waa jaceylki salmaan iyo gacalisadiisa saamiya (qeybtii 2aad)


hada diyaar ma u tahay? Salmaan intuu yaabay ayuu yidhi walaal maxaan diyaar u noqdaa wax lacag ah oo aan ku guursado ma haysto qof I gacan qabatana ma lihi oo qadeyda ayaan dhacsadaa teeda kale hal qof ayaan jeclaaday ismana lihi waad ku guuleysaneysaa aroosideeda.Qofkaasi waa kuma ayey? Saamiyi weydiisay Waxaa Salmaan u soo baxday fursad uu ugu soo bandhigo jacaylkiisa wuuxuna yidhi qofta aan jeclaaday waa adiga mar walbana

waan kaa fekeraa laakiin fili mayo in aan ku helayo Saamiyi inta ay dhoola cadeysay ayey tidhi walaal qof walba kartidiisu waa mid uu ilaahay ku abuuray teeda kale qurux iyo lacag layskuma jeclaadee waxaa jacaylka sababaa waa binu aadan nimo iyo wanaag ma kula tahay sida aad ii jeceshahay in aan si la mid ah kuu jecelahay mase gashatay niyada in dhawr maalmood aan ku raadinaayey si aan jacaylkagya kuugu soo bandhigo adiga oo aan joogin. Salmaan iyo Saamiyi intii ay isku miyir la’aayeen ee mid walba jacaylka dhankiisa ugu fatahmayey ayaa waxaa daaqada baska gacanta ka soo riday Tuug wuuxuna la baxay lacag gaadheysa 300 Kun oo shidhka ku jiray Salmaanna muu ahayn mid dhaaday ileen faleembo jacayl ayaa ku socoteye iyaga oo halkii wada taagan oo aad moodo in dhibic mahiigaan hayso sida ay isagu dheegageen ayaa waxaa soo ag istaagay dirawalkii oo inta uu shidhka galay ka soo waayey lacagtii kadib wuxuu la hadlay labadoodiiba isaga oo leh waan idin salaamay salaan kadibna wuxuu ku yidhi Salmaan lacagtii shidhka ku jiray meeday? Salmaan oo jacaylkii ku sii maqan yahay ayaa yidhi ma arag, maxaad qabaneysay hadii wax Baabuurka shidhkiisa ku jira aanad ilaalineyn iyo kelmado kale oo la mid ay ayuu yidhi dirawalkii isaga oo markii danbe aflagaado ula dhaqaaqay Salmaan kuna yidhi waa in aad lacagta bixisaa hadii kale jeelka ayaan ku dhigayaa Tuugyahaw, dib oo u danbeysana kiriish booy ugu noqon meysid Baabuurkan. Salmaan talo ayaa ku cadaatay wax uu sameeyana wuu garan waayey laakiin waxaa kurbadii iyo dhibtii oo dhan ka korqaaday gabadhii uu jecelaaday iyaduna sida dhabta ah u jecelaatay ee saamiya iyada oo bixisay lacagtii loo qabsaday kuna tidhi muddo badan waad samirtay Salmaan laakiin maanta wixii ka danbeysa noloshaadu si toos ah oo aan shaki ku jirin ayey isu bedelaysaa oo dhibaato danbe ma arkeysid, Samiyi waxay gacanta qabsatay Salmaan una kaxaysa dhanka bari oo markaas uu gurigii Eedadeed ee ay deganeyd ka xigay markii ay gurigii u soo dhawaadeen iyaga oo markii hore sheeko aad u dheer jidka ku soo dhex martay waxay Saamiyi ku tidhi halkan igu sug waxaan gelayaa oo dhakhso ka soo baxayaa gurigee. Salmaan wuxuu qadar miridho aan sidaa u sii badneyn istaagay guriga hortiisa waxaana isla markiiba soo baxday Samiya oo dhar aad u bilicsan ku soo lebisatay waxayna dhanka suuqa weyn ee magalada Burco isu raaceen Salmaan markii ay suuqii gudo galeena waxay Salmaan ku tidhi ma dareemi kartaa Salmaan sida aan kuu jecelahay maanta waxaan doonayaa in suuqa dharka yaala mid walba oo kaa qanciya aad ka soo qaadatid “yaab ayey ku noqotay salmaan”wuuxuuna yidhi Saamiya walaal maxaad sidaas oo dhan u sameenaysaa ? Saamiyi intay dhoola cadeysay oo dhabanka gacanta ka saartay ayey ku tidhi adiga dartaa ayaan walaal wax walba u sameenaya waayo waan ku jeclahay. Salmaan iyo samiyi waxay ku jireen suuqa weyn ee magaalada Burco in muddo ha kadibna way ka sii tageen oo aadeen Huteel Barwaqo halkaas oo ay samiyi laba qol oo fadhi iyo jiif ah uga kireysay Salmaan kuna balamisay shaqaalah huteelka in ay cuntadiisa u diyaariyaan saddexda wakhti.Gelinkii danbe markii ay gaadhay Salmaan iyo samiyana oo sheeko macaan oo xiiso leh u socoto ayaa waxaa samiya ku soo dhacay telefoonka waxaana la soo hadlay hooyadeed oo ku tidhi gabadheydii waa in aad dhakhso soo baxdaa maadaama oo aan kuu baahnahay, Samiyi waxay ka faa’iideysatay wakhtigii waxayna hooyadeed ku tidhi hooyo waxaa halkan ila jooga wiil aan six ad dhaaf ah u daneenayo doonayana in aan guursado markaa hooyo side u aragtaa hadii aan telefoonka kuugu dhiibo,Dhib ma leh gabadheydiiyeey waayo dookhaaga iyo dareenkaaga marnaba kaama hor istaagayo hadan iigu dhiib aan salaame. Markii ay Samiyi u dhiibtay Salmaan telefoonkii iyada oo ku tidhi waa hooyo ee la hadal waxaa ku yaraaday dhulka wuxuu yidhaahdan wuu garan waayey isaga oo kurbanaya ayuu yidhi waan ku salaamay hooyo waan kaa qaaday wiilkeygii ayey ugu jawaabtay ee ii waran, Samiya hooyadeed waxay ahady qof waayo aragnio ku dheehantahay waxayna Salmaan ka wareystay noloshiisa isaguna si daacad ah ayuu ugu waramay, Samiya hooyadeed waxay ku tidhi “wiilkeygii qofka wanaagiisa ayaa la eegaa ee lama eego dan la aantiisa iyo kala duwanaanta nolosha waana kugu taageersanahay nolosha cusub ee idiin bilaabmeysay adiga iyo Samiya in muddo ah markii ay sheekaysteen salmaan iyo Samiya hooyadeed Xaawa wuxuu u dhiibay telfoonkii kuna yidhi samiya hooyo ayaa kula hadleysa ee la hadal. Markii Samiyi gashay qolkii hurdada si ay hooyadeed ula hadasho wuxuu Salmaan oo qolkii fadhiga joogay is weydiiyey madhabaa ma dhalanteedabaa noloshaada is bedeshay isaga oo leh kelmadahan ala nasiibku cajaayibsanaa noloshaydu dhakhso ayey ku bedelanatay. In muddo ah markii ay samiyi la joogtay ayey ku laabtay gurigii eedadeed una sheegtay in ay ka timi wiil ay maalmo hore isa soo barteen berina uu guriga iman doono si ay reerka u barto. Subax nimadkii markii waagii beryey waxy samiyi soo aaday dhankii Huteelka kana soo kaxaysay Salmaan si ay reerkooda u soo barto markii ay gurigii soo galeena waxaa indha ku dhufatay eedadeed iyo inantii ay ilmaadeerka ahaayeen waxayna isla markiiba eedadeed qaylisay af labadii oo tidhi “bisinkee ma ninkii kirshboyga ahaa ayaa shaadh kuu soo xidhay oo aad eedo la sheekaystay” Salmaan waran ayaa la daf siiyey waxaase markiiba ka jawaabtay oo hadsahay Samiya iyada oo tidhi “waad khaldan tahay eedo hooyadayda i dhashay kama hadli karto jacaylkayga markaas wax aan danahaaga ahayn ha gelin” hadana waxaa eedo wanaagu ku jiraa in aad raali geliso Salmaan, samiyi waxay ku khasbatay eedadeed Faadumo in ay raali geliso Salmaan. Xidhiidhka Salmaan iyo Samiyi wuxuu noqday sidii nin iyo xaaskiisa oo kale wayna kala maarmi waayeen mar qudha Salmaan waxaa soo baxday quruxdiisii wuxuuna magaalada Burco ku mari jiray baabuur ay Samiyi u iibisay wuxuuna noqday qof ka baxay noloshii hore kuna noolaaday nolol sare Salmaan wuxuu Saamiya ka dhigtay indhihiisa wuxuuna ka jecelaa wax walba oo dunida korkeeda yaala. Muddo saddex bilood ah markii xiriirkooda jacayl sidaa ahaa ayaa maalintii danbe Samiyi u soo bandhigtay in ay is guursadaan noloshana wadaagaan Salmaanna waa uu ka aqbalay gacalisadiisa wax walba, wuxuuna arooskoodu ka dhacay magaalada Burco ee gobolka Togdheer muddo markii ay wada noolaaayeena waxay Samiyi u sheegtay in ay uur leedahay dooneysana in ay ku laabato waddanka Canada si ay halkaa ugu wada noolaadaan inta noloshooda ka hadhsan iyada iyo ilmaha ay uurka ugu sido. Salmaan oo xaaskiisa aad u jecelaa Kama uu diidin go’aankaa ay u soo jeedisay wuxuuna ku yidhi wax walba oo aad aduunyadan jeceshahay waan kula jeclahay xitaa hadii aad naftayda u baahatid waa khasab in aan ku siiyaa oo aan kuu huraa! Dad ku midoobay jacayl oo nolosha is dhaafsaday ayaa fahmi kara micnaha jacaylku leeyahay waayo waxaa dad badan ka indha la yihiin in jacaylku bedeli karo nolosha qofka taana waxaa daliil u ah qof aad noloshiisa fiqiir ku ogeyd oo taajir noqday ayaad arkaysaa taana waxa keenay qof uu si daacad ah u jeclaaday oo horu mar gaadhsiiyey,Salmaana waxaa u bilaabantay nolol ka sii fiican tii hore waayo wuxuu nasiib u yeeshay in markii xaaskiisu ku laabatay waddanka Canada ay u ashtakootay iyada oo tidhi ninkayga oo jooga Somali-Land ayaan doonayaa in lay keeno si uu halkan igula noolaado maadaama oo aan uur leeyahay soona dhawdahay xiligii aan umuli lahaa. Maalin ayaa Salmaan oo u soo baxay dhanka suuqa watana Baabuurkiisii kana fekerayey xaaskiisa Saamiya oo ahayd qofta keliya ee u aduunyada ka fiirsanaayey wuxuu si lama filaan ah afka hor ee baabuurka ugu dhuftay baskii uu markii hore ka ahaa kerish boyga oo uu watay ninkii shaqada ka eryey. Salmaan isla markiiba markii uu arkay in uu shil galay wuxuu istaajiyey baabuurkii waxaase si degdeg ah daaqada baabuurka u furay oo soo baxa ninkii dirawalka ahaa isaga oo ku hadlaayey ereyadan “waa laayaabe dadka lacagta leh ma baabuurta dadka ee bariiska lagu raadinayo ayey duqeenayan hadii ay baabuur meel ay kala geeyaan garan la’yihiin oo maalinba baabuur suuqa ugu so baxayaan”. Salmaan oo qofkii arkaa aanu ka jeesan Karin cadaanta iyo quruxda iyo weliba lebiska u sii dheer ayaa ka soo degay baabuurkii wuxuuna ku jawaabay iga raali noqo khaladku waa dhacaa hadana hoo lacagtan $400 oo ku sameyso midna ogow aduunyadu way is bedeshaa waana hadhkaa labadiisa gelin qof binu aadan ahna lama xumeeyo oo weji xumo laba dhigto, runtii walaal heerkan adigaa i gaadhsiiyey $50 waa sameynta baabuurka $350 kalena waxaan kuu siiyey abaal marinSoomalidu waxay ku maahmaahdaa aduunyada nin nooloow maxaa aragti kuu laaban Waa tii uu Abwaan Maxamuud “waraabe:” gabaygiisii baryo saatir ku lahaa “hadba kii sar dheer fuula waa u sacab garaacaan oo sawdkuu yidhaahdab horaa looga saxayaa” ee ninkii dirawalka aha wuxuu la yaabay nolosha sare ee uu ku nool yahay Salmaan iyo sida qofkii hore u yaqaanay aanu u garaneyn wuxuuna yidhi isga oo waayo arag nimo waa duun oo wax walba waa la arkayaa iga raali noqo Salmaan khaladkii aan kaa galay iskana kay cafi walaal, dhib ma leh ayuu ugu jawaabay Salmaan Salmaan wuxuu noqday wiil ay dadka wax garadka ah oo dhan jeclaadaan qof walba ku cibro qaato nolosha soo martay iyo is bedelkiisa isaguna wuxuu noqday qof aan ilaawin noloshii hore una daryeela naxariisna u fidiya qof walba oo taag daran inta uu ka war hayo, sidoo kale Salmaan wuxuu gargaar u fidin jiray qof walba oo garab ugu soo baahda maal hadii ay tahay iyo xoog hadii ay tahayba mana noqon qof markuu lacag yeeshay kibray oo dadka ka dhex baxa isla weynina gasho.Salamaan markii uu muddo ku noolaa dalkiisa hooyo wuxuu soo aaday Wadanka Kenya si uu uga sii aado halkii ay ku noolayd xaaskiisu oo ahayd waddanka Canada.Salmaan wuxuu nasiib u yeeshay in wax walba u haagaan oo uu aado waddanka Canada isaga oo halkaa kula noolaaday xaaskiisii uu nolosha oo dhan u hibeeyey ee Saamiya, wuxuuna noqday Nin aan marnaba ka ag dheeraan xaaskiisa halka dad badan oo is jecel kala fo’gaadaan oo qalbiyadoodu kala daboolmaan sidoo kale Saamiyi waxay iyaduna u jeclayd ninkeeda si aan la sheeki karin waxayna u dhashay dhawr carruur ah. Ugu danbeyntiina waxay noloshoodii iyo jacaylkoodii ku gaba gaboobay waddanka Canada isaga oo ka helay shaqo aad u wanaagsan.
waxaa halkaas ku eg sheekadii lamagac baxdey salmaan iyo gacalisadiisa saamiya.
waxaa inoo balan ah kulanti danbe oo xiiso leh waa sxbkiina hawada waa
c/casiis maxmed sheikh axmed qalbijaceyl
wixii faafaahin ah waxaad kala xariiri kartaa email adress
qalbijaceyl11@hotmail.com
cabdiyare512@hotmail.com

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s