waa sheekadii xamaan iyo raxmo ruun qeyb 7aad


Markastana wey la soo xariiri jirtey raxmo muddo bilooyin kadib wey dhashey waxey ku umashey gabadh
Markey dhashey waxaa markaste ka warheyn jirey c/casiis
C/casiis ayaa u tagey lacag iyo waxyaabo ay ku umulbaxdo ugeeyey
Xamaan wax barashadii ayuu ka harey waayo familkii oo dhan ayaa u xanaaqey

Wuxuu isku dayey inuu raadsado shaqo somalina qof aqoontaada kugu qaabilaayo malahan ilaa uu dadka aad ka dhalatey ey ku qaabilaan moyaane aqoon iyo aqoondaraba
Laakiin meelihii oo dhan hooyadiisa ayaa ka xirxirtey
Raxmo jaceylkeeda kama aysan harin sidii ayey u xariirisaa xamaan asigoo arintii uu ku sameeyey gabadh asigoo og ayuu haddana la kulmi jirey markastana waxey ugu imaan jirtey guriga inta ay maqantahay hooyadiisa inta kalena guriga c/casiis
Muddo kadib xamaan wuxuu raali geliyey hooyadiisa waxaa la garab galey c/casiis iyo asxaabtiisa waana laga dhaadhacsiiyey wax walbo
Weyna ka ogolaatey iney dib ugu soo celiso kalsoonidiisa laakiin waxey ku tiri aniga xamaan iima keeni karo hadda kadib naag raxmo ayada waxba Kama maqna waxey iska dheelistaa gabadheeda mar ay jaceylkeeda la sheekeysato iyo mar gabadheeda labashaalo ley noqotey
Raxmo jaceyl baaxadweyn ayey u qaadey xamaan
Xamaan muddo kadib wuxuu go aasadey inuu ka tago Somali uu galo tahriib dhankaas cid uu u sheegey malahan aan ka aheyn saaxibkiisa khaaska ah c/casiis
Raxmo wuxuu ka dhaadhiciyey inuu u baxaayo dartiisa uuna ku ceshan doono
Laakiin raxmo sidii hore kalsooni ugama qabto waxeyna ku tiri hadii aan calaf isku leenahay waan is heleynaa aniga wax aan kuu heyst malahan cafis ayaa iga tahay wixii ilaahey ii qorey wey igu dhaceen ciilna maqabo astaantii jaceylkeyga waan heystaa
Xamaan meel wax uu kabilaabo malahan cid ku taakuleyneyso malahan
Asigoo yaaban meel wax uu ka bilaabo ayaa maalin waxaa la soo hadley hooyadiisa waxeyna ku tiri
Anig ama imaan karo waxaad adaa dahabshiil lacag meesha taasho oo ay soo dirtey habaryartaa soo qaad
Wuxuu ku fikirey inuu lacagtaasi dhaxda kala baxo uu ku tahriibo lacagtu waxey tiradeeda la ekeed 3kun oo doolar
Markuu soo qaadey dib uma soo laaban wuxuu u jiheystey safar
Wuxuuna safar u noqdey dhankaas iyo baydhabo oo ah meesha marka hore loogu raaco dhankaas iyo suudaan
Waxaa ka war heley walaalkiisa durbadiiba hooyadiisa wey xanuusantey asigoo la weysanaa beriyaal ah ayaa la maqley inuu joogo baydhabo dad ayaa loo direy waxaana loo sheegey iney hooyadiisa xanuusantahay hadii uu sidaan ku baxana inuusan faa,ido ka heleynin
Hadalkii ayaa u cuntimi waayey dib ayuu usoo laabtey
Hooyadiisa ayuu la kulmey wax walbiba waa uu ka dhaadhiciyey dad ayaaku garab galey iney u ogolaato
Wiilka inuubaxo ayna iska fasaxdo
Kama eysan diidin lacagtii ayey dib ugu celisey quraan ayaa la saarey waana la fasaxey safarkiisa ayuu watey
Raxmo ruuna waxey gashey shaqo si ay u koriso gabadheeda waxey ku nooshahay magaalada muqisho ilaa hadda xamaana wuxuu galey yurub
Meel walbo uu tagana wuu la soo hadli jirey sidaas ayeyna ku wada socdaan
Laakiin weli kuma aysan guuleysan iney dib isugu soo laabtaan xamaan wuxuu horey ugaley yurub
Insha Allah wixii ku soo kordha waan idinla soo xariirindonaa haduu alle idmo

Sheekadana inta ayey ku dhamaatey
Waxaan ahay bini aadan ilaahey danbigeena ha dhaafo wixiin aan qaldeyna ilaahey ha iga cafiyo
Wixii fikir ah waxaad inoogu soo xariirin kartaa
Emailadan anaga ayaa sii gaarsiindoonee insha Allah
Qalbijaceyl11@hotmail.com
Waxaa idiin diyaariyey
Mr. c/casiis maxamed qalbijaceyl

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: