Salmaan iyo Gacalisadiisa Saamiya‏


qisadaani waxey dhaxmartey lamaane lagu kala magacaabo salmaan iyo saamiya
waxeyna ku bilaabaneysaa

Salmaan wuxuu ahaa wiil uu ilaahay u dhameeyey dulqaad, samir, iyo deganaan wuxuuna ku noolaa magaalada Burco ee gobolka Togdheer.Salmaan hooyadii iyo Aabihii waxay dhinteen isaga oo aad u da’ yar, yaraantiisii wuxuu ku soo koray xerada agoomaha markii uu weynaadayan wuxuu ka shaqo bilaabay geerash si uu u dhacsado quutal daruurigiisa maalin nimo ugu danbeyntiina waxaa wakhtigu u saamaxay in uu kerish booy ka noqdo bas u kala baxa Burco iyo Hargeysa mararka qaarna ka shaqeeya magaalada Burco dhexdeeda.Salmaan wuxuu ahaa wiil aan marbana ka welwelin aduunka waayo wuxuu aaminsanaa in uu maalin uun helayo Nasiibkiisa

Maalin ayaa salmaan oo taagan istaanka basaska kuna qaylinaya hadalada lagu yaqaano dadka kiriish booyga ah oo leh “baabuurkan xaafada October ayuu u baxayaa yaan lagaa buuxin”. ayaa wuxuu indhaha ku dhuftay Saamiya oo ahayd gabadh uu ilaahay u dhameeyey qurux aadna u ilwaad roonayd oo qof walba oo arkaa jecelaanayo isla maalmahaana ka timi waddanka Canada. Xiligaas Saamiyi waxay la socotay gabadh ay ilmaadeer yihiin markii ay u soo dhawaatay Salmaan oo sita dhar uskaga badan wuxuu isku dayey in uu ku tuuro hadaladii Ina rag lagu yaqaanay wuxuuna ku yidhi …. Inaabti baabuurka yaan lagaa buuxin kuris martiyeedna waan kuu hayaa ee soo fuul adigaan ku sugaynaye! Saamiyi iyada oo aan u jawaabin ayaa waxaa hadlakii la booday gabdhii kale kuna tidhi sida aad u eegtahay ma is aragtaa waar naga baydh kirishbooy yahow iyada oo ula hadlaysay si yasniin ku jiro. Ceeb ayaa soo gaadhay Salmaan wuxuu ku hadlana waa garan waayey, isaga oo aamusan ayaa waxaa hadashay Saamiya iyada oo ku hadashay hadal xikmadyesan oo ah sidan “looma baahna in aad sidaa u hadashid walaal waayo wax walba oo aduunka yaalaa xayeysiin kama soo hadhaan wiilkan shaqadiisa ayuunbuu xayeysiinayaa si baabuurku dhakhso ugu buuxsamo teeda kale shaqo cay ma laha waayo dad badan oo yurub joogaa waa ka liitaan wiilka shaqada ay qabtaan marka loo eego, qof dalkiisa hooyo ku shaqaysanayna wax ka fiican ma jiro” Saamiya iyo inantii ay ilaadeerka ahaayeen iyaga oo aan kelmad kale odhan ayey sii dhaafeen Salmaan aadeena meeshii ay doonayeen. Salmaan oo ahaa wiil aad u degan wuxuu ka fekeray sida khaldan ee uu hablaha ula hadlay iyo sida wanaagsan ee ay gabadhu u hadashay markii danbe,isaga oo isku buuqsan ayuu lahaa tallow inanta magaceed mase arki doon taa mar danbe? Salmaan wuxuu ahaa wiil saddexdiisa wakhti dhacsanayey wuxuuna bilaabay in uu lacagta dadka ka uruuriyo, waa yaabe jacaylku ma wax dadka ku soo boodaa ileen qofku marka u arko qof aanu hore u arag kana helo wuu khalkhalaa!!. Salmaan meel uu marayo iyo meel kale waa is garan waayey waxayna maskaxdiisii raacday gabadhii heer uu canaantay ninkii baabuurka ka dirawalka ahaa oo ku yidhi maxaa kugu dhacay ee aad rakaabka baabuurka saaran lacagta uga uruurin weyday waa maxay marba qofkan ku leh lacagta hoo iyo albaabka iga fur, waar shaqaysan meysid ee anigaad i waalaysaa. Dhanka kale Saamiyi markii ay soo dhameystay hawlaheedii waxa ay ku soo laabatay gurigii Eedadeed Faadumo oo ay ku soo degtay lana joogtay laba maalmood, gelinkii danbana waxay wada sheekaysi dheer ka bilawday MSN-ka maadaama oo ay sidatay Lap-Top, Salmaanna wuxuu ahaa mid markii uu arkay ilaa intii qoraxdu dhacaysay ka fekeraayey iyada. Habeenkii markii la gaadhay salmaan wuxuu soo qaatay bustihiisii xajiinta badnaa wuxuuna dhex galay baska si uu u seexdo halkii uu jiifsan jiray oo ahayd kursiga danbe markiisi uu dhabanka dhigay ayaa waxaa la hor keenay gabdhii uu arkay saaka iyada oo aad moodo biyo dahab, jacayl waa waran wadnaha gala oo olol ku beeree Salmaan iyo hurdo waa kala fogaadeen oo marba dhinac ayuu u laba ligdoonayey. Waxay arini sidaa ahaataba waxaa aroos yeeshay saamiya familigeed oo waxaa la aroostay inaa adeerteed kadib waxaa waxaa loo baahday in la aado dalxiis ah ilaa Shiikh waxayna Saamiya inaadeerteed iyo gabadh ay eedo u tahay yimaadeen meelah lagu kireeyo Basaska si ay u kiraystaan Bas waxay la hadleen nin kamid ah nimanka basaska ka ah darawaliinta waxayn ku heshiin waayeen qiimihii wayna ka tageen oo waxay u tageen bas kale nasiib wanaag baska waxaa Kirish-booy ka ah Salmaan wuxuuna ahaa baabuurkii uu markii horeba la socday waxayn la hadleen darawalkii gaadhiga waxay isku afgarteen inuu u kaxeeyo dalxiis beri subax nimadka xiligaana ay lacagta siiyaan.Marka ay sidan heshiiska u gaadhayaan Salmaan wuxuu ku maqnaa kaalin uu shiidaal uga doonay Bas-ka mana ogeyn waxa dhacay iyo waxa kale Waxaa baryey waagii waxaana baabuurkii oo taagan istaakii u yimi Samiya Eedadeed waxayna si degdeg ah u aadeen gugrigii ay Saamiyi joogtay oo ahaa halkii aroosku ka dhacay daqiiqado yar ka dib waxaa banaanka u soo baxay dad badan oo dalxiisayaashii ah Saamiyana ay la socoto, naf wax jeceli beer jelecsanaa Salmaan dhulka ayaa la wareegay markii uu arkay Saamiya ma dhabaa ma dhalanteedbaa ayuu ka bixi waayey.Isla markiiba waxaa dhaqaaqay baabuurkii intii jidka lagu sii jiray Salmaan indhihiisu waxay ku maqnaayeen Saamiya.Dhawr jeer ayaa saamiya oo aan filayn indhaha ku dhufatay Salmaan oo eegaya weliba eegmo dareen gelinaysa qof walba oo wax garad ah balse mar keliya maskaxdeeda kumay soo dhicin wiilkan ayaa jacayl ku qaadi doona ama aad u qaadi doontaaWaxaa lasoo gaadhay meeshii dalxiis ku eekaa oo ahayd Shiikh iyada oo la koray buurta dusheeda si ciyaar jaas ah loogu soo ciyaaro sawirana lagu soo galo. Markii goobtii la yimi ayaa waxaa dhinac u baxay dadkii arooska ka socday oo ay Saamiyi la socotay dirawalkii oo ahaa wiil dhalin yaro ahna waa raacay waxaase meesha lagaga tegay oo baabuurka hortiisa istaagay Salmaan. Dadkii oo dhan jaas iyo ciyaar ayey bilaabeen iyadoo marba qof mekerifoonka loo dhiibayo oo uu heeso qaadayey,salmaana wuxuu ahaa mid indhah uun ka fiirsda isga oo weliba daymo ku dilay Saamiya. Markii ciyaarii in waxoogaa leeg la waday ayaa waxaa dhankiisa soo aaday Saamiya markii ay soo hor istaagtayna waxay ku tidhi “maxaa ku helay walaal maanta oo dhan aniga ayaad i eegaysay ee maxaa jira?” Salmaan wuxuu ku hadlo wuu garan waayey kedibna waa aamusay waxaana gacanta qabatay Samiya iyada oo ku leh ka gudub oo kaalay dadka la ciyaar soona dhex gal. Markii ay Saamiyi u sii waday dhankii dadku joogeen ayuu yidhi Salmaan maxaad iga ceebeenaysaa waad aragtaa in aana dadka sharafta leh soo dhex geli Karin, dharka aan sito bal eeg walaal Saamiyi iyada oo si waayo arag nimo ku dheehan tahay ula hadleysay ayaa waxay ku tidhi walaal dhib ma leh walaal waayo aduun mar lama wada helo. Salmaan oo xishoonaya ayaa wuxuu soo dhex galay dadkii wuxuuna la ciyaaray Saamiya isaga oo aaminsanaa in dadka intiisa kale uuna qiimo la lahayn. Waxa layaab ku noqotay dadkii todoba baxa soo raacay iyo dadkii qoyska arooska ahaa, kirsh boyga la ciyaaray gabadhoodii ka timi Canada iyadoo weliba Kun wiil raadinayaa baadi goobna ugu jiraan helida Saamiya.Markii xafladii dhamaatay waxaa meel gaar ah u isula baxay Salmaan iyo saamiya iyagoo isla dhig dhigay barasho cusub oo ay labadooduba ku falanqeenayeen taariikhoodee hore iyo noloshii mid walba uu soo maray ilaa yaraantiisii, ileen laba waliba maalin bay isbarataaye. Sheekada dhex martay Salmaan iyo saamiya barasho ka dib waxay u dhacday sidan.Saamiya: walaal iyada oo ay noloshaadu sidaa dhib u soo martay ayaa misana aan lagaa dareemaynSalmaan: waa run in wax walba walaal ay si tartiib ah u dhamaadaan markaa waxaan ku qanacsanahay xoogeygaSaamiya: dhib ma leh walaal maalin waad ka bixi doontaa dhibta aad ku jirto waayo aduunyadani waa is bedel Salmaan waa runtaa laakiin waxaan la yaabsanahay sida daacad nimada ah ee aad iila sheekaysaneysid iyada oo dadka agtooda aana sharaf ka lahayn.Saamiya: sidaa ha odhan walaal waayo wax walba waa barasho dadka halkan joogana hada adiga aya iiga dhaw teeda kale qof wanaagsan sida lagu bartaa way fududahay sida lagu hantaa se way adagtahay. Kelmadaasi Salmaan waxay gelisay dareen wuxuuna ku jawaabay Salmaan: sida adiga oo kale waayo qof wanaagsan ayaad tahay mana laga ayaabo in aan ku hanto Saamiya: maxaad sidaa u leedahay saw nin ma tihid wax waliba waa is fahan iyo kasbasho.Salmaan waa runtaa laakiin shinbirba shinbirkiisa ayuu la duulaa!! Saamiya: dadku waa kala argti walaal ee taa xisaabta ku darso oo yaanay kaa hoos bixin. Markii ay kelmadan tidhi Salmaan waa farxay misan naxay waayo hadlakeeda marna wuxuu u arkay in ay dooneyso sheekadiisa marna wuxuu u rutjuntay in ay leedahay waad is moodsiisay ee ma kula sheekaysan karo oo waan kaa sareeyaa!! Salmaan oo aan wax jawaab ah afkiisa ka soo bixin ayaa waxaa u yeedhay dirawilkii gaadhiga wuxuuna ku yidhi waa in aad dhakhso i soo gaadhaa oo baabuurka mishiinkiisa eegtaa isaga oo doonayey in uu sheekada u socota ka qaso fursadna u diido. Markii laga soo laabtay todoba bixii waxaa si toos ah loogu soo laabtay magaalada Burco waxaana Saamiya iyo dadkii la socdeyba lagu dejiyey gurigoodii Salmaana umay suurto gelin fursad uu kula hadlo Saamiya. Habeen nimadkii markii la gaadhay waxaa labada dhinaca ee Samiya iyo Salmaanba wuxuu mid walba ka fekeraayey Kan kale iyada oo Saamiyi ka fekeraysid hadii uu Salmaan guursado nolosha uu ku noolaanayo iyo jacaylka iyo daacad nimada ay ka heli lahayd. Subixii markii qoraxdu soo baxday ee dadku wax walba arkeen ayaa Baskii dirawalkii baabuurku ka soo saaray geerashka wuxuuna u soo kaxeeyey dhanka istaankii looga bixi jiray magaalada Hargeysa si uu ugu rakaabsado saacado ka dibna waxaa u buuxsamay baabuurkii waxayna aadeen magaalada Hargeysa iyada oo Salmaana la socodo. Dhanka kale dhawrkii maalmood ee ay ku maqnaayeen magaalada Hargeysa waxay Samiyi soo mari jirtay soona eegi jirtay istaanka basaska si ay ula kulanto Salmaan nasiib daro se mar walba way soo waayi jirtay ileen magaaladaba muu joogine. Habeenkii danbe markii ay ka soo galeen magaalo madaxda Somali land Hargeysa ayaa waxay subaxnimadkii Baska soo dhigeen istaankii basaska si ay ugu rakaabsadaan xaafada Qasabka. Salmaan oo taagan baska dadkana u yeedhaya si rakaabku u buuxsamo ayaa waxaa dhanka danbe kaga timi oo dhabarka ka taabatay Saamiya markii uu dib u soo jeestayna wuxuu ku qaboobay halkii uu taagnaa waxaana iskaga dhex yaacay hadlakii isaga oo leh haa haa haa walaal waan ku salaamay ii waran ma fiican tahay iyo hadalo la mid ah Samiya iyaduna waxay ugu jawaabtay walaal waan wanaagsanahay qof xun ayaadse noqotay waayo waad i soo raadin weydya oo aniga ayaa dhawr maalmood halkan kaa soo raadiyey si aan kuula kulmo maanad joogin. Waa runtaa walaal waayo hargeysa ayaan ku maqneyn oo Basku u baxay ayuu Salmaan isaga oo kurbanaya ugu jawaab celiyey Jacaylku waa wax jira dadkuna waa is jecelaan karaan fiqiir iyo taajir qof fool xun iyo qof qurux badan isla markiibana waxay saamiyi ku tidhi walaal waxaan jeclaan lahaa in aan su’aal ku weydiiyo hadii aanad xumaan iiga arkayn su’aashaas oo ah guur

la soco qeybta labad
waxaana idiin soo diyaariyey qoraaga weyn ee lagu magacaabo
Mr c/casiis mohamed axmed waa mr qalbijaceyl
kala xariiri wixii faafaahin ah email adress qalbijaceyl11@hotmail.com

4 Comments

  1. gorme la heli kara qaybta labad?

  2. wan ka helay shakadan

  3. Maashaa Allaah, walaal waa sheeko cajiib ah kuna haboon madadaalada. Waxan kaa sugnaba waa Qaybta 2aad. Mahadsanid.


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: