dacwaan ku qaba ku deyn maayo ada idilee


ciid wanagsan weli waxan dhaxdawaalanayna maalmihii ciida waxan idin leeyahay markaan kuso dhawadada sheekadii aan maalmihii ciida uuga tala galay sheekadan wa sheeko dhab ah hamoogan hana ka maqnaan waxayna ka dhacday magaalada muqdhisho gaar ahan xaafada madiino waxana idin soo gaarsiinaya wa qoraaga weynaa abubakar mohamed hsan mr qurbaani ka bogosha wacan…………………??

sheekadan magacayda waxa la yirahda {{ dacwaan ku qaba ku deyn maayo ada idilee }} waxana qalinka u qaatay qoraaga weynaa abubakar mohamed hasan dadweynow ku raaxeysta hana ka maqnaanin hadi aad ka heli weyso qisadaani aniga qoraageyga wa beyn waxan qorana wax kama jiran,,

c/risaaq maxamed wuxuu ku dhashay xaafada madiina gaar ahan korontada wuxuu dhashay sanadka marku ahay 1973 dii wuxuuna ahay ganacsatada magaalada muqdisho wuxuuna ka ganacsan jiray suuqa weyn ee bakaaraha wuxuuna ugu furnay dukaan weyn 00 bagaash ah oo wax walba lagu iibiyo hooyadiisna waxay ahayd guri joogto aabihiisna wuxuuna ku dhintay dagaalihi sokeeya ee ka dhacay xafada madiino eena udhaxeeyay muusi suudi iyo cumar finish aabihiisna wuxuu uuga dhintay dukaankaas oo kaliya c/risaaq wax walal ah lama dhashan wuxuuna xooga saaray sidii hooyadis wax uuga qaban lahay asigana wax isku tari lahay..

inta badan wuxuu ku fikiri jiray sidii magaaldan muqdisho uugu noolan lahay waayo dagaalihii wey sii korayan mana ahan wax dhamanaya waayo suuqa uu ku ganacsado marwalba waxa laga qaada baad hadii uusan bixin nafsadiisa aya baxar galayso waayo nimanka baadka qaata waa niman dhiig cabayaal ah mana naxaan indhahooduna waxay ugududan yihin sida dhiiga oo kale c/risaq waa wiil agoon ah dadna wax masiiyan ilaah ka sugow dadma uma maqan ciilna uma qodna hooyadiis marwalba waxay dhihi jirtay wiilkaygiyow intaad dunida ku nooshahay ducadeyda aya qabta waana ku duceeyay waayo waxa tahay wiil baari ah waxana maanta ku leeyahay guurso waayo aduunyadan laguma waarayo ee intan ifka ku noolahay waxan jecleystay waxan raba ubadkaada intaan arko ayan rabaa laakin c/risaaq wuxuu dhihi jiray hoyo waad lasocota magaladan hada ku noolahay ma jirto gabar fiican manta la guursan karo waayo guurka sidiisaba wuxuu noqday qabiil qabilna intuu jiro aroos majiro hooyo..

c/risaaq maalin maalmaha kamid ah aya waxa dhacday asigo dukaankiisa so xiray eena tahay galab casir saacaduna ay abaareyso 5;00 tii galabnimo asigoo joogo isgoyska bakaaraha wuxuu kaso raacay baabuurkii asigo uso jeedo gurigiisa baabuurkii wuxuu soo waday wuxuu keenay numbar 4 km waayo madiino baabuurkii wuu tagi wayay wuxuu ku qasabnaaday in uu kaso lugeeyo km 4 asigo uso jeedo madiino oo gusigiisa ku yaalay intii uu lugta kuso jiray aya marqura roob afarta geesood ka imaaday asigoo dharkiisa qooyan ayuu gurigiisa tagay hooyadiisna maalintaas oodhan weyka murgaysay waxayna lahayd maxa maanta wiilkayga ku dhacay waayo wuu soo daahay aad ayuu uso daahay mana aanan ka baranin in uu intaan guriga ka maqnaado hooyadiis iyadoo kolba guriga dhinac kuwareegayso aya marqura ilbaabka kaso galay iyadoo aad ugu faraxday wuxuuna usheegay in uu soo lugeeyay waxayna dhehday orodoo dharka iska so bedel shaah ayan ku diyaarinaya…

markii uu dharka iska soo bedelay asigo usoo socda dhanka hooydiis ay joogtay ayuu marqura albabkiisa hoostiisa wuxu ka aragay lugo intuu soo aaday ayu marqura albaabka ka furay wuxuuna arkay gabar aad u qurux badan oo roobka ka dugashanayso intuu fiiriyay quruxdeyda ayuu wuxuu dhahay abaayo soo gal roobka ka dugaasho sidii ayay kuso gashay hooyadiina waxay areagtay wiilkayda oo gabar lasocoto wuxuuna usheegay in ay roobka kaso carartay eena kaso gashay waxana loo keenay shaah kulul nasiibkayda ayu noqday maalintaas wixii ka dambeeyay c/risaaq kaligiis ayuu naftiisa ku ahay laakin maanta wiixi ka dambeyay wehel ayuu helay waxayna is dhaafsadeyn barasho iyo hadal macaani waxayna magaceeyda u sheegtay in ladhahaayo muno..

alxasil wuxuu waqtiga isgura waxa joogsaday roobkii muna waxay dhehday waan sii baxaya waayo wa xili dambe markaan wixii ka dambeyo waxa laga yaba in ay tuugada jidgooyo ay sameyso waan is arki doona c/risaaqna wuu soo dhaweyay intii uu jidka ku jiray waxay galeyn haasawi ad udheeyr waxayna ku hishiyeyn inta nolosha ka dambeysa in ay isla qeybsadan waayo lamane kasta waxay jecelyihin markii ay kulnkoodi koowad bilaaban in ay is guursan doona laakin qaarbaa waqtiga usaamixi waayay qaarna way is guursadeyn guurka kadibna dagal iyo muran ayay ku dhameyeyn kaibna ilaa furiin ee ka gaaran ma dhamaanin qaarka kalena calafka aya ka hiiliyay laakin maanta c/risaaq iyo muno aan aragno waxay ku dhameeyan haasaawahoodi kadibna c/risaaq wuu kaso laabtay asigoo mooda in janada firdowsa lagu bishaareeyay asigo faraxsan oo heesaayo ayu gurigiisa soo galay hooyadisna waa markii uuga horaysay ay aragto wiilkayda oo nolosha ku faraxsan waxayna u sheegtay wiilkaygiyow aduunyadan waxay ku fiicantahay in aad lamaane sameysato waayo aniga hooyada kaliya ma ihi waxa iiga dhigatay marna saxibata ayan ahay wana kula talina waayo wiilkayga aya tahay mana jecli in nolosha kaligaaga ku dhameysato ee ka fikir munana yeysan ka fakan wa gabar bashaash ah dabeecadna leh..

kadibana c/risaaq wuxuu guda galay sidii muna kula wadaagi lahay nolosha muna wxay ka dhalatay qoys aad uladan aabaheyda wuxuu ahay ganacsato aad ugu weyn reer muqdisho ilaa dubai ayuu ka ganacsan jiray laakin muna waxa ladhalaay labo wiil aya ka weyneyd waxayna ahaayeyn nimanka laga cabsooda waayo mooryaan ayay ahaayeyn laakin c/risaaq arintaas wax kama uusan haynin waayo wa markii uuga horeeyay uu wax jeclaado laakin muna arintaasi kama eesan qaranin waayo maalin aya guriga uuga timid waxayna usheegtay arinta jirto iyo wiilalka ay ladhashatay in ay guurkeyda kaso horjeedan waayo waxay uula raban qabiilka ay ka dhalatay kaliya in ay guursato qabiilkaleto hadi ay ku maqlaana in ay dili doonan arintaas waxa kaso horjeesatay hooyadiis waxayna dhehday waxa tahay halka wiil aan dunida ka qabo ee in aad iiga dhimato marabo waxan raba in aad meydkayda ad aasto ee marabo in aan kaaga aaso ee hadii aan decayda rabto gabrtaan iska dhaaf..

c/risaaq aad ayu u jeclaay muna laakin hooyadiis warkeyda madiidi karo wuxuuna noqday dharigii labada dhinac ka gubtay munana aad ayay u jeclayd waxayna ku hishiiyeyn in walidka laga qariyo arintaas ee labadooda top secred unoqoto alxasil wuxuu waqtiga isgura waxa magalda muqdisho kuso laabtay muna aabaheyd asigo rabo in uu dubai uwado oo wiilka uu adeer uyahay uu ku daro waayo balan ayuu kaso qaaday hora waxa tii looo yiray labo kala barisay kala war la waayo aabaheyd balan ayuu soo qaaday iyadana wiilkale ayay balan kaso qaaday aan aragno qofkii balantiisa oofinayo alxaasil muno iyo aabahayd way kulmayn wuxuuna ushagay in uu rabo arinta maanta u imaday in ay tahay iyada guurkayda uuna rabo wiilka adeer uyahay in uu ku daraaya oona mardhow dubai u baxayso muno arintaas aad ayay uuga soo jeedsatay waxayna usheegtay in ay wiilkale jeceshahay aabo intaad magalada ka maqnayd aya wiil is jeclaanay waa wiil fiican aadna ee jecel waa wiil masaakin ah oona sharaf leh hadii aad iguurinaysid aadna jeceshahay farxadeyda wiilkan aya jeclahay iiguna bisharay in aan calaf isku leenahay ..

aabaheyd arintaas wuu ku gacanseray wuxuuna arintaas garsiiyay labadiisa wiil oo lakala dhahaayo fahad iyo feysal waa labo wiil mataano ah oona mooryaan ah xafada degan yihin aad aya laga caabsooda munana waxay usheegayn hadi ay wiilkaas markaleto ay dhacdo in ay lakunto in ay dili doonan ayay uuga hanjabeyn munana waxay uuga baqday in ay wiilkaas masaakin oo hooyadiis ushaqeysanaayo in laga dilo waxayna ku qasbanaatay in ay yeesho arinta aabaheyd uso jeediyay waxay aaday dubai iyado usheegin war arin ah c/risaaq markii uu maqlay in ay muno ay qayaantay aad ayuu niyada uuga yabay laakin wuxuu uusan ogayn in ay muno noloshiisa ay badbaadin ay badbaadinayso in ay noloshayda baxar galisay wiil aysan ogalayn aysan waligayd arkin ay ku qasbanaatay in ay guursato ayna ku kaliftay daruufta iyo jaceylka ay u qabto dartayd ay ku qasbanaatay markii ay dubai imaatay ay waxay la kulantay wiilka ay adeerkayd dhalay uu lagu magacaabo abuukar abuukar waa wiil fiican gabrta adeerkiisa dhalay ayuu uso dhaweyay kadibna maalin aya muna waxay kulan qaas ah ka codsatay in ay lakulanto abuukar wuuna ka ogalaaday waxayna ku dhacay sidatan.

la soco qeybta labaaaaaaaad ee sheekadaan
http://www.nololcusub.tk
ka dhigo hoygaaga kowaad

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: