Dhacdadaan ayaa waxay ka dhacday magaaladda Muqdisho iyadoo ay u dhaxeysay lamaane Soomaaliyeed oo uu ka dhaxeeyay jaceyl kal iyo laab leh, lamaanahaan ayaa waxaa lagu kala magacaa C/Casiis iyo Filsan,
waxayna ku bilaabaneysaa sidatan:-


Waxaan ku dhashay magaaladda Baladweyne balse waxaan kusoo barbaaray degmada Wardhigley gaar ahaan xaafadda Xamar Jadiid, waxbarashadeyda waxaan kusoo qaatay iskuulka Al Massal oo ku yiilay agagaarka Km4, sidoo kale gacalisadeyda Filsan ayaa waxay dhigan jirtay iskuulka Osama Bin Zeyd oo ku yiilay xaafadda Taleex ee degmada Hodan, waxayna degneyd xaafadda Xamar Jadiid ee degmada Wardhigley.

Aniga iyo Filsan hal xaafad ayaa isla degneyn balse waxaan u aqaanay in Filsan ladhaho oo ay degan tahay Xamar Jadiid, sidoo kale iyana waxay ii tahay in C/Casiis lee-dhaho, aana deganahay xaafadda Xamar Jadiid.

Muddo kadib ayaa waxaan u qaaday dareemo xoogan anigoo aad u hamiyay, waxaan la tashaday wiilal aanu saxibo aheyn, waxayna igu taliyeen waxaan inay tahay gabar oo aanan ka cabsan sidoo kalana aan u sheegto jaceylka aan u qabo, hase yeeshee 30 jeer ayaan isku dayay inaan la hadlo, balse meeyay wadnihii aan kula hadli lahaa.

In ka badan 30 jeer waan isku dayay inaan la hadlo balse taasi maysan ii suura gelin iyadoo ay i soo wajahday cabsi xoogan oo aan gabadhaasi ka qabay, wax yaabaha aan ka cabsi jiray ayaa waxaa laga xusi karaa “armey ku dhahdaa iga raali noqo qof kale ayaa wax la wadaa, iga raali noqo uma soo jeedo jaceyl ama raali noqo nin baa igu mahersan”

Si walba oo uu xaalku igu xun yahay ayaa waxaa maalin maal-maha kamid ah ii suurta gashay inaan la hadl Filsan, isbarasho kadib ayaa waxaan siiyay teleefankii noogu jiray gurigeyna, iyana waxay i siisay teleefankii ugu jiray, waxaa u guda galay inaan wax badan ka ogaado nolosheyda iyo taariikh-deyda, hase ahaatee mar walba ayaa waxay igu dhihi jirtay iga raali noqo, aboowe waxba kulama wadi karo balse walaaltinimo waan kula sheekeysan karaa, ciil iyo murugo kadib ayaa waxaa dhexda u xirtay sidaan ku kasban lahaa Filsan, iyadoo ay markii dambe ii suurta gashay inaan gacanta ku dhigo, waxayna igu dhahday “Macaane maadaama aan naftaada kusoo biiray waxaan kaa codsan lahaa inaad u dhaqanto sida akhyaar oo kale, waxaan kaloo kaa codsanaayaa inaadan u dhaqmin sida ay u dhaqmaan dhalinta maanta jirta, halka aan aniga ka ogolaaday.

Waxaa inoo bilowday nolol hor leh, iyadoo uu inaga dhaxeeyay kalsooni tii ugu sareysay oo ay ka dhaxeyso lamaanaha ifka iskugu daacadsan, iyadoo ay Filsan aad i jeclaatay, aalaaba waxay jeclaan jirtay inaan telka ku wada hadalno ama aan kulano, bacdamaa aan isla degneyn xaafadda Xamar Jadiid.

Muddo kadib ayaa waxaa magaaladda Muqdisho ka bilowday dagaaladdii u dhaxeeyay ciidamadda Itoobiya iyo Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ahaa, deetana waxay magaaladda Muqdisho ay noqotay goob laga kala guuray, sidoo kale waxan iskaga soo tagay magaaladda Muqdisho, anigoo u anba baxay dalka Itoobiya si’aan halkaasi uga sii dhoofo, halka gacalisadeyda Filsan ay u qaxeyn iyada iyo reerkeeda goobaha kale ee nabdoon ee magaaladda Muqdisho.

Waxaan Itoobiya ku sugnaa ku dhawaad 2 sano, dhoofkii aan rajeynaayay waa uu suurta geli waayay, Filsan ayaa waxay iga codsatay maadaama ay ii suurta geli weyday dhoofkii aan doonaayay inaan dib ugu soo laabto magaaladda Muqdisho, maadaama aysan iga maarmin, sidoo kale waan ka ogolaaday oo waxaan ku soo laabtay magaaladda Muqdisho.

Waxaa halkaasi amba qaadnay jaceylkii macaanka badnaa ee inaga dhaxeeyay aniga iyo gacalisadeyda ee Filsan, inkastoo ay aad iyo aad u xumaatay xaaladda magaaladda Muqdisho, ayaa hadana waxaa u dhabar adeegi jirnay jaceylkii xiisaha badnaa ee inoo dhaxeeyay.

Aalaaba waxaa kulmi jirnay maal-maha Jimcaha iyo Talaadada, inkastoo marka aan kala joogi weynana aan isku imaan jirnay, inta aan kala maqanahay ayaa waxaa ku wada xiriiri jirnay teleefanka loo-yaqaano Somapone, kaa oo hada magaaladda Muqdisho ka ah, mid lacag la’aan ah adigoo ku wacan karo guud ahaan magaaladda Muqdisho.

Muddo kadib ayaa waxaa dalka Maraykanka ka yimid nin ay qaraabo ahaayeen gacalisadeyda Filsan, ninkaasoo ahaa nin lacag kuusan ku fadhiyay, hase yeeshee Filsan ayaa diiday, iyadoo u sheegtay inay jaceshahay ruux kale, taasoo u cuntami weyday qoyskii ay ka dhalatay.

Filsan waxaa lasoo daristay cadaadis xoogan, qeylo fara-badan, naceeb joogto ah, iyadoo ay ku xumaatay talo oo dhan, sidoo kale anna waxaan ahaa nin mar walba la socday xaaladaha cakiran ee soo food saartay gacalisadeyda Filsan Cadey.

Waxaa meesha ka baxay kulankaynii faraha badnaa, kadib markii ay ilaalo ka qabteyn waalidkeeda, iyagoo iiga shakisnaa aniga.

Filsan ayaa waxay igu tiri “Macaane waan ku jeclahay kaama maarmo habeen iyo maalin, waxad igu abuurtaa la’adkeysan waayay, ee macaaney wax uun samey i soo doono oo kaliya, xataa haddii ay qoyskayga ku diidaan, waxaa balan ah inaan ku raaci doono”

Kalsoonidaas markaan ka helay Filsan ayaa waxaa u guur galay inaan gacanta ku dhigo lacag, waxaan xiriir la-sameeyay walaalahey oo kala joogay wadamada qaaradda Yurub, hase ahaatee qof walba wuxuu igu yiri “war Yurub lacagtii hore ee tiilay hada ma-taalo, guur hada kama bixi karno ee nin yahow mar kale ka dhigo” si kastaba ayaan wax ugu sheegay, balse wey i garan waayeen dhibka i heysto.

Filsan oo aheyd gacalisadeyda misana aad i jecleyd ayaan u sheegay weji gabixii aan kala kulmay walaalahey, waxayna igu tiri “Macaane waan dareemi karaa dhibka ku heysta balse nin rag ayaa tahay ee wax uun samey” waxaan sameeyay dadaalkii ugu dambeeyay hase haatee waxba waan kasban waayay, maxaa yeelay magaaladda Muqdisho oo waa laga kala cararay, subixii haddii aad nolol ku baxdo waxaa laga yaabaa madfac inuu kuugu dilo inta aad socoto wadada.

Waxaan wacay Filsan waxaana ku iri, si walba oo aan dhaq dhaqaaq u sameeyay wax waan keeni waayay, balse haddii aad i jaceshahay iskukaaya keen, deetana waa isla baxsaneynaa.

Filsan ayaa ii timid waxaan ku heshiinay inaan isla baxsano, waxaana ku iri gurigaas alaabta kuu taalo inta ugu muhiimsan kasoo qaado, deetana waxaa ku dhuumaneynaa magaladda Muqdisho, hase yeeshee Filsan wey iga diiday oo waxay dhahday “Qalbi magaaladaan nama qariso ee fadlan iyada oo dhan aan iskaga baxno” sidii ayaa ku heshiinay.

Waxay ku laabatay gurigooda iyadoo dooneysay inay kasoo qaadato alaabtii ugu muhiimsaneyd, lakin aabaheyd oo aad u kululaa ayaa wuxuu ku yiri “Qorshahaaga waan fahmi la’ahay, imisa sano ayaa ku biilaayay, iskuul kaa bixinaayay, maanta marka uu kusoo doontay wiil aan adeer u ahay miyaad igu ceebeeneysaa” Filsan wax jawaab ah maysan siinin, wuxuu mar labaad ku yiri “ aamusnaantaada ayaa ka dareemaayaa inaad balo soo wadid, guurso ninka aad dooneyso, iguna ceebey wiilka uu dhalay walaalkey ee Maxamed Deeq, balse aniga iyo adiga waan kala dhimaneynaa oo waxba iskuma nihin, ruux ka tirsan qoyskayga haddii uu isku dayo inuu garab ku siiyo waxaa igu balan ah, inaad isku mid ii wada noqon doontaan”.

Filsan Cadey ayaa ooyin la dhacday, iyadoo dhulka isku garaacday, xaalad tii ugu xumeyd ayaa soo wajahday, galabtii ayay ii timid iyadoo i sheegtay sidii ay wax u dhaceyn.

Intaan ooyay ayaan ku dhahay cafis iyo musaamax baa iga tahay iska guurso ninkaas, aniga iyo adigana haddii aan calaf isku lee-nahay waan isla joognaa.

Filsan ayaa igu ooysay, waxayna iga diiday inay ninkaasi noqoto naagtiisa, balse xaaladda oo aad u adag iyo waalidkeeda oo aad uga maroor dilaacsan awadeed ayaan ku iri iska guurso ninkaas, aniga iyo adigana haddii aanan dhiman waan wada joognaa.

Filsan ayaa waxay guursatay ninkii ay qaraabada ahaayeen, iyadoo uu aad ugu farxay aabaheyd, hadase waxay Filsan joogtaa muddo 20 cisho ah magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo uu halkaasi dacwad uga sameynaayo ninkii guursaday

5 Comments

  1. Masha alaah sxb shekadaada aad ayey xiso u leedahay lkn waxan ka xumahay natiijadarada kugu dhacday no matta da world z stil going on

  2. Stupit boy waxaaa ku hadleysaa wax qalad ah war adigoo naag jeclaaday ayaa tuug sanee shit waxaa iskati dadka yeekula yaahin wax waalanba tahay war gabartaas janada allah kawaraa biyo lakin adiga caqli allah nin naag jecladay hadana dhahaayo lacaga ku guur sado mahaysto i am sorry you have bad idea call me let me i willgive you good idea
    0725547744

  3. waad mahadsan tahay wana sheeko cajiibleh sxb shekadaan bro kheer ayaan kaga tagay

  4. sc horta shekadan waxay aheed sheeko xiiso badan runtii wadnah mahadsantihiin dhaman bahda nololcusub sida wanagsan oo ad nola soo socodsisan shekooyinka ka dhaca dafaha somaliya alllah swc ayaa mahad iska leh intaas ka dib ….waxan dhihi kara filsan walahi qof qaali ah ayey aheed wayo laba daran mid dooro ayey dhex gashay lkn markay labadas noqotoo waxa xaq kaaga leh walidka wayo xaqooda ayan waligood loo abaal gudeen runtii marka hadii walidkii ay garteen sas waa talada walidka tan laraca oo alaah kama aynan baryin walid habarkiis malinta ad walidka warkiisa dhafto ayaa khyr kugu dameesa mesha ad istagtona way kula go in marka filsan ilaah swc khyr hasiiyo samirkeedana alaah haka abal mariyo mahan qof dayacdey jaceylkedii lkn daruuf weyn ayaa ku timi an laga leexan karin wadnah mahadsantihiin dhaman akhyarta sida wangsan ula socota nololcusub iyo dhaman bahda nololcusub …. filsan iyo abdiasisnah wan salamid samirkooda alle haka aqbalo samraa saadkiisa hela amiiiin amiiiiiiiiiin yaa rabi wcs…………………

  5. asc bro ilaahey qeeyr fara badan haku siiyo si wanaagsan baay yyeshey samirkaagana ilaahey hakuugu bedelo mid wanaagsan oo falis camal ah. waalidka warkiisa lama diidi karo walaahi ilaahey wax qeeyr badan haku siiyo adigana oo qalbigaaga ku xasilo aamiin


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: