maxaad kala socotaa jeceylkii qays iyo layla



Layla iyo Qays, waa sheeko jaceel ah oo ka mida sheekooyinka ugu caansan bariga dhexe. Sheekadan waxay taariikhdeedu u noqneysaa illaa qarnigii 7aad. Layla iyo Qeys waa sheeko sida oo kale ku faaftay waqooyiga Afrika iyo India. Hadaba Layla iyo Qeys maxay ahaayeen? Sheekadoodu sidayse u dhacday?


Nin la dhihi jiray madjnun(ninkii waalnaa) oo magaciisa caadiga ahi uu ahaa Qays ayaa Layla kula kulmay si kedis ah meel ay dumar xaflad ku lahaayeen dabadeed wuxuu bilaabay inuu geeliisii gawraco munaasibadaa haweenka awgeed,haweenkan waxaa ku jirtay Layla ,Layla waxay jacayl u qaaday Qays isna mid kii la mida ayuu u qaaday,
si dhakhso ah ayaa Qays u doonay layla in uu u geed fadhiisto oo wuu weydiisto Aabaheed ,balse nasiib daro layla Aabaheed hore ayuu nin kale ugu balan qaaday inuu inantiisa siinayo,Qays arrintaasi waa u cuntamiweyday wuxuuna ku adkeystay in layla la siiyo,halka Layla aabeheedna ku adkeeystay in innantiisa uu nin kale ugu balan qaaday,Qays wuxuu noqday nin jacayl qaaday laakin innantii uu u qaaday ku hunguubay,Qays oo jacaylka Layla uu ku dheeraa ayaa ka samri waayey dabadeed wuxuu bilaabay inuu dugaaga weheshado oo uu duurjoogta u tago.Qays aabihii ayaa isku deyey inuu ilawsiiyo inankiisa jacaylkan haleelay balse qays xanuunkiisii waa ka sii daray oo wuxuu noqday nin waalan oo xiskiisii ayaa raacay Layla.
Qays wuxu u tiriyey Layal gabayo badan oo uu mar ku amaanaayo,marna ku calaacalaayo,marna uu ku muujinaayo marxaladan cusub ee la soo deristay.gabayada Qays uu u tiriyey Layla waxay qayb ka noqdeen suugaanta Beershiya iyagoo u isticmaali jiray siyaabo kala duwan waxaa la sheegaa mararka qaar inay u isticmaali jireen hees hawleedyo.
Isla marka uu Qays ku sugnaa xaaladaas Layla waxay joogtay gurigooda oo lagu ilaalinaayey iyada oo gabayada uu tirinaayo Qays ay ka dhigeen Layla mawduuca keliyah oo lagu sheekeysto iyo xanta dadka.

Layla aabaheed wuxuu balan ku galay inuu Qays ka ilaaliyo Layla, waxaa la sheegaa in nin la ladhihi jiey Ebne-e salam u weydiistayama soo doontey Layla, aabeheed inuu siiyo laakin Layla aabaheed wuxuu ninkaa u sheegay in innantiisu weli yartahay oo uu sugo ilaa dhowr sanno si ay ugu soo korto, Qays wuxu galay nolol adag oo silic ah,sheekadii Qays waxay gaartey nin la dhihi jiray Nezamis’s oo ahaa nin deeqsi ah oo sida la sheegay boqor ka ahaa dhulkii Beershiya ee hada loo yaqaano Iiran,ninkaas oo isku deyey inuu Qays la taliyo laakin markii u kala quustay waano iyo talo,Boqorkaa ayaa go’aan sadey inuu weerar ku qaado Layla reerkeeda ay ka dhalatay isagoo ka doonayo reerkaas in Layla iyo Qays laysa siiyo hadii kale dhiig daadan doono.
Inkastoo oo dagaalkii dhacay oo la jebiyey Layla qabiilkoodii hadana Aaabaheed wuxuu ku adkeystay in aanu marnaba Layla siin doonin Qays isagoo ku dooday in Qays dhulka dhigay oo burburiyey sharaftii Layla iyo reerkoodii oo dagaalkii hanti badan iyo burbur soo gaarsiyey cidii ay ka dhalatey layla ,wuxuuna dhihi jiray dabeylkasta oo soo dhacdaa waxay sidaa magicii innanteyda,isago sheegay in Layla oo uu Qays siiyaa uu ka dooranyo inuu dilo oo qudha ka jaro Layla.
Boqorkii wuxu ogaaday in aanu ku guuleysaneyn inuu Layla aabeheed ku qanciyo in uu isa siiyo laamanahan isku dhibaateysan faraha ayuuna ka qaaday arrintii Layla iyo qays, ninkii Layla laga balan qaaday ayaa soo doontey ii iga faa,iideyso jaaniskaa isagoo u yimid Layla aabaheed mar labaad, balse markan si dhib yar ayaaba Layla loo
siiyey, wuxuuna Layla u kaxaystay gurigiisii. Qays markii uu maqlay in Layla nin la siiyey ayuu ka sii daray wuxuuna wehel cusub ku sii yeeshay keyntii uu markii horeba dugaaga la joogay.
Qays aabihii wuxuu la dhintay murugadii iyo uur xumadii uu ka qaaday noloshii uu la dersay inankiisu isagoo Qays ahaa inanka keliya ee uu lahaa, uuna u jeclaa si aad ah.
Qays markii uu maqlay in Aabihii hoos maray ayuu xalkiisii ka sii xumaaday intii hore, balse nin qoyani biyo iskama dhowro, isaga ayaaba tisii la il daran, wuxuuna aabo ka sii dhigtay oo booskii Aaabihii u sii buuxshay habardugaagii uu la noolaa.
inkastoo Layla la guursaday hadan ma ay ilaawin jaceylkii Qays waxaana ku sii siyaaday jaceylkii ay Qays u haysay. Layla waxay warqad u dirtay Qays iyadoo uga tacsiyadeyneysa geerida ku timid aaabihii waxanay u sheegtay in ninkeedu ogyahay in ay Qays jeceshahay oo aanu weligeed qalbigeeda ka baxayn.
mudo ka dib waxaaba dhimatay Qays hooyadii,Laylana waxay fariin u soo dirtay Qays iyadoo u soo dirtay nin waayeel ah una sheegay in Layla ay dooneyso in ay kulmaan. Qays waa uu soo raacay ninkii waxaana mar labaad kulmay lamaane is jeclaaday oo dhib aduunyo kala geysey, Layla ninkii la siiyey wuxu ogaa inaanu marna qalbiga Layla ka saari karin Qays. balse Layla ninkii la siiyey waa xanuunsaday waana dhintay.
Sida dadka dhaqanka u ahayd gabadha carmalka ah ee laga dhintaa 2 sanno ayey ahayd inay ku jirto guriga oo aanay mudadaa rag la kulmin. Laylal uma dulqaadan karto mudadaas dheer ee aanay Qays is arkeyn waana ay xanuunsatay xanuunkii ayeyna u dhimateyna layla.
War xumi dugsi ma fadhiistee, Qays markii uu maqlay in Layla ay dhimatay oo dhulka hoos martay ayuu aad uga xumaaday wuxuuna booqday qabrigii ay ku aasneyd Layla, halkaasna waxaa ku soo af-jarmay noloshii Qays waxaana uu ka daba tegay Layla oo isna waa dhintay.

Inkasta oo sheekada jaceylka ah ee Layla iyo Qays ay adagtahay in si dhaba loo helo waayo waxay dhacday qarni aad u fog hadana sidaan ayaa ugu dhow sida maanta loo sheego ileeyn ma anan soo gaarin qarnigii ay sheekadu dhacdey oo ahaa 7aad maantane waa ogtihiin waxaa lagu jiraa qarnigii 21 aad waad dareemi kartaan inta u dhaxeysa.

MOHAMUD MOHAMED IBRAHIM { M.M.I}
Maxamedyare68@hotmail.com

 

KA DHIGO HOYGAAGA KOWAAD 

WAA HOYGA DHALINYARADA

WAA HOYGA ARIMAHA JACEYLKA

WWW.NOLOLCUSUB.TK

qalbijaceyl11@hotmail.com

3 Comments

  1. Waligay wax ma jeclan markii iigu horeysay een wax jeclaado weeye, gabadhan xamdi ah aad bey ii dhex baxdhey waxana ka jeclahay nafsadeyda aad baan u jeclahay gabadhaas waa hubal jecelka aan u qabo gabadhaas ayaa ka weyn midkii qays iyo layla waxana rajaynaya in aan is heli doono waliba nolasha wadaagi doono haddu alla idmo {M.M.I} adigana wad mahad san tahay walal

  2. waxba qisada kama ogo lakin waxan ogahay in an sida ka daran u jeclahay cumarkayga oo an taganahay heer an naftayda an u goayn karo

  3. Salaan sarre Mr MMI ayaantaan waan ku heystaa sheekadaada iyo qoraalkaaga oo dhan ma ogi ayaantaan ma waxaad isku badasheyna qoraa arimaha jeceylka ah waanba kaa yaabee ?waxaan kaloo u mahad celinayaa madaxa webka Mr Qalbi Jeceyl waad maahadsan tihiin all of U


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: