HADDII LAGU DHAHO JECEYLKA DHABTA AH IYO KAN DHALANTEEDKA AH MAXAAD KU KALA GARAN KARTAA MAXAAD KU JAWAABI LAHEYD???


HADDII LAGU DHAHO JECEYLKA DHABTA AH IYO KAN DHALANTEEDKA AH MAXAAD KU KALA GARAN KARTAA
MAXAAD KU JAWAABI LAHEYD???

Haddii lagu waydiiyo faraqa u dhexeeya jacaylka dhabta ah iyo kan been beenta ama dhalanteedka ah maxaad dhihi lahayd?

Inta aadan su’aashan ka jawaabin marka hore waa in aad taqaanaa waxa uu jacaylku yahay iyo micnihiisa guudba, erayga jacayl oo af ingiriisiga lagu yiraahdo LOVE waxa uu ka kooban yahay 4 xaraf oo la isku daray midkastane macno gaar ah uu leeyahay, haddii aynu qorno erayga LOVE waxa loo soo gaabiyey waxay noqonaysaa sidan:

L = Listen (dhagaysi)

O = Over look (daryeelid)

V = Valme (qiimayn)

E = Express (muujin kalgacal)

Haddii aynu sharaxno xarafka hore ee ‘L’ waxay ka taagan tahay in qofku ruuxa uu jecel yahay ama jeceyl uu si xad-dhaaf ah u dhegayso sheekadiisa iyo hadalladiisa, isaga oo ereykasta oo ka soo baxa afka qofka uu caashaqsan yahay qiimayn weyn siiyo, iyada oo isla markaana weedhaha jacaylkiisu ku tiraabaa ay qalbigiisa qaboojiso.

Xarafka labaad ee ‘O’ waxa uu ka dhisan yahay daryeel iyo lax jecli xad-dhaaf ah oo aad siiso ruuxa aad jeceshahay ama aad ka hesho qofka ku jecel, isaga oo maskax ahaan jidh ahaan, dareen ahaan, nolol ahaan iyo farxadaba dhibaya isla markaana waxyeelo u keenaya.

Erayga saddexaad ee ‘V‘ waxay u taagan tahay in aad qirto qiimaha iyo wanaaga qofka aad jeceshahay adiga oo qiimayn iyo qadarin aanad qof kale oo ku nool dunida u quureyn u haya sida dhabta ah u jeceshahay, isla markaana qofka ku jecel waa in aad ka heshaa astaamahaas.

Ereyga u dambeeya ee jacayl loo soo gaabiyo waa ‘E’ oo ah in aad qofka aad jeceshahay u muujiso sida aad uga heshay iyo cishqiga aad u qabto eray ahaan iyo ficil ahaanba, sida adiga oo ku yiraahda, waan ku jecelahay, caashaqa iyo kalgacalka aan kuu qabaan ma ahan mid la soo koobi karo qalbigayga iyo halbowlayaasha dhiigga ayaad saldhig ku leedahay. Ficil ahaana waxay noqonaysaa qofka aad jeceshay oo markasta aad u keento hadiyado yaryar oo uu ku farxo ama ay ku faraxdo, taas oo aad ku muujinaysid dareenka jacaylka ee aad u hayso ama ay kuu heyso.

Haddaba, qofka bani’aadamka ah way ku adkaata in uu inta badan kale saaro jacaylka dhabta ah iyo khiyaaliga ah, laakiin waxa daruuri ah in qofku marka uu damco in uu kala garto kalgacaylka runta ah iyo ka beenta ah in uu u dhuuxo habka ay culimada ku takhasustey jacaylku ay u qeexeen.

Dadkuna kala saarida labada nooc ee jacaylka way ku kala aragti duwan yihiin, culimaduna wax ka qorey Arimaha Jeceylka siyaabo kala duwan bay u fasiraan,xitaa fanaanti soomaaliyeed wax yiraahdeen jeceylka {Waa macaan ama waa qaraar kolba waa siduu kuu soo maree} laakiin waxay badankoodu isku raacsan yihiin in jacaylka dhabta ahi uu yahay kan ku qotoma afarta xaraf ee loo soo gaabiyey caashaqa{LOVE}, waana dareen saafi ah oo aad ugudbiso qofka aad jeceshahay, kaas oo ka dhiga ruuxa ugu farxada badan dunida, qofka aad sida dhabta ah u jeceshahay waxaad u tixgelisaa si qoto dheer oo ixtiraam mudan, waxaadna dareentaa in nafahiina isku mid yihiin oo saacadaha qalbigiinu isku buuxaan, taas macnaheedu waa haddii qofka aad jeceshahay wax yar oo dhib ahi la kulanto ama la kulmo in aad markiiba dareento/dareemo, haddiise saacadaha qalbigiinu ilbiriqsiiyo yar kala horreeyaan oo aanay isku buuxin lama dhihi karo jacaylkiinu waa uu gaarey heerkii loo baahnaa.

Jacayla dhabta ah waxa loo dareemaa si qiiro iyo la yaable, waxaana la doonayaa in qofka aad jeceshahay waqti walba la joogto ama aad wacdo oo nolosha inta ka dhimman la wadaagto/tid, qofka aad sida dhabta ah u jeceshahay waa kan/tan wanaagaaga doona/ta, haddii aad ficilo xunxun kula dhaqanto/tid kuu dulqaadata/to, waa ruuxa akhrista qalbigaaga iyo waxaad damacsan tahayba, kaas ayaa la yiraahdaa waa jacayl dhab ah.

Jacaylka iyo kalgacalka beenbeenta iyo dhalanteedka ahina waa ka ay ka maqan yihiin, dhagaysiga, daryeelka, qiimaynta iyo muujinta dareenka jacayl ee aad xambaarsan tahay, waayo jacayl khiyaaliga ah waxa lagu gartaa qofka oo dhagaysigaaga/geeda ka caajisa, qofka oo aan daryeel kuu muujin, ruuxa oo aan ku qiimayn, kuna yasa/yasta, daymadiisa/deymadeeda, hadalkiisa/keeda iyo dabeecadihiisana/heedane ka dhadhansan maysid astaamo jacayl oo uu kuu qabo/ay ku qabto.

Jacaylka dhalanteedka ah waxa lagu gartaa qofka oo iska yeelyeela in uu ku jecel yahay/jeceshahay, iyada oo afku ka xado erayo aan dhagahaaga raali galineyn, jacaylka dhalanteedka ah cimrigiisu ma raago oo waxa uu xidhiidhkiisu ku burburaa muddo yar oo gaaban, kaas oo lagu garto jacaylka khiyaaliga ah qofka/qofta oo ballan kuu qaada oo jar jara, isaga/iyada oo ku marmarsiyoota/do hawl baan hayey iyo cudur-daaro aan macquul aheyn ama aadan ku qanceyn ugu dambeyn somalidu waxey tiraa socod aadan laheyn 9 tilaab kulama dhaafo,
Inkastoo qofka wax Jeceyl ay ku adagtahay in uu si fufud ku dareemo qiyaamada qofka uu jecel yahay waayo naftiisa/nafteeda ayaa u sawireyso in wax walbo uu qofkan sheegayo/sheegeyso ay yihiin Run.

WIXII AAN KHALDEYNA XAGGA SHEYDAAN AYEY KA AHAADEEN, WIXII AAN SAXEYNA ILAAHEY BAA I WAAFAJIYEY.


WIXII TALO IYO TUSAALE AH IIGU SOO DIR COMMENTS KA AMA MAIL ADDRESSKEYGA ADINKOO MAHADSAN.

WAA SXBKIINA HAWADA

MOHAMUD MOHAMED IBRAHIM {MR M.M.I}

EMAIL: maxamedyare68@hotmail.com

1 Comment

  1. walaal waxaa jirta in laga soo gaabiyay erayga love sida tan walaal :
    l: lack of blesure : farxad la aan
    o: ocian of midness : bad weeyntii waalida
    v: vally of diseass : dooxdii cudurka
    e: end of live : dhamaadkii nolosha


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: