horta tahriib hadii aad maqasho wa tahluuka wa halis wa dhimasho intaas waxaa ay kugu dhacayaan markii aad u bareerto in aad aado ama niyeysato tahriib sheekadan maanta aan rabo in aan idin soo gaarsiyo waa walaalkeena soomaliyeyd sidii uu ku yimid wadanka holland iyo gabartii uu jeclaa sidii uuga so tagay iyo balantii iyo axdigii inuu ku guuleystey iyo in kale waxana sheekadan qoray waa abubakar mohammed hassan mr qurbaani wuxuuna ku bilaabayaa sida tan:-


Salaamu calaykum – Waxa aan jecelahay Maanta in aan la wadaago dadka somaliyeed sheeko aniga igu dhacday oo aan ku suganahay ila waqtigan la joogo. Sheekadana maahin mid aniga kaligay igu sahabsan, waa mid qof walba oo somali ah qabsan karta ama haysata. Sida daradeed waxa aan jeclaystay In aan soo bandhigo, waayo waqtigan xaadirka ah ee aan joogno waxad arkaysaa umadii somaliyeed oo ku soo qaxaysa Yurub, iyagoo mustaqbal raadinaya iyo nolol ka wacan tii ay somaliya ku haysteen.

Hadaba waxad mooda mudooyinkan ugu dabeyey gaar ahaan 3 dii sano ee ugu dambaysay tahriibta dhalinyarta u dhashay gobalada udhaxeeya koonfurta iyo waqooyiga aya aad inay kor uu sii kacayso marba marka ka dabaysa, taasina waxa keenay sababo badan. Waxa ka mid ah dadkii oo anan hayn dhaqaale buuran oo ay kula tacalaan danaha reerkooda, dhalinyarta wax barata oo ay ku baxdo lacag aad u badan mudada ay wax baranayaan siiba marka ay jamacada dhigtaan, iyaga oo rajo weyn ay ka qabaan mar hadii ay ka qalin jabiyaan jamacada weyn ee sharafta leh ee UNIVERSITY Inay cilmigooda ku shaqa raadsadaan, taasina waxa ay noqotay riyo kaliya, waayo wadanka dhan ma haysto dhaqaale uu ku abuuro shaqo si ay u helaan fursad ay shaqo ku helaan ardayda wadanka wax u baratay iyo sababa kale oo badan oo aan halkan ku soo koobi karin, lakiin qof walba uu garan karo.

Waxa ay ahayd 2003-dii bishii lixaad waqtigii aan ka qalin jabiyey dugsigii sare ee dhexe aniga iyo arday kale oo badan, waxaan markii aan qalin jabinay isku diyaarinay sidii aan sanadka dabe u gali lahayn jaamacada UNIVERSITY, oo arday waliba aad ugu xiiso qabay, balse nasiib xumo waxa jirta in jaamacada lacag badan lagu dhigto ardayda qaarna ay awood u lahayn lacagta intaasi leeg in ay bixin karaan. Ardaydaasi aan awooda u lahayn mid walba wuxuu jecelyahay in uu waxbarashadiisa sii wato, balse uma hayaan dhaqaale, sababtoo ah lacag aad u qaali ah ayaa lagu dhigtaa jamacada .

Anigu waxan ka mid ahaa ardaydii waqtigaasi nasiibka u yeelatay jamacada balse intii anan galin ayaa waxa aan arkay ardaydii iga horaysay ee ka qalin jabisay jaamacada oo wadankii camal la’aan fadhiya. Markii aan ka qalin jabiyey iskuulka sare waxa aan is jeclayn gabadh ku nool magalada muqdisha, gabadhaasina runtii aad iyo aad baan u jeclaa, sidoo kale gabadhuna way i jeclayd. Lakiin hadii aad rabto in aad guursato ogow ma ha wax “easy ah”, guurku waa in aad kharash haysaa aad ku guursan karto kuna qari karto masuuliyada gabadha aan jecelahay. Sida daradeed waxan damcay in aan isku diyaariyo jaamacada, Balse markii aan arkay ardaydii iga horaysay oo iyaguba waxba anan hayn oo banaanada iska fadhiya, oo ka shaxadaya koobka shaaha kuwa aan aqoon lahayn, ayaa waxan go’aansaday intii aan sidaasi oo kale noqon lahaa in aan ka dhoofo wadanka sidii aan uga bixi karo aan uga baxo.

GO’AANKII TAHRIIBTA IYO AXDIGII GABADHII AAN JECLAA

Sanadkii 2004-kii waxan gaaray go’aan in aan wadanka ka tahriibo, balse reerkaygii igama ogalaan, go’aankaasi waa la iga wada diiday. Qof kaliya ayaa ogalaaday in aan tahriibo, qofkaasina wuxuu ahaa gabadhii aan is jeclayn oo markaasi iyadu igula talisay in aan is badalo oo aan hore u socod noqdo, dibna anan soo fiirin. Waxayna igula talisay “walaal c/xakiin cilmi tawaat mustaqbal ma leh, hadii aad jamacada gasho meel aad shaqo kaga heli karto aqoontaada maleh, waayo waad arkaysaa kuwii hore ee jaamicadda ka baxayba, markaa waxan ku dhihi lahaa iska tahriib oo mustaqbal wacan inoo yeel”. Sidaasi ayey igu tiri , runtii aniguna gabadha aad ayaan u jeclaa, kamana maarmayn. Waxan markaa go’aan saday in aan reerkayga u sheego in aan rabo in aan tahriibo, balse way iga diideen arinkaasi.

Mudo hal sano ah ka bacdi, ayaan go’aankii tahriibta ku soo celiyey reerkayga in ay i siyaan kharash aan ku dhoofo, balse markan way iga ogoladeen in aan tahriibo. 2005-kii bishii 12 naad ayaan helay fiisihii Suuriya. Malintii aan helay fiisaha Suuriya, waxay ahayd malintii igu naxdinta badnayd ee ii soo marta nolashayda, sababtoo ah waa markii igu horaysay een ka Baxayo magaalada muqdihso walibana aan uga baxo tahriib anan ogayn waxa kala kulmi doono.

Mudo yar ka bacdi soomali waan ka soo baxay, gabadhii aan is jeclayna Balan iyo axdi ayaan soo wada galnay inay i sugto mudo yar aniga oo waliba balantaasi ka qaaday gabadha reerkooga inay samir i yeeshan mudo yar inta aan tahriibka ku jiro, marka aan Yurub galana in aan soo guursan doono, balse waxa la yiri “Hadiiba hadii la ogyahay khalad Muu dhaceen”. Waxa aan ka wada wax walba si fudud ayaan ugu dhigay gabadha, anigoo u sheegaya marka aan Yurub galo, isla mudo yar ka bacdi in aan soo guursan doono. Anigu naf ahaantayda waxan u haystay Yurub lacagtu inay dhulka taal taalo,

waayo waxa aan arki jirey hebel ayaa Yurub ka yimid oo gabadh soo doontay. Markaasi ayaa waxan is yiri “walee Yurub waa lagu kala macaashay”.

Waxba yana hadal kugu daaline waxa aan soo maray Suuriya, Turkiga, Greece, Italy, France iyo Belgium. Ugu dabayntii waxan cagta soo saaray Holland. intaasi oo dhan markii aan soo mareyey meel walba oo aan joogo ehelkayga ayaa lacag igu soo dirayey, lacagta igu baxdayna waxa ay noqotay markii aan xisaabiyey 9.800 (sagaal kun iyo sideed boqol oo dolar), almost ten thousand dolar ayaa igu soo baxday. Lacagta intaasi leeg ee aan ku soo dhoofay hadii wadanka aan shaqo ku qabsan lahaa Maanta waxbay ii ahaan lahayd, lakiin malintaasi maan aqoon maskaxda maanta aan leeyahay. Runtii waxa igu baxday lacag aad u badan , balse Yurub oo aan soo cago dhigo ayaa wax walba iga muhiimsanayd.

HOLLAND IYO WAYIHII AAN KALA KULMAY

Holand markii aan soo galay runtii waxan is lahaa maanta ayaad nolal soo gashay, oo aad mustaqbal wacan aad heshay, balse kamaan fikirin sida arxan darada leh ee laguu waraysanayo iyo kaamka dhibka taala. Markii aan soo galay Holland waxa aan tagay xeryaha la iska dhiibo, halkaasi oo ay ku jireen ilaa boqolaal somaali ah oo ku sugayey intii laga qadayo interview-ga. Mudo bil ka bacdi ayaa waxa la iga qaaday interview-gii oo su’aalo la igu waalay ay ka mid ahayeen sideed u timid holland? Maxaad ku doortay in aad timaado holland? Sideed u soo gashay holland? Qolama ayaa tahay? Waligaa wax ma dishay? Wadama kale oo Yurub ah ma soo martay? Iyo su’aale kale oo badan oo aan halkan ku soo koobi karin.

Markii interview-ga la iga qaaday waxa la isoo badalay kaamka lagu sugo sharciga, oo aan ku jiro ila waqtigan xaadirka.

Hadaba, markii aan kaamka imid ayaa waxa aan ugu yimid hadalo aan waligay hore u maqal ama afsomali cusub oo aan waligay maqal oo ay ka mid tahay: Hebel beerta ayuu ku jiraa (macnaha Hebal fa’ido ma leh), Buufis (macnaha wareersasn), calaa cal (waxa la yiraahdo calaa cal waraysiga dambe ee ay kula leeyihiin qolada qabilsan qaxootiga oo loo cala calo).

Mudo imika laga joogo 3 sano ayaan ka soo maqanahay Magaladaydii qiimaha iyo qaayaha badnayd ee soomali runtii markii aan soo tahriibayey wax walba waxa aan u haystay inay is badalayaan, lakiin waxa aan soo galay dhib, mashaqo iyo fikir. Waxan mar walba ka fikiraa reerkayga iyo asxabtaydii, waxa aan is bar bar dhigaa nolasha aan ku noolahay hada Holland iyo midii aan ku noola soomali Waxana hubaal ah nolashii aan ku noola muqdisho inay ka wacantahay tan aan maanta ku jiro, farxad kuma haysto Holland, Nolalna kuma haysto, sharcina kuma haysto.

3 sano ka dib iyo gabadhii aan jeclaa oo samirkii ka dhamaaday

Waxan la soo hadlaba gabadhii aan jeclaa oo aan mar walba u sheego inay khayrayso, oo ay hagaagayso sidii aan maalinba maalinta ka danbaysa lahaa hada ayaa la hagaagayaa, samirkii ayaa ka dhamaaday, iyadoo mar walba igu tiraahdo “c/xakiim 3 sano ayaad Yurub joogtaa, ilaa maantana waxad leedahay waxba ma hayo, waar dadkii Boorama joogay ayaa maanta guryo dhisanaya, adigoo Yurub joogana waxad leedahay isug siday wax u jiraan?” Sidaasi ayey mar walba igu soo cel celisaaa.

anigana waxan ku iraahda abaayo sharcigii waan qaadan doona waana ku imaan doona hadii ilahey raali ka noqdo waxana isku daya 3 bil gudahood in aan ithobia kugi imaado ayan marwalba niyada uuga dhisi jiray..

Mudo yar ka bacdi maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaan qaraacay tellphone kii gabadha aan jeclaa gurigooga, waxa iga qabtay gabadha hooyadeed oo aqoon ii lahayd, ka bacdi islantii dhashay gabadha ayaa waxa ay igu tiri hadal aanan ka filayn “hooyo c/xakiin maanta 3 sano ayaad maqantahay, saddexda sano adiga ayey gabadhaydu kuu taagnayd, ee anigu ma aaminayo qof Yurub jooga ayaan waxba hayne, hooyo Inantaydu waa gabadh, gabadhna waa hilib bisil miiska saaran markaa waxaan jeclaan lahaa in aad gabadhayda faraha iga qaado oo adan mar danbe la soo hadal.

Aanigu runtii lama yaabin islaantu hadalka ay igu tiri , waayo waxay ka fikiraysaa oo kaliya gabadheeda mustaqbalkeega, aniguna sidii aan modayey Yurub way noqon wayday, maantana waan ka shalaynayaa waxaan u yimid Yurub, waayo waxan ku waayey gabadhii aan jeclaa, waxa aan ku khasariyey lacag badan, waxan ka soo fogaaday ehelkaygii.

GUNAANAD

Waxa hubaal ah qof walba oo insaan ah in uu leeyahay damac iyo hami rajo uu nolashiisa rabo in uu gaaro . Runtii tani maanta igu dhacday aniga waa mid qof walba oo somali ah ku dhici karta. Ujeedada aan u soo qaatay ama aan u soo bandhigay waxa weyi in dadka wadanka jooga ay niyada ka saraan in lagu macaashay Yurub, hadii runta aan sheego meesha lagu macaashayaa waa meesha aad u dhalateen, maahin meel aad cayr laga qadanaysaan!

Runtii ilaa maanta ayaan kaam ku jiraa, maalinba maalinta ka danbaysa ayey rajaydaydu sii dhimaysaa, tani aniga igu dhacdayna ma ogali walaalkay ama qof aan jecelahay in ay ku dhacdo. Hadii aad doonayso nolasha in aad ka garo guul Ilahay talo saaro, meesha aad joogtana Bisinka u qabo. Dadka aad jeceshahayna ha ka soo dheeraan, hadii kale cuduro aan la daawayn baa kugu dhacaya hadii aad soo dhoofto sida ( Buufis) IWM.

Intaasi ayaan ku soo koobay aniga oo maanta sheekadayda dhan ku soo kobi karin, lakiin talo iyo tusaale ha u noqoto dad badan oo ku tala jira in ay soo dhofaan.
Wa salaamu calaykum

taladana waxaa idin soo garsiiyey waa walalkiina marna qoraga weyn abubkar mohamed hassan {{ mr qurbaani }} kulanti dambo ooxiiso leh sidaas ayan niiga tagaya ,,,,,,,,

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: