degaananshaha jaziirada maalta‏


deganaanshaha jaziirada maalta sida aan wada ogsoonahay
wadanwalba waxa caadi u ah dhaqan iyo dabiici gaar u ah waxana
idin soo gaarsiin doono wa abubakar mohamed hasan ,,,

markii aan maalta imid waxan umaleynayan in aan carabta iyo afrika meel dhaanto aan imaaday laakin sidii aan jaziiradaan yar umaleynayay ma aysan noqon waayo waxan lakulmay iyo waxan indhahayga arkayn aya iigu filan intan noolahay dunida joogo,

kadib waxan saaxiibo noqonay dhalinyaro aad u faro badan waxan aqana wiil yar oo da,yar markii uu maalta cagaha soo dhigay aniga aya ku so dhaweyay magaciisuna oo sadexan in aan kuso dawaco wuu iiga diiday laakin waxan ogolaasho ka helay in an magaciisa kaliya kuso qoro waxana la yiraahda c/risaaq,

wuxuuna ku bilaabay sheekadiisa sidatan waxan joogay magaalada
muqdisho gar ahan madiino waxan dhigan jiray schoolka tadamun
kadibna waalidkayga waxay kala joogayn oroba iyo afrika waxan la noolay abtigayga iyo xaaskiisa abtigayga aad bu ii jecla markii wadanka ka qarxay dagaladii afarta bilood 4 kadibna waxan soo aaday magaalada qartoom aya jaamacad ka bilaabay waxana iigu soo dhaweyay gabar abtigayga dhalay oo la yiraahdo fartuun wa gabar bashaash ah oo xilkas ah aad bay iigu soo dhaweysay mana ilaabi doono gabarta abtigayga dhalay kadibna halkaas aya ka bilaabay jaamacadii markii aan in badan dhiganayay aya waxan arkay dhowr soomaliyayd oo u haajirayo wadama oroba anigana waxa hami weyn igalay markii ay isoo maran dhowr bilod kadib waxan maqlaa in ay ku suganyihin sida italia swedan holan jerman iyo meelo kale oo kala duwan,

dalka Sudan magalada Khartom halkaasi oo aan ku sugnaa tan iyo sanadii 2008 markaasi oo aan jaamacada dhamaytay, markii aan jaamacada dhamaystay mar walba waxaan wadan jiray sawiradii xafladii qalin jabinta.
Markii aan jaamacad dhamaytay waxaa ii muuqatay in aan sudan katago laakiin waxaan ogaa in aanan lahayn dal aan kulaabto rabshado badan ayaa kataagnaa Somalia qaar badan oo aasxaabtaydii ah waa la dilay qoyskayguna waxay ahaayeen kuwo marwalba safar ku jira oo hadba meel daga hadana ka guuro dagaalka dartis sidaasi darteed waxan qorsheeyey in aan Yurub u tahriibo anigoo ku fakarayey in shahaadada aan wato aan shaqo kaga helo karo nolol fiican ku gaari karo ugu yaraan nabad kaga heli karo.

kadibna waxan marwalba jeclay in aan nolosha meel fiican ka gaaro waayo waxan ahay wiil dhalinyaro ah oo wali guursan waxna qabsan aad baan u niyadjabsanay laakin fikradayda ad bay uwanagsanayd waxana ku hamiweynay in berito nolosha
heer ka garo kadibna waxan bilaabay sidii aan ugu tagi lahay wadanka suudan oona marqura ku gari lahay wadanka suudan waan ogahay in la marayo saxaro aad ufiicnayn laakin maxaan suubiya nolosha ayan nacay suudan wa meel fiican laakin aniga sidaydaba afrika mana jcelayn laakin danta aya iigu ahaysa kaliya ,

Bishii January sanadii 2008 ayaan ka tagay Sudan anigoo u socdaalay Liibiya laakin nasiib daro waxa laygu qabtay xuduuda waxaana laygu riday xabsi waxaan xabsi ku jiray 3 bilood 400 oo qof oo kale oo rag iyo haweenba leh ayaa xabsiga iyaguna ku jiray waxaana dadkaasi oo dhan ay ku jireen 6 qol oo kaliya.
markii aan xabsiga galay aya waxan soo xasuustay waanadii waalidkayga waayo waalidkayga marwalba wuxuu idhihi jiray
c/risaaqow wilkaygiyow intii aad suudan joogo ha isku dayin in aad wax tahriib ah isku daydo waayo tahriibka wuu xun yahy
ayu aabahayga idhihi jiray waxaana niyada iska dhahay amuu waalidkaa kuso inkaaray asigoo raali ka ahayn aya soo baxay kadibna xabsida intaan ku jiray raashin xumo jiif xumo daryeel la,aan aya ku haystay inkastoo raashinka nagu yaray
Cunto aad u yar ayaanu heli jiray mar marka qaarna maba heli jirin mar marka qaar waxa dhici jirtay in 48 saac aanan cunto cunin hadii maalintii 1 mar aanu cunto helo,

wxaanu ahayn kuwo nasiib badan qolkayga oo kaliya 100 rag ah ayaa ku jirtay todobaadkiina 1 mar ayey dibada noosaari jireen si aaynu u soo qoraxaysano.
Maalin maalmaha ka mid ah tiro badan ayey dibada noogu soo saareen ku dhowaad 250 rag ah, waxaana biloonay dagaal waxaana noo suurta gashay in aanu jabino albaabka weyn ee xabsiga waxaanu siidaynay dadki kale ee xabsiga ku jiray dhamanteenana waanu baxsanay.

Markii aan baxsaday kadib waxaan isku qariyey beer oo markii danbane oo aan shaqo ka helay oo aan ka shaqayn jiray, ninka beerta lehna uu i siin jiray xooga yar oo lacag ah laakin cidina uma uusan sheegin in aan beertiisa joogay.
Isku daygii igu horeeyey ee aan Yurub ku soo aado waxay aheed bishii may sanadii 2008 waxaan Liibiya ka soo raacay dooni yar laakiin kadib markii aan 10 saacadood safar ku jirnay ayey doontaydii burburtay waxaana nasib wanaag helay markab Liibiya laga leeyahay oo dib noogu celiyey Liibiya.
Markale ayaan xabsi galay waxaa laygu xiray qolyar iyadoo wali si xun layla dhaqmay 8-da fiidnimo ee habeen walba ayey xiri jireen dhamaanba albaabada wakhtigaasi wixii ka danbeeyana meelna nalooma ogolayn xitaa musqul hadii wax dhacaan hadii qof uu xanuusado marjiro cid noo iman jirtay,si ay noo caawiyaan subaxda danbe ayey hadana dib nooga furi jireen,

albaabada si aan suuliga u tagno, garaacistu nalagu hayo waxay umuuqatay mid sharciga xabsiga ka mid ah mudo 1 bil ah ayaan ku jiray.
Xabsigaasi 27 qof oo kale ayaa xabsiga igula jiray 22 rag ayey ahaaayen 5 kalena dumar ayey ahaayen mid kamid ah gabdhaha meesha i gula xirnaa waxay ahay saaxiibaday waxaanu xiriir lahayn tan iyo caruurnimadayadii waxaana ay Liibiya u timid si ay iila kulanto deedna aanu yurub u wada aadno.

Kadib 1 bil oo aan xabsigaasi ku jiray waxaa laygeeyey maxkamada waxana laygu xukumay qadar lacageed oo ganaax ah kadibna waxaan la xiriiray qoyskayga si ay lacag markale iigu soo uruuriyaan, 1 dii bisha July ayaan markale Doon ka raacay Liibiya haseyeeshee intaanan xeebtaba dhaafin boliska ayaa naqabtay waxaana marka laydiray xabsi laakiin markan mudo kooban ayey ahayd oo waxaan ku jiray 15 maalmood oo kaliya.
Labo mar oo danbe ayaan isku dayey in aay dooni raaco laakiin waan guuldarastay laakiin aniga iyo kooxdii ila socotayba ma’aanaan rajo dhigin.
Bishi Augost ayaan markale isku daynay in aan safarkaasi ku guulaysano waxaanu bada saarnayn 5 maalmood iyo 4 habeen kadibna doontayadii ayaa burburtay 50 qof ayaan doonta ku saarnayn markale nasiib wanaag markab Malta laga leeyahay ayaa nabad baadiyey waxaana uu noo qaaday Malta, markii Malta nala geeyey ma’aanan garanayn meesha nala keenay waligayna ma’aanaan rumaysnayn in aanu Malta tagi karno, anigu gaar ahaan ma’aanan aqoon meel ay Malta ku taalo.

Markaasi kadib waxaa naloo qaaday xabsi wuxuu ahaa xabsi adag laakiin waan nasiib badnaa waxaan halkaasi joogay 2 bilood ka hor inta aan laykeenin xeradan weyn waxaana haaatan ku noolahay teendho xeradan ku taala. Xeradan waxaan ka helay ilaalin bini’aadantinimo taasi micnaheedu waxaa weeye waxaa lay ogol yahay in aan si sharci ah halkan ugu noolaado inkasto sanad walba ay tahay in aan taasi codsado, waa lay ogolyahay in aan shaqayto shaqona waan raadsan karaa laakiin way adag tahay in shaqo laga helo Malta, waxaanu aragnaa shaqo la soo xayeysiiyey markaanu raadino oo aanu u tagno cida soo xayeysiisay markay arkaan in aanu madow nahay waxay noo shegaan in anay shaqo haynin waxaan dareemayaa in nala takoorayo.


Waxaan ku noolahay teendhadan qorax, roob iyo dabaylba waxaan ku suganahay xeradan waxba ma qabano xerada waxaa ku yaala fasalo in wax lagu barto loogu talagalay laakiin 1 sano ayaan halkan ku sugnaa 1 maalina ma’aanan arag wax lagu dhigayo mudadaasina 1 kalmad oo luuqada Malto ah layma barin.

Waxba mabaran karo buugaag magadan karo si aan anigu wax isu baro macaawin karo qoyskaygii oo Soomaaliya ku sugan, Malta wax mustaqbal ah kuma haysto nolol kuma haysto fursad kuma hayto waan iska joognaa noloshayadu halkan way ku qasaaroowday laakiin hadana Soomaaliya kuma laaban karno.
Arinka kaliya ee waanaagsan Waxaa weeya safarkii aan Malta ku imid gabadhii aan saaxiibka ahayn waan soo wada galnay haatana waxaa weeye xaaskayga halka ayaan isku guursanay, sanadan madoonayo in aan noqdo Nin dabacsan waxaan doonayaa in aan mustaqbalkayga u hardamo.walaahi markii aan intas dhagahayga maqlayn anigo ah abubakar ninka sheekada qalinka iyo buuga ku qorayay intaan qorayay marna wan ooynayay marna wan yaabanay c/risaq wiilkan sheekada qabsatay iyo silaca malta ku imaaday marki an arkay ayanba tayda waxay noqotay basiid walaahi walahalayyga soomaliyayd waxan idin shegaya anigaba oo ah qora sare ninka sheekadan nii soo gaarsiinayay waxan ku noolahay jaziirada maalta sida aad ujeedan teendhadaas wa teyndhada kaliya ay la dajiyo dadka soo galootiga ah walaahi iyado nolosha maalta ay udhibadan tahay umada wey ku noolyihin meel laga aadana mala yaqaan aniga waxan arkay dhowr soomaliyayd isku jira wiil iyo gabar waxay isku dayan in ay kasii ambaxan ,

laakin dowlada maalta waxay ka haysa farahii meelwalba ka aado wa lagu soo celinaya walaahi taas wey dhib badan thay sidii xal lagu gaari lahay xalna wa tii ilahay ilaah taladaaada udhiibo wax ka wanaagsan majirto wadan gaal aya joogta waxana usii ordayda wadan gaal kale meesha aad joogto rabiga ku tuug aya ka wanaagasan aniga ma ihi dhalinta isku dayda marwalba in ay waqtigooda ku baabi,iyan sidi meelwalba farahooda loogu waylahay ay isku dayn in ay aadan aniga kuma jiri intii rafaad aan soo maray aya iigu filan midkaleto magali karo intaas ayan kuso gabagabaynaya sheekadii ay ku sabsanay walalkayna c/risaq dhibaatada uu maalta ku imaaday waad arkaysiin asiga kaliya maahan ninwalba uu oroba

sahal kuma tagin ogaada oroba rafaad aya kso horeya uula socda waxana idinka tagay wa anigo ah
{{ abubakar mohamed hasan}} kulanti dambo oo xiiso leh wa idinka iyo tifaftire c/casiis qalbi jacayl wcw

waxaa isku soo dubaridey qoraaga ama sxbkiina hawada waa c/casiis maxamed sheekh axmed
kala xariir wixii faafaahin ah email adress qalbijaceyl11@hotmail.com
ama qoraaga soo qorey faaladaan oo ah mr abubakar mohamed hasan kala xariir asn email adress

abubakar65@hotmail.com

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: