labo far
Mid waa duco midna waa habaar
Sidaa darteeda wuxuu qaatey midii ducada aheyd
Sidaas ayuu ku guursadey gabadhii uu dhaley adeerkiisa
Jamiilo maskiinta cidna uma maqna ceelna uma qodna
Jamiilo muddo bil ah ayey la jiiftey jahwareer jaceyl iyo niyad jab
Haaruun waxaa u timid gabadhii lagu mehriyey wuxuuna galey aroos asigoon niyad u heynin waana loo soo dacwoodey sidaas ayaa waxaa lagu geeyey mareykan America
Balse jamiilo waxey dib isaga laabatey shaqadeeda ayadoo aad isu bedeshey kana sabartey somalida oo dhan waxeyna ku calaacashey
Hadiiba ay kii ka dooratey ragga oo idil meesha uu ugu tagey ma mid kale I golonaaayo ayaa jiro
Jamiilo waxaa ka war heley maxamed oo ahaa ganacsade ka shaqeysta inta u dhaxeysa muqdisho iyo baydhabo wuxuuna wax ka weydiiyey waxa ku dhacay sida ay u dhaceen weyna uga sheekeysey
Runtii maxamed aad buu uga xumaadey asigoon dhinac kale eegin maalintaasi maalintii ka danbeysey wuxuu ka codsadey iney u ogolaato inuu wax u qabto
Waxey ku tiri aboowe aniga Nin danbe marabo ee hadii aad walaaltinimo rabto soo dhowow
Maxamed wuxuu isku dayey inuu ka keensado jaceyl laakiin qalbigaasi kuma yaalo
Waayo qalbigu waa muraayad oo kale mar hadii uu jabo wey adagtahay sidii lagu soo celin lahaa
Wuxuuna ka codsadey inuu baro waalidkeeda weyna bartey
Wuxuuna uu waalidkeeda u sheegey inuu gabadhooda rabo balse aysan ayada Rabi ay ku xirey arin horey ugu dhacdey darteeda balse waalidkeeda waxey ku yiraahdeen gabadheena daraad ayaa meel cidlo ah looga tagey adiga iyo kaasi maxaa is dhaantaan bal ii sheeg gabadheydu waa tumaal ee sidaas ma ula socotaa wuxuu ku yiri
Ilaahey aktiisa cidda ugu sharaf badan mataqanaa oo lagu fadilo waa ninkii taqwada ilaahey heysto marka aniga iyo ayada laga yabaa hadey la timaado taqwada ay ilaahey aktda sharaf igaga yeelato marka ii ogolaada oo kaliyah ayada aniga ayaa ka dhaadhacinaayee aad bey u soo dhoweeyeen
Jamiilana madaama ay waalidkeeda la dhaceen ayadana wey ka ogolaatey sidaas ayey u noqotey xaaskii maxamed loona dhigey aroos aad u balaaran
Talow haaruun intee uu ku danbeeyaa bal aan u soo laabano haaruun
Haaruun markuu tagey ameria waxey is fahmi waayeen gabadhii la siiyey kadibna sidaas ayey ku kala tageen wuxuuna ka tagey gobolkii ay joogtey oo idil sidaasna ayuu ku furey
Jamiilana maanta waxaa la leeyahay hoooyo

Waxaa idiin diyaariyey
Mr Qalbijaceyl
wixii faafaahin ah kala xariir
qalbijaceyl11@hotmail.com ama
ilahano@hotmail.com

1 Comment

  1. Частный электрик выполнит электротехнические работы:

    * Замена электропроводки в квартире;
    * Установка внутренней электроточки в бетонной/кирпичной стене, гипсокартоне ;
    * Установка внутренней розетки после монтажа;
    * Установка распаячной коробки в бетонной/кирпичной стене;
    * Установка накладной электроточки (розетка, выключатель);
    * Установка сетевой розетки на электрическую плиту;
    * Монтаж электрокороба;
    * Укладка гофры;
    * Укладка трубы ПВХ;
    * Установка клемной группы;
    * Штробление стены под проводку (бетон/кирпич);
    * Укладка силового провода, TV кабеля, телефонного кабеля, сетевого кабеля для компьютера;
    * Установка телевизионного краба;
    * Замена автоматов защиты;
    * Установка накладного/внутреннего электрощитков;
    * Подключение силовой, TV и телефонных линий в щите;
    * Сверление сквозных отверстий в стенах;
    * Установка звонка и кнопки звонка;
    * Установка светильников точечных;
    * Навеска люстр, бра, светильников;
    * Подключение и установка вентилятора;
    * Демонтаж электропроводки, розеток и выключателей, телефонного, телевизионного и силового кабелей и светильников;
    * Поиск неисправностей, перегоревших проводов и устранение неисправностей;

    Наш сайт

    Также предоставляем услугу Муж на прокат:
    Муж на прокат — популярный и универсальный сервис комплексного обслуживания.
    Мастера фирмы “Крицкий-СПД” оперативно и качественно проведут бытовой ремонт в жилых, офисных и прочих помещениях, окажут услуги в следующих популярных видах работ: сборка и ремонт мебели, установка замков, ремонт сантехники, установка унитаза, установка стиральной машины, выполнят другие необходимые работы.
    Муж на прокат – удобный и выгодный сервис, который поможет вам разрешить различные проблемы связанные с бытовым ремонтом.
    Убедитесь в этом сами!
    На все услуги категории Муж на прокат предоставляется гарантия.

    Выезд по Киеву и области

    Телефоны для связи: 0-(44)-360-85-97, 0-(99)-759-09-79, 0-(67)-130-25-71


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: