Gabar Soomaaliyeed oo ninkii ay jecleyd loo-diiday iyo ninkii oo waashay


Dhacdadaan ayaa waxay ka dhacday magaaladda Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose, iyadoo ay u dhaxeysay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Mowliid iyo Maryan, waxayna sheekadu ku bilaabaneysaa sidatan:-


Waxaan ku dhashay xaafadda isku Filan Filaj ee magaaladda Kismaayo, sanadka markuu ahaa 1985-kii, waxbarashadeyda waxaan kusoo qaatay iskuulka Faanoole oo ku yiilay xaafadda Farjano, sidoo kale gacaliyaheyga Mowliid wuxuu dhigan jiray isla iskuulkaas.

Xaqiidii Mowliid wuxuu ahaa wiil fur-furan oo aftahan ah, sidoo kale anigana waan ka helay oo weliba waxaan u qaaday jaceyl xoogan, inkastoo aanan u sheegin inaan jeclahay, Mowliid wuxuu iga sareeyay laba fasal, oo iskuulka wuu iga hor-dhamaayey.

Muddo kadib ayuu shaqo helay, xilli aan ismoogeyn in muddo ah ayuu xiriir ila soo sameeyay, wuxuuna ii sheegay inuu jacel yahay, sidoo kale-na uu guur iyo mustaqbalba iga doonaayo, hase yeeshee xishood gaaban baa i galay, anigoo ugu dambeen kusoo dhaweeyay gacmo furan, “Alla Nasiib wanaagsanaa qofka aad jaceshahay oo kaala hormaray waan ku jeclahay”.

Aniga iyo gacaliyaheyga ee Mowliid waxaan wada sheekeysaneynay muddo sanooyin ah, waxaana ku heshiinay marka uu i dhamaado iskuulka inaan isguursano, waxaa i dhamaaday iskuulkii, Mowliid ayaa wuxuu iga soo doontay Aabahey oo i soo korsaday, maadaama ay hooyadey dhimatay anigoo yar.

Odayaal ayuu u soo dirsaday Aabahey si’aan u noqdo xaaskiisa xalaasha ah, halka aan anigana la-joogi waayay farxad, hase yeeshee Aabahey oo ahaa nin aanan qoslin ayaa Mowliid iyo odayaashii uu soo dirsaday ula dhaqmay sixun, isagoo u sheegay inuusan gabar u heyn.

Waxaan bilaabay ooyin iyo calaacal, anigoo noqday qof aanan ka kicin sariirta, waxaan kaloo noqday qof ka go’ay raashiin iyo cabid oo dhan, waxaan daris la-noqday cudur oo dhan, sidoo kale Mowliid oo aad ii jeclaa ayaa waashay, iyadoo ay dadkiisa la daba taagnaayeen Qur’aan saarid.

Xilli aanan dheereyn kadib ayuu ii yimid Aabahey, wuxuuna igu yiri “Naayaa nin baa ku siiyay ee ogow mar dhaw qooqa aad cuntada la-diiday wuu ku deyn doonaa” anigii ciil iyo ooyin, waxaan sameeyo ayaa garan waayay ooyin……….ooyin………..ooyin, deetana waxaa noqday qof nolosha ka dhacday.

Nolosheydii ee ku dhisneyd farxad iyo ray-rayntii balaarneyd ayaa waxay gashay anigoo u joodo mugdi baahsan, waxaasoo dhan waxaa u sabab ah, Aabahey “Kheyr Allaha Siiyee”.

Aabo ayaa intuu yimid misana igu yiri “ Maryaney Aabo ninkii aan kusoo siiyay wuxuu i soo diray lacag, mardhaw waxaa lagu dhigi doonaa aroos ee niyadda dhiso” arooskaa ba’yay ma’aroos ayaa niyad u haayaa, aniga iyo aroos waxaa kala nahay Kaaf iyo Kala dheeri.

Ninkii ayaa la’igu daray, kaa oo ku noolaa Eldoreyd oo ku taalla dalka Kenya, maalmo kadib waxaa la-cunay arooskaygii xalwadiisii, iyadoo uu Aabahey igu yiri, “Waa inaad safar u diyaar garowdaa, waxaana ku raaci doonto eedadaa, adinkoo u tagi doono ninkii laguugu daray”

Waxaa gaari aan ka raacnay boosteejada degmada Dhoobley oo ku taalla xaafadda Calanley, safar dheer kadib ayaa waxaa ku degnay guri ku yaalla magaaladda Garissa ee gobolka waqooyiga bari ee dalka Kenya, halkaasoo oo ninka qasabka la’igu daray uu ugu tala galay inaan ku aqal galno, anigoo aad u diidan misana uga xun guurkiisa ayuu i naageystay, isagoo ila joogay 2 todobaad, deetana wuxuu dib ugu laabtay Eldoreyd.

Muddo kadib ayaa wuxuu i soo diray muqalis, si’uu ii geeyo halkii uu ku noolaa ee Eldooreyd, kadib waxaa wada joognay inka yar hal bil, deetana wuxuu bilaabay inuu i garaaco, oo laftii aan qaadaba wuxuu iga siiyay bash bash bash, isagoo i furay, igana qaatay wixii dhar iyo hanti aheyd ee uu ii gaday, waxaa intaasi ii dhereyd inuu i yiraahdo “naayaa orod oo aad raadso ninka aad habeen iyo maalinba aad ku qarweyso”.

cid aan deegaanka Eldooreyd aan ka aqaano maba jirto, anigoo yaaban misana ay igu xun tahay nolosha, ayna i dhibeyso nafta, ayaa waxaa ku taaganahay hal dirac iyo hal Harbasaar, waayo dharkii uu ii gaday wuu iga reebtay, dahab warkii daa, iyadoo uu xaalku sidaasi yahay, ayaa waxaa u imid gabar Soomaali ah, waxaana ku dhahay walaaley deegaankaan cid aan ka garanaayo majirto ee fadlan i caawi, oo waxaad ii dirtaa teleefan, nasiib wanaag wey iga ogolaatay, waxaan wacay Habartey oo ku nooleyd magaaladda Mombassa, iyada ayaana hada la-noolahay, wiilkii aan dartiisa sidaanoo dhan u sameeyay ee Mowliid, wuu iga quustay wuxuuna iska guursaday naag kale.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: