jaceylka iyo khiyaanada dhalinta somaliyeed


maxaa kala heysto jaceylka iyo khiyaanada dhalinta somaliyeed
sheekadaani waxey u dhaxeysaa mucaashiqiin somailyeed oo lagu kala magacaawo gacal iyo nafisa waxaana ka sheekeynaayo gacal waxey u bilaabaneysaa sida tan bal aan isku kiing dhaaf adinka iyo gacal :-

Waxaan ku dhashay magaaladda caasimadda ah ee Muqisho, gaar ahaan degmada Waaberi, sanadka markuu ahaa 1982-kii, waxbarashadeyda waxaan kusoo qaatay Iskuulka Al Imra Primary and Secondary School oo ku yaalla xaafadda Taleex ee degmada Hodan.

Sidoo kale Nafisa waxay degneyd degmada Hawl-wadaag oo waxaan wada dhigan jirnay Al Imra, hase ahaatee waxaanu aheyn kala fasal, balse nasiib wanaag Nafisa ayaa waxay isku fiicnaayeen wiil aanu saxibo aheyn, isla-markaana isaga ayaa i baray Nafisa.

Nafisa ayaa waxaa ku wada xiriiri jirnay qaab walaaltinimo oo kaliya, sidoo kale waxaan u arki jiray inay tahay gabar boqorad ah, maadaama ay aad u af macaan tahay, misana ay u af-gaaban tahay, isla-markaasna ruux walba oo ay is-yaqaanaan ayaa wuxuu ku sifeeyaa oo kaliya wanaag, anigana maanan maqal Nafisa oo wax laga sheegaayo.

Xaqiiqdii waxaan u arki jiray inay tahay gabar cajiib ah, waxaase hubaal ah in ruux kasta ay ugu baxdo ruux, anna waxaa igu bixi jirtay oo qura Nafisa, waxaana u qaaday dareen uu ku lamaanan yahay rabitaan, bacdamaa noole kasta uu doonaayo ruux wanaagsan oo nolosha wax ka yaqaana.

Nafisa si wanagasan baa isku baranay oo waanu is-dhex galay, mar walbana waxaa iska wareysan jirnay arrimaha ku saabsan qoyska, isla-markaana waxay Nafisa i sheegtay inuu geeriyooday aabeyd oo ay kusoo tacab iyo tiir beeshay hooyadeed, isla-markaana hooyadeed way diiday inay nin kale guursato, waayo bay tiri anaga ayay inoo tureysay.

Aad baan uga naxay nolosha ay ku nooshahay Nafisa, hase ahaatee qoyska aan ka dhashay ayaa ka nolol wanaagsanaa middii ay ku jireyn qoyska Nafisa, waxaana magaaladda Muqdisho ku laheyn xaruumo badan oo ganacsi, sida bakhaaro waaweyn oo aanu ku laheyn, Bakaaraha, Suuq Bacaad iyo degmooyinka qaar ee magaaladda Muqdisho.

Nafisa waxaa isla-fahanay inaan wada qeybsano nolosha, marka uu inoo dhamaado iskuulka, qoyskeyga oo dhan ayaa baray Nafisa, isla-markaana dhamaantood ayaa aad u ammaanay, wuxuuna aabahey igu ammaani jiray inaan xushay gabar wanaagsan, sidoo kale hooyadey oo ay si’aad ah isku fahmeyn Nafisa, ayaa iyana waxay i dhihi jirtay, gabar aan Nafiso aheyn kuuguma ogi.

Duhurkii marka aan ka imaado iskuulka ayaa waxaa tagi jiray xaruumaha ganacsi oo aan ku laheyn Suuqa Bakaaraha, anigoo caawin jiray aabahaa iyo adeeradey, sidoo kale bil kasta Nafisa ayaa waxaa u qoray lacag joogta ah, oo aan ugu talla galay inay ku maareyso nolosheeda.

Xilligii uu inoo dhamaaday iskuulka ayaa waxaa aniga iyo Nafisa isla garanay inaan is-guursano, bacdamaa ay sidaasi balantu aheyd, waxaa u tafaxeydanay inaan is-guursano, Nafisa hooyadeed ayaa waxay wacday walaasheyd oo ku sugneyd dalka Canada, waxayna u sheegtay in gabadheeda la-guursanaayo, hase ahaatee Nafisa habar-yarteed ayaa waxay tiri “Gabadhaan waa mida kaliya ee iminka ku soo baxday, ee aniga ayaa kusoo dhoofinaayo ee nin oo dhan haku darin”.

nafisa ayaa waxaa loo-sheegay sida ay tiri habaryarteed, waxaana Nafisa lagu qal-qaaliyay inaysan aniga i guursan oo ay dibadda aado, maadaama ay qoyskeeda oo dhan ay yihiin cid ay ka jajaban tahay, sidoo kale Nafisa ayaa taasi iyana ogolaatay.

Marka aan maqlay hadalkaas ayaa aad u carooday hase ahaatee Nafisa ayaa waxay igu qancisay “Macaane xaqiiqdii waan ku jeclahay oo maanta cid aan kuugu doorsanaayo majirto, balse macaan hooyadey iyada oo yar buu ka dhintay aabahey, rag kale ayay guursan kartay, lakin anaga ayay nafteeda inoo sil-cisay, hadaba macaane sidee baan maanta hadalkeeda ku diidi karaa” hadalkaas Markey igu tiri Nafisa ayaa xoogaa qancay, waxayna ii sii raacisay “Haddii aan meel fiican aado ogow adiga ayaa ku maqanahay, waxaa tahay dhiigeyga, xaqiiqdii waxaa ku tabeysa nafteeda oo dhan” sidaasi ayay igu tiri anna sidii ayaana ku qancay.

Nafisa sidii ayay waxay ku aaday magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, muddo gaaban kadib ayaa waxaa halkaasi ugu yimid wiil ay dhashay habaryarteed oo lagu magacaabo Cabaas, wuxuuna ka yimid magaaladda Toronto ee dalka Canada.

1 sano iyo sideed bilood ayay Nafisa joogtay magaaladda Nairobi intaas oo dhan aniga ayaa u diri jiray bishii waxa ay quudan laheyd, nasiib wanaag waxaa Nafisa u suurta gashay inay aado dalka Canada, halkaa oo ay iminka ku nooshahay.

Nafisa waxay Canada ka bilowday waxbarasho, hase ahaatee sanad iyo dhawr bilood kadib ayaa Nafisa ka waayay xiriir fiican, waana garan waayay halka uu salka ku haayo wax yaabaha keenay inay iga gaabsato, mar walba marka aan wax ka weydiiyo, wax yaabaha gaabsiga keenay ayay igu jawaabi jirtay nin yahow kuma ilaawin ee waa iska mashquulay oo kaliya.

Muddo kadib ayaa waxaa Nafisa ka arkay gaabsi xoogan oo xaqiiqdii aad baan uga carooday markaan ka codsaday inay sidaan wax ka badasho ayay si qeylo leh igu tiri “Hey This is Canada Man” oo uu micnaheedu yahay “Halkaan waa Canada oo ay ula jeedo, mashquul kama dhamaato.

Xilli aan dheereyn kadib ayaa waxaa maqlay in uu Nafisa guursaday wiilkii ay dhashay habaryarteed ee Cabaas, iyadoo aysan waxba ii sheegin Nafisa, ciil iyo caro ayaan la-dhintay, waxaan waalidkeega ka codsaday in Xamar la’iga diro, bacdamaa aan ku dhawaaday inaan waasho, sidii ayaan Xamar uga soo tagay, waxaan imid magaaladda Dubai, muddo gaaban kadib ayaa waxaa ii suurta gashay inaan aado wadanka Maraykanka, kadib ayaa waxaa imid magaaladda Toronto ee dalka Canada oo ay ku nooleyd Nafisa.

Markaan imaanaayay Canada ayaa waxaan imid Nafisa oo cisbitaal ku jirta, markaas ayaa waxaa la-doonaayay in lagu qalo gabar yar oo ay iminka heysato, iyadoo cisbitaalka ku jirtay oo dhali weyday ayaan ku booqday, waxaana markaas la-lahaa hada caruurta halagu qalo iyo yaan lagu qalin, ugu dambeen gabar ayaa lagu qalay, oo ay iminka heysato.

Nafisa kama quusan oo waxaan weydiiyay sababaha keenay inay ninkaasi guursato, iyo sida ay naxariis-darada leh ay ii gashay waxayna ku jawaabtay “Nairobi markii uu Cabaas dacwada iga bilaabay ayuu i damcay, ileen waxaa loo-baahan yahay in’aan sameyno aroos been beeney ah, balse waxaa loo-baahan yahay meher sax ah, Cabaas markii uu i mehersaday ayuu dib ugu laabtay Canada, intaan joogay Kenya ayaa waxaa dhihi jiray walaalow i fur, isna wuxuu igu xujeyn jiray bal marka hore imow Canada, oo waxba islama weyn doonee, markaan imid Canadana wuxuu i sheegay inuu i jacel yahay oo uu mustaqbal iga doonaayo, si walba ayaa sameeyya oo waan diiday,markii dambe ayaa wuxuu ku hanjabay hooyadiis oo maqleyso inuu isdili doono haddii uu aniga i waayo, hooyadiis oo wiilkeeda aad u jecleyd oo anna habaryar igu aadaneyd, ayaa waxay qabsatay jilbaheyga, waxayna igu tiri “Hooyo bad baadi wiilkeega” anna waxaan sameeyo ayaa garan waayay oo sidii ayaan ku guursaday”

Xaqiiqdii Nafisa aad baan uga xanaaqay, sidaas oo ay tahay waan iska cafiyay oo waxaan dib ugu laabtay wadanka Maraykanka oo aan iminka ku noolahay, waxaan rajeynayaa dhawaan inaan guursado gabar kale oo iyadu i jacel.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: