khiyaanadii tufaax iyo wanaagii cali(jaceylka iyo khiyaanada dhalinta maanta)


weli waxeynu ku guda jirnaa jaceylka iyo khiyaanda dhalinta somaliyeed qisadaani waxey dhaxmartey lamaane somaliyeed oo lagu kala magacaabow cali iyo tufaax
Waxayna sheekadu ku bilaabaneysaa sidatan:-

Waxaan ku dhashay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, sanadka markuu ahaa 1983-kii, warxbarashadeyda dugsiga hoose dhexe waxaan kusoo qaatay isla degmada Caabudwaa, halka dugsigeyga sare aan kusoo qaatay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya

Horeyntii sanadkii 2007-dii ayaa waxaan imid dalka Koonfur Afrika, halkaa oo aan iminka ka xamaasho, sidoo kale Tufaax ayaa waxaa isku baranay isla wadanka Koonfur Afrika, xilligii aan Tufaax baranaayay ayaa waxaan bartay iyadoo aad u dhiban, isla-markaana waxay xilligaasi Tufaax aheyd Marwo la-qabo, muddo kadib ayuu ninkii furay, sidoo kale waxay heysatay gabar yar oo ay u dhashay ninkii horey u qabay.

Ninkii Tufaax qabay wax biil ah muusan siin jirin gabadhii yareyd ee u dhashay, hase ahaatee waxaa Tufaax siiyay garab wanaagsan, ilaa aan maxkamad soo taagno ninkii ay u dhashay gabadhii yareyd, nasiib wanaag maxkamaddii ayaa waxay ninkii ku amartay inuu bil walba gabadhiisa yar biil siiyo, bacdamaa uu yahay nin shaqeysto, isla-markaana ay gabadha yar ku leedahay xaquuq.

Mar walba Tufaax waan caawin jiray, iyana waxay i dhihi jirtay “walaalow waxaan kuugu abaal gudo ma’aqaan, balse waxaa filaayaa inaan kuugu abaal gudi karo oo kaliya nafsadeyda”hase yeeshee mar walba waxaan dhihi jiray waxaas waa caadi oo waan isku lee-nahay.

Muddo kadib ayaa waxaa Tufaax u qaaday jaceyl, balse maanan u sheegan jirin oo waan kala xishoon jiray, hase ahaatee xilli dheer kadib ayaa waxaa Tufaax u sheegtay inaan jeclahay, oo welibana aan u sheegay inaan ka doonaayo mustaqbal, sidoo kale Tufaax ayaa waxay igu soo dhaweysay weji wanaagsan, iyadoo igu tiri “nin kaa wanaagsan oo aan maanta guursan karo majiro Cadde”

Tufaax ayaa waxay igu tiri “waxaan doonaayaa xooggaa qarashaad ah oo aan iskugu soo kaa diyaariyo” halka aan aniga faraha ka wada saaray wixii qarashaad ahaa oo aan ugu talla galay” hase yeeshee Tufaax ayaa waxay lacagtii ka dhigatay mid ay ku baxsato, iyadoo aaday meel aanan garaneyn, waxaana muddo kadib soo ogaaday inay aaday gobol aad iga fog.

Waxaan la-ciishooday sida aan u wanaajin jiray iyo sida ay iila dhaqantay, waxaana iska dhaadhiciyay inaysan dumar oo dhan faa’iido laheyn, hadaba akhristoo tanoo kale haddii ay kuugu dhici laheyd dabcan xanuunka waad dareemi kartaa.

Muddo kadib waxaan iskaga sabray Tufaax oo dhan, maadaama ay iyadu sidaasi garatay, welibana ay iga badalatay teleefankii aan ku aqaanay.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: