Qiso jaceyl oo dhab ah oo ka dhacday deg.Ceelwaaq ee G/Gedo


Aqristow qisadan marka aad aqristo waxaa hubaal ah in ay kugu yeelan doonto sameyn waxa ayna ku muujineysaa qisadan sida maanta dhalinta qaarkood ay u isticmaalaan jaceylka ayagoo ka hor mariya dantooda kuna xad gudba xaquuqaha jaceylka kana been sheega jaceyl an heynin u muujiya ruux kale si ay uga gaaraan danta ka gasha kadib marka ay ka fushtaan kaga dhaqaaqa wado cidlo ah walow ay jiraan dhalin wanaagsan madama aadanuhu illaah uusan simin yaan kusii dheeran hadalkee an idin kuda galo qisadan.

Hardo waa gabar da,yar isku darsatay qurux iyo qaayo dumar waa gabar asluub badan asluub baa usii dheereyd waana gabar ka amaan xafada ay daganeyd wanaag iyo dabci macaani baa rabi ku maneystay hardo waxa ay kasoo jeeday qoys ladan magacna ku leh deeganka ay daganaayeen.
Hardo Waxa ay ku nooleyd xaafada danada ee dagmada ceelwaaq, waxeyna wax ka baran jirtay iskuulka ceelwaaq kenya waxa ay aad ugu fiicneyd xaga waxbarashada oo ay inta badan ku dadaali jirtay.

Hardo xilligii ay dhiganeysay dugsiga dhaxe waxa ku abuurmay jaceyl oo ay u qaday c/qani wiil lagu magacaabo oo ay iskuulka wada baran jireen,in badan ay la meyrteyneysay sida ay ugu soo bandhiga laheyd jaceylka balse markii dambe wey usuuro gashay in ay u bandhigato jaceylka ayadoo adeegsatay hab qoraal ama warqad nasiib wanaag waa uu ka aqbalay asna in ay wada daadihiyaan jaceylka markan hardo waa ay ku guuleysatay jaceylka noloshana laamaane ayay ka heshay.

C/qani iyo Hardo waxa ay ahaayen 2 aad kalsooni isku muujiya iskana illaliya in jaceylka uu dhaafo 2dooda si uusan saddaxeeye u yeelan waqtiga ay kulmaana waa waqti cadidan lamaanahan waxi ay sida ku wada socdaan c/qani waxa uu gacalisadiisa ka codsaday in uu ku martaqaado xafadooda haro arinkaa weysoo dhaweyday weyna ka ogolaatay waxana ay ku hishiiyeen in malinka jimcada xaaga lagu wada kulmo.

C/qani arinka fursad ayay u aheyd durbadiiba waxa uu la balamay wiilal saxibadii ahaa oo kuri iskaabulo ah dagana kana codsay malinka jimcada ah in ay u farujiyaan xafada ayagu wey ku raacen arinka,

Waxaa la garay jimcihii c/qani aad buu isku diyariyay waxa uuna sii diyarsaday cabitaano iyo cuno uu ka soo iibsaday maqaaxi madama iskaabulo ay halkaa daganeyd,

Dhanka hardo qudheda aad bey isu soo sharaxday una soo libisatay qaab cajiib ah waxa ayna soo gaartay halkii balanta ad baa loogu soo dhaweyay ayadoo la isku faraxsanyahay ayaa xabadka la is galiyay kaftan iyo hadako iski tuurtuur ah kadib waxa lawada qadeyay markii ay dhamatay kadib waxa laguda galay sheeko waxana hadalkii qaatay c/qani oo marti loo ahaa asago ka codsaday gacalisadii in ay isku dhiibto taa oo wadna qabad iyo filaan waa ku noqotay hardo balse c/qani oo oga in aysan wax ka diidi karin ayaa ugu beer qaboojiyay in mardhow uu arintooda soo dhameyn rabo ayna gabagabo ka tahay xagiisa sida darteed ay haboontay in aysan waxba ku adkeyn

Madaama ay had iyo jeer asaga uun ay u dambeyso aamusnaan mudo yar ah kadib ogolaashiyo ayay dareensiisay c/qani waba siduu rabayae howshiisii ayuu horay u galay malinkaa hardo waxa faraheeda kabaxay xeyndaabkeedii gabarnimo.

Muddo kadib hardo waxa ku bilowday xanuuno kala gadisan aydoo la garan wayay halka laga heysto ilaa waxbarashadii ka harto waxaa lakeeyay ispitaal si loo ogaado halka laka heysto waxa loo sheegay ayad iyo walidked in ay uur lee dahay gabadhooda durbadiiba wiiish baa ku yeeray waalidkii waxa ay kala dul dhaceen canaan kulul ilaa xaafadii laga imaado markii la yimid guriigii laga daayay dilkii iyo canaantii si daris ku umaqal arinkaa loona ogan hardo waxa lagu amar in ay keento ninkii u yeelay uurka waxa ay kasoo baxday xaafadii waxa ayna soo abaartay xaafadii c/qani intii aysan soo garanba waxa meel u dhow guri kaga horyimid c/qani salaan kadib hardo waxa ay u sheegtay waxii dhacay waxeyna ka codsatay in waalidkii uu usoo diro reerkeeda si arinta loo dhameeyo.

Balse C/qani arinta wuu ka biyo diiday una sheegay in uu san diyaaar u aheyn arimaha hardo mar qura aya illin soo daaftay indhaheeda waxa ay sameyso aya garan weyday waxa ay isku dayday in ay wax ka dhaadhiciso c/qani una sheegtay in wax walba ay ayada waalid ked ka dhameyn doonto waa uu ka dhaqaaqay c/qani ayadoo meeshii tagan kuna inkiray in xita uu uurka asaga uu leeyahay,halkii ayay hardo kasoo dhaqaaqday xaadfadii markey timid bey hooyadeed usheegtay wax ay kala soo kulantay isla markiiba hooyadii waxa ay go,aan ku qaadatay in ilmaha laga soo xaaqo arinta halkaa lagu damiyo si aysan xafada u ogaan arinka maadama ay ahaayen dad magac ku leh xaafada ayna kasoo jeedan dadka aan sidaa ugu awooda badneyn ceelwaaq.

Xilligaa wixii ka dambeeyay Hardo waxa ay gashay gudcur iyo mugdi waxa ay ka quusatay dhamaan hamigii ay ka laheyd nolosheeda waxa ay ka hartay waxbarashadii waxa ayna noqotay geeri go,an waxa ay ku koobnaatay qolkeeda ahna ruux maqane jooge ee isla hadla sida uu iisheegay maxamed wiil lagu magacaabo oo daris la ahaa gabadha dhacdaana ku dhacday.

Mahad Maxamed Sheekh
Nairobi Kenya

waxaa isku dibaridey sheekadaani qoraaga weyn ee ku caanbaxay soo saarista sheekooyinka jaceylka iyo qorida qisooyinka horey u dhacay waa
Mr c/casiis maxamed sheekh oo ku magac dheer
qalbijaceyl kala xariir wixii faafaahin ah
email adress
qalbijaceyl11@hotmail.com ama tell num= +20167245882

5 Comments

  1. Asc walalayal run ahanti wanka xumahay qisada murugta leh e kudhacday walasheyda hardo aniga waxan kuwaninaya gabdhaha da’yar iney kafirsadan dhalinta nocas ah kana mujiya jacelka xaqisa wayo jacelka wa maskin dambina lagama galo

  2. sheeko jaceyl ah
    asc walaalo yaal mar ka hore waan idiin salaamay salaan 100% kiiba100%
    kkkkkkkkkkkkkkk

  3. Wanka xumahay runti qisadi qabsatay walashey am so sory abayo

  4. wan idin salamay dhamaan qalbi jacayl iyo akhyartisa runtii taasi waa guul daro wayn oo lagu magacaabo ilove you ina dhaqaaji balse aan ahayn jacayl qalbiga udhaadhacsan runtii wax waliba saad uwado maaha ee waasii allah kadhigo[s;x;w;]amase say kaa noqoto runtii markay dadku arkaan qalbi jacayl waxay rajaynayaan inay qiso magaca udhiganta ay usoo gudbiyaan qof jacayl hayaa waa uu dareemayaa murugadan lasoo deristay waanka xunahay waanka xunahay sxb ama walaal qisooyinka noocana fadlan meelgaara usamee yaanay jacaylka madow ama mugdi geline kadu ok ihope you to connoct my friend

  5. waan ku salmay gabadha ayku dhacaday sheekadaan aad baan ugu xumahay aniga waxaan ku dhashay c/waaq too lakiin anigoo halsono jira ayaa la iga soo waday waxaan ku barbaray wadana maryakanaka I’m so sorry my sis aniga Amaal ayaa la idhahaa waxa kasto oo ubaahato xagayaga diyaar ayaan kula ahay waa xaan 17 sano aniga xataa high school ayaan dhigtaa wiilashan warkood ma dhagaysato maxaa yeelay sheekooyin badan ayaan aqaristay oo dhawac baadan aad baana uga xumahay walaashay macaanto


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: