NINYAHAHOW NAAGTAADA DHAQO


NINYAHAW NAAGTAADA DhAQO

QISadaani waa qiso cajiib ah aniga sideedaba waxaan daneeyaa dadweynaha webka http://www.nololcusub.tk ku xiran waxaana ahay abwaan soomalyeyd oona ah qoraa sare magacayga waa abubakar mohamed hasan waxan marwalba idinka haqabtiraya wixii macluumad ah oona ku saabsan sheekooyin jaceyl ama taariiq hana noqoto aniga aya marwalab garabkiina taagan habeyn iyo maalin u taagan sidii webkan ku hormari lahay markaana kuso dhawada,

NINYAHAHOW NAAGTAADA DHAQO KA bogosha wacan,

wiilyahow ama gabaryahay waxa laga doonaya in aad dhaqato naagtaada una roonaato marwalba hadii hadal macani ah ama kalsooni ah ka ilaali waxa iyada niyada ka jabinayo dareysii in aad jeceshahay oo iyada mooye qofkaleto qalbigaga rabin ileyn wa naag waa caruur waxay ubaahantahay kaliya hadal macan naxariis ku dheehantahay klaiya intaas ayay ku qancaysa dumarka,,

Sida naagtaba looga doonayo inay adeecdo oo u adeegto ninkeeda, maalkiisana aanay ku bixin idankiisa mooyee, ayaa sidoo kalena ninka looga doonayaa inuu xaaskiisa u roonaado, wanaagna ku dhaqdo. waxa uu Eebbe Qur’aankiisa ku leeyahay:

(Ku dhaqda wanaag, haddaad nacdaanna waxaa dhici karta wax idinku aad nacdeen in Eebbe khayr badan dhex dhigo) (Suurat An-Nisaa: 19). Rasuulkana (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa laga weriyey: “Mu’miniinta ka ugu iimaanka badani waa ka ugu edebta badan, waxaana idiinku akhyaarsan ka xaaskiisa ugu akhyaarsan.

Dab kastaa kolka uu dillaacayo koob biyaa kolay ku tahay waa lagu damin karaa. Anigoo haddaba aragtidaasi amba qaadaya, ayaa waxan oran karaa dhibaatooyinka ugu badan ee qoysaska dhisan dumiyaa waxay ka billowdaan is afgaranwaa yaryar oo aan markaa micna lahayn, isla goobtaasna wax looga qaban karo, haddiise la daayo ama batrool lagu sii daro sii holciya, kolkay isbiirsadaan waxay gaaraan heer furriin mooyee faraj kale laga quusto.

Ninka haddaba doonaya inuu guri barwaaqo dego, waxa la gudboon inuu waanooyinka soddonka ah ee soo socda si fiican u dhuuxo, uga fekero, xisaabtana ku darsado. Waxyaabaha aan hoos uga hadli doonaa, waxan isleeyahay waxa weeye waxyaabo ninku hadduu sameeyo aan isaga waxba ka dhibayn, xaaskiisa ku abuuraya kalsooni, dulqaad, jacayl iyo farxad joogta ah, guurkoodana ka dhigaya kii lagu nasto oo lagu nagaado abidkiis intii ee dunida joogan,

1- Ha xumeyn xaaskaaga. Xumeyn aad naagtaada xumeeysaa nooc ay ahaataba, waxay ku reebtaa aano urugo aan weligeed ka bixin. Waxyaabaha ay xaasku ka carooto laabteedana aanay kaaga cafineyn, xitaa hadday carrabkeeda kaaga cafiso, waxa ugu daran adigoo dila iyo adigoo caay ama ceebeyn u geeysta iyada ama ehelkeeda, amaba adigoo sharafteeda iyo karaamadeeda wax ka sheega.
markii aad intaas dhehdo waxa laga yaaba in ay qalbigayda kashato waxyaabo ay keenayo in ay naftaada wax u geysato hadi ay rabto ay ahaato arin foolxumo ah oo ay keeni karto oo adiga qatar ku keeni karto waliga dumar ha xumeyn hana dhaawicin qalbigooda hadi aad rabto in aad ku waarto dunida in badan,,

2- Si fiican u dhaq si fiican ha kuu dhaqdee. Dareensii inaad jeceshahay iyo inaadan ka maarmin. Nafteeda u raaxee oo raalligeli, caafimaadkeedana ku dadaal. Hadday xanuusato, wax kasta u hur siday ku daawoobi lahayd, siday u caafimaadi lahaydna usoo jeed.
marwalba waxa tusisa in iyada mooye cidkaleto ooo qalbigaga ku jirin markii dumarka ay cadada ku dhacdo ku dadal in aad xooga naxaris o muujiso si ay ku dareynto in aad jeceshahay ,

3- Ogoow inay xaaskaagu jeceshahay inaad la fariisatid, kalana sheekeysatid wax kasta ood dareemeysid. Guriga ha kusoo laaban adigoo weji cabuusan oo aamusan, taasi oo iyada ku rideeysa welwel iyo shaki.
hadii aad aado shaqo ama wareyg haku so laban adigo xanaqsan ama niyad jabsan wixii bananka kuso qabsado markii aad guriga iridiisa imaaato iska ilow markii aad so gasho guriga iska dhig qof xiiso u hayo marwalbana ka dhunto wajigeeda si ay ku dareynto in aad xishmeynayso ilayn wa dumare,

4ku khasbin xaaskaaga inay kula wadaagto rwaayadahaaga gaarka ah. Tusaale ahaan, haddaad caalim ku tahay cilmiga xiddigiska, haka filan inay sidaada oo kale jeceshahay xiddigaha iyo meereyaasha.
hadii aad jeceshahay hubigaga ku garka ah ma aha in iyadana kula jeclaato hana ku qasbin wixii rabin yeysan ka caron ka ilaali carada dumarka carada uma roona qalbigooda aya wax garaya,

5 nin dhowrsan oon balwad lahayn sida aad iyadaba ka rabtid inay noqoto. Waxa jira Xadiis uu soo saaray Dhabariyy oo oranaya: (Dhowrsanaada dumarkiinnu ha dhowrsanaadaane). Iska jir inaad indhaha ka daba taagtid dumarka aan xalaasha kuu ahayn, sdia kuwa aad wadaagtaan goobta shaqo ama goobta waxbarasho, kuwa waddooyinka maraya iyo xitaa kuwa aad Taleefishanka ka daawatid.
iska ilaali in aad xaaskaga si xun u fiiriso waayo hadii ay aragto dabeecad adiga ebel ulahayn hadi ad laso baxdo si kaleto ayay u qaadaneysa waxana imaanaya in ay is tiraahdo wuuba ku nacee muxuu qalbiga kaga dhaawacaya waayo dumarka bananka ad ku aragto si walba aya ula dhaqmi karta laakin tan guriga ku joogto xil ayay ka mudantahay mana aha ri aad soo iibsatay ileyn waa qof oodhan naf ku jirto waye hadii aad rabto in aad ku waarto guurkaga u naqo baari haku noqote baariyad,

6- Iska jir inaad xaaskaaga ka masayrisid. Ha kusoo hadal qaadin, kaftanba ha kaa ahaatee, inaad doonaysid inaad naag kale guursatid, hana u ammaanin dumar kale, waxyaabahaasi oo laabta ka wareemaya, kalgacalka ay kuu qabtana ku beddelaya welwel, shaki, malo iyo murugo joogto ah.
waliga ka ilaali in aad dumarkeleto sheekadeyda kuso qaato waayo dumar dumar looma sheego hana ku abuurin waxa keenayo welwelka waayo waalidkayd ayay kaga soo go,day adiga ayay aduun iyo aaqiro ka fiirsanaysa hana cadaabin naftaydana waxay rabto sii kana farxi waliga,

7 Ha xusuusin xaaskaaga xumaan iyo ceebo ay sameeysay waqti lasoo dhaafay, gaar ahaan ha ku hor sheegin ceebahaasi hana ku caayin dadka hortiisa.
wax iyda ilowday oo horay ku dhahday waliga ha xasuusin xaskaaga hadi kaleto qalbigayda waxa galayo shaki iyo xuman oo waligayd ka tirtirmaynin,

8- Dhaqankaaga wanaaji, ayaan markaad joogtana dhaqan wanaag hor leh lasoo bax, sida aad iyadaba uga rabtid, kana digtoonow wax kasta oo xaaskaaga ka xanaajin kara.
marwalba waxa tusisa in aad jeceshahay waxana lso baxda dabeecad oo gooni ah oo iyada raali galinayso hadii aad rabto si ay xaaskaaga kula noolato,

9- Dhaqan iyo diin wanaagga xaaskaaga kaga dayo hadday kugu dhaanto. Imisaa rag hanuunay kolkay guursadeen haween diin leh oo dhowrsan, dhaqan wanaagsanna leh.
dumarka kuli isku mid mahan waayo waxa arkaysa nin markii uu guursaday oo is bedelay o xaaskiisa bedeshay imisa ragod aya so hanuunay waa dhaqan fiican la imadeyn ,

10- Isdeji, carada iyo xanaaqana iska daa. Haddaad xaaskaaga ka gardarraatid ka cudurdaaro oo ka raalligeli, hana seexan adigoo u caraysan, iyana ay murugeysantahay ooy illintu dhabankeeda ku taallo. Ogoow waxyaabaha aad ka carootaa inta badan ma aha wax astaahila inaad qoyskaaga farxaddiisa u baabi’isid eh. Shaydaanka iska naar, isdeji, ogoowna dhaqanka iyo jacaylka adiga iyo xaaskaaga idiin dhexeeyaa inay ka weyn yihiin inay ku waxyeelloobaan caro iyo is fahamwaa mar dhacay.

11- Isku kalsooni ku abuur xaaskaaga, hana ka dhigin sida adeegto waxaad doontid kuu yeesha waxaad tiraahdidna kaa yeesha. Ku dhiirrigeli inay yeelato shaqsiyad, fikrado, iyo go’aanno iyada u gaar ah. Kala tasho umuurahaaga oo dhan, kulana dood si xikmad leh. Qaado ra’yigeeda hadduu kuula muuqdo inuu saxyahay, una sheeg inaad ra’yigeeda qaadaneysid, hadduuse ra’yigaagu kula saxsanaado si degganaan iyo dadnimo wanaag leh uga dhaadhici.

12- U mahad celi kuna ammaan kolkay wax mudan in lagu ammaano looguna mahad celiyo sameeyso. Xadiis uu Tirmidi weriyey baa ahaa: (Qofkaan dadka ku mahadini Allena kuma mahadiyo).

13- Xaaskaaga ha eedeyn, hana cambaareyn, hana barbar dhigin dumar kale ood ku leedahay way kaa fiican yihiine ku dayo.
waliga iska ilaali in aad tiraahdo rago oodhan naagahooda wey fiican yihin ku dayso hana dhihin taasi looma baahna wax waad usheegi karta si kale wax ugu sheeg mahan in aad tirahdo sidaas adiga sharaftada ayay hoos udhigaysa ogow,

14- Isku day inaad ku tartid kuna taakulaysid wax kasta oo ku dhiirrigelin kara inay aqoon kororsato. Hadday doonayso inay Dugsi ama Jaamacad dhigato, u fududee oo garab istaag, kol haddaanay waxay baranaysaa kahor imaanayn diinta, kana mashquulinayn waajibkeeda marwonimo ee guriga. Kolka ay guul soo hooyso, la farax oo dareensii inaad guusha la wadaagto, garabkeedana aad had iyo goor taagan tahay.

15- Si fiican u dhegeyso xaaskaaga, kuna dhiirrigeli inay kuu sheegto wax kasta oo laabteeda ku jira. Iska jir inaad ku jeesjeestid ama hadalkeeda jebisid (beenisid). Waxa jira dumar aan hadal daayin oo deriska iyo dadka xanta. Haddaba, kuwaas oo kale si xikmad leh, diintana waafaqsan arrinkooda ku daawee.

16- Dareensii xaaskaaga inay agtaada aamin ku tahay, ood adigu dugsi iyo duggaal uga tahay duruufo kasta ooy ka baqayso. Dareensii inaadan weligaa dumar kale ka doorbideyn kana doonaneyn.

17- Xaaskaaga dareensii inaad adigu masruufkeeda iyo marashadeeda mas’uul ka tahay, xitaa hadday xoolo badan leedahay. Ha damcin xooleheeda kuu xalaal ma ahee, maal bay haysataa darteedna ha kaga masuugin . Ogoow xaaskaagu, si kasta ooy taajirad u tahay inay ku farxayso kuguna qiimeynayso dadaalka aad ugu jirtid sidaad mustaqbalkiinna u dhisi lahayd, mas’uuliyaddeedana u qaadi lahayd.

18- Iska jir xiriirka dumarka aan kuu bannaanayn, ogoowna inay kamid yihiin waxyaabaha ugu badan ee guryaha dhisan dumiya.
sida adigo xas qabto in aad banaanka gogol dhaaf aad ku sameyso tasi waa xaaran ilahay ma baneynin adigana guurkaada ayay dhaawaceysa iska jir dumar ileyn wa duma maskaxdada ku hay kuna ekaw xaskaaga iimankaga dhiso ilahna unoqo,

19- Dheellitir jacaylka xaaskaaga iyo jacaylka waalidkaa iyo tolkaaga, dhinacna dhinaca kale ha uga eexan oo daraf waliba xaqa uu kugu leeyahay sii, adigoon darafka kale xumeyn.

20- U ahow xaaskaaga sida aad jeceshahay inay kuu ahaato, ogoowna inay iyaduba kugu jeceshahay waxa aad adigu ku jeceshahay. Ibnu Cabbaas (RC) waxa uu yiri: (Waxaan jeclahay in aan xaaska isugu qurxiyo sida aan u jeclahay inay isugu kay qurxiso).

21- Soo wareeji oo kusoo madaddaali guriga dibaddiisa hasoo hawa beddelatee, gaar ahaan kahor intaanay dhalin ubad madaddaaliya, wax allaale waxaad jeceshahay inay kula qaybsatana la qaybso.
xiliyada aad shaqada ka nasanaysid in aad jiiftid kaliya looma baahan marki shaqada lahayn wad xaskaada so wareeji si ay niyada udhisato oo so hawo bedeleto,

22- Reerkeeda xariiri, dhaqaalee, si xushmad lehna ula dhaqan oo usoo dhowee.
waalidkeyda hadii aad wax ku tari tarto si si ay ku faraxdo oona ku ogaato in aad xiriiriso walidkeda waayo xaq ayay ku leeyihin maahan kaliya in aad waalidka wax siiso oo iyada walidkayd wax siisin iyada kuma farxayso taasi ilaahna raali kama ahan iska ilaali waxa adiga sharaftada wax udhiwaayo,

23- Waqtigaaga oo dhan shaqadaada ha siin yaanay ka maseeyrine. Waqiyadaada fasaxa iyada kula qaado guriga gudihiisa ama dalxiis u kexee oo soo wareeji, yaanay caajis dareemine.

24- Kolka aad guriga ka baxaysid, ku sagooti dhoola caddayn, kana dalbo inay kuusoo ducayso. Kolka aad guriga kusoo laabatidna ha ku degdegin ee waqti sii ay kulankaaga isugu diyaariso, gaar ahaan kolka aad safar kasoo gashid, aan ahayn waxa laga yaabaa inaad ku aragtid qaab iyo lebbis aadan jeclaysan inay kugu qaabisho.

25- Adiga iyo xaaskaagu nolosha isku il ku eega oo isku day inaad aragtida ka midoowdaan.
si ay lawadiina nii muuqato wax isku sheego waxa aad aragtan yeysan dhicin qof waliba in uu qalbigiisa gayd kaga dhigto waayo wixii aad qarsato wey ku qarsadan ogow,

26- Isku day inaad xaaskaaga ka kaalmeysid howlaha guriga qaar. Caa’ishah (RC) waxay tiri: (Rasuulku “SCW” haweenkiisa ayuu howsha la qaban jiray, Salaadda waqtigeeda kolka la gaarana Salaadduu u bixi jiray). Waxa weriyey Bukhaari.

27- Isku day inaad isha ka dadabtid meelaha qaar ay xaaskaagu ku liidato, ama lagaga fiicanyahay, isna xusuusi wanaagga iyo waxtarkeeda, si ay u daboolaan ceebeheeda. Rasuulku (SCW) waxa uu yiri: (Nin Mu’min ahi ma liido naag Mu’minad ah, hadduu dhaqan ku naco mid kaluu ku raacaa). Muslim baa weriyey.

28- Xaaskaaga shukaanso, la kaftan oo la cayaar. Rasuulku (SCW) oo nin Saxaabiya la hadlayaa waxa uu yiri: (Gabar maxaad u guursan weysay aad la cayaartid oo kula cayaarta). Bukhaari baa weriyey. Cumar bin Khaddaab (RC) oo caan ku ahaa ad-adayg iyo xoog, xitaa, waxa uu dhihi jiray: (Ninku kolku xaaskiisa la joogo waa inuu sida carruurta ahaado, kolka uu dad kale la joogana rag ahaado).

29- Xaaskaagu hadday kugu soo hadal celiso waa inaad dhegeysatid ra’yigeeda una dulqaad yeelatid. Rasuulka (SCW) dumarkiisu way ku ra’yi celin jireen kamana uusan caroon jirin.

30- Deeqsi u ahow xaaska iyo carruurtaada, waxaad u awooddana ha kala bakhaylin. Rasuulku (SCW) waxa uu yiri: (Diinaarrada waxa ugu fadli badan ka aad ehelkaaga ku bixisid). Waxa weriyey Axmed.

Ragga waxa lagula dardaarmayaa inay dumarkooda isu qurxiyaan oo isu carfiyaan. Aayad Qur’aan ahi waxay oranaysaa:

(Waxay wanaag ku leeyihiin inta iyaga lagu leeyahay oo kale) (Suurat Al-Baqara: 228). Waxa weliba la sheegaa in haweeneydu kolkay barafuunka ninkeeda uriso, isla goobtaasi ku godlato, oo galmo ugu baahato. Ibnu Cabbaas (RC) waxa laga weriyey inuu yiri: “Ninku ha isugu diyaariyo naagtiisa sida isaguba uu jecelyahay inay isugu diyaariso”.

Ninku waa inuusan kolka uu guriga joogo isdhigan oo uusan wax waliba ku dhaafin inay siday doonaan u dhacaan, balse waa inuu guriga ku leeyahay mowqif sidii isaga oo xafiiska shaqada jooga. Dumarku waxay jecel yihiin in raggoodu ay leeyihiin muuqaal carruurnimo, waxayna neceb yihiin inay leeyihiin muuqaal nimow-naagnimo, kaasi oo kaga imaan kara dhanka lebbiska, isticmaalka barafuunnada dumarka, surwaalka ku dheggan, qoobka dheer ee kabaha, indhaha baararkooda oo midabbaysan, bushimaha cascas, iwm. Haweeneyda u dhalatay qosol iyo farax la’aantu waa inay samayso sida ay sameeyaan dumarka dukaamada iibiyaa kolka ay macaamiishooda kula kulmayaan bashaashnimo iska yeelyeel ah, sababta oo ah wejiga bashaashka ahi waxa weeye qayb kamid ah naagnimada.

intaas ayan kuso gabagabaynaya maanta arinta aan ka hadlaynay 30 arimoyd oo ku saabsan in aad qaadato hadii aad rabto in aad xaaskaaga kula noolaato waxyaabaha aan ka hadlaynay oo ahay ninyahow xaaskaaga dhaqo waxana qalinka u qaatay anigo ah {{ abubakar mohamed hasan }} mr qurbaani }} waxana idinka tagaya intaan markaleto ku kulmayno hawada markleto sidas iyo nabad galyo

1 Comment

  1. asc salan kadib waxaa mahad usugnatay laha subxanahu watacalaa e konkan inaga irsaaqay mida labaad walaala heena inoo soo gudbiya bar naamijkan e aadka umacan anagana kuwii qato o kudhaqma ilaah hanaga dhigo inkasto manta rag iyo dumarba sideydonan udhaqmayan balse quf walba waxa uu sameysto ayu helaya waxaa hubaal ah hadi aad quf muslin ah kucayaarto ama aad dhib ugeysato adna waxad heleysa mid kulugoya marka waa inan sameynaa wanaag si aduun iyo aaqirab aan wanaag an uhelno wabilaahi towfiiq


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: