waa qeybtii labaad ee qisadii lamagac baxdey ( dacwaan ku qaba ku deyn maayo ada idilee)


aboowe abuukar marki aan imaaday dubai oo ogolaaday guurkaaga laakin intaanan imaanin dubai oo soomali joogay waxa jiray wiil aan si dhab ah ujeclahay oo la,aantiisa noolan karin sababtuna ay iigu kaliftay in an imaado dubai waxa iigu kalifay walalahyga aya iigu kalifay waayo waxay iigui hanjabayn in hadi aan lakulmo wiilka aan jeclahay in ay dili doona intaan arki lahay jaceylkayga dhibateysan ama asigo mayd arki lahay waayo hooyadisa halka wiil ee dunida ka fiirsanayso waayo wiilkale maqabto anigana daruuftaasi ay ikeentay dubai anigana guurkaga raali kama ihi hadii aad jeceshahay qofaa ku jeclayn in aad nolosha lawadagto aniga maanta diyaar ayan ku ahay laakin ogaw in waliga farxad iiga helaynin waligagana waxa ku noolaanaysa ciil waayo aniga farxad kuma siin karo waayo qofkaan jeclahay kaliya aya farxad siin kara anigana kuma jecli kuma rabo niyadadana waxa usheegta in muno calf kaliya isku leedihin laakin farxad in aan ku noolaneynin waligayna ka fiirso ayan kudhihi lahay…


abuukar markii uu intaas ka maqlay muno aad ayuu u niyad jabay waayo waligiis wa markii uuga horeysay wax jeclaado asigana wuxuu uuga jawaabay abaayo muno idhagayso aniga waxa tahay walashayda qaaliga ah qalbigagana qayr usheeg waxana ku guursanaayo wiilka adiga jeceshahay anigana qalad in aan ka galo marabo waayo waxan ogahay jaceylka qiimihiisa iyo qaayahiisa waayo aniga waligay waxan jeclay gabartaan jeclahay in aan guursado laakin waan ogahay in aan aniga ijeclayn qofa ijeclayn sidee nolosha kula wadagayo wa qald niyadana qayr usheeg abuukar wuxuu ahay wiil caaqil ah jaceeylkana wax ka yaqaano gabartii munana niyadaydana aad ayuu udhisay maalintaas wixii ka dambeeyay muno qalbigayda waxay gashatay in ay c/risaaq ay markaleto dib uheli doonto …

alxaasil c/risaaq aad ayuu u niyad jabay markii uu wayay wax aqbaar ah ee kasocoto dhinaca muno waxay ka maqnayd mudo ad uweyn waxayna qadatay mudo dhan 6 bilood c/risaaq hooyadiisana waxay layaabtay wiilkayda dhibaatada ku suganyahay aad ayuu u niyad jabsanyahay waxayna kula talisay in ay uguuriso gabarta ay isku cid yihiin oona yarantiisa laso kortay asigana hooyadiisa wax kama diidin guurka ay hooyadiisa la jeclaatay ayuu diyaar u noqday waayo sababta ay ku kaliftay waxay ahayd asigo ka wayay wax aqbar ah waayo muno markii ay ka tagaysay wax uma sheegin waxna lama socodsiinin sidas aya ku kaliftay in ay niyadiisa ka bixiyo waayo qofaa wuxuu ku suganyahay adan ogayd naftaada uma ciqaabayso sidii ayuu ku guursatay mudo kadibna markii uu muno aabaheyd uu tagay dubai ayuu lakulmay abuukar wuxuuna usheegay in uusan muno aroosaynin wuxuuna usheegay in ay muno ay ijeceshahay wiil kale ayna ogolayn guurka aniga guursanayo adeer qofa ijeclayn aniga guurkayda diyaar inaa unoqdo aana ka baabi,iyo riyadayda qofka jaceylka haayo riyo macan ayuu ku riyooda riyada inaa ka qaso aniga marabo adeer hadii aad arintaan iiga ogolaato aad ayan uuga farxa adeerkiisana wuxu ahay nin wax garad ah wuxuuna dhehay adeer aad aya ufiicantahay waayo waxa tahay nin caaqil ah hadii ad garatay arintaan aniga kaama hor istaagayo garab ayan ku siinaya abuuka aad ayuu u farxay munana wax loo shegay in ay dib loo celin doona ay guursan doonto ninkii ay jeceshahay….

laakin war liskuma haayo ninkii sidan loo soo cararaayay c/risaaq wa kii uu guursday marki ay imaatay muno soomali ay kuso laabatay soomaali waxay soo aaday c/risaaq gurigiisa markii ay imaatay ay albaabka waxa ka furtay gabar aad ayay uula yaabtay waxayna su,aasay in uu c/risaaq joogo laakin waxay dhehday abaayo c/risaaq majoogo laakin hooyadiisa aya joogto ee hore uso gal markii ay soo gashay ay c/risaaq hooyadiisa ay aragtay muno aad ayay uula yaabtay waxayna dhehday hooyo waan ku salamay maanta aya soomali kuso laabtay kawaran xaaldiina aaway c/risaaaq uma jeede shaqo miyuu jiraa aniga aad ayan ufaraxsanahay aabahay guurkayga wuu ogolaaday waxana iigu kaliftay in aan soomali ka tago wax kaleto maahan walalahayga aya iigu hanjabeyn in ay c/risaaq dili doona hadii aan lakulmo ama diido arintaan sidas aya iigu kaliftay in aan baxo laakin maanta aya diyaar u ahay jaceylkaygana waan ku guulaystay c/risaaqna waan is heli maanta asiga sugaya marki aan usheego waxan umaleenaya in uu waashto hooyo waxadan ogayn markii aad baxday in aad cidlaysay wiilkayga waayo bixitaankaaga ma ogayn mana noosheegin adiga waad iska baxday kaliya miyadan ogayn nafdhan inaa cidlaysay wad ku guuldareysay jaceylaakaga gabartaana aan ku baro magacayda wa leylo c/risaaq xaaskiisa waaye …………….

muno markii ay maqashay arintii loona sheegay in uu c/risaaq uu guursaday aad ayay u niyad jabtay isla markiiba indhaheeda wax kuso istagay ilimo aad ufara badan waxana aamusiiyay c/risaaq xaaskiisa waxayna dhehday abaayo muno miyadan ogayn jeceylka in uu yahay sheey qaali ah marna uu yahay caraf aad u udgoon hadii aad caraftaasi aad carfan weyso ee dadkaleto nasiib uyeeshanaayan aanigana waxan u jira dadkaas caraftii adiga calaf uyeeshan weysay aniga markii aan arkay wiilkaan cidlada ku nool marki ay idhehday hooyadiis wiilkayga farxad masiinkarta waayo c/risaaq waxa run ah in uu ku jeclaay anigana nasiibka uiigu saciday kaliya laakin maantana waxa nahay dad aad isku jecel waxana siiyay faraxad waligiisa ka dhamaneynin waligaygana hadal xun oo asiga wax udhibaayo madhihi jirin farxadiisa ay marwalba ka taliya waana jeclaan doona hadii adiga manta timid wey fiicantahay muno markii ay intaas maqshay aad ayay ula yaabtay waxayna uuga jawaabtay abaayo aad aya u fiican tahay gabr fiican aya tahay waxan is lahay markii ad ka tagtay c/risaaq wuxuu ku noolanay niyad jab laakin adiga hadii uu ku helay gabr fiican aya tahay waayo mana dareysiinin in aan ka maqanahay farxada aad siisay waxa laga yaba in aan aniga iiga heli lahayn mantana c/risaaq adiga aya xaq u leh waayo aniga iyo asiga jaceyl aya wadagnay laakin adiga iyo asiga waxa wadagteyn nolol iyo farxad waxana ku dhihi lahay c/risaaq ii ogow kaliya anigana dib ayan u laawanaya marki ay damacday in ay baxdo aya c/risaaq marqura albaabka kaso galay wuuna layaabay in ay muno joogto gurigiisa ad ayuu lafajacay waxayna dhehmartay sidatan…

woow woow wa cajiib masoo laawatay adiga maxa isku maleysa hadi ad rabto marna waad baxaysa marna waad soo laabanaysa nolosha adiga aya iska leh aniga agtaada maxa ka ahay sidan maa iigu jeclayd hadii aad baxaysid xita ma iisheegaysid miya mise xaq iskuma lihi caqligaga wuxuu kusiiyay wax yar aya nolosha wadagnay in aad sidaab rabto iiga sameysatid aniga waxbadan aya; kusugay nolosha wad iigu cidlaysay wax jawaabna iima siinin xita tele’ iima so dirin sidii wax u jiran iima sheegin sidan maa iigu jeclayd kaliga inaa go,aan gaarto wa qalad waayo nolosha labo 2 aya ku ahayn go,aankana waa inaa iisheegta hada fiiri aniga waan guursaday hadana waad iiso laabatay maxa ku sameyn kara hada waxana ku dhihi lahay noloshaani hada bilaabay waan ku barya ha iiga baabi,inin waan ku barya noloshayda shalay adiga wad ka fogaatay anigana wax badan aya hooyadeyda nolosha aan ku suganahay aad ayay uula yaabtay niyada iiga jabsantahay waxay jeclaatay in ay niyadayda in ay dhisto nolosha shalay iiga dhuntay in ay iiso celiso ayay jeclayd weyna i guurisay hadana kuma qasaarin xaskayga hada wan jeclahay iyadana wey ijeceshahay hada wixii sameyn lahayn iyo sababta aad uso laabatay danta aad leedahay si sax wax nagu sheeg,,,,,

muno markii ay intaas afkiisa ka maqashy c/risaaq aad ayay u niyad jabtay waxay is lahayd markii ay ku argo wuu ku farxaa laakin waxay ilowday in ay dunida ay tahay nina waayaha ay xira nin waqtiga aya sacida laakin muna waqtiga ay saacidi wayay ninkii shalay lagu mehrin lahay wiilkaan ayay ka dooratay wiilkiina usoo cararaysay waa wiil marhore tashaday waxay noqotay dharigii labada dhinac ka gubtay waxayna dhehday sidatan……….

c/risaaq aboowe idhagayso aniga waxan ahay qof ay ku kaliftay in ay badbaadiso nolol waayo aniga waxan badbaadinayay aadiga noloshaada intaan noloshaada badbaadinayay aya aniga noloshayda wayay walahayga wey ogadeyn in aan aniga ku jeclahay waxayna ii sheegayn hadii aan kula kulmo in ay ku dili doonan anigana waxan kula baqay in aad hooydada madama aad kaliga dun ida kaa fiirsanayso in ay wiil la,aan ku dhacday adigo aniga ku badbaadinaayo aya iigu kaliftay in aan dubai aado markii aan lakulmay wiilka adeerkayga dhalay oo liigu tala galay in uu i guursado marki an usheegay arintaydana wiil fiican ayu ahay wuxuuna ii sheegay in guurkayga iska dhaafayo oo iguursanaayo wiilka aniga aan jeclahay aabahaygana wuxu usheegay arinta ay jirto abahaygana wuu ogolaaday guurkaygana sidaas aya hada uso laabtay markii aan safarka ku jiray aan uso socday soomali adiga aya niyada ku hayay waxana is lahay markii aad kulantaan kulankiiina wuxuu noqonaya laakin hadii aan ogay lahay in aan kulankayna noqonayo maba imaan lahayn hadana waxan ku dhihi lahay madama aan ku jeclahay ma aha in aan noloshaada hada ku bilaabatay in aan ka qaso mana jecli laakin hada waaxan ku su,aala kaliya hada adiga mi ijeceshahay iisheeg,,,,

c/risaaq markii aay su,asha laweydiyay wax uu ku jawaayo ayuu garan waayay wuxuuna dhehay adiga wad ogtahay in aad tahay jaceylkayga koowad hadii aan guursado xita niyadayda kama baxaysid markii intaas afkiisa kamaqashay aad ayay ula faraxday waxayna dhehday aboowe waan sii baxaya waan tagaya soomaali kaliya kama tagayo noloshaada xita waan ka dheeranaya noloshaadana cusub waan kula hambalyeynaya wxana ku leeyahay wiil iyo gabar ilaah haniisiiyo waan idinka tagaya hooyadana iigu salan muno waxay kuso laabataay dubai iyado niyad jabsan marki ay imatay waxay lakulantay abuukar waxayna usheegtay in ay dubai kaliya uso laabanin ay uso laabatay asiga guurkiisa hada diyar in ay u tahay waxayna dhehday waayo waxa tahay ninka kaliya garab weyn aan ka helay uuna ka dambeeyay in aan kulano c/risaaq wiilkii aan jeclaa laakin maanta adiga ayan ku jeclahay abuukar markii uu maqlay in ay muno uso laabatay aad ayuu u faraxay waxayn ku hishiiyeyn in ay is guursadan guurkoodana wuxuu ka dhacay magaalada imaraatka carabta ,,,

sheekadan waa sheeko xaqiiqo ah hana u qadan wax ciyaar ah ama sheeko been ah
waxana sheekadan daabacay waa qoraga weynaa ee abubakr mohamed hassan mr qurbaani ka bogasho wacan kulanti dambo oo xiiso leh

1 Comment

  1. Asc aqrista yasha sharafta leh.runta wxay thy qalbi an farxad ku hayn ama an ku niyad furneyn si kasto o ad nolasha ula wadagto nolashas nolal ma aha wayo farxad maleh.somali ayn nahay jclka ma qadarino e wxn firina lcgta ama dhaqalaha qofka u ku nol yhy.wxa arke duq 80 jir ah o qabo gbdh 18 jir ah because of money.plz bro & sis wxn inka cudsana inad ku qaldomin jclka.e qofka ad jclaty ad lawadagto nafta.bye


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: