gabar k\afrika ay jeclaatay wiil somaliyayd


kolaytaba waagii baryaba waxa indhahaaga iyo dhagahaaga maqlayaan arimo cusub iyo barnaamijo aad uxiiso badan waayo aduunyada sideedaba

aad bey u dheertahay mana aha wax yar aad hal maalin ama hal bil ama sanad aad ku dhameyn karto sidaas daradeed ayey loo dheereyay waxana laga dhigay gabar yar oo 15 toban jirta aya laga dhigay aduunyada waligana ha is raacsiinin qofyahow maantana waxaa indhihiina ku arkidoontaan sheeko cajiib ah oo ay maalmahan aan rabay in aan idin soo gaarsiiyo markaana kusoo dhawaada sheekadii waxana qalinka u qaatay waa qofma waa qofkii aad wada garaneysaan waana mu,alifkii weynaa talow waa kee kaasi waa

ABUBAKAR MOHAMMED HASSAN MR QURBAANI KA BOGASHA WACAN,,,,,,,,,,,,

Aduunyow waayo badan maxaa waagii baryaba war iyo wacaad keentaa waa qiso yaab leh gabar jaceyl dartiis nafsadeeda isu dhaafisey waxaa iga su,aal ah makaa suurta galilaheyd inaad sidaasi oo kale sameyso oo nafsadaada jaceyl dartiisa isu dhaafiso
botisha oo ah gaber 18jir ah kuna nool magalada cape town gaar ahaan xafada MOMAR ayaa waxaa aay muddo 3 bil ka hor jaceyl u qaaday wiil somaliyed oo lagu magacabo hashim axmed oo ah 24 jir gabadhaan ayaa mudo 3 bil ka hor warqad usoo qortay wilkan somaliyed, waxayna u soo bandhigtay inay jaceyl u qabto aadna u dooneyso inay la
ku lanto haashim nasiib xuma luqada EngLish-ka magaranayo balse waxaa uu warqadii ula tagay wiil sxbkis ahaa oo lagu magacabo c/risaaq xasan xaaji oo luqada aad u yaqaan hashim ayaa arintaan aad ula yaabe balse sxbkii c/risaaq ayaa kula taliye inuu gabadhan wax la qabto inkastoo sxbadii kale ay aad uga biyo diiden inuu xiligaan qof ajnabi ah niyadisa siyo hashim ayaa go,aansaday inuu iskaga amuso gabadhan madama uusan luqadeda garaneen.

Gabadhii botisha aheyd ayaa marki ay jawaab ka waysey haashim waxaa u surta gashay inay hesho telphone ka haashim durba way la xariirtay waxayna ku tiri waan kuu imanaa haashim ayey ugu timid xili uu ku sugnaa gobtisa ganacsi hashim iyo sxbkis oo wada jooga c/risaq ayaa gabadha ku qanciye in manta laga bilaabo hashim jaceylka aay u qabto tixgalin sinayo waxna uu la qabanayo botisha oo aad u qanacsan ayaa xafadedii dib ugu naqatay.

hashim wali kuma qanacsano diyarna uma ahan inuu la wadaago wax jaceyl ah gabadha balse arinta sidaa waxaa u dhigayo c/risaaq oo ah turjuban ki u dhaxeye wilka iyo gabadha asagoo ku qancinayo gabadha wilkan sidaa u jeceshahay iyo si ka daran ayuu kuu jecelyahay iyo erayo la mid ah,
sidoo kale botisha iyo hashim, waxaa laga ogaday xafada dhan in aay aad u jeceshahay wilkan somaliga ah xita waxaa dhacday hoyada gabadha dhashay inay arintas maqashay.

sidoo kale, maxamad jimcaale oo ah wiil hashim aderkis dhalay ayaa arintan maqlay asagoo hashim kula taliye inuu gabadhas faraha ka qaado oo xitaa telka uusan ka qaban, maxamad oo ka baqaye inay walaalkis dhibatoyin uga yimadan dhanka gabadha walidkeda madamada aan dalkani laga jaclayn dadka ajnabiga ah.

hashim wuxuu gabadhi mudo ka dhumalestay waxaa dhacday inay malin wadada uga hor timid iyadoo ka codsatay inuu la hadlo haashim wuu ka cudur dartay wuxuna u shegay in aad u dahayo xiligan balse xili kale is arki donaan.

botisha wali maquursan waxa aay habenimadii jimcaha 8.30 timid dukanka hashim,
hashim oo xiligaas shaqo ku jiray ayaa bananka ugu soo baxay asagoo aad uga caraysan imashada gabadhaan, wuxuu u shegay inuusan waxbo laqaban karin balse nasiib daro, botisha aad uma fahmin erayada haashim botisha
waxa aay telka ka wacday c/risaq oo xiligaas qolka gadaal ku jiray kana codsatay inuu u yimaado, c/risaaq ayaa u yimid gabadhi kuna qanciye inay iska hilmamto wilkan madama uusan diyaar u aheen xiligan inuu gursado ama uu wax la qabto.

gabadhii botisha aheed ayaa aad uga murgotay guul darada waxay go,aansatay inay nolasheda gabto,
malin kadibna waxaa dhacday in gabadhii waxay sameysay wax lagu yaqaan in ay sameyso dumarka waayo dumarka hadii ay wayan in ay wax loola qaban wayay jkaceylkooda waxaa macquul ah iin ay is dilan botisha waxay sameysa arin foolxumo ah aadna looga naxo waxay gashay musqusha waxayna qaadatay xarig ku xirato kadibna is marjiso,

si kastaba ha haate dhalinyarada somaliyed ee ku nool dalka k/afrika ayaa malmahii ugu danbeye hadal hayey dhacdadaan yaab ka leh,

sidoo kale haashim ayaa iskaga cararay xaafadii MOMARE ee uu dagana iyo goobtisii ganacsi kadib markii uu maqlay in gabadhii nafteda ku qamartay Sida uu ku soo waramay wariye C/laahi Xaaji Xuduu,
ilaa iyo hadana lama garanayo halka uu hashim ku danbeye.
aqristow hadii ay kugu dhacdo qisadaan oo kale maxaad sameyn laheyd .waxaa xusid mudan . waa markii ugu horeyse ee gabar u dhalatay dalkani k/afrika aay isku disho jaceyl loo qabo wiil somali ah,waxaan jira dhalinyaro badan oo guursaday gabdho udhashay dalkan K/Afrika ama ay jaceyl la wadageyn balse arinta ay gabadhani kudhaqaaqday ayaa ah mid kucusub wadankaani waayo wa gabar ay u dhalatay k\afrika madama ay jeclaatay wiil soomali ah oo hadana wadanka ajnabi ku ah oo dartiis lisku dilo sow mucjiso maahan,,,,,,,

dadweynaha soomaliyad waxan ka waaninaya madama oo arintan dhacday yeysan markaleto dhicin laakin haashim markii aan uso laabto waxan dhihi kara asiga maahan dhibaatada waxa keystay waxa keystay wa nimanka kula taliyay in uusan jeclaanin gabar ay udhalatay wadan ajnabi ah waayo markii laga hadlo

dhibaatada intee badan waxay ka imaata jaahilnimada ku jirto soomalida waayo waxa ku jirto sidoodaba fikrad qaldan yaa diiday in la jeclaanin gabar ajnabi ah ya ka mamnuucay jaceylka ajnabiga ha liska daayo fikradaha qaldan yaana loo keysanin qalbiga ku jeclaaday wax halaga qabto madama naftaada ay nasiib uyeeshatay in la jeclaado,,,,,,,,

intaas ayan kuso gabagabeenaya sheekadii maanta ku saabsaneyd gabar k\afrika ay jeclaatay wiil somaliyayd intaas ayay ku ektahay waxana qalinka uqaatay

abubakar mohammed hassan mr qurbaani

waxaana idiin soo gudbiyey qoraaga ahna tafatiraha webka nololcusub.tk
waa c/casiis maxamed sheekh axmed
oo kumagac dheer
qalbijaceyl
kala xariiri wixii faafaahin ah
qalbijaceyl11@hotmail.com

1 Comment

  1. thank thank.lover boy


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s