Qarnigaan 21aad wax kasta way hormareen( m.m.i)


Nololcusub.tk Qarnigaan 21aad wax kasta way hormareen sida Isgaarsiinta, Aqoonta iyo Tignoolijiyada qeybaheeda kala duwan iyo guud ahaan nolosha guud ee aadanaha,sidoo kale waxa isbeddeley dhaqamada ay lahaayeen bulshooyinka Dunidan aynu ku noolnahay.

Waxaa sidoo kale hormarkaasi si fiican ula hana qaaday Jaceylka u dhaxeeya lamaane is dooratay,Inkastoo Jaceylka barashadiisa loo kala hooreyo,ayaa hadaan Soomaalidu Jaceylka waagii hore qofba si ayuu u macneyn jiray walow raggu ay u yaqaaneen inuu yahay suuro ama kibir lagu yaqaanay dhalinyarada casrigaas nool.

Laakiin Dumarkuna Jaceylka qudhoodu wax ba ka garanayeen,inkastoo xishood Alle u dhaliyey iyo asluub wanaag dhaqankeenna soo jireenka ahaa uu u suurta galin weysay in ay soo bandhigaan jaceylkooda.

Hadaan u soo laabto ragga maanta jira ayaa jaceylka in badan wax ka fahmay marka loo barbardhigo raggii hore ee Soomaalida,

hadaan tusaale ahaan u soo qaato raggii hore marka ay xaasaskooda u yeerayaan midka ugu fiican ayaa waxuu ugu yeeri jiray magaceeda, inta kale waxay isticmaali jireen magacyo aan fiicneyn oo qofka loogu yeeraa aan u xiiseynin sida naayaa ama sina weyneey iyo hooy ereyo aan qofka loo yeeraayo qalbigiisa soo jeedaneynin.

laakiin waxaa dhaqankaas maanta badalay jiilka cusub oo marka ay xaasaskooda u wacayaan ugu yeera inta badan macaanto, gacaliso, indho u roon, nafta iyo ereyo badan oo aan qoraal lagu soo koobi karin oo qofka loogu Waco jecleysanaayo.

Intaas waxaa dheer, wax raggii hore ceeb u yaqaaneen ayaa ragga maanta Jaceyl u yaqaanaan, waxaana ka mid ah arrinkaas in Suuqa looga soo adeego iyo in howsha Guriga laga caawiyo xaaska.

Arinkaasoo raggii hore ay ceeb weyn ka aheyd dhankooda. marka laga reebo in yar oo Alle wax fahansiiyey mooyee. Dhalinyarada maanta jirta hadaad dhageysato ayagoo la hadlaya xaasaskooda ama qof ay qorsheynayaan in ay guursadaan,
adiga oo jaceyl ku heyn ayaaba jaceyl ka qaadeysaa afkooda maxaa yeelay waxay isticmaalayaan erayba erayga uu ka naxariis badan yahay.

Dhalinyarada maanta ayaa jaceylkooda inta badan guuleystaa, kaalin lixaadna ka qaatay hadiyooyinka kala duwan ee aalaaba u hadiyeeyaan xaasaskooda ama gacalisadooda taasoo keenta jaceyl fara badan sida Rasuulkeyna Maxamed (NNKH) inoo sheegay wuxuuna yiri (isku hadiyeeya aad is jeclaataane).

Hadiyaddaas ayaa wax kasta noqon karta sida Fiyoore, Dhar, mac-macaan ay gacalisadaada ay jaceshay ama wax walba oo qof bani aadan ah qalbigiisa soo jiidan karaan.

Waxaa arin weyn oo lagu farxo ah in maanta ragga jira ay jaceylka aad ula anba qaadeen, si wanaagsana u xushmeeyaan Dumarka, marka gabdhaha maanta jira waxaa la gudboon in ay ka faa’ideystaan fursadaan qaaliga ah oo ayagana dhinacooda ay jaceylka ka qabtaan maxaa yeelay horay ayaa waxaa loo yiri (Jaceyl aan lagula wadin waqtigaaga yuu lumen).

Sidaas darteed waxaan kula talinaa gabdhaha Somaaliyeed in aysan dhayicin fursaddaan. Ugu dambeentiina sidoo kale ragga Jaceyka aadka u fahmay kula talinayaa in ay meeshaas ka sii wadaan oo aan laga harin, inta aanan fahmina waxaan leeyahay wax weyn ayaa idinka maqan ee raadiya.

Ugu dambeyntii Waxaan jeclaan lahaa in aan aqristayaasha sharafta mudan aan soo dhax dhigo su’aal taasoo ah, waxaan la soconaa in Cilmi Boodhari iyo Qays ay Jaceyl u dhinteen marka taariikhda ma lagu haayaa Gabar Soomaaliyeed oo Jaceyl u dhimatay?

haddaba waa su,aal wacan jawaabtuna waa dhankiina

MOHAMUD MOHAMED IBRAHIM ( m.m.i)
maxamedyare68@hotmail.com

hoyga dhalinyarada
arimaha bulshada
arimaha jaceylka
http://www.nololcusub.tk

1 Comment

  1. lagama yaabo in gabar aanta joogta jaceyl u dhiato waayo love became interest


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s