6 arimood oo aad ku dhimi kartid kadeedka (stress)


6 arimood oo aad ku dhimi kartid kadeedka (stress) waxaana qalinka u qaadey isu xil saarey si uu dadka ugu soo gudbiyo waa m.m.i oo ah xubin ka mid ah madaxda webka http://www.nololcusub.tk
bal aan isku kiin daayo adinka iyo m.m.i ka faa,ideysasho wacan

MOHAMUD MOHAMED IBRAHIM { M.M.I }madaxda of http://www.nololcusub.tk

in badan ayaa waxa aynu maqalnaa qof lagu dhahayo maxaa ku kadeeday ama qof odhanaya waxa aan dareemayaa culays badan oo arintan iga saaran. Kadeedkan ayaan ahayn mid haba yaraatee u roonayn caafimaadka qofka. Hadaba si aad u ilaashato caafimaadkaaga isku day in aad dhinto kadeedka, degdega ama culayska ku saaran. Waana kuwan 6-da qodob ee aad kula dadaali kartid nafta:

1 – Ha ku dhibin naftaada iyo dadka kale in ay noqdaan kuwo dhamaystiran.
Bani’aadanka ayaa qaladkiisu badan yahay markaa ma jiro qof markasta sax ah oo dhamaystiran. Adiga oo taa ogna ha ka filan in dadka ama qofka aad la kulantaa noqdo mid dhamasytiran.

2 – U kala horumari arimahaaga sida ay u kala muhiimsan yihiin.
Waa in aad liis u samaysataa arimahaaga ama ka dhigataa caado in aad qorshaysid sidii aad ukala horumarin lahayd arimahaaga midiba mida ay ka muhiimsan tahay. Tusaale ahaan shaqada, kulanada iyo howlaha kala duwan ee aad qabsato waa in aad eegtaa mida u baahan in hada wax laga qabto. Soomaaliduna waxa ay ku maahmaahdaa, “Ooda dhacmeed sida ay u kala sareeyaan ayaa loo kala hor guraa”

3 – Tababar jidh dhisid ah
Waa in aad samaysaa tababar joogto ah oo aad maalin kasta hal mar samaynayso. Tababarkaas oo kala noqon kara adiga oo caadaysta in aad maalintii 1 saac si ded deg ah u lugeeya ama u gucleeaya, baaskiil wada, dabaasha ama sameeya nooc kale oo ka mid ah cayaaraha.

4 – Ku raaxayso deegaanka
Waa in aad nafta ugu raaxaysid in aad geeyso meelaha dhirta, biyaha, buuraha iyo dabeecadaha quruxda badan leh. Kuwaas oo quruxdoodu nafta u raaxaynayaan. Soomaaliduna waa ta inta badan heesahooda ku tilmaama deegaanka quruxdiisa, shimbiraha, fardaha, daruuraha, qorax soo baxa iyo qorox dhaca. Tusaale ahaan, heesta Ceelbuur ee uu qaado Salaad Darbi ee uu ku amaanayo gabadha ayaa waxa ka mid ah midhaha uu ka hadlayo deegaanka iyo qurxdeeda asaga oo leh, “Casarkii cadceedoo godka cidhifka galisoo ka sokeeyo caadoo falaadh wada casaan ah ku cadays …….”.

5 – Qorshayso waqti kuu khaas ah oo joogta ah oo degan
Waa in aad samaysataa waqti aad waxba qabanayn oo aad ka helayso degenaansho.

6 – Waa in aad hurdo iyo nasasho buuxda heshaa
Jirkeena iyo maskaxda ayaa waxa ay u baahan yihiin hurdo iyo nasasho ku filan si ay u awoodaan shaqada, fikirka iyo culasyka kale ee inala soo gudboonaada.

MOHAMUD MOHAMED IBRAHIM { M.M.I }

maxamedyare68@hotmail.com

2 Comments

  1. aad baan ugu faraxsanahay sida wacan ee uu inoogu so bandhigey mr MMI sidii aan u dhimi laheyn self stresska ama kadeedka qofba sida uu u yaqaano.inaguna kuwa ka faa’ideysto ayaan noqon doonaa sheekooyinka uu inoo soo bandhigaayo mr MMI iyo sxbkiisa qalbi jeceyl waan u mahad celinayaa dhammaan akhyaarta web ka oo dhan

  2. waxaa la rabaa in laga faa’ideysto cilmiga lagu soo bandhigayo web-ka nolol cusub oo qofka waxa soo diyaarinaya waxaa uga baxa waqti iyo qarash so soomaaliyeey ka faa’ideysta


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: