TAHRIIBKA GEERIDA warbixin ku saabsan


Nin Soomaali ah Oo Daldalay Haweenay U Dhalatay dalka Yemen
horta sida lawada ogsoon yahay markii laga hadlo arimaha qaxootiga ma ahan qaxootiga in uu galo falal dambi ah ama kufsi ama dil ama dhaawac maanta waxan raba in aan ka hadlo arin foolxumo ah oo ka dhacday wadanka yemen anigo ah abubakar mohamed hasan mr qurbaani,

Muwaadin Soomaaliyeed ayaa dil u geystay gabar iyaduna u dhalatay dalka Yemen,waxaana dilkaasi uu ka dhacay maanta oo sabti ah magaalada Cadan ee caasimada dhaqaalaha dalka Yemen.
Booliska dalka Yemen ayaa sheegay in gabadha la dilay la yiraahdo Najmo Cumar,iyadoo aysan soo bandhigin ama sheegin magaca muwaadinka Soomaaliyeed.waxaana ka wada dhaxeeyey labadaan qof xirrir.

Qoyska gabadha ayaa sheegay in markii ugu war dambeysay uu muwaadinka Soomaaliyeed gabadhooda ka kaxeystay gurigooda isla markaana geeyey gurigiisa si ay uga wada hadlaan arimo la xirrira guurka ama aroos.
Qoyska ayaa sidoo kale sheegay in aysan ka war helin dilka gabadhooda ilaa iyo markii Booliska magaalada Cadan ay kusoo wargeliyeen.
Afhayeen u hadlay Booliska ayaa sheegay in meydka gabadha uusan wax dhaawac ah ka muuqan balse qorteeda uu ku xirnaa xariga loona maleynaaya in muwaadinka Soomaaliyeed uu ceejiyey.
Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa dilka ka dib uu geystay baxsaday,balse Booliska ay iminka baadi goobayaan.sidoo kale waxaa ay booliska sheegeen in muwaadinkaas uu dada ahaan jiro 45-sano.
Lama yaqaano sababaha ay ku kalifay,

in uu dilo gabar u dhalatay dalka yemen waayo wadanka waa wadan xaq dhoora umada soomaliyad oo kasoo barakacay dalkooda hooyo sababaha dilkaani keenay aya booliska dalka yemen la yaaban yihin waayo mana aha dilkaani mid koowad waayo dilalal badan aya soomali keeysatay hore ama hanoqoto dil ama kufsi ama dhaawac marar badan ayay isku dayeyn booliska in ay ka dalgaran in ay qabqabtan somalida ay wadankooda ku nool oo ay geystan dil oo isla markaana ka baxsada

TAHRIIBKII GEERIDA
‘warbixin Muruga Xambaarsan’

Daruufaha adag iyo Dagaaladda sokeeye ee ka jira Dalka soomaaliya waxii ka danbeeyay Markii uu dhacay Nidaamkii Siyaad bare 1991

waxey kumaanan soomaali ah ku qasbanaadeen in ay raacaan hirarka Badaha una soo cararaan xeebaha Yemen ayagoo ka cararaayo xabad, Qaajo, Nabadgelyo, kufsi ,dar xumo ,ka jirto Dalkooda raadinayana Nolol ka wanaagsan tan ay ku jiraan,

Tahriibkan waxuu wataa Qatartiisa waxuuna Noqday Ganacsi ay lacag fiican ka helaan kooxaha dadka soo Tahriibiyo waxaana lugu tilmaami karaa in uu yahay ganacsi akhlaaq la,aan ah, maxaa yeelay ka cararka dhibaato waxey ka dhigaan kooxaha dadka tahriibiyo u carar dhibaato ka fool xun tii laga soo cararay.
Qaxootiga Soomaaliyeed Qaar kood waxey si dhib ah fursad ugu helaan in ay soo gaaraan xeebaha Yemen gaar ahaan xeebta Caddan, Abyen iyo shabwa ayigoo ka faa’iideysanaayo xeebta Yemen ee dhirirka badan ee uu gaaraayo dhirirkeedda 2400 Km ee Badda Cas ee Carabta, waxeyna noqotay Safaradda Qaxootiga Soomaaliyeed ee ay Yemen kusoo aadayaan Kuwa Isbuucle ah gaar ahaan markii ay Baddu degan tahay.

Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ku sugan ayaa waxey u kala Qeybsamaan labo Qeybood, Qeybta kowaad waa Qeybta Degan sidexda Kaam ee Qaxootiga oo Kala ah: Xearada Qaxootiga Kharaz ,ee xaafadda Laxaj, Xerada qaxootiga Meefcah ,ee xaafadda Shabwa, kaamka Basaatiin oo ku yaalo Magaaladda Caddan.

Qeybta labaad waxey ku noolyihiin kaamamka Ka banaanka waxeyna u badanyahiin Xayil Basaatiin,xayil Saafiyah ee Caasimadda Sanca, waxeyna Tahriibayaasha ka fakada Ciidamadda Badda Yemen ay si Toos ah u aadaan magaalooyinkaan maadama ay ku noolyihiin dad ay Qaraabo yahiin waxaana labadaan Magaalo lugu tilmaami karaa Magaalooyin soomaaliyeed marka aad fiiriso sida Soomaalidda u buuxdo.

Qeybta Kowaad ee ah Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku Nool kamamka ayaa waxey ku noolyihiin daruuf nololeed oo aad u liidata aadna u adag sida uu sheegay Wasiirka Iskaashiga Holand Beyruut Konderz oo booqday kaamka Kharaz, inkastoo Qaxootigaani ay ka qaataan kaalmooyiin isugu jiro Cunto iyo Daawo Ha’yadda Qamadda midoobey u Qaabilsan Arimaha Qaxootiga ee Marka Magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano UNCHR.
Nuuca labaad ee ku Nool ka banaanka Kaamamka ayaa waxey ku ku tashadaan Naftooda ayidoo aysan jirin Cid kaalmo siisa waxeyna ka shaqeeyaan shaqooyin yarar, dhalinyaradda waxey ka shaqeeyaan iyago dhaqa Baabuurta, Dhisadda Guryaha Dadka waayeelkana waxey Dantu ku kaliftaa in ay gacantooda taagtaan (Tuugsi) ama dawarsi.

Gabdhaha ayaa waxey ka shaqeyaan Guryaha, Gabdhaha Qaar ayaa waxey daruufta adag ku kaliftaa in ay halaabaan ayigoo jirkooda Ka ganacsadda.waxay ilowday nidaamkii iyo dhaqankii soomaliyayd markii ay tagtay dalka yemen sharaftii gabdhihi soomaliyayd wey ilowday waxana ku kalifay daruufo ay kuso wajahday iyo gaajo waayo gaajada waxa loo yaqaana cadowga koowad ayna ku kaliftay in ay jirkeeda gado mana ahan gabdhaha somaliyayd markii ay tagan dal ayaga yaqaanin ay ku dhaqankooda weyna ku adagtahay si ay kula qabsadan dhaqanka dalka yemen,

Mudane.Maxamed Diiriye oo ah madaxa Gudiga Qaxootiga xaafadda Caddan ayaa waxuu sheegay in Qaxootiga u Qoran Caddan kaliya uu Bilowga sanadkaan 2008 kor dhaafay 22 kun oo Qaxooti ah waxuuna intaas ku daray in Qaxootiga Soomaaliyeed markii ay Soo gaaraan Yemen Qaar ka mid ah ay usoo gudbaan xaduuda Dalka Sacuudiga ayigoo sii raadinaayo Nolol ka Wanaagsan Mida adag ee Yemen.
Maxamed Diiriye waxuu u kala qeybiyay Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ku sugan laba Qeybood.
Qeyb kasoo carartay Markii Dagaalka Ahliga ah Soomaaliya ka dhacay lana Riday Xakunkii Siyaad Barre
iyo Qeyb Kasoo carartay labo sano ka hor Markii ay Ciidamadda Itoobiya Soo galeen Dalka Soomaaliya,waxuuna sheegay Maxamed Diiriye in ay u badanyahiin Qeybtan danbe dhalinyaro sanadoodu u dhaxeyso 20-25 kuwaas oo noqday kuwa ka badan Caruurta iyo hooyayaasha oo uu badnaa xiligii hore Qaxootiga usoo carari jiray Dalka Yaman.

Maxamed Diiriye waxaa uu sheegay in ay Sabab u tahay in ay u badnaadaan xiliyaddan danbe Qaxootiga Yemen soo gelaayo Dhalinyaradda, Ciidamada Dfk Soomaaliya oo dhalinyaradda ku eedeeyo in ay kasoo Horjeedaan Ciidamadda Itoobiya, Taas oo keentay in aabayaasha Dhalinyaradda kula taliyaan in ay Dalka isaga cararaan, ayigoo ugu baqaayo in wiilashooda Ciidamada Itoobiya iyo Kuwa Dfka ka Dilaan ama jeel la dhigaan.
Warbixino la helaayo ayaa waxey sheegayaan in Dumarka soomaaliyeed la kulmaan Kufsi kaga yimaada dhinaca Kooxaha soo Tahriibiyo inta ay Tahriibka ugu soo jiraan Xeebaha Yemen, Lakiin Madaxa Gudiga Qaxootiga Magaaladda Cadan waxuu sheegay in uusan Hubin arinkaas lakiin waxuu sheegay in jiraan dad ay liis gareeyeen kuwaas oo ay jirdil iyo dhaawacyo ugu geesteen lashashka Ama Doomaha Tahriibka dhexdooda Kooxaha dadka Tahriibiyo .

Arinta ku saabsan in Gabadhaha Soomaaliyeed ee Qaxootiga ku ah Dalka Yemen jirkooda Ka ganacsadaan ayna u Gudbiyeen Cudurka HIV Aids-ka ah Rag Yemeniyiinta ah, ayaa waxuu sheegay Mr. Diiriye in ay yahiin xaalado aad u yar waxuuna sabab uga dhigay Hadii ay jiraan gabdho Soomaaliyeed ee Jirkooda ka Ganacsadda iyo dhalinyaro soomaaliyeed oo xaafaddaha qaar lugu eedeeyay in ay ka geestaan dhac ayna xadeen Mobiledda gacanta faqriga iyo dhibaatadda ku heysata Dalka Yemen.

Xiliyaddan danbe kumaanan Soomaali ah ayaa waxey ku dhinteen badda korkeeda ka hor inta aysan gaarin xeebaha Yaman, waxuuna sabab uga dhigaa Gudoomiyaha Jaaliyadda soomaaliyeed ee magaaladda Cadan labo Arimood mida waa kooxaha ka shaqeeyo Tahriibka oo Doomaha soo saara Qaxootiga xili ay baddu kacsantahay kuna rara wax ka badan Doonta Tankeedda taas oo keenta in ay doonto Qalibanto

Arinta Labaad waxaa ay tahay kooxaha Dadka tahriibiyo oo Naxariisa Laawayaal ah oo dadka ku Qasba in ay bad weynta dhexdeeda ku dadaataan kana boodaan Doomaha,ayigoo ka baqanaaayo in ay gacanta u galaan Ciidamadda Badaha Yemen

Qaar ka mid Qaxootiga soomaaliyeed ee Soo gaaray xeebaha Yemen ayaa waxey sheegeen in ay dhibaan 50 Doolarka Mareykanka ah si looga soo Qaado Dekadda Boosaaso loona keeno Xeebaha Yemen
Golaha Qaranka Yemen ee arimaha Qaxootiga ayaa waxey ogolaadeen maalmo ka hor in ay sameeyaan waax Gooni ah oo shaqadeed tahay Dejinta iyo fulinta siyaaddaha ku aadan Arimaha Qaxootiga

Dr.Cali Mithny Xasan oo ah ku xigeenka Wasiirka Arimaha Dibadda Ahna Gudoomiyaha Gudigan ayaa waxaa uu sheegay in Dowladda Yemen uu culees badan kasoo wajahay Qaxootiga soomaalidda hadii ay ahaan laheed culees dhaqaale,culees bulsho,culees Aqoon, waxuuna Wasiirku sheegay in maalinba maalinta ka danbeyso uu kor usii kacaayo Qaxootiga soo gelaayo Dalka Yemen Arinkoos oo uu sheegay in aysan Yemen kaligeed Qaadi karin
Wasiirka ayaa waxuu sheegay in uu aad u yaryahay dhaqaalaha aduunweynuhu ku bixiyo qaxootiga inkastoo caalamka arinkooda la socdo.

Tirakoob rasmi ah oo ay sameeyeen dowladd Yemen iyo UNCHR-ta ayaa waxaa lugu sheegay in uu gaaraayo Qaxootiga Soomaaliyeed ee Ku sugan Dalka Yemen 113,000 Kun oo Qaxooti ah, Lakiin ku xigeenka Wasiirka Arimaha Dibadda Yemen waxuu aaminsanyahay in tiradad Qaxootiga ku sugan Dalka uu yahay taas laba jibaarkeed asigoo sabab uga dhigay in Qaxootiga dhan aysan iska Qorin xafiiska Hay’adda Qaxootiga Aduunka, wasiirku mar uu ka hadlaayay Dhaqaalaha Dowladda Yemen kasoo Gaar Dhanka UNCHR-TA ayuu waxuu sheegay in sanadkii lasiiyo Dowladda Yemen lacag gaareyso Hal millyan oo Doolar asigoo sheegay in sanadaha soo socdo laga yaabo in Lacagtaasi kor u kacdo

Waxaa soo baxay Maalmaahan Danbe Ururo iyo Kooxo Yamaniyiin ah oo kasoo Horjeedo Joogitaanka Qaxootiga African ah Gaar ahaan Qaxootiga Soomaalidda ayigoo ku eedeeyay Qaxootiga soomaalidda in ay u gudbiyaan dadka reer Yemen Cudurka HIV Aids-ka arinkaas oo Qaxootiga Soomaalidda ku dhaliyay Cabsi.
Haddaba waxaan shaki ku jirin in Dadka Soomaaliyeed meel walboo ay joogaan dhibaato ku heysato waxaana lugu tiriyaa Qaxootiga Yaman ku nool in ay yahiin kuwa dhibaatadda ugu badani heysato waxaana loo baahanyahay dadka Soomaaliyeed ee wax heesta meel walboo ay joogaan in ay Gargaaraan walaalahooda Daruufaha adag ku heysato Dalka Yemen, waxaana Nasiib daro ah in maamulka Cadde muuse uusan waxna ka qaban kooxaha dadka sida naxariis daradda ah dadka ugu daadiyo badda ayna xur yahiin ayidoo aysan jirin cid cadaaaladda la hor keenay oo Ka tirsan Kooxahan Dadka ka Ganacsadda, Arinkaas oo dad badani u arki karaan arin qorsheysan oo uu lug ku leeyahay Maamulka Cadde muuse, Waxaa la hubaa haddii uusan Maanta Cadde Muuse kooxahan Cadaaladda hor keenin in La hor keeni Doono Maalin Dalka Soomaaliyeed ay jirto Dowladda Cadaaladda ku Dhisan oo la xisaabtami karo loona qaadi Doono Masaakiinta kamamka Yemen ku jiro Xaqoodda

Mar hadii aysan wax ka qabaneyn xakuumadda Cadde muuse arintaas oo la hubo in ay wax ka qaban karto waxaa looga baahanyahay Dadka Soomaaliyeed in aysan naftooda Haligin oo aysan isku dayin in usoo Tahriibeen Dalka Yemen ayigoo u jeedo dhibaataddan heysata kuwii hore usoo Tahriibay, waxaa cad Nolosha Yemen oo xitaa Soomaalidda loo diiday in ay tuugsadaan in aysan dhaamin Nolosha Adag ee Soomaaliya oo ka jirta oo hadii wax kale la waayo anan Tuugsi luguu xireyn.

Waxaa Hubaal ah in ay joojin doonaan Dagaaladda Kooxaha Kursi doonka ah ee ku Dagaalamaayo Soomaaliya Hadii ay leeyihiin Qalbi Naxariista Marka ay arkaan dhibaatadda heysata dadka Daradood Baddaha usoo maray oo intii ay heli lahaayeen Nolol wanaagsan loogu bedelay Rafaadkii Soomaaliya in Qaarna la Adoonsado Qaarna lugu eedeeyo in ay jirkooda gataan Qaarna loo diido xitaa in ay Tuugsadaan

Ugu Danbeyntii Maamulka Puntland ayaa la dhahi karaa waxuu Dusha saaran doonaan mas’uuliyada tahriibinta dadkaan Masaakiinta ah hadii uusan wax ka qaban arintaan waxaana ugu dambeyn wanaagsan in laga wacyi geliyo dadkaan nafsadooda halista Badweynta kusii daynayo ayagoo galaya nolol ka dhibaato iyo xanuun badan tii dalkooda ay ugu soo Qaxeen ,,,,

somaaliya wallaahi waan ka xumahay waxaanan usheegaya inay tahriibku ka daran yahay tay kacararyaan ilaahay waxaan kabaryayaa inuu nabad ka dhigo wadanka somaliya sababtoo ah nabad say ku iman karta ilaahay subxaana watacaala wuxuu yiri adoomadaydoow wax iwaydiista waan idinka jawaabayaaye waa in illaahay loo noqdaa oo laga cabsadaa oo labaryaa salaamu calaykum sidas ayan idinka tagaya waxa qoray ,
abubakar mohammed hasan mr qurbaani kulnti dambo oo xiiso leh

http://www.nololcusub.tk waa hoyga arimaha jaceylka
waa hoyga arimaha bulshada
waxaana idiin suurta geliyey sxbkiina hawada waa
MR QALBIJACEYL

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: