ciid wanagsan ciid wanagsan berito waa maalintii ciidul fidriga dad badan waxay taagan yihiin banka arafa dadna waxay u dabaal degayan ciidaan fidriga si ay soonkoodii maalmihii ay ku jirnay bishii barakeysneyd ee ramadan anigoo ah qoraaga webkan iyo dhamaan shaqaalaha waxay nii leeyihiin ciid wanagsan ciidan ciideeda si nawad iyo farxad ku gaara aduunyada meel walba aad ka joogtan umadeyna soomaliyeyd ee 20 kaan sano ee ku haajirteyn wadamada kala duwan qaasatan afrika iyo aasia iyo oroba anigoo ah abubakar mohamed hasan oona ah qoraa da,yar oo ku sugan jaziirada maalta marka hore waxa salaamaha ciidan u dirayan saaxiibkeyga qaaliga ah oona mar aan isla wada shaqeyno cabdi casiis maxamed sheeq ahmed mr qalbijaceyl iyo asxaabta webka nololcusub.tk waxey kala yihiin

cabdala aadan maxamed
cabdicasiis aadan maxamed
yusuf cali ciise
c/ladiif c/laahi cabdi
jacfar jaangow
ibraahim nuuriyey
aadan salaad cali
aadan sheeq beri
maxamuud maxamed ibraahim
iyo dhamaan asxaabteyda oo kala ah

c/risaaq maxamed nuur
aadan xawashka
cumar biin
cabdi qadar
daadir gaabow
c/waahid
saleeman siidow
ismaacil
ahmed
mustaf
bilaaal nuur
c/dulaahi sheeq xasan
maryam maxamed hsan
fadumo maxamed hasan
cumar maxamed hsan
ismaacil maxamed hasan
fahad maxamed hasan
maxamed abubakar mrqurbaani
hodan abubakar mr qurbaani

iyo dhamaan intii maqalkeyga iyo muuqayga taqaano waa anigoo ah mr qurbaani aan intaan qoraal ahan kuso koobi karin waxana idin leeyahay sanadkaan sandkiisa farxad aan kuwada ciidno markaan kuso dhawaada
guurka 5 faa,iidood an ka helno inkastoo lamaane badan ay ka dhamaatay baby I love you kaliya looma baahna wax qabad aya loo baahan yahay waayo waa dumar waxa aad xiriir la leedahay hadi aad dhahdo dumar aya go,aan ka suga go,aankii guurka waliga waxa ku jiraneysa ciil adun iyo naftaada aad beyn usheegeyso waayo dumar go,aankooda waxa lagu sheegay in ay luwada uuso dhaafinba sidee wax yeeleysa adiga aya kula hadlaa sida aan sameyn ku dhaho hadii aad sameyso jaceylkaaga wuxuu noqonaya kii miro dhala ,,,,,,,,,,

markaana kuso dhowow guurka maxa laga faa,iida wa 5 aya hada kaso qaatay ka faa,iideyso walal anigo markaleto ku dhahaayo ciid wanagsan waamaalintii aan in badan sugeynay anago 29 cisho afka noo xirnaa beritana aan afka fureyno koleytaba waan jeclaan lahay in aan asxaab badan aan qadka ku bartay in aan berito xalwo ka doonan lahay laakin eesan iisuurta galineynin waxaana leeyahay qadka aa liiso dhigo intii i jecel .

Guurku waxa uu leeyahay shan faa段ido oo kala ah:.

1- Ubad kaa hara:- Faa段idooyinka guurka tan ugu horreysaa waa sidii lagu heli halaa ubad, si aanay tafiirta dadku u dabar go段n. Ubad dhalistu waa inay yeelataa afar ulajeeddo oo kala ha:

– Inaad ku doontid raallinimada Eebbe, maadaama aad gacan ka geysanaysid siday tafiirta dadku kusii socon lahayd.

– Inaad ku doontid raallinimada Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) kol haddaad ku kaalmeyneysid siduu ummadaha kale tirada ummaddiisa ugu faani lahaa.

– In Eebbe ku siiyo ubad khayr qaba oo kuu soo duceeya kolka aad dhimatid.

– Inaad ku doontid shafeeco kolka ilmo yari kuu saqiiro.

2- Dhufays aad ka gashid Shaydaanka:- Guurku waxa uu kaa oodaa meeluhuu shaydaanku kaasoo gelayey, mar hadday wuxuu xaaraan ku raadi ku lahaa rugtaada kuu yaallaan iyagoo xalaal ah. Qofku hadduusan Eebbe ka cabsi iyo iimaan ku hubaysnayn, rabitaankiisa kacsi ayaa hor kaca, haddii markaasi aanu helin guur xalaal ah, siduu dembi isaga ilaaliyaa way adag tahay.

3- Qalbigoo kuu dega iyo laabtoo kuu qabowda:- Shaqo tay naftu u jeceshahay haddaan loo helin waqti nasasho, waa lagu daalayaa dabeetana la段ska deynayaa. Haddaba maxaad ka oran lahayd hadday shaqadaasi tahay taqwada Eebbe ooy iyada iyo naftuba isdiidayaan!. Saacadaha uu ninku ku hawlan yahay cibaadada Alle iyo camalka adduunyo, waxaa habboon inuu dhexgashado waqti uu xaaskiisa kula baashaalo, si qalbigu ugu dego, laabtu ugu qabowdo firfircoonaanna uga qaado.

4- Hawshii guriga oo hoggaankeedii kaa wareego:- Ninka oo ka xorooba maamulka guriga sida hagaajintiisa, xaaqistiisa, goglistiisa, cunto karinta iyo diyaarinta, alaab dhaqista, suuq kasoo adeegga, iwm., waxay siisaa waqti dheeraad ah oo uu ku shaqaysto, wax ku barto, Eebbena ku caabudo. Rasuulkeenna suubban (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa uu xadiis uu soo saaray Tirmidi ku leeyahay: (Midkiin ha yeesho qalbi Eebbe ku mahadin og, carrab Eebbe xusid badan iyo haweeney mu知inad suubban ahoo Aakhiradiisa ku kaalmeysa). Haddaba dumarka looma guursado oo qura in adduunyada lagu raaxaysto, carruurna laga daadiyo, balse yoolka ugu muhiimsani waxa weeye inay kuu abuuraan waqti iyo jawi aad Eebbe ku caabuddid.

5- Nafta ood kula dagaallantid daryeelka qoyska:- Nafta ood ku jara-bartid qaadista mas置uliyadda reerka, daryeelkiisa, gudashada waajibka kaa saaran xaaskaaga, dabeecaddeeda ood ugu samirtid, dhib wixii kaaga yimaada ood u dulqaadatid, hanuuninteeda ood u hawlgashid, dadaal aad u gashid sidaad marasho iyo masruuf xalaal ah ugu keeni lahayd, carruurta ood ku tarbiyeysid waddada toosan, iwm.Waxaas oo dhami waxay kamid yihiin faa段idooyinka guurka, tiiyoo weliba ajar iyo xasanaad Eebbe kaa siinayo. Nabigeennu (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa uu xadiis ku leeyahay: (War hooya gebigiin waxaad tihiin Qawsaarro, qawsaar walibana waxa uu mas置ul ka yahay wixii la raaciyey). Waxaa la sheegay in raggii hore ee suusuubbanaa mid kamid ahi uu niman walaalihii ah ooy jihaad ku wada jireen weydiiyey: (Ma garanaysaan shaqada aynu hadda hayno mid inooga ajar badan?). Markaas bay yiraahdeen: (Ma garanayno). Suu yiri: (Anaa garanaya). Markey weydiiyeenna waxa uu ugu jawaabay: (Nin sabool ahoo ciyaal leh, ha yeeshee aan cidna wax weydiisan, oo intuu cawa-barkii toosay oo reerka indha-indheeyey arkay carruurtiisii oo hurudda cawradooduna bannaan tahay, dabeetana ku huwiyey go段i uu keligii dhar ka lahaa, kaas baa naga camal wanaagsan).
Arrimaha loo baahan yahay in ahmiyad la siiyo kolka la dooranayo lammaanaha nolosha waxa ugu horreeya diinta iyo dabeecadda sidaynu horeba usoo sheegnay, waxase aan la inkiri karin inay jiraan umuuro kale oo iyaga laftoodu ahmiyaddooda leh, waxaana kamid ah farqiga u dhexeeya da壇a ninka iyo da壇a inanta uu guurkeeda doonayo

Abuubakar (RC) iyo Cumar (RC) ayaa mid waliba goonidiisa usoo doontay Faadumo binti Rasuul (Sallallaahu calayhi wasallam), markaas buu Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) mid waliba goonidiisa ugu sheegay inay gabadhu yartahay. Ha yeeshee kolkuu Cali (RC) soo doontay, waa uu siiyay, waxanay culimada qaar taa ku micneeyeen in Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) doonayey inuu gabadhiisa u guuriyo nin ay isku da dhowyihiin, waxana markaasi Faadumo (RC) ay jirtay shan iyo toban sano iyo shan bilood, halka uu Cali (RC) ka jiray koow iyo labaatan sano iyo afar bilood.

Waxaa laga yaabaa inuu maskaxdaada ku soo dhoco guurkii Rasuulkeenna (Sallallaahu calayhi wasallam) iyo Sayidah Caa段shah (RC) oo iyadu aad uga da yarayd Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam), ha yeeshee qoraaga kitaabka (Tuxfatul-Caruus) Maxamuud Al-Istambuuli waxa uu ku doodayaa in umuurtaasi aanay ahayn mid lagu dayan karo sababahaan soo socda awgood:

– Dadnimada Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) oo dadnimo qof lala simaahi jirin, taasi oo keentay inay Caa段shah farxad kula noolayd, isagana ka door bidday nin kasta oo dhallinyaro ahaa oo soo doontay.

– Ulajeeddada siyaasadeed ee ka dambeysay arooskaasi oo loola jeeday in dhidibbada loo aaso xiriir dhexmara Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) iyo Abuu-Bakar Al-Siddiiq (RC) oo saaxiibtinnimada soojireenka ah ee ka dhexeeysay asaga iyo Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) ka sokow, kamid ahaa hogaamiyeyaasha Carabta, loona fududeeyo maslaxadda ka dhaxaysay labadooda, maadaama uu Abuu-Bakar mar waliba tegi jiray guriga Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) si dardarsiimo loo geliyo Dacwada Islaamka.

– Caa段shah oo ahayd qof aad u diin badan, marnabana aan cabsi looga qabin inay gef ka geysato guurkaasi.

– Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) oo la siiyay awood ragannimo u dhiganta afartan ragga Saxaabadiisa ah awooddood sida ku soo aroortay Xadiiska Saxiixa ah)

DDhammaad faalladii Istambuuli.

Gabar baa gabar weydiisay: Naa rag kee baad ugu jeceshahay?. Markaas bay tiri: 展axaan ugu jeclahay ger caddaale, guunyo badane, gaajo gooye, kuu garaabe, ku garab taagne, gef ka dheere, garoor ma daadshe, gaawe carafle, gaari farasle, gaarka haaye, deris gargaare,,,, ee adiguna. Markaas bay ugu jawaabtay: 鄭nna Gar madoobe, geed walwaale, garruun weyne, gujo kulule, gunta ku geeye, kuna gufeeye, gidaarra jeexe, gurxan badane, gebagebeeye, gacan sarreeye, gam段 waaye,,,, kaas baan u jeclahay ee aniga iyo adiga teennee caqli badan?

Sida ninkuba u jecelyahay inuu guursado gabar da yar, qurux badan, caqli badan, dhawrsan, asagana jecel oo dhaqaalaysa, ayay gabadhuna u jeceshahay in loo guuriyo wiil da yar ama aan wax badan ka durugsanayn, qurux badan, caqli iyo ragannimo badan, dhawrsan oo iyada uun ku kooban, deeqsina ah.

Waxaa la yiri: Nin gaaban oo fool xun baa wuxuu qabay gabar qurux badan. Maalin buu usoo galay ayadoo si fiican isu qurxisay. Markaas buu isha la raacay awoodina waayay inuu ka jeesto. Markay aragtay siduu u eegayo bay tiri: 溺axaa kugu dhacay?. 展allaahi aad baad u qurxoonaatay. Markaas bay tiri: 適u bishaareyso inaan aniga iyo adiguba Janno geleyno. Suu weydiiyey: 徹o xageed ka ogaatay?. 鄭noo kalaa lagu siiyey markaas baad shukriday, adoo kalena waa la段 siiyey markaas baan sabray, qofka shukriya iyo ka sabraana waa ehlu janno bay hadal ugusoo jartay.

Waxaa la yiri: Nin baa asagoo faras fuushan waxaa kahor timid naag uusan quruxdeeda ayadoo kale hore u arag. Markaas buu ku yiri: 滴adduu nin ku qabo Eebbe hakuu barakeeyo, haddii kalese ii sheeg. Markaas bay ku tiri: 溺aad iska kay dhaaftid wax aanad jeclayn baa igu yaalle. 溺axaa kugu yaal?. 溺adaxayga cirraa ku taal. Intaa markuu maqlay buu faraskii saynta u rogay si uu u dhaqaaqo, waase ay joojisay, oo intay timeheedii hagoogta ka qaadday tustay, mise waaba timo madowgooda wax lagu mitaalo aan la arag. Waxayna ku tiri: 展allaahi inaanan weli labaatan jir gaarin, ha yeeshee waxa madaxaaga iiga muuqatay cirro, waxana aan rabay inaan ku tuso in annaguba aan idinku nacayno waxa aad nagu nacaysaan.

Ugu dambayntii, waxaa lagama maarmaan ah inuu jacayl jiro amaba israbitaan ka dhexeeya labada ruux ee guurka u sharraxan, ha yeeshee jacaylka laf ahaantiisa ma aha in laga dhigto yool, balse waa inuu ahaadaa waddo xaaran oo loo maro hadaf ka weyn oo ay labada qof hiigsanayaan. Gabadha aad guursigeeda dooneysaa ma tahay haddaad guri gashaan (waa siday kuula muuqato eh) mid ay naagnimadeedu ku qancin doonto? Ma tahay mid loo daayey agaasin guri, garaneysana rag waxa u roon iyo waxa ka reebban?.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s