Gabar wiilkii ay jecleyd ka doorsatay Dalka Maraykanka


Dhacdadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Zakariya iyo Raxma,
waxayna sheekadu ku bilaabaneysaa sidatan:-

Waxaan ku dhashay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, sanadka markuu ahaa 1986-kii, waxbarashadeyda waxaan kusoo qaatay dalka aanu dariska nahay ee Kenya, sidoo kale Raxma ayaa waxay iyana igula nooleyd dalka Kenya.

Raxma waxay aheyd gabar aad i soo jiidatay, bacdamaa uu qof walba lee-dahay dooq isaga u gaar ah, iyadoo ay saas tahay ayaanan u sheegin jaceylkii iyo dareemihii aan u haayay Raxma.

Waxaan iskaga soo tagay dalka Kenya, anigoo u soo shaqo doontay wadanka aan iminka ku suganahay ee Koonfur Afrika, muddo markii aan ku sugnaa wadankaan Koonfur Afrika, ayaa waxaa soo helay teleefankii Raxma, nasiib wanaag waxaan bilaabay inaan waco, anigoo aad u xiiseynaayo, waxaana ugu dambeen u sheegtay inaan jeclahay, sidoo kale waxay igu soo dhaweysay gacmo furan.

Xilligaas wixii ku dambeeyay waxaa inoo bilowday jaceyl wanaagsan oo weliba uu ku lamaanan yahay xiiso gaar ahaaneyd, waxaa aalaaba ka wada xiriiri jirnay qadadka Internet-yada iyo Teleefanadaba, Raxma iyadoo noqotay gabar aad iga daba-dhacday.

Muddo kadib ayaa waxaa soo baxday shuux-shuux hoose oo ka turjumeysay in uu Raxma guursan rabo nin ku sugan dalka Maraykanka, sidoo kale gabadhii aniga ifka igu jecleyd ayaa waxaa ka dareemay caga-jiid xoog leh, iyadoo aan kala kulmay wejigii hore ee aan ku aqiinay mid ka duwan, anigoo ka waayay astaamihii hore ee aan uga bartay “Alla dumarka qaar yaa guba”..

Waxaan u adkeysan waayay sida ay ila dhaqmeyso, “ruux kasta wuxuu jacel yahay inuu ku mashquulo qofka uu ifka ugu jacel yahay” iyadoo ay saas tahay ayaa waxaa ku iri walaaley aniga waxaan ahay naf adiga ku jacel, sidii hore ee aan kaaga bartayna, kaagama jeedo ee fadlan haddii aad i jaceshahay sidii hore ii noqo, haddii aadan i dooneyn i sheeg” waxaan ka sugaayay jawaab wanaagsan, saa waxay iga hor keentay “Bye”, waxay ila noqotay dhalanteed.

Wixii xilligaas ka dambeeyay waxaan galay god gudcur ah, oohin….oohin….oohin, aad baan u ciishooday, misana u calaacalay, haddii aysan ahaan laheyn qof aanan jecleyn maanan u ooyeen, balse waxaan la-ooyahay waa qoftii aan ifka ugu jeclaa oo sidaan igu sameysay, misana ii damqan weyday.

Ninkii ay dooneysay inuu guursado ayaa wuxuu ka yimid Maraykanka, balse maxaa dhacday “Waxaa dhacday inuu ninkii noqdo nin duq ah, misana caruur iyo xaas leh” Raxma ayaa waxay bilowday inay inkirto ninkii ay dooneysay inay iga doorsato, balse Alla waa caadil oo wuu u jeedaa wax walba oo dhacaaya.

Raxma ayaa waxay diiday inay guursato ninkii duqa ahaa, iyadoo sheegtay inaysan boos oo dhan u heyn, si kastaba ha’ahaatee waxay ku fikirtay inay dib xiriir ila soo sameyso, iyadoo igu tiri “Waan ogahay qaladka aan kaa galay inuu yahay qalad-weyn, hase ahaatee waxad doonto igaga aargudo, balse waxaan doonaayaa macaane inaan dib u soo nooleeno xiriirkii inoo dhaxeeyay” ayay igu tiri, qoftii aan ifka ugu jeclaa misana dooneysay inay nin kale iga raacdo.

3 Comments

  1. asc waxan salamaya dhaman asxabta isku diayrisay iney nos gudbiyan shekoyinkan xiisaha leh masha alah waxan idn leyahay no so wada mida kale waxa raba shekadan raxma iyo zakariye dhamad keda halak raxma u dambeysay iyo zakariye waxa ow kula hadalay markey sas dhahday thanks

  2. asc dhaman dhalinyarad nolocusub waxan ka codsanayaa inaa noo dhameystirtan shekad gabadha jaceylkeda ka dorsatay marekanka

  3. sc dhaman waxan salamaya bahda nololcusub ee sida wanagsan noogu soo gudbisa sheekooyinka xiisaha badan wadnah mahadsantihiin allah sct ayaa mahad iskaleh.
    sheekadan lamagac baxday(GABAR WIILKI AY JECLED KA DORSATAY MARAYKAN)
    INTAAS MAY KU EGTAHAY MISE WAXBAA DHIMAN FADLAN HADII AAD WAX JAWAB AH KA HEYSAAN ISOO GUDBIYA IDINKOO MAHADSAN WALLOYAAL!


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: