NOLOSHU WAA JACEYL JACEYLKUNA WAA NOLOL!!!! JACEYLKUNA WAA NOLOL!!!!


NOLOSHU WAA JACEYL JACEYLKUNA WAA NOLOL!!!! qisadaani waxaa idiin soo diyaariye anigoo {{[abubakar mohamed hasan}}

Qiso layaab leh oo aad intan oga boggan doontaan haddii Eebbe idmo,Waxaanan ugu talo galay keliya Dadka Xiiseeya arrimaha Jacaylka, Sheekadan,,,

wa sheeko ka tarjumaysa arimaha jaceylka wayo sida aan wada ogsoonahay in jacaylku halisyahay umada oodhan aya wada og mana aha wax hada cusub ama la bilaabaayo waayo hadii aadan jaceyl sameynin noloshada aya nacaysa waayo wehel la,aanta wa wax aanan fiicnayn wayo fiiiri marki aad wehel aad haysato iyo markii aad kaliga tahay isku mid miya wa maya.

Jaceyl waa jaceyl, qaraar iyo macaan sida uu kuu helaba waa nasiibkaaga. Balsa waligaa ogaaw JACEYL macaan iyo qaraar labada waa inuu la haado.

JACEYL aan labada is jecel u wada oohin, oo u ilmeeynin inbadan, ma noqdo mid macaan iyo dhadhan leh mustaqbalka yeesho iyo aayatiin ma lahaanayo horta soomalida wey taqana sida qalbiga loo soo jiito weyna ku sii dheereysa sida qalbiga loo jabiyo..

hadii aan si kale u dhaho, in aad markasta wax macaan uun cuntid waad iska nacee, oo waxyaabo kala bedelan ayaad u baahantahay, waa dabeeciga bani, aadamka oo laga yaabanyahay taasna.

waxa uwacan in badan waxa keena hablahayna soomaliyayd oo aad wada garanaysan sida ay u codmacaan yihin marki hadalka ladhaho hadii ay noqoto naxariis, kalsooni,texgalin,soo dhaweyn,diiran,intas iyo inkabadan aya lagu yaqaana hablahayna soomaliyayd weyna jilacsanyihin ilahay aanoo dhaafee laakin raka markii ladhaho sida aan uwada kakanahay aya qalbigayna ukakanyahay mana naqaano wax naxariis ah ama kalsooni ah waayo runtii waxa run ah wixii aan rabaano sida an ku heli laheyn aya wax walba usameyna hadii ay noqoto qalbi la hanto waan isku jilcina taas raka wa lagu yaqaana wa dabcigayna yaanan lii dhihin dumarka ayuu taageera ama dumarka ayuu xiiseeya walalahayga soomaliyayd aniga waxan ahay nin abwaan ah ama qora sare,

Balsa waxaa dhab ah in qofka aan waligiis murugo arkin uusan waxba ka aqoonin farxad, maxaa yeelay ma aqoonsan kartid waxa aad heeysatid adiga oo aysan kugu dhicin,

waayo markii ladhaho faraxada wa shey qaali ah laheli karin waayo farxada wa shey qofka bini,aadamka ah ubahan yahay inta uu noolyahay wa laga maarmaan ah in aad hesho,

ama ku qabsanin wax ka duwan waxa aad caadi ahaan la kortay, ama cagsiga nolosha aad horay ugu noolaan jirtay, tusaala ahaan hadii aad markasta qofta aad jeceshahay aad waxwalba heshiis ku tihiin, waxaa muhiim ah in aad mar uun is qilaaftaan si aad markaad heshiisiin micnahiisa u ogaatid xaqiiqo ahaan.

Waa su’aal biliaadanka ku soo noqnoqota inbadan, markuu qof walba wax uun iska dareemo ama iftiin caashaq u soo ifo, is weeydiiyo. Maxaa marka hore loogu jeesjeesaa dadka jaceylku gacanta ku haayo?

Maxaa inbadan oo naga mid ah u beenshaan in jaceyl jiroäba? Waa yaab, soo maahan aqli yaro iyo damiir la’aan in aan dadka wax jecel markeena hore ku qosolna, qaarkeen dad waalan ama maskaxdii isku dardarsantay u arkaan kadibna markii maalinkeena la soo gaaro ay calaacal,

iyo ma maleeyneeynin meelaha la wareegno, lana ooyno, jaceylka iyo shoogka weeyninka badan uu nolosheena sida lama filaanka ah ugu soo biiray??!! Inta aadna is warsanin waxa jaceyl yahay, suaalaha aan kor ku soo xusay is weeydii!!

Nasiib wanaag in badan oo ka mid ah dad waxeey aaminsan yihiin amaba ku qanacsan yihiin inuu jaceyl yahay laba qafood ama lamaano jaceyl iyo gacaltooyo aan inta isku heeynin isla wadaagay, ruuxba ruuxa kale noloshiisa ku qanacsan tahay, oo uu hayo hami joogta,

farxad ka qaado aragiisa/maqalkiisa, dareen xad dhaaf ah iyo fir-fircooni hor leh uu dareemo markuu qofkaas arko, islana wadagaan bogta xanuuneyso ee ku wada taala una baahan dhayida iyo daawada aan dhaqtar heeysanin.

Qof wax jecel waa qof aan dhihi karno ma qabo indhu uu war ku arko, aqlina warkiisa iska dhaaf, waxaan dhihi karaa qofka wax jecel aqligiisa iyo qalbigiisa waxaa koreeya QALBIGIISA, taas uu u saamaxi doonin inuu si sax ah u fekero, ama arko xumaanto ama xanta dadka kale ka arkaan qofkiisa/laamahiisa uu jecelyahay.
Qofka aad dhabta u jeceshay waxaad u noqonee janno, asna Illaah naar kaagama dhige, waa kaa darnaanaa ama waa kula mid. Daacad, eray macaan iyo wada hadal aad aqligiisa/aqligeed la hadleyso ayaadna isbari doontaa hadii aadna horay u aqoonin markii aad soo rugtid bagga CAASHAQA, naftaada qof ka qaalisan ay gacantaada soo gasho, ilaa aad iska dhaadhacsiisid in qofkaan

dhimanaayo hadii aad ka tagtid, ama aad adiga dhimaneysid hadii aad ka dheeraatid baahida aad u qabtid asiga/ayada darteed. Sidaas darteedna ayaad u ilaalisid sida caruurta, dhalada, ama ukun madaxaaga saaran oo kaa dhici rabto qofkaas naftaasa ka qaaalisan oo aad waxwalba u hurtay!.

Inta wax jeclaatay iyo kuwa wadda loogu soo jiraba mid ayaa isku raacay taaso ah in qofka la jacel uu yahay qofka ugu qaalisanbiliaadanka, dunida aad u jeedid iyo inta nuuxsata. Maxaayeelay nafsada wax jecel waxaa mar walba ka qaalisa nafta ay jeceshahay. Markaad arageeda/maqalkeeda waaydana ay kugu abuurmayso murugo, cabsi, tabar dari, wel-wel, walbahaar, hurdo la’aan iyo caajis hor leh, mana arki doontid waxaas oo astaama jireed iyo mid maskaxeedba leh xaalad kale oo kugu abuuri kartid, ama aad sidaas oo kale ula murugoon kartid.

Midka uu jaceyl rabo inuu ka qaado daaha saaran qalbigiisa cusub wiil iyo gabar, waxeey markasta ku jiraan mowjada feker ah, himiladiisana wuxuu u dhaafaa ama u dhigaaliyaa ruuxaa u jeclyahay.

Waxayna dib u soo celisaa xasuustiisa, waxaana ku abuurma xiisad caashaq, oo uu weligiis hilmaami doonin, iyo sawirka qofka uu jeclaaday oo qalbiga ku sawirma. Wiilkaas iyo gabadhaas waxeey go’aan ku gaaraan ayeey ku wada shaqeeyaan, sharci ayaga u gooni iyo xeerar aan laga gudbi karin ayeey buuga caashaq ku wada qortaan iyagoo kalsooni buuxda isku qaba,

waxa ay wax u sameeynaa uu yahay jaceylkooda iyo qalbiyadooda ay la jeclaan lahaayeen in ay mid yihiin ama kala bedeshaan si qofkasta kiisa u ilaashado. Waxeey ka tashadaan mustaqbalkooda dheer iyo noloshooda sida ay u midoobi laheeyd. Maalinba maalinta ka dambeysa, waxaa u dhasha maalin cusub,
oo waligood kalama dhergaan,

maalin iyo habeen, daqiiqad iyo saacad walbo hadii is ag dhafiyaan, ee la kala wadi maago kuma jiro mid raali ku ah in ay kala tagaan!. Waxeyna mar walba is xasuusiyaan jaceylkay isu qabaan inuu sii xoogeystay, uuna yeeshay, midib cusub, kana macaan badanyahay kii shalay, weji cusub oo aan horay loogu aqoonin ayeeyna

qalbiyadooda ka wada arkaan ayagoo is tusaa, oo eray dareenkooda u bedelaa, iskuna dhiirigelinaa in qof walba noqdo qof kale ceelka oo sirtiisa ku duugo, kuna aamino oo inta kale kaga maarmo qofkaas dartiis! Niyada ayeey isku dhisaan, oo isku qanciyaan in ay is yeelan doonaan, oo mar aan dheereeen ay is dhaxli doonaan.

Faa’iidooyin iyo qaasarooyin farahaas ka badan ayuu leeyahay jaceyl. Laakiin waxyeelada ugu daran ee jaceylku keena waxaa weeye marka ugu horeysa oo aad dareentid inuu ku taabtay talaalkii jaceylka, qalbigaaga wax cusub oo aadna aqoonin sida aad eray ugu fasiri laheeyd ay kaa taabtaan, markaaad kaligaa tahayna kula hadlaayaan, oo maskaxdaada buuxiyaan adigoonan isku fasari karin xataa, sida in aad xabsi ugu jirtid wax aadna aqoonin,

dadkuna kula arkin hadi ay ku caawin lahaayeena! Taas oo
micnaheedu tahay xanuun cusub oo ku soo kordhay dareenkaaga iyo jirkaaga, iyo shaqsiyadaadii hore oo la quursaday, ileen mid cusub oo aad ku qaabishid waxa kugu soo socdo ayaad u baahantahee!!

Calaamooyinka jaceylka bilawga ah lagu yaqaano waxaa ka mid ah: Jirkoo ku jajaba, oo aad xanuun iyo daal joogta ah ka dareentid, xataa hadii aadna maantay sariirta ka kicin. Niyad xumi, xanaaq fudud oo waxwalba aadna u adkeysan karin, isnac, kaliahaansho, dadka kale warkooda oo aad kahaarsatid, raashiinkood ka go’did, iyo is daryeel la’aan jirka iyo maskaxdaadaba ah. Daawadaada waxaa haaya oo lagaa rabaa in aad ka heshid kii/tii aad jeclaatay amaba aad codkiisa iyo aragiisa maqashid/aragtid taasi waa qasaarada u leeyahay jaceyl, maxaayeelay qofkaan iyo adiga daqiiqad walba islama qaadan kartaa oo adduun ayaa inku wada xiran, qofwalbana teeda ayaa heeysata.

Hada iyo Talo si aad naftaada u badbaasid waa inaad iska yareysid feker joogta ah, nafsadaana mashquul kaga dhigtaa waxyaabo kale, laakiin ka digtoonaaw, kana fogow filimada jaceylka daawashooda. Maxaayeelay qofka wax jecel waa u hiyikacaa waxaana ku saa’idaa dhadhanka boholyowga badan ka buuxo, oo soo wajahay

nolashiisa/nolosheeda. Maskaxdaada waxay u shaqeysaa si kale taaso ka dhex guuxeeyso rajo xun iyo amaan darada la soo daristay shaqsiyadaada iyo qalbigaaga, waa JACEYLE! Haddaba aan runta kuu sheego jaceylku waa wax aan sahleyn, oo aan dhihi karo naftaada qaaliga ah ayuu kuu aqoonsan karaa. Qaas ahaan dhalinyarta sida fudud u isticmaal, oo waxashnimo iyo fool xumado ka buuxda,

iyadoo wiil iyo gabar erayga jaceyl u isticmaala si yar, oo fududeysi saaida ah ka muuqdo, ama isagoo/iyadoo doonaaya inuu dano gaar ah ku gaaro qofkaan/qoftaan uu jaceylka ula kaca ugu abuuray, ama ula wado balsa uu ogyahay inuu jeclayn ama sii jeclaan doonin. Digniin Ha ku dhihin naf aadan jaceyl u heynin waan ku jeclahay, si aad niyada ugu dhisto ama aad kaga
badbaadid calaacalka iyo raja xumada qofkaas/qoftaan soo wajahi doona. Maxaayeelay kor iyo hoosba maalin uunbaad RUNTA qaraar dhigaha kaga dilaacin doontaa qofkiiyoo intaaan kaa jecel, kaaga rabitaan badan, kaaga kalsooni iyo rajo badan!.

Fadlan dadka u qaddari jaceylkooda iyo xanuunka la soo darso si aad adna markaaga aadnan kaligaa u noqonin, oo laguu taageero hadii aad badbaado rabtid! ileen NOLOSHU WAA JACEYL JACEYLKUNA WAA NOLOL!!!! qofka ku jecel u tehgali jaceylkiisa u qiimey jecaylkiisa intaas ayan kuso gabagabenaya
arrimayna jaceylka waxa qoray wa anigoo ah {{ abubakar mohamed hasan}}
{{ mr qurbaani }}

Editor 8\6\2010 printed abubakar mohammed hasan

waxaana isku soo dubaridey oo idiin soo gudbiyey waa sxbkiina hawada
waa c/casiis maxamed sheekh axmed oo kumagac dheer qalbijaceyl
kala xariir wixii faafaahin ah email adress
qalbijaceyl11@hotmail.com

ama abubakar mohamed hassan oo aad kala xariir kartid email adress
abubakar65@hotmail.com ama tel num +35699178435

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: