DARDAARANKA HOOYADA HABEENKA AQALGALKA


horta sheeko sideedaba waxay ku timada waqtiga ayaba keena sheekada iyo adigoo naftaada lakulmaysid wax ka yaabiya hada maanta anigo ah abubakar mohamed hasan waxan ka hadlaya inbadan waxan ogaysiinaya dumarka habeynka aqal galka waxa ay lakulman waayo ayago inta badan ay u baahanyihin dardaaran ay raban in loo sharxo arrinta meesha tala habeynka aqalgalka laakin maanta waxan ka hadlaya hooyo soomaliyayd oo gabadheeda la dardaarmayso ka bogosha wacan,,,,
waxana qalinka uqaatay qora sare abubakar mohamed hasan {{ mr qurbaani }}


DARDAARANKA HOOYADA HABEENKA AQALGALKA

Hooyo. (Gabadheydiiyeey, waxaad ka baxday guri aad baratay una baxday gogol iyo nin aadan garanayn. noqo dhul, samo hakuu noqdee. noqo dhab, udub dhaxaad ha kuu noqdee. noqo baariyad addoon ha kuu noqdee. Ha isku nabin yaanu ku nicine, hana ka fogaan yaanu ku hilmaamine. Hadduu kuusoo dhowaado u dhowow, hadduuse kaa meero ka fogow. Ilaali sankiisa, dhegihiisa iyo indhihiisa. Yaanu kaa urin caraf mooyee, yaanu kaa maqal hadal mac mooyee, yaanunna kaa dhugan dhalaal iyo qurux mooyee).

Hooyo. (Gabadheydiiyeey, waxaad ku socotaa nolol cusub.. Nolol aanu boos uga bannaaneyn hooyadaa, aabbahaa, iyo walaalahaa Waxaad noqoneysaa xaas uu qabo nin aan dooneyn inay cidi kula wadaagto, xitaa hadday ciddaasi ahaan lahayd kuwii ku dhalay iyo kuwii kula dhashay.

Gabadheydiiyeey, ninkaaga u noqo naag iyo hooyo labadaba. Gaarsii heer uu aamino in aanay cid aan adiga ahayni jirin, mar kastana xusuusnow inuu nin (nin kasta) yahay carruur caga weyn, hadal macaan kan ugu yarina uu ka farxinayo. Yaanu kaa dareemin murugo iyo in guurka uu ku guursaday aawgii aad reerkaagii uga soo fogaatay, illayn isaguba waxa uu ka soo tegay gurigii aabbihii iyo reerkiisiiye. Ha yeeshee farqiga idiin dhexeeya adiga iyo isagu waa uun farqiga u dhexeeya nin iyo naag oo naagi mar waliba waa ay ka beer jilcan tahay kagana xiiso badan tahay ninka xagga waalidkeed iyo gurigii ay ku dhalatay,,,

ku barbaartay waxna ku baratay. Waa inaad la qabsataa nolosha cusub iyo ninka cusub oo laga billaabo maanta noqday ninkaagii iyo carruurtaada aabbohood.

Gabadheeydiiyeey, waa kaa mustaqbalkaagii waana kaa gurigaad adiga iyo ninkaagu wada dhisateen, aabbahaa iyo hooyadaana ka soo qaad wax tegay. Ku oran maayo iska illow aabbahaa, hooyadaa iyo walaalahaa, haddaad adigu illowdana iyagaanba ku illoobi karin, waxanse kaa codsanayaa in aad ninkaaga jeclaatid, isu qurxisid, isagana u joogtid, weligaana maandhey iska ilaali masayr haddii kale furriin meel kuuma jiro).,,

waayo hooyo hadii aad maseyr marwalba ka dareeamo wuxuu oganaya in uu jaceylkaga yaraday gabadheydiyey waxan kula talin lahay in uu maseyrka iska ilaalisid ilaa xad waayo maseyr badan looma baahna niyadadana wax kashata marwalba in aad u ilalisid noloshiisa hadii uu shaqada ka imado marka hore biyo ukeyn marka labaadna kabaha kasiib si uu u nasto kadibna qadadiisa u diyaari intuu quweyska ku maqanyhay markii uu so quweysto qadadiisa inta uu ka cunayo asiga agtiisa fadhiiso una sheekey si uu ku ogaado in aad tahay xas baari,

Hooyo. (Gabadhaydiiyeey, maal badni waalidkeed hadday gabari nin kaga maarmi lahayd adaa ugu horreyn lahaa, balse haddaynu dumar nahay rag baa naloo abuuray, sida raggaba annaga naloogu abuuray.,,,
maloo baahna waayo anaga hadii dumar nahay waxa noola abuuray wa rag in ay naguursadan ayna nagu nastan naguna istariixan gabadheydiyey iska ilaali in ad maal jeclid bilaabtid iska da wixii ku siiyo ku ekaaw gabadheydiyey yuusan ka dareemin aad wax badan u bahanthay haduu uu yahay faqir faqiirnimadiisa kula noolaw niyadadana waxa usheegta nin uu maalin qura wax heli doona rafaadna raxo aya ka dambeyso gabadheydiyey ogaw….

Gabadheydiiyeey, waddankaad ku dhalatay iyo gurigaad ku barbaartay waa tanoo waad ka baxaysaa, adoo aadaya dal aanad aqoon iyo nin aanan u baran la dhaqankiisa, ee maandhey u ilaali toban umuurood:

– Tan 1 koowaad iyo tan 2 labaad: Ku qanac wuxuu ku siiyo kana maqal wuxuu ku yiraahdo, maxaa yeelay qanaacada qalbigaa ku qabooba, maqalka ninkana rabbi baa raalli ka noqda..
inkastoo dumar badan madax adkeyn lagu so furo ayagoo ninkooda amarkiis diidayan waayo dumarka maanta jiran dumar wax maqlayan maahan waxay keeneyn dabeecad gooni ah waxayan keeneyn furin badan oo abal lakaseynin laakin dumarka manta jiran aya keeneyn hada waxa arkaysa gabadheydiyey gabar yar oo da,yar oo manta garoob ah waa adduunyo kadoon waligayn ma arkin gabar da,yar oo garoob ah wa wax noo dhiman lana arkin lana maqlin iska ilaali gabdheydiyey ninkaasi amarkiisa maqal ayan ku dhihi lahay hadii aad rabto in ad ku waarto guurkaaga…

– Tan 3 saddexaad iyo tan 4 afraad: Halka ishiisu qabanayso la soco, halka sankiisu urinayana ogoow, oo yaanay ishiisu qurux mooyee wax kale qaban, sankiisuna udgoon mooyee wax kale urin.

hadii kale waxa lakulmaysa in uu ku naco wayo quruxdii shalay ku bartay hadii uu ka waayo wuxuu oganaya in aad nacday niyadiisana wxuu ka shanaya wax bdan wuxuuna radin ku bilaabaya in uu naag kaleto kula guursado iska ilaali midasi ka taxadir hadii aad rabto in kaliga uu ku qabo..

– Tan 5 shanaad iyo tan 6 lixaad: La soco waqtiyada uu wax cuno, uguna dadaal degganaanta waqtiga uu hurdo, maxaa yeelay gaajadu way gubtaa, hurdada oo lagu bar gooyaana way ka caraysiisaa.

waayo asigo baahan hadii habeynkii seexiyo waxa dhacayso in uu gaajo saqda dhexe habeynkii soo tooso tasina waxay keeneysa xanaq asigo seexan karin markii uu arko adigo jiiftid waxa macquul ah in uu niyadiisa gadasho adigey ku danleedahay waayo wey ogtahay in aad baahantahay midaasina waxay usameysay kas laakin dhibaato maleh waxay ka hesho ayay helaysa ayu niyadiisa ka leeyahay in uu niyadiisa wax xun gashan lahay ku dadal in uusan seexan casho la,aaan gabadheydiyey hora wax loo yiri naag ninkeda jiradiisa kama naxdo ee baahidiisa wey ka naxda waayo hduu uu baahan yahay sdee baashaal ku helaya gabadheydiyey taasi intee ka aaday maskaxdaada ku hay midasi…

tan 7 iyo tan 8 daad haduu uu guriga uu ka maqan yahay yeysan dhicin adigo maqan in uu guriga imaado waayo taasi adiga sharaf kuma aha asigana sharafa uma aha…

wayo gabar maqan xiliga habeynka uu ninka guriga xadir ku yahay in ad xili dambo aad imaato kuma fiicna mustaqbakna kuma aha gabadheydiyey mustaqbalkaaga ilaali hadi aad rabto in aad nolol fiican kula noolaato adiga iyo ninkaga intaasi waa iiga waano…

tan 9 iyo tan 10 hadii uu sir ku qardaso sirtiisa banaanka haka bixin haduu uu sirtiisa banaanka kaso maqlo aad buu uxanaaqaya adigana sharaf kuma aha..

wixii uu ku sheego gabadheydiyey adiga iyo ninkaaga sirtiisa saxibada ha usheegin waayo soomalida wa cadow ayaga naftooda ayay cadow isku yihin ninkaaga sharaftisa u dhor hadii ad rabto in aad noqoto gabar baari ah hdii uu ninkaaga baari unoqoto waxa galaysa janada ogowna janada ninkaga luwihiisa dhahdiisa ayay ku jirtaa intaas aya kugu filan hadii tahay gabar xilkas ah iyo caaqil iska dhig aniga marabo in uu gurigan ku soo laawato gabar fiican iska dhig gabadheydiyey intaas ayay kuso gabagabaysay waanidii ay waanisay gabar soomaaliyayd hooyadeyda dadweynow waanida waa lama huran hora wax loo yiri waano abuuris baka horeysa dumarna sidoodaba waanda waxay umaleynaya in ay tahay amar maahan waayo waanada waa lama huran ninkii waano waalid iyo waayo mr qurbaani ninkii diida meel xun aya u dambeysa intaas aya kuso gabagabeynaya goraaga maanta aan ka hadlaynay uu ahay

DARDAARANKA HOOYADA HABEYNKA AQAL GALKA .

WAXANA QOREY QORAAGA WEYN ABUBAKAR MOHAMED HASAN
{{ MR QURBAANI }} WAXANA IDINKA TAGAYAA KULNTI DAMBO OO XIISO LEH,
WAXAANA ISKU DABARIDEY C/CASIIS MAXAMED SHEKH QALBIJACEYL

6 Comments

  1. Walaal aad iyo aad ayaan idiin salaamayaa waanad kumahad santahiin waanada fiican ee aad dadka usoo bahiseen

  2. Marka wan idin salamay aqrisayasha bogan ama ku tixin gar ahan waxan salamaya mr qurbani o webkan wax bdan inoga faiday masha alah ayan leyahay aniga ahan ad ayan ugu helay wanidan hoyada gabadheda uso jedisay hoyo walba tas walagu bahan wadna mahadsantahay run ahanti webkan dadka hal aboray waxan dhihi laha wa dad wax garad ah o caqilin ah mar labad ayan idin leyahay wad mahadsantihin wanada gabdho bdan o somaliyed ayaba u bahan intas ayan kuso gobaya thank you very much

  3. walalayaal aad ayaad umaahsantihiin wana ku faraxnay wanadiina illah qeyr ha inka siiyo

  4. waa run

  5. marka hore waan idin salamay waana idin ku mahaad gelina sida aad waanidaan webkaa u gu soo diyaarisen maashAllah aniga qaas ahaan teyda si fiican ayeey igu anfacee maxaa yeelay hooyo oo sidaa igu waani laheyd A lle ayaa oofsaday Alxdllh anigana wax weeyn ayeey itartay adinkana aad iyo aad ayaan idinku mahad gelina maxaan idin leyahy Guul wacan wallayaal

  6. marka hore ASC WR WB, bacda salaan runti wxaan ku amaanayaa dhalinyarada webkan sida wanaagsan ay isku xilqaameen isla markaana ay noogu soo gudbiyaan
    waxyaabaha dhacdooyinka ah oo dunida ia markaana la yaabka leh
    sido kale sheekooyin jeceyl oo cajiib ah, waanooyin aan is leeyahay in laga faaideysto ayay mudanyihiin.

    aniga waxaan kamid ahahalinyarada mudooyinkii ugu danbeeyay ku soo biiray soo booqdayaasha webkan aad ayaan idinku amaanayaa wxaan idinleeyahay isku daya in aad sii wadaan si geesinimo ah arintan

    inkastoo la yiraahdo somalida wax ma aqriso e waxbay dhagaysataa ayaa hadana aniga waxaan dareemayaa xiisayn aqrineed maxa yeelay wxaan arkayaa in aan maqaalada qaar aan aqrintooda dhamaystiraayo

    marka waxaan idinku boorinaayaa in aad sida ay wax u socdaan u wadaan falaqeynta arimaha jeceylka iyo arin dhameystiran oo nolosha qofka u noolyahay wxa keeni kara in uu noloshisa u farxad ku noolaado waxyaabo badan oo nolosha ka qaldan dad in aad u saxdaan waaye

    ugu danbeyn aad ayaad u mahadsantihiin waa maxamed cadde oo idin leh hawl wacan


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: