AFAR SANO AYAAN JACEYL ISLA WADNE HADDANA MA OGI MEEL AY KU DANBEYSO


Waa qiso jaceyl ah waxeyna dhaxmartey lamaano magacooda qariyey bals waxey ku kala noolyihiin laba qaarad oo kale duwan
Wiilka wuxuu ku noolyahay dalka masar halka ay gabadha ku nooshahay dalka mareykan mise America waa qiso dhab ah oo ay ku dhacdey lamaanahaasi

Lamaanahaasi waxey ahaayeen dad aad isu bartey oo ay dhaxmartey jaceyl meeshii ugu danbeeyey
Madaama ay dhalinta Africa iyo dhalinta ku nool qurbaha markaste xiiseeya iney wax wadaagaan laakiin marka danbe ay ku dhamaato xariirkooda fashilitaan taasi oo ay keeneyso kalsooni darada maanta jirta waxaa inta badan la isku bartaa aaladda internetka mise laba qof oo la is baro
Haddaba labadaani lamaane ayaa waxey ahaayeen dad isku bartey aaladda internateka oo midba midka kale soo dhoweeyey kadib sheeko dheer iyo kaftan sidaasi lagu ahaa dad walaalo oo inta badan xariira lagu wada sheekeysan jirey khadka taleefoonka iyo msnka hal iyo habeen
Waxey socotaba walaaltinimada
Inkastoo midba mid kale madaama aad sidaan isugu dheerateen gabadh tan oo kale ka wanaagsan helimeysidee hadii aan u sheegto jaceylka aan u qabo gabadhaani maxaan kala kulmi donaa waayo walaaltinimada dheeraato oo wanaag uu ku jiro inta badan waxey isu bedeshaa jaceyl
Halka ay gabadhana asiga ay ka darneyd oo ayada dhankeeda uu xishood ka jirey ayaa ayadana waxey nafteeda mararka qaar u sheegi jirtey
Wiil kan ka wanaagsan helimeysidee maad u bandhigatid hadana gabadh ayaa tahay ee asiga ayaa wanaagsan inuu la soo hormaro waa sida inta badan gabadhaheena ay aaminsanyihiin ayna ka doorbidaan inta ay sheegan lahaayeen ayaga jaceylkooda ay ka jecelyihiin iney wiilasha la imadaaaaan markahore
Waxeyna aad ugu qanacsaneyd wiilka madaama uu ku noolyahay wadan muslin ah oo hadana carab ah uuna ka wanaagsan yahay kuwa la jooga waa sida ayada iska dhaadhicisey balse laguma wanaagsanaado wadan muslin ah ayuu jogaa iyo mid gaaleed ayuu jogaa hadba waa qofka sida uu iska dhigo waa dhibka maanta yaalo gabadhu waxey ka doorbideysaa wiilka meesha la joogo midka afrika joogo ayadoo u fiirineysa iney haleysan yihin kuwa ka ag dhow aysan galin mustaqbal laaakiin fikirkaasi waxaan aaminsanahay inuu khalad yahay ilaahey umaddisa iskumid kama dhiginee hadba waa qofka sida uu asiga iska dhigo waxaad kaloo ogaataaan
Qof weliba inuu ilaaahey ugu tala galey qofkiisa
Qofka haduu wanaagsanyahay ilaahey wuxuu ku hagaajinayaa mid wanaagsan laakiin hadii uu xunyahay mid xubaa sugaayo haka yaabin inuu kugu soo aado mid wanaagsan
Marka si aad u heshid wax wanaagsan iyo mustaqbal wanaagsan BAL marka hore naftaada toosi oo wadada wanaagsan soo raac
Kadib waxaa is heyn waayey wiilkii wuuna u bandhigtey wuxuuna u sheegey inuu jecelyahay ayna ku beertey jaceyl kadib markuu arkey wanaageeda iyo asluubteeda hadalka macaan
Asigana Kama yareysan marka uu codsigaasi ugu gudbiyey email ahaan
Markey aragtey fariintaasi uu u soo direy ayaa waxey durbadiiba soo qabsatey mobilkeedii weyna soo wacdey waxeyna ka codsatey inuu soo fadhiisto msnka si ay u lafa guraan qoraalka uu soo direy
Waxaana lagu wada kulmey msnka waxeyna ku tiri aboowe waan arkey fariintaada aad baan u la dhacay aniga xitaa waan ku fikiraayey aad baan kuu soo dhoweynayaa majirto cid adiga kaa wanaagsan aan la sameysan lahaa mustaqbal diyaar ayaan kuu ahay inaan kula wadaago jaceyl wanaagsan kadib aqbalintaakeeda
Aad buu ugu farxey wuuna u mahadceliyey madaama ay ahaayeen dad horey u wada kaftimi jirey oo u sheekeysan jirey sheekadii ayaa loo bedeley mid jaceyl ku dheehan waxeyna sidaasi ku dhaqdeen lamaano is jecel laakiin qof weliba wuxuu yahay alla og madaama la iska bartey hawda oo kaliyah uusan ogaan karin midba mid kale wuxuu yahay
Waxaa sidaasi lagu wada socdey muddo sanad ah gabadhu badanaa ma hesho fursad waayo waa qof shaqeeyo inkastoo uu inanka markaste uu helo fursad
Kadib qofba qofka kale waxaa meel la dhigtey balan iyo wacad waxaana la isku afgartey inuu qofba qofka kale u joogo hadalkooda aad uu uwanaagsanyahay laakiin yaa keeni karo hee kalsooni waayo waa dad ku wada nool laba qaarad oo kala duwan
Waxaa sidaasi hawada looga sheekeysanaayey muddo laba sano ah gabadha marka ay ka soo rawaxdo shaqada oo ay xogahaa nasato waxey fariin sms ah u soo direysaa gacaliyaheeda si uu soo fadhiisto msnka kadibna loo wada sheekto in yer baa qoraalka lagu wada sheekeysan kadib waxaa la isleeyahay si aan codkaaga ugu raaxeysto imaqalsii codkaaga waxaa sidaasi lagu sheekeysanayaa muddo saacadooyin ah kadib qof weliba wuxuu isku tuurayaa sariirtiisa ilee xaley oo dhan ayaa la dhafraayey
Waxaa la noqdey heer sare hadii la tilmamaayo jaceyl waxey mudnaayeen in ayaga oo kale loo soo qaato tusaale laakiin horey ayaa waxaa loo yiri laba kala baridey kala warla,

Qisado aad bey u dheertahay sidaa daraadeed waan idiin kala qaadney si aad ugu daalin akhriskeeda

Hadaba la soco qeybta labaad

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: