haddii aadan balan iyo axdi laheyn, oo aad jaceylka adkeyn karin, marka hore maxaa igu beertay


haddii aadan balan iyo axdi laheyn, oo aad jaceylka adkeyn karin, marka hore maxaa igu beertay
waa qiso dhab oo ku dhacdey lamaane lagu kalamagacaabo nawaal iyo zakariye
waxayna inoogu warantay sidii ay wax u dhaceyn, waxayna ku bilaabaneysaa sidatan:-

Waxaan ku dhashay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, sanadka markuu ahaa 1987-kii, nasiib daro, nasiib maanan u yeelan waxbarasho, maxaa yeelay dagaal sokeeye awadeed, sidoo kale Sakariya waxaa wada degneyd degmada Dharkiinley ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Sakariya waxaa aheyn laba ruux oo daris ah, hase ahaatee maanan wada hadlin jirin, sidoo kale waxay saxibo ahaayeen wiil ila dhashay, misana ahaa da’aadii iga weyneyd, muddo kadib ayaa waxaa guriga la inoo soo galshay teleefan, isla-markaana guriga Sakariya-na waxaa ku jiray teleefan, wiilka ila dhalasho oo dhawr jeer teleefanka Sarakiya garaacaayo ayaa arkay, oo halkaasi ayaa waxaan ka bartay nambarkii ugu jiray Sakariya.

Xaqiiqdii Sakariya muusan aheyn wiil dooqeyga ah, balse waxaan ka heli jiray oo kaliya inaan maqlo codkiisa, sidaas oo ay tahay waxaan wada degneyn laba guri oo isku dhagan, muddo ayaa waxaa ka dhibi jiray khadka teleefanka, hase yeeshee qofka aan ahay maba oga, xilli dheer kadib ayaa waxaa dhacday inaan teleefanka ka waco Sakariya, isla-markaana qolka uu ku jiray iyo qolkii aan ku jiray ayaa isku aadanaa, misana waxaa labadaba u furnaa daaqadaha, markaas ayuu Sakariya maqlay buuqa iyo sawaxanka caruur ila dhalatay, oo markaasi qeylineysay, sidoo kale wuxuu maqlaayay anigoo caruurta kala celinaaya, misana teleefankana aan kala hadlaayo, waxaa dhacday inuu Sakariya igu yiraahdo, “sidee wax u jiraan guriga dariskeyga ayaa maanta codkaaga ka maqlaayaa, wuxuu kaloo igu yiri Nawal miyaa” intaan naxay ayaa waxaan ku iri, haa waa aniga Nawaal hadana nabaday.

Intuu yara qoslay ayuu igu yiri “markaan ka helay codkaaga, misana aan isku soo dhawaanay miyaa Nawaaley iga tageysaa”? waxaan ugu jawaabay qof laga tagi karo matihid, waanse kaa tagaayaa oo waa inoo mar kale, sidii ayaa anigoo naxsan iskaga fasaxay Zakariya.

Wada hadal iyo xiriir dheer kadib ayaa waxaa Sakariya u qaaday jaceyl baaxadweyn leh, sidoo kale isna wuxuu ii qaaday mid lamid ah jaceylka aan u qaaday, isla-markaana jaceylka aniga iyo Sakariya inoo dhaxeeyay ayaa waxaa caqabad xoogan ku noqday odayga i dhalay, wuxuuna jaceylka ka aaminsanaa wax-yaabo quraafaad ah.

Maalin maal-maha kamid ah ayaa waxaa dhacday aabahey iyo wiilka ila dhashay ayaa waxay aadeyn ciyaar xiiso badneyd oo dhex mareysay kooxaha Juventus iyo Inter Milan, mar walba oo ay aabe iyo walaalkey ciyaarta aadaayaan ayaa waxaa raaci jiray Sakariya, balse habeenkaas muusan raacin Zakariya, oo habeenkaas Sakariya iyo aniga waxaan ku wada sheekeysaneynay irida hore ee gurigeyna.

Aabahey ayaa subixii anigoo jikadaa ku jiray igu soo galay, wuxuuna igu yiri “xalay Sakariya muusan na-raacin, ee sheeg xagee baad isla aadeyn” aad ayaa u indho adeegay waxaana ku iri, sidee ila hadleysaa Sakariya miyaa i qaba mise anigaa dhalay, waxba kama aqaano halka uu tagay, oo orod oo isaga soo weydii.

Aad ayuu u carooday, wuxuuna xoog iga fara maroojiyay mindi aan xilligaas canjeero ku dubaayay, wuxuuna iga dhex galshay cajarka, qeylada iyo sawaxankeega ayaa waxaa kusoo baxay wiilka ila dhashay oo markaasi u socday iskuul, wuxuuna arkay dhiig fara-badan oo iga daadanaaya, isla-markaana wuxuu ku qeylshay aabe, kuna yiri, “ Aabe waa ku sidee, gabadhaan waxad ku dileyso waa qalad, Sakariyana waxba kalama dhaxeeyo oo aniga ayaa Sakariya kaaga aqoon badan, maxaa yeelay waa wiil saxibkey ah, walashey-na maba damci karo.

Anigoo si’aad ah u dhiig baxaayo ayaa waxaa leela cararay cisbitaal Madiina, halka oo aan ku jiray maalmo kooban, iyadoo uu aabahey jaceylkeyga ku noqday caqabad xoogan, waxaan xasuustaa marka uu guriga ka maqan yahay aabahey inaan heysto farxad wanaagsan, maxaa yeelay waxaan khadka teleefanka ka wada hadli jirnay gacaliyaheyga Sakariya, balse marka uu guriga joogo aabahey ayaa waxaa noqon jiray, qof uu lasoo darsay qandho xanuun miiran sidata.

Cadaadiska faraha badan ee uu igu haayay aabahey ayaan u adkeysan waayay, sidoo kale Sakariya oo gacaliyaheyga ahaa ayaa si’aad ah uga hor imaan jiray dhaq dhaqaaqa kulul ee uu igu haayo aabahey, hase ahaatee aniga iyo Sakariya ayaa waxaa go’aan cad ku wada gaarnay inaan isla baxsano, bacdamaa aanu ka joogi weynay oday aabahey ah.

Xilli kooban kadib iyadoo ay maalin Jimco ah tahay, ayuu aabe aaday Salaadii Jimcaha aheyd, waxaa dhacday inaan isla baxsano Sakariya, baxsashada waxaa nagu taageersaneyd Sakariya hooyadiis, waxaana aniga iyo Sakariya isku soo mahersanay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Maherka kadib ayaa waxaan Sakariya isla aadnay guri ku yaalay xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, halkaa oo ay ku nooleyd Sakariya eedadiis oo la-dhalatay aabihiis.

Isla maalintaas ayuu odayga aabahey si’aad ah iga wal-walay maxaa yeelay muusan iiga baranin inaan meel aado ama aan banaanka u baxo, raadin iyo qeylo kadib ayuu wuxuu tagay gurigii Sarakiya, wuxuuna yiri “waxaan u baanahay gabadheeda oo waxaan ku tuhmayaa gurigaan” hase yeeshee Sakariya abtigiis iyo hooyadiis oo halkaa joogay ayaa waxay ku yiraahdeyn “waa run oo gabadha anaga ayay nala joogtaa, waxaan kaa dooneynaa inaad ina siiso” aabe oo aad u xanaaqay ayaa yiri “hadee soo saara gabadha” markaas ayaa waxay u sheegeyn inaanan joojin degmada Dharkiinley, oo aan ku maqanahay degmada Yaaqshiid, markaas ayuu yiri, “gabadha waan idin siinaayaa ee ii keensada” waxay u sheegeyn aniga iyo Sakariya inaan is-qabno maadaama aan qudbasiro isku soo mahersanahay” aabahey ayaa u sheegay inuusan aaminsaneyn wax qudbasiro ah, wuxuuna u balan qaaday inuu i bixin doono, ee isku-kaaya keena buu yiri.

Waxaa dib la’igu soo celiyay gurigii waalidkeyga, waxaana halkaasi la’igu sameeyay maher labaad iyo aroos caalami ah, kadib waxaan ku aqal galnay gurigii Sakariya ee ku yaallay degmada Dharkiinley.

Waxaa Sakariya isla soo qaadanay waqti wanaagsan oo munaasab ah, hase yeeshee muddo markaan wada joognay ayaa waxaa ina soo dhex galay buuq iyo qeylo joogto ah.

Sakariya ayaa waxaa ka codsaday inuu iga yareeyo khilaafaadka inoo dhaxeeyo, waayo mar walba dhankiisa ayay ka imaan jireyn, mararka qaarkood waxaa dhici jirtay sida aan kiligey guriga u jooggo inaan aado gurigii aan kusoo bar-baaray oo ku dhagan guriga aan aniga iyo Sakariya ku nool nahay, taasoo keeni jirtay inuu si’aad ah uga caroodo Sakariya.

Kaaga daranee uma jeedo wax yaabaha aan dhibsanaayo, isagoo doonaaya oo kaliya inaan u sameeyo ammarada u doonaayo, balse taasoo aniga ii cuntami weyday, waayo waxaa dhici jirtay, anigoo guriga jooggo inuu qabsado teleefanka, misana uu u sheekeeyo naago kale, halka anigana aan guriga dhex jooggo, mararka qaarkood marka aan u sheego inaanan u adkeysan karin, ninkeega oo naago kale la hadlaayo ayaa wuxuu i dhihi jiray afar baa ii banaan, ee qeylada iga yarey.

Markaas ayaa waxaa ku dhihi jiray, walaalow waxad doonto guurso balse aniga horteeda naago kale ha-kula hadlin, maxaa yeelay wax walba ayaa iga suuroobo, markaas ayaa wuxuu igu dhihi jiray “warkaaga waa uu batay ee ogow seddex baa ku keentay, hadaad rabtana waa iga diyaar”

Intaan carooday ayaa waxaa ku dhahay, haddii aadan balan iyo axdi laheyn, oo aad jaceylka adkeyn karin, marka hore maxaa igu beertay, intuu qoslay ayuu igu yiri “oo kaalay qoyskiinu ileen waa gabyaa”, markaan u adkeysan waayay hadalo yasmada leh ee uu igula hadlaayo, ayaa waxaa imid gurigeyna, oo ku dhagnaa gurigii kale ee aan ku nooleyn.

Anagoo buuqa uu inoo noqday joogto ayaa wuxuu Sakariya aaday magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, muddo kadib ayaa anna waxaa aaday magaaladda Dubai ee wadanka Imaaraadka Carabta.

11 11bilood kadib ayaa wuxuu Sakariya wacay aabahey oo xilligaas joogay magaaladda Boosaaso, wuxuuna ku yiri “Adeer macaane aniga iyo gabadhaada Nawaal, waxaa ku heshiinay inaan is-cafino, maadaama aan buuq iyo qeylo ka bixi weynay, hadana waxan doonaayaa inaan dib kuugu soo cesho gabadhaada”, sidii ayuu Sakariya igu furay, balse aniga waxba kalama socon furitaankaasi ee uu i furay.

Hooyadey ayaa i soo wacday, iina sheegtay inuu Sakariya i soo furay, xilligaas ayaa galay hooyin iyo murugo, anigoo isweydiiyay jaceylkii uu ii qabay Sakariya halka uu aaday.

Sanad kadib anagoo is-moogan ayuu wuxuu igu “Nawaal gacaliso waxaan doonaayaa inaan isku soo laabana, kaamana maarmo, ee walaaley, tex geli codsigeyga” anna waxan u sheegay inaan kasoo fikiri doono.

Sumaya Salaad
Borlange, Sweden

2 Comments

  1. Walaaley kaas waa xiisaa loow hadeybo shekadan tahay mid runa waxaana kuu shegi laha hada kulel ayaa ku shidan marku ka ba’o kulelkas adne waxaa ku hursan qeladi iyo buqi & qoyskinina ilen wey gabyan

  2. maxaa uga yeeshay ninka sidaas kuugal walaalo madamiirkaa ladaha walaalo


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: