weligaa ma xulatey dookhaaga.


doorashada dookha marka aynu ka hadlayno waxaynu eegnaa qururxda, qaabka, midabka, iyo weliba caddaanka ah, laakiin arrintu caynkaasi way ka duwan tahay,
oo waxa jira qodobbobadan oo aad ku dooranayso qofkii kugu habboonaa…


muddo badan ayey qofka dhallinyarada ah ku qaadataa sidii uu u heli lahaa qofkii ku habboonaa noloshiisa, taasina waxay marar badan xataa abuurtaa in uu helo qofkii uu is lahaa wuu kugu habboon yahay, laakiin goordambe arrintu sidii uu filayey noqon weydaa. Waa hubaal in aanay 100% iskugu kaa duba dhacaynin rabitankaaga iyo qawaaniinta u yaalla dunidani ee Ilaahay dhigay, waxad u baahan tahay in adiga oo ku xisaabtamaya qadarka aad raalli geliso kooxo faro badan oo deegaankaaga ku xeeran marka laga reebo sida uu Rabbi kuugu talo galay iyo cidda uu kuugu talo galay.

Qofku wuxu leeyahay dareen wadayaal kala geddisan oo ka duwan kani uu qalbigiisu tilmaamayo, waxa qalbigaaga hagayaana waa dareenadani kale ee wararka u fidinaya maskaxdaada, kuna arooraya wasladda yar ee laabtaada ku taalla. Dareen wadayaashani waxa ka mid ah Indhaha, Dhegaha, Carrabka iyo gacmaha. Ishu waxbay aragtaa oo keliya laakiin kuma shaqo laha dareenada taabashada, maqalka iyo dhadhanka cabbira amma qiyaasta. Waxay aragtaa shay qurux badan oo inta ay jeclaysato daawashadiisa ayey farriimaha bilicda lehna u gudbinaysaa maskaxda. Carrabku wuxu xiiseeyaa dhadhanka macaan oo ay u raacaan ku dhawaaqidda ereyada suuban marka uu rabo wanaaga. Dhegtu waxay jeclaysataa maqalka codadka macaan ee aan ka didinaynin ee ay ku raaxaysato. Gacantu waxay jeclaataa taabashada naacimka ah amma degan ee aan turxaan iyo wax la necbaysto midna lahayn. Dareen wadayaashani wuxu mid waliba si gaar ah ugu gudbiyaa farriimaha uu sido maskaxda si inta ay u shaandhayso natiijada ugu dhiibto qalbiga bini aadamka, waana ka keliya ee ku haga inay naftaadu wax jeclaato. Gabadha amma wiilka aad u qoondaynayso noloshaada, ma jiraan farriimo dhab ah oo si toos ah uga soo burqanaya qalbigaagu kuwaasi oo aan khayaali ku dhisnayn; mise wa la yidhi oo qudha ayuu dookhaagu ku eegyahay.

Run ahaantii jacaylku waa wax aan muuq lahayn, midab lahayn, aabbo iyo hooyo toona lahayn, laakiin cid lagaga ashkatoodo leh, waana qofka aad jeceshahay ee aad weliba filayso in uu ku siiyo jawaab diidmo amma yeelmo mid uun ku tacaluqda. Sidaasi ayaanan marnaba tilmaan buuxda kaa siin karaynin astaamaha dookhaagu yeelanayo, mar haddii ay jiraan shucuur rasmi ah oo gudahaaga ku duugan.

Dadkii hore si ayey wax u qiimayn jireen. Odey ayaa anigoo Djabouti jooga beri sheeko ii galay. Wuxu tilmaamayaa in xilligii ay dhallinyarada ahaayeen hablaha ku dooran jireen dhowr qodob oo is daba yaalla. Marka uu rabo ninka dhallinyarada ahi in uu ogaado basarinimada gabadha uu jirrabayo, waxa uu eegan jiray xilliga ay wax cunayso ee inta xoolaha laga liso qof kasta oo qoyska ka mid ahiba gorowgii, amma gelleydii, amma shuuradii, amma wixii kale ee la quudanayeyba cunayo. Inta ay innamada wax ilaaqday muska soo istaagaan ayey gabadha magaceega ugu yeedhi jireen, iyagoo weliba la eegtay marka ay malqaacadda afka geliso; haddii ay “Heeuuoo” tidhaahdo waxay ku talin jireen in la isaga fogaado, waayo weligeed isma basrinayso, haddii kale oo ay cuntada liqdo amma dhinac iskaga ururiso tidhaa “Hee” qurux badan, waxay odhan jireen waa gaar la guursado ee yaanay fursadani kaa fakanin.

Dhinaca ammaanadana wax ayey ku qiyaasi jireen. Waxay qaadi jireen shay aan hore u xumaanaynin, sida subagga oo kele; inta ay masaafo dheer doolaalo ugu tagaan gabadhii ay rabeen inay jirraban ayey ammaanadii u dhibaan iyagoo iska dhigaya rag meel u sii dhaafaya, muddo bil ah dabadeed ayey ku soo noqdaan gabadhii, waxay eegayaan in ay mar alla marka ay sheedda ka aragto subagii soo dhoweysato iyo in kale. sidaasi kagama tagaan ee tijaabadu waxay socotaa saddex jeer oo kala durugsan. Waxa kale oo ay eegaana in ay gabadhani amaanadoodii sidii u haysay iyo in ay wax yar ka garoocatay baahi kastaa ha u geyso e, oo haddii ay helaan iyadoo xafiday waxay qirtaan in ay gabadh tahay la guursado oo ilaalin taqaan amaanada nafteeduna ku jirto.

Waa sidaasi sidii ay ku dooran jireen ragii hore hablaha. Quruxda dhabta ah ee qiimaha ku fadhidaana waa tani qalbiga. Miyaanad arag wiil amma gabadh qurux Alle ku mannaystay oo aad haddana karhaysid, haddii lagu weydiiyo sababta waxa laga yaaba in aad ku doodo dabeecad xumo, amma dhaqan aan sax ahayn. Imisa qof oo is jeclaa ayaa colaad aan hadhaynin ku kala taga, Faro badan oo Faro badan, maxa hagaya labada jeerba sow qalbiga ma aha oo marna quruxi kuma duugna marna quruxdii lagama hallaynin.

Dhallinyaro waa dhimbiil dambas huwan. Xilliyada ay haasaawayaan waxay jeebadaha kala soo baxaan dabeecado ay soo ergisteen, taasi oo inta badan saldhig u ah burburrada hadheeya qoysas badan oo soomaaliyeed. Rabitaankaagu waa mid adiga kuu gaar ah oo kuu qoondaysan, rabitaanka qofka kalena waa mid isaga u qoondaysan. Maadaama uu mid waliba sida uu isago jecel yahay raadinayo, way adag tahay in ay kuu suuro gasho inada 100% hesho rabitaankaaga, dhinacyo badan ayaa la idinka xigaa, waxad arrimahaaga la xidhiidhinaysaa habdhaqanka u yaalla qoyskiina oo haddii qofka aad is-qabtaan ay is fahmi waayaan qaar ka mid ah qoyskiina, waxa adkaanaysa in ay sii jirto ixtiraamkii iyo niyaddii lagu wada joogi lahaa…. Soomali ahaanna waxaynu aaminay in ay soddohdu xuntahay; dumarka dumaashiyaha ahina isku daran yihiin.

Ma dhabbaa maahmaahda tidhaahda “Gabadha hooyadeed hadhuudhka tuntaa, iyana haadiskay taqaan”? 90% waa dhab, laakiin ogow akhristeyohow suubani, in ay jiraan hablo faro badan oo ka caloolyooba mar walba sida ay hooyadee u dhaqanto, iskuna deyaya in ay helaan dariiq ka duwan kani hooyadeed iyo weliba reerkooga, laakiin uu qoqobay qodobkani caanka ku ah dadka badankoogu oo ah “Inani waa hooyadeed”.

Maxay dhallinyaradu ka haasaawaan? waa su’aal jawaabteed u baahan. Waxa hubaal ah in ay gabadha dhallinyarada ahi muddo ku maqnaato muraayadda iyadoo hadba dhan iska eegaysa, rabtana in ay iyadu isku bogto ka hor inta aanay dadka kale u bogin quruxdeeda, wiilka dhallinyarada ahina wuxu muddo badan ku mashquulaa sidii uu u hanan lahaa gabadhani oo waxa uu ku dedaalayaa cadarka, labbiska, qaabka feedhashada, iyo ku darso hadalladii uu ku odhan lahaa, mar haddii ay iyadu tahay qof wuxuun dhegeysata. Way wanaagsanaan lahayd in dabeecad iyo dhaqanka guud ee qofka looga wada hadli lahaa laakiin waxad moodaa in la illaawayba noloshani waxa ka dambeeya ee guurka ka bacdi.Haddii aad rabto wanaaga iyo nolosha dhabta ah ee qoyska, waxa keliya oo aad ku tuuntuunsataa qof diintiisu wacan tahay, waayo waxad ogaataa in uu in badan fahansan yahay xaqa aad adigu ku leedahay iyo xaqa uu isagu kugu leeyahay; xuduudiinuna waxay tahay mid u qoondaysan sidii uu Ilaahay u dhigay. Adiga ayaa ninoow masuuliyada iska leh mar walba, gabadhu waa feedh qaloocda oo hadba sida aad u sasabto ayey kuugu soconaysaa hana ka filin in ay mar walba toosnaato. waxan kugula talin lahaa in aad ka fogaato maahmaahda soomaaliyeed ee in badan oo dhallinyaro ah hodaysay, ee ah “Dumar been ku soo xero geli, runa ku dhaq”. ahow adigu qof maamuli kara gabadha una muujin kara kalgacaylka iyo naxariista timaada guurka ka bacdi. rag faro badan oo aan la sheekaystay ayaa tibaaxa in aanay dumarkooga la haasaawin oo uu haasaawuhu dhammaaday xilligii ay is raadsanayeen, hadda ayaabay arrimo badani meesha yaallaan oo ay cabsidii iyo dhuumaalaysigii ka baxaye, maxay ugu hagi waayeen sida ay iyagu rabaan gabadha iyadoo weliba raalli kaaga ah talada aad u goyso ee horumarka leh. Akhriste dumarku ma jecla in loo galmoodo oo keliya oo amarna la siiyo, laakiin waxay jecel yihiin in wakhti badan lala qaato, lala ciyaaro, oo weliba ammaan quruxdeeda wadata loo tuulo. Miyaad ka haybad duwan tahay Nebigeenii Muxamed, Calyhi salaatu wa-salaam, ca’isha wuu la borotomi jiray, wax buu la cuni jiray oo wuxu ka goosan jiray hilibka halka ay iyadu ka goosatay ee dhareerkii ilkuhu ku yaalaan; Maalin ayuu nin casuumay Nebiga (NNKHA) wuxu weydiiyey in ay Caa’isha raacayso, ninkii wuxu ugu celiyey “maya” “haddaba aniguna kuma raacayo” ayuu ugu jawaabay. Maalin saddexaadii ayuu ogolaaday in ay xaaskiisii sharafta lahayd adduun iyo aakhiroba raacdo. Caa’isha waxay tidhi “farxad daraadeed ayaanu is jiidhjiidhnay aniga iyo Nebigu (NNKHA). inaguna muraayadii madoobayd baynu u xidhanaa…………

wiil yohow dhallinyarada ahi, gabadhyahay gashaantida ahi, ka fikir mustaqbalka oo ha qaadanin mabaadii’da ka soo yeedhaya filimada aad daawataan iyo kuwani hindida ah. dariiqaagu wuxu ku xidhiidhsan yahay waa keliya in aad in badan u fiirsato mashaakilaadka qoyska, adiguna waxaad sheegaysaa yihiin wax aad aaminsan tahay.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: