Sheeko xiiso badan: Jacayl u Samir ama Ka Samir – Lamaane calafku isa siiyay ayay qisadani ka hadlaysaa


amaane calafku isa siiyay ayay qisadani ka hadlaysaa, waa wiil waxbarasho u banbaxay iyo gabadh shaqo iyo axdiga jacaylka isku wada, duruufo badan ayaa bar bilow ilaa bar dhamaad hadheeyey sheekadan ee akhris wanaagsan.

Bilawgii hore qoyska inantu waxay diideen in ay siiyaan inantooda wiilka ay jeceshahay, sababo la xidhiidha qoyska uu ka soo jeedo waxayna u arkayeen inanka mid aan u qalmin inantooda. Arrintani ma ay farxad gelin lamaanaha is jecel, waxayna murgisay xidhoodhkooda. Inantu waxay ku cadho burburtaa wiilka, isna afkiibaa juuqda gabay oo wuxu ku hadlo ayuu garan la’yahay. Sanado badan ayaa ka soo wareegay, waxay arrintu sidan ahaatoba, ugu danbayntii wiilkii wuxu dhamaystay waxbarashadisa, wuxuna go’aansaday inuu sii wato tacliintiisa oo dhamaysto qaybaha ka hadhay. Isaga oo aan weli dhoofin ayuu maalin maalmaha ka mid ah telefoon u diray inantii wuxuna u shegay inuu tagayo oo dal kale tacliintiisa kusoo qaadanayo, wuxu ku yidhi: ” waxa aan hubaa jacaylka aan kuu hayo, hadaad igu raacdona noloshada inta ka dhiman aniga ayaa dusha u ritay. Arrinta qoyskiinana, ka hadhi mayo oo waxan isku dayayaa inaan bedelo fikradooda. Adna waxan kaa codsanaya inaad igu garab gasho arrinkaas” Inantiina, ‘hawraarsan’ ayay ugu jawabtay.

Inankii wuxu ka fekeray sidii uu inanta reerkooda ugu qancin lahaa inay isu hibeeyaan, jiif iyo joogba waa loogu taag waayay, waqtigu wuu hayaa oo dhoofkiisa ayaa soo dhow, talo way ka kala yaacsantahay, waxbaa maskaxdiisa ka dhex guuxaya, habeeno badan ma ledin, hurdo la’aanta waxa ugu biiray feker badan. Nin habari dhashay hal ma seegi waayee, wixii rag u kaco rabina aqbalo way rumoobaane, wiilkii wuxu arrinta rog rogaba, wuxu qaatay go’aan ragonimo. Wuxu is tusay inuu geesinimo yeesho, oo inanta reerkooda sidii xeer ahaan jiray rag u kaxaysto si loogu soo qanciyo arrinta guurka.

Waqtigu wuu hayaa, tolow yaa saacada u yar joojiya, goor galab ah oo roob barqadii da’ay biyihii iyo daadkii kasoo rogmaday buuruhu weli dhulka sii qulqulayaan ayaa koox guurti ah oo hab dhaqan iyo xushmad leh oo aad moodo in loo darbay sida dadka loo qanciyo, erayba erayga uu ka haboonyahayna odhan og, ayuu inanki ku jiheeyey inanta reerkoodii. Markii madashii la gaadhay, reer Islaameed warama iyo belo ma ogina lays yidhi, martidiina qol heersare ah la fadhiisiyay waxa la guda galay hadafkii loo socday, qoladii guurtidu fariintii dhiibe, odaygii inanta dhalay iyo intii ka agdhowaydna rog roge taladii, aakhirkiina gudoonay fariintiinii, inantiina waanu idin siinay ayaa lagu kala tagay, iyo mahad Alla lehe, sharaf iyo ducaanu idinkaga tagnay.

Habeenkaa, inankii farxad aan hore loogu arag iyo dhoola cadayn qurux badan ayuu ku habeensaday. Maalmo kadiba, waxa la guda galay xafladii meherka, inankii iyo inantiina halkaas bay ku noqdeen ul iyo diirkeed. Inankii sidii balantu ahayd wuxu u safrayaa dal kale si uu waxbarashadiisa u sii wato, inantuna shaqadeedii ayay sidii caadada u ahayd ka hawl gashaa. Intii lakala maqnaa, xidhiidhku ma istaagin, oo waxa la yahay hal bawlaha dhiiga qaada iyo wadnaha dhiiga qaybiya, telefoon iyo dhambaaloba wixii lagu wada xidhiidhi karayay waa la joogteeyey. Xaalku wuxu noqday dhoof nooli kulantee, ha dhantaalin caashaqa dhakhso waan u soo noqon, inkasta oo duruufuu kala fogeeyeen lamanahan cusub, hadana mid kastaaba dhankiisa ayuu ka ilaaliyay kana xaq dhawray axdiga dhex yaala.

Maalmuhu ways daba socdaanoo, cashadii timaadaba samaan ama dhiilo mid uun bay sidaa, waxa dhacday inantii oo maalin ku socota xafiiskii ay ka shaqayn jirtay, ayaa waxa gaadhigeedii jiidhay oo meel isgoys ah kaga soo baxay gaadhi wayn waxana inantii helay shil aanay filaneyn. Miyir la’aan ayaa u xigay, waxayna ku war heshay iyadoo cusbitaalka taala oo la hareero joogo. Intii hore ma rumaysan waxa dhacay oo riyay u haysatay, hase yeeshee markay aragtay waalidkeed oo garab fadhiya ayay ogaatay inay shil gashay. Hooyadeed oo ilmo kasoo shagax tidhi ayay indhaha ku kala furtay, hadal ayay isku dayday mise afkiiba juuqduu gabay. Indhaha ayuunbay dadka ka aragtaa ee carabkiiba hadal maso celin karo. Waxa ku dhacay af xidhan oo hadalkii ayaa ka xidhmay. Dhakaatirtu waxay u sheegeen waalidkeeda in jugtii ka gaadhay maskaxdu ay waxyeeshay qaybtii hadalka.

Inantii waxa ku habsaday arrin laga naxo, waxa usoo galay waa cusub oo aan farxad lahayn, waxay noqotay dhegayso oo ha hadlin, waxay ku gashay mudo badan oo oohin aamusan ah. Mudo markii lagu hayay cusbitaalkii waxa loo qaaday gurigooda, laakiinse weli sidii bay u cod la’dahay, oo hadalku uga soo bixi la’yahay. Waxa aad u dhibay sanqadha ama cida telefoonka marku soo dhacayo, ma doonayso in wiilkii maqlo sida xaalku noqday, waxay ka cabsoonaysaa in uu telefoon soo diro oo ay la hadli kari waydo. Inantii talo waxay ku gaadhay inay warqad u dirto wiilkii, una sheegto inaanay sugi karayn, oo uu fasax ka yahay. Fariintii markii ay gaadhay wiilkii, amakaag iyo fajaciso aan hore loo arag ayay ku noqotay, wuxu is waydiiyay waxa soo dersay ee cusub, hase yeeshee jawaab waafi ah umuu helin weydiimaha ka dhex guuxaya maskaxdiisa. Dhambaalo hor leh ayuu dabada isugu soo taxay, mase helin wax jawaab ah.. Telefoonka ayuu soo eersaday, tana waxba uma soo kordhin. Waxa keliya ee inantu samayn karaysay wuxu ahaa inay oohinta sii wado, ilayn ilmo kaama dhamaato.

Waalidkii waxay is tuseen inay meel kale u guuraan bal in ay kasoo rayso oo ilawdo arrimaha dhacay iyo shilka ay gashay. Deeganka cusub ee ay usoo diga rogteen, waxa ku yaala dugsi lagu barto luqada faraha layskala hadlo. Inantiina dugsigaas ayaa lagu daray.Waxay nafteeda ku qancisay inay ilawdo inankii, oo daadka ku darto warkiisa. Gabadh saaxibadeed ah ayaa u sheegtay in inankii soo noqday, kuye, ha u sheegin arrinkayga oo iska ilow ninkaas.

Sanad ayaa ka soo wareegay, gabadhii saaxibadeed ayaa maalin loo keenay kaadh casuumad aroos ah, mise maba laha iyadu ee waxay ku socotaa inanta hadalku ka xidhmay. Warqadii markii ay furtay inantii shilku helay iyada oo gariiraysa oo yaaban tolow waa ayo tan uu guursaday wiilkii, waxaba kaga soo baxay inantii warqadii wax la yaab leh, tolow waa maxay? Waa yaabka yaabkiise, inantii waxay ku aragtay kaadhka casuumada arooska magaceeda oo ku daba yaala magaca wiilkii. Inankii wuxu ogaaday wixii dhacay, wuxuna gaadhi u soo kaxaystay guriga cusub ee inantu joogtay, iyada oo labadii hablood iswaydiinayaan waxa ay tahay warqadu iyo sida wax u jiraan ayuu guriga hortiisa gaadhigii ku bakhtiiyay.

Albaabka ayuu deg deg u soo garaacay waana laga furay, waxana uu markiiba dalbaday in la tuso qolka ay ku jirto inantu. Markuu so galay qolkii ayuu faraha ka hadlay, isaga oo leh, mudo sanad ah ayaan soo bartay luqada faraha ama calaamadaha, waxanse kuu sheegayaa inaanan anigu marnaba ku ilaawin wax kasta oo kugu dhacayba,ii ogolow inaan noqdo codka aad ku hadlayso, waanan ku jecelahay. Waxa xigay fargalkii oo uu farta u galiyay, iyo dhoolacadayn qurux badan oo inantu ku jawabtay. Sidaas bayna ku noqdeen kuwii hodmee hoy wada galee isku waara abid.” Samraa sedkii hela”

Qalinkii: Axmed Maxamud Cilmi-Shawqi

sheekadaani waxaa isku kiin dibaridey qoraaga weyn
c/casiis maxamed sheekh mr qalbijaceyl
wixii faafahin ah kala xariir email adress
qalbijaceyl11@hotmail.com ama tell num =+20167245882

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: