Taariikhda atariishada rani (ismaan cadde )



Aktaradda Rani Mukharji waxey Ku dhalatay dalka Hindiya Sanadkii 1978, waxey kasoo jeeddaa qoys asalkiisa yahay Bagaldesh, Qoyskaas oo taariikh weyn ku leh aflaanta Hindiya sida Aabaheed oo ah Soo saare ama director howlgab ah haatan waxuuna hore u aasaasay shirkad sameysa aflaamta oo la yiraardo Filmilaya Studios, Rani Hooyadeed oo lagu magacaabo Kirishna waxey aheyd heesaa qaaddo heesaha aflaamta, Rani walalkeed Raajaa Mukerji waa soo saare filimada, Rani ayaa sidoo kalena waxey ilmo adeer yahiin aktaradda caanka ah Kajol.

Rani waxey baratay ciyaarta dhaqanka hindida oo lagu magacaabo Odisi oo ay ku bilaado Markey dhiganeysay iskuulka iyadoo yar waxey sidoo kale baxday college lagu magacaabo Mithibai oo ku yaalo magaadla Mumbai.

Inkastoo ay hore usoo sameysay Rani filimaan badan oo Bengali ah hadana wali boos fiican iyadoo anan ka helin Bollwood ayay marqura soo baxday sanadkii 1998 ayay filimkeedii ugu horeeyay oo aay kusoo shaacbaxday la dhigtay Jilaaga Aamir khan, filinkaas oo la oran jiray Ghulam, laakiin guushii ugu weyneed oo ay Rani ugu soo baxdo aflaamta Bollywood iyadoo cusub ayaa aheyd markii Director-ka lagu magacaabo Karan Johar u xushay inay wax ka matasho filinkiisii caanka ahaa “Kuch Kuch hota Hai” uu aktarka ka ahaa Shahrukh Khan, ayna la jilaysay sidoo kale Kajol, waxaana filimkaas uu Rani u noqday mid ay ku hesho abaalmarinta Filmfare ee atriishada labaad iyadoo waliba markii soo baxday.

Rani iyo Shahrukhan oo wada ciyaaraya

Aflaamtii ay sidoo kale caanka ku tahay Rani ayaa ka mid ahaa filinki lagu magacabo Chori Chori Chubke Chubke oo ay wada jilaayeen iyada Jilaaga Salman Khan iyo waliba Preity Zinta filinkaas oo ay Rani Mukerji mataleysay doorka ah in ay tahay Xaaska Salman Khan laakiin xanuunsan oo aanan qadi Karin uur, waxaana ku xeriiray dhibaato oo ah odayga dhalay Salman Khan oo uu matalayay Amrish Puri oo ay somalida u yaqaanaan Saalimaseey waxuuna u galayaa Rani Iyo Salman khan asigoo ku haysta inay u dhasho wiil uuna jecelyahay inuu arko caruurta wiilkiisa taasoo nabar ku noqotay Rani maadaama odaygaasi uu islahaa waa ma dhasho balse sidaas darteed Ay Salman Khan iyo Rani ay ku heshiinayaan inay duqa siraan maadama ay isjecelyahin uuna u dhalo cunug iyagoo ku heshiiyay inuu naag kale la saxiixdo heshiis si ay ugu dhasho cunug laakiin aysan familka u sheegin oo ay dhahaan anagaa dhalnay kadibna naagtaasi iskaaga tagto si ay u korsadaan lamaanahaan ilmaha, maadaam qoyskooda uu qoyskooda ka doonayo inay dhalaan caruur,, waxaana Salman Khan uula heshiinayaa si ay caruur ugu dhasho ubad Preity Zinta oo mataleysay dumarka jirkooda ka ganacsado oo iskaga jirtay meelaha lagu tunto, uuna siiyo lacago badan si ay iskaaga soo tagto oo ay u dhasho cunug uuku qanciyo reerkiisa, sida inuu dhalay maadaama xaaskiisa ay xanuunsantahay laakiin uusan guursan doonin waxuuna geeyay guriga Rani oo uu qabay si ay u ilaaliyaan, filinkaasi ayaa run ahaantii ahaa mid calool xumo badan iyadoo Rani ay ka qaadatay qeyb libaax qisadaasi yaabka badneyd

Amitabh Bachchan, Rani Mukarji, iyo Shahrukh Khan

Waxaa jira Aflaam kale oo ay Rani ku heshay abaalmarinno sida Veer-Zaara oo ay la dhigtay Shahrukhan iyo Preity, Iyo waliba filinkeedii Black oo ay ku qaadatay Best Actress ama aktaradda sanadkaasi oo ahaa 2005 waxey sidoo kale sameysay aflaam Hollwyoodka mareykana lagu dhigay, aflaamta waayahan dambe ay dhigtay ayaa waxa aka mid ah Om shanty Om oo ahaa filin ay ku jireen inta badan aktarada Bollywood kaas uu u jilayay Shahrukhan., Kabhi Alvida Naa Kehna, Baabul iyo kuwa kale.

Sidoo kale waxa ka mid ah Rani ayaa ah qof aad u niyad wanaagsan kana shaqeysa hay’adaha sadaqada iyadoo lacago u aruuriso dadka gaajeysan iyo kuwa dhibaateysan iyadoo la sheegay inay tahay qof jecel nashadhadda waxey ku leedahay Hindia 3 guri oo waaweyn iyadoo haatana ku sugan dalka Malaysia halkaasi oo ay ku sameyneyso filin.
____________________________________________
waxaa idiin soo diyaariyey inankii da,da yaraa oo ilaahey usiiyey khibrad iyo aqoonba u leh qorsita sheekooyinka waana abwaanka da,da yer tallow waa qofkee
waa ismaan cabdiilaah hamuud ismaan cadde
wixii faafaahin ah kala xariir ismaan adde inanka da,da yer emailkiisa
ismaan_cadde@msn.com

1 Comment

  1. Fuck you man


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: