Dhacdo la yaab leh oo ka dhacdey wadanka ingiriiska(maxaa ka dhacey)


Dhamaan ammaan oo dhan waxay u sugnaatay allaah (swt) ee nagu manaystay nimcooyin badan oo aan xisaab lahayn iyo rasuulkiisii suubaanaa Muxamed (csw). Intaa kadib Waxaan Salaamayaa guud ahaan Muslimiinta, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed.

waxaa dhacdey dhacdo la yab leh oo ka dhacdey wadan ingiriiska markii saxibo wada socdey mudo in badan ay isla caweyeen iyagoo qaarkood mid ka mida aan diinta islaamka uusan Heeysan ayaa waxaa dhacdey wilashii saxiibada ahaa In uu ku yiri marka hore waxaan idin shegayaa waxaan jecleystey inaan muslimo ee maxaan sameeya.

kuwii somaliga ahaa oo asxaabtiisa ayaa waxeey ku yiraahdeen hadii aad diinta islaamka aad qadaneeyso waa wax wanaagsan oo lagu farxo saxiib ee waa Inaad u tagtaa wadaadada nooga cilmiga badan oo waxeey u tilmaameen wadaad caan ka ah london oo somali ah ka dib wilkii wuxuu u tegey wadaadkii wuxuu ku yiri aniga waxaan saaxibo la ahey wiilal somaliyeed madama aan aad iyo aad aan isugu fiican nahey ayaan waxaan go aansdey inaan qaato diinta islaamka ay ayagu heeystaan oo inaan muslimo.

Wadaadki Wuxuu ku yiri Wiilkii marka ugu horeeysa waa inaad ashahadataa ka dib waxyaabaha qofka muslinka ah waxaa ka mid ah inaad 5-shanta saladood aad tukato heesaha aadan dhageeysan iyo waxyaabaha xun xun inaad ka fogaato filimaadka iwm.
ka dib waxaa dhacdey markii salaada subax la gaarey ayuu wiilkii soo aadey masjidka

Wuxuu ugu tagey 6-qof oo u badan walidiin ama dad xoogaa iska da ah salaadii markuu soo dukadey oo dhawr jeer u tegey masjidkii ayuu wuxuu ku laabtey wadaadkii wuxuu ku yiri su.aal baan ku weeydiinayaa wadaadkii wuxuu yiri i weeydii markaas buu wuxuu ku yiri wadaad aniga keliya ayaad igu adkeeysey diinta islaamka sababtoo ah wilasha saaxibadeeda ah waa islaam habeen walba oo wekkend waxaan isu raaci jirney discoteek ama muusic meel lagu tumo.

salaada subaxna ma yimadaan waana muslim ee maxeey ku dhacdey in aan aniga keliya in aan subax walba soo kaco musikadana iska daayo iyagaba waa muslin markaasu wadaadkii wuxuu u sheegey in qof waliba la xisaabin doono oo laba maala ik ay wax ka qorayaan waxii u wanaag sameeyo iyo xumaato ah shar iyo qeeyrba Iyagana ilaheey inuu soo hanuuniyo ayaan ugu Duceeynayaa oo waxyaaba badan Waa loo iftiimiyey sidaas ayuu xaqii ku qaatey wiilki wax walbana oo dhameeystiran waa loo cadeeyey allaah ha naga dhigo kuwii alle ka baqa Xaqa iyo Baadilka weey Kala cad yihiin aaaamiiiiiiin.wabilaahi towfiiq.

XIGASHO,SAXAFADA.COM

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: