naf walboo wax jeclaato waxey dhaxda ugu jirtaa murugo jaceyl iyo farxad jaceylba intaba


waa qiso jaceyl dhab ah waxeyna ku dhacdey mucaashaqin somaliyeed waxaana lagu kala magacabaa cabdi weli iyo hani maxamed

cabdi weli wuxuu ku dhashay magaalada muqdisho sanaku markuu ahaa 1989
wuxuuna ku bar baaray dagmada madiina
wuxuuna wax barashadiisa kusoo qaatey magaalada muqisho wuxuu dugsigiisii sare uu ku qaatey schoolka loo yaqaano al macarir

hani maxamed waxey ku dhalatey magaalada kismaayo
isla meeshaasi ayey ku barbaartey

waxaa xariir nala soo sameeyey cabdi weli oo ah ninka ay ku dhacdey qisadaani asigoo ka sheekeynaayo wixii ku dhacay bal asigoo ka hadlaayo sida ay isku barteen iyo wixii dhaxmarey asiga iyo hani wuxuu ku bilaabey sida tan :-

waxaan isku baranay safar sanadku markuu ahaa 2006-da xiligaasi waxaan ku sugnaa magaalada kaalkacyo waxaan safar u noqdey caasimadii aan ku dhashey ee magaalada muqdisho
waxaan magaalada galkacyo ka soo raacey gaari u soo socday muqdisho nasiib daro
gaarigii ayaa iga soo tagay madaama uu gaarigii iga tagey waxaan ku fikirey inaan ka daba qaato gaari si aan u gaaro waxaan soo qaatey gaari yer oo market ah kaasi
oo ee laheyd gabadha aan isku baran doono gaari taasi oo ah hani habaryarteeda fadumo gamaadiid waxeynu soconaba nasiib wanaag
waxan gaarigii uga daba nimaadnay bandiiradleey waxaan gaarigii yaree aan watey ayaa daraawalkii wuxuu hor istaajiyey gaarigii iga soo tagey gaarigii ayaa la ii istaajiyey

marka aan ka soo dagay gaarigii ayaan waxaa aan soo koray garigii u socday muqdisho
balse nasiib daro waxa aan waayay boos aan ka fariisto gaarigii
mar aan damcay in aan ka haro gaarigii anigoo go,aanba ku gaarey inaan iska haro ayaa
waxaa la igaga yeerey dhanka shirka gaariga oo ay saarantahay gabar qurux badan oo bilicdeedu ishii aragtaba eynu ka jeesaneynin waa gabar aad uqurux badan ayadoo i leh gaari ka harimeysidee kaaley shirka ayaan isla cariirsaneynaa ee kaaley aniga ila soo fadhiiso .
waxaan ku iri mahadsanid abaayo mahad naq kadib waxaan korey shirkii sidaasi ayaan ku cariirsadey booskii ay ayu fadhiisey

durbadiiba waxaan ku mashquuley fiirinteeda ma jecla isheydu iney ka soo jeesato bilicdaan oo aad moodid xili galab uu roob da,ey jawiga oo dhan uu aad qurux badan qof walboo kaa hor imaado aad moodeysid inuu wato qurux saa,id ah uu dhulka ka soo kacaayo caraf iyo udgoonka doogun. saxan saxadii roobku ay weli ku danbeyso dhulka

in muddo ah hadal iskuma darsan oo lama hadlin ayaduna ilama hadlin nin walbo dhiciisa ayuu fiirinaayey qof walbo wuxuu ku mashquulsanaa uu niyadiisu ku haayey goormeed tagi doontaan meesha aad u socotaan muddo kadib markaan soconey oo meel dhaxe mareyno ayaa nasiib daro gaarigii ayaa cilad ku timid waxey aheyd meesha meel aad u biyo badan iyo dhiiqo sidaasi awgeed ayaa gaariga uu halaawey wuuna ka bixi waaye waxeyna u dhaweyd meesha magaalada jowhar

waxeynu meesha cabaar joognaba waxaa soo madoobaatey qoroxadii oo waxaa sidaasi lagu gaarey habeen

daraawalkii iyo dadkii watey gaari waxey go.aan ku soo gaareen in la iska seexdo waxey soo aadeen dhankeena ayagoo raba iney noosheegaan wixii ay ayagu isku fahmeen

waxeyna nagu dhaheen caawa halkaan ayaa la seexanayaa
meeshuna waa meel hood ah misna kaneca badan leh
durbadiiba waxaan kadagay gaarigii waxaan isku day in aan seexdo dulka
waxaan watay jacket

waxaan iska soo siibey jaakadii si aan u barkado
in yer kadib anigoo yara seexdey dhinaceyga dhulka dhigey ayaa waxaa ii timdi

hani waxeyna igu tiri abowe waa maxey meesha aad jiiftid
dib ayey gaariga ugu laabatey
waxey na ii keentay shuko si aan dhulka isaga dhigo waxey ii soo raacisey gabasaar waxey igu tiri hoo aboowe gabasaarkaan huwo

waxaan ku iri mahadsanid abaayo aad baan kaaga mahadcelinayaa waxey igu jawaabtey maya aboowe dhib malahan waa la isku leeyahay waa caadi waxaas
waxey ii sii raacisey aboowe waxaan kuu rajeynayaa hurdo kheyr leh

xili danbe habeenkii ayaa waxaa meesha soo marey gaari kaasi oo istaagey markii uu arkey inuu gaarigaani uu haleysan yahay ayaa waxaa soo degey darwaalkii wuxuuna yiri waxaan qadayaa dadka fudud inkastoo uu asigana uu buuxey aniga war dhan uma haayo ee hurdadeyda ayaan iskaga jiraa hani iyo laba qof uu kale ayey rabeen iney horey u sii kaxeyaan waxey ku tiri keligey ma ahan waa la ila socdaa wiil ayaa ila socda asiga ayaan soo kicinayaa ee isug anigoo hurdaayo ayey ii timid waxeyna iga kicisey hurdadii waxey igu tiri ina keen aboowe gaari ayaa yimid asiga ayaan raaceynaa sidii ayaan ku soo raacney asigoo wax lacag ah naga qaadin

cabaar waxaanu soo soconaba waxaan soo gaarney muqdisho oo aheyd meesha aan u soo soconey

markaan imaaney muqdisho gaarigii ayaan ka degney meesha ayaa xogahaa kalmado yer nagu dhaxmareen aniga iyo hani
hadal badan lagama gaaro nin walbo waa uu daalanyahay blse waxaan is weydaarsaney hadalo naxariis ay ku jirto anagoo isu mahadcelineyno aniga waxaa igu dhashey dareen

waxaan ku iri abaayo ma aqaan abaalkaaga waxa aan ku gudi doono blse waxaanu is dhaafsaney magacyada iyo taleefoon
qof walbo wuxuu u jiheystey meeshii uu u socdey qofba qofka kale asigoo faraxsan
markaan tagey guriga
maalintii labaad waxaan teleefoon u direy hani meeshaasii ayaa waxaa inoogu bilaabatey sheeko xariir wacan is fahan adigu inta kuma soo koobi karo waxa na dhaxmarey hani iyo aniga

waan wada xariiri jirney waxaan ku xariiri jirney teleefonka
waxaana isu qaadney jaceyl aad u daran oo baxadiisu aad u weyntahay
waxaa na dhaxmarey jaceyl kii ugu xumaa uu dhaxmari lahaa labo is jecel
waan wada kulmi jirney si walboo lagu xariiri karo waanu sameyn jirney ilee meesha waxaa yimid kii nafta ka awood weynaa waxaan ula jeedaa jaceylka
waxan wada soconay muddo dhan 2sano

hani jaceeyl aan caadi aheeyn ayee ii qaaday
anigana warkeyga iskaba daa anigu waxaaba bilaabey dareenka aan u qabo marki ay igu dhaheysey kaaley booskaan ayaan isla cariirsanayaa oo aan arkaayey quruxdeeda hadana sida wanaagsan ay iila dhaqantey iyo sida ay ii daryeeshey jaceylka aan u qaadey runtii ma ahan mid aan uga bogan karo qoraal

maalin maal maha ka mid ah ayaa waxaan go,aan ku gaarey inaan balamiyo hani una sheego waxa ayada aan ka damacsanahay waayo aniga waxaa ahaa qof safar ka sii ah muqdisho
waan wacey waan balamey waxaana u sheegey inaan kulan no si aan ugu sheego waxa aan maankeyga ku haayo

wuxuu waqtiga is jaraba waxaa la gaarey xiligii aan kulmi laheyn
hani wey ii timid ayadoo aad moodeysid ma aqaano waxa aan ku tilmaami karo blse maalintaasi aad bey u qurux badneyd waxey ku soo lebisatey dhar quruxdeeda soo saarey .
maalintaasi sida gaarka ah ii taabaneysa waxey aheyd maalin jimco ah

waxa aan kuwada kulanay xaafad ku taala dagmada madiina
waxaan guda galney ujeedkii aan laheyn kaftan iyo sheeko macaan kadib waxaan u soo bandhigey waxa aan ka damacsanahay oo ah inaan guursado
waxaan kaloo u sheegey inaan ahay safar oo ii soo baxey leen aan ku aadi rabo america
aad bey ii soo dhaweysey aad bey igu qancisey hadalka si wacan baan isu fahaney

markaan u sheegey intaasi oo ay iga aqbashey ayaa waxey igu tiri aboowe anigaba waxaan inta u imid waxey aheyd arimo safar ah aniga xitaa waxaa ii soo baxey leyn

markey ii sheegtey hadaladaasi eyna iga ogolaatey inaan is mehersano madaama labadeenaba aanu nahay safar ilee wax kale laga gaari karo malahan
waxey igu tiri xageed rabtaa inaad ka baxdid
waxaan ku iri waxaan ka baxayaa wadanka kenya
alla aboowe anigana waxaan rabaa inaan ka duulo dhanka ethopia

waxey ii sii raacisey hadii aan isku meel ka bixi laheyn beelo ayey ahaan laheyd waan is guursan laheyn leenkeenana meesha ayaan ku sugi laheyn ee laba dhinac ayaan u kala soconaa

anagoo isku og inaan is mehersano waxaa la gaarey xiligii ay bixi laheyd hani ay u laaban laheyd gurigooda
anigana dhankeyga ayaan aadey
waxaan aad ugu faraxsanaa sida wacan ay igu qancisey hadalka hani waxey i dhax dhigtey jaceyl aan awoodi waayey

naf walboo wax jeclaato wax walba filo murugo jaceyl iyo farxad jaceylba
anigoo qalbigeyga la sheekeysanaayo safarna uu ii soo dhowyahay blse aan ka fikiraayo jaceylka aan hani u qabo

waxaa i waaley jaceylka hani anigoo waxba ogeyn ayaa waxaa tel ii soo direy hani maalin axad ah uu ka soo wareegtey kulankeena hal maalin oo qura

waan farxey misena waxey igu tiri safar gaadmo ah ayaa isoo galey waxaana hadda ku suganahay laba dhagax ee ciyow ii imow gacaliye

waan yaabey meel aan wax ka bilaabo ayaan garan waaye durbadiiba waan isdiyaariyey
waxaan tagey meeshii ay ii sheegtey misena qofba uguma tigin meesha anigoo yaaban
oo aan garaneynin waxa jiro ayaan cabaar meeshii joogey markaan arkey iney waxba soo soconin ayaa waxaan tagey xafiis oo meesha ku yaalo oo ah kuwa gooya tikida
waxaan weydiiyey suaal taasi oo ah dulimaad maa baxey hadda
wuxuu igu yiri haaaaaaaaaaa
waa naxey waxaan ku iri fadlan adigoo raali ah ma ii baari kartaa magac noocaas ah wuxuu igu yiri sheeg
markaan u sheegey magacii ayaa wuxuu igu yiri magaca aad sheegey wax yer kahor ayuu baxey ee sory

meeshii ayaan amakaak la fadhiistey waan isku naxey wax aan sameeyo ayaan garan waayey waxaan garan waayey meesha ay iga timid musiibadaani qalbigeyga ayaan la sheekeystaa talow waxaan is iraahdaa miyey kugu tala gashey maxey sidaani igu sameysey aniga oo dhan waxaan iska dhaadhaciyey iney igu tala gashey

blse hani aad ayaan u jeclaa hadana aad ayaan u jeclahay
waxaan guda galey safarkeygii isbuuc kadib waxaan safar u soo aadey dhanka kenya
gaar ahaan neyroobi

blse waxaan isku dayey inaan dib u raadsho meel laga helo waxaan isku taxluujiyey sidaan u heli lahaa telkeeda ilaahey wuxuu ii suurta geliyey inaan helo cinwaankeeda
waxaana wey diiyey gabar ay saaxiibo ahaayeen waxeyna ii sheegtey iney joogto ethopia waxaana ka codsadey iney isiiso meel laga helo waxey isiisey taleefoonkeedii waxaan isku dayey inaan waco
markaan waco waxaa iga qabto taleefoonkeeda nin markaan ku iraahdo qoftaasi ayaan u baahnaa ee igu dhiib wuxuu igu jawabaa maxaad ka rabtaa ma joogto
markuu dhowr mar sidaasi igu yiri ayaa waxaan weydiiyey waxa ka dhaxeeyo ayada iyo asiga macnaha ninka teleefoonka iga qabanaayo wuxuuna ii sheegey inuu yahay ninkeeda aysan hanina hadda joogin
hani 2008ilaa hadda war uma heeyo warna kama heeyo meel ay ku danbeyso iyo akhbaarna midna kama heeyo blse aad ayaan u jeclahay

anigana weli waxaan jogaa neyroobi wax aan sameeyo ayaan garan la,ahay

wixii faafaahin ah mise wixii talo ah waxaad igala soo xariiri kartaan emailkeyga
cabdiwali111@hotmail.com ama waxaad kaloo ka heli kartaa
tell num:+254713738870

insha allah waxaan filayaa inaad siindoontaan talo iyo tusaale hadii kale anaga noogu soo hagaajiya anaga ayaa gaarsiin doonee
nagala soo xariir fadlan email adress
ama hadii aad heysid qiso jaceyl ah inoogu soo hagaaji
qalbijaceyl11@hotmail.com

2 Comments

  1. Asc walal wax walbo wadhacan tana wati igu darneed e an kharisto intan adunka kunolaa mida kale walal maxankudhihi laha wax walbo wad la kulmi intad adunyo kunoshahay hora maxa lodhahay ninka raga ah wax walbo walakulma aaan ka aheeen kajiideeey ama kadhaliyeeeey e walal maxad tigsata samir iyo raganimoo intapa ayaduna haday kapaxday palantadi ayaday utala koley nafsi guratayee guur ey kudhici ayana garaneynin walal

    by by by by by by by by by by by by

  2. Asc bro iskasapar ayan kuoran laha jacayl lyn dibaded galay ana hada xabsi ugu jire


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: