Sheeko Gaaban


qurux haween iyo qaayo dumar ayuu ebbe ku hagoogay, xushmad iyo xishood ayey astaan u laheyd, , eddadeed ayey la noo shahay, aabo iyo hooyo midna may arag,hooyo in ay laheyd dhagta ayey ka maqashay,aabihii dhalayna sawirkiisaa latusay, nasiib uma yeelan sida asaageed in ay gacanto qabsato hooyadeed kuna hataaqdo MAAMO, aabo ay ku soo roorto oo hab yiraana ma jirin, gooni ayey u istaagi jirtay marka ay caruurtu ku hayaamaan waalidkood, sidii cowl cidlla dag ah ayey docda istaagtaa,illmadana iska dudaa,

waxaa hooyo iyo aabo u ahaa eddadeed RAAQIYA oo qalbigeeda alle u dhigay naxariis,kuna abbabisay wanaag iyo barbaarin haboon,waxaana ay ku hanaqaaday anshax iyo asluub wacan, mataqaan wareega, mana arag wax yiraa gacaliso, hal ku dhigyo badan oo dhalintu adeegsatana dhagool ayey ka tahay,aroos la tako taa hadalkiisa, waa geenyo dumar alle ayaa u dhameeyey qurux iyo jamaal, dheeraa ma dhudd dhabiyaa, gudduudanaa ma timirtii MADDIINAA, ilka dabranaa ma sabiibaa kuu xardhan, qofkii mar arkaa kama jaleeco, kii maqlaana gocoshaa wareenta ,GOLJANO ayey ku nooshahay,hoogeydu ku yaalaa waa casar cadceedu sii gacan haadineyso, sabootiskiina cirkey casuus ku cilaantay,dadku dheelmad ayuu ku jiraa, guryo noqosho ayey ku jireen, shinbiruhu laftiguudi buul noqod ayey ahaayeen oo hoyashada qoraxdaa la haybinayaa, XAMSE JAAMAC waxaa uu ka yimid ATLLASKII waxaa uu soo fariistay aqalka hortiisa lana kala baxay buugii, intii uuna boga rogin waxaa saaqay illeys waxa cawaray iftiin, waxaa jiitay kooraan, waxaa qalbigiisa lulashay birlab,ma waxbaa cirka ka soo dhacay mise cadceedii ayaa soo rogaal celisay, madaxa ayuu kor u qaaday indhahaa dakaamay,waxaa uu qac ku siiyey indhaha HANI oo saladdii wadata dareena la,aana hormaraysa, kana timid dukaankii eddadeed, marbuu qalbigu haraad qabtaa, dhidid la hooraa, marbay indhuhu ka salalaan araga, wuu eeggaa wuu foorarsadaa, caado uma lahaan jirin indha la raaca dumar ee maanta waddkiisaa galay, wuu istaagay, muxuu oran hadii uu daba galana, wuu dhaqaaqay, muxuuse hadal ka ka bilaabi ,bowsi xitaa ma yaqaan. wuu iska daba galay, buugiina wuu hilmaamay, qaraacday aqalkii gudahana u gashay, muxuu oran, yaa miskiin yaa kabo dacas, soo rogaal celi, halkiisiina iska fariisay, habeenkaa jiif ma laddin, waxaa uu sidaa ahaado mudo, HANINA ayna waxba ka ogyen xaaladiisa ayuu beegsaday galabtii danbe cagtana cagta u saaray, waxaa uu ku hoos qabtay geed MIRI MIRR hoostii kuna hataaqay sidii sabbi, waxaa uu usheegay inuu jecelyahay arageedii horana galaday waa xaajo ugub kuna cusub dareenkeeda, waxaa uu kiciyey shucuur u qarsoonaa, waligeed wiil lama istaagin, laakiin waxaa ay hoos isku weydiin jirtay marka ay filim daawto, alle adigana yaa ku oran doona waan ku jecelahay, waan ku hantay, qalbigaan ku galiyey,far iyo faraanti aan noqono, waa dareen ciyaarsiin jiray laakiin maanta ka hor dhab uma arag, wax ay ku jawaabto ayey weyday wayna dhaqaaday iaydoo leh, walaal waxaa aniga ha iila iman, hadal la,aan ayuu dhaqaaqay oo wali ma baran tabb loo hanto gacaladii aad u hawooto,dabnaha ayuu qaniinay jeedsina bilaabay, way dhaqaaqday, iaydoo qalbiga kaleh alle muu siiwado hadalka, ma intaa ayuu ku dhaqaaqay maxaad hadalkaa ugu tiri, waxaa kilaankileynaya hadaladii, waxaa ku daamurmay WAAN KU JECLAHAY , xaafadii ayey tagtay, habeenkii may seexan, ma taqaan dookh jaceyl mana taqaan doorsho lamaane ee waxaa culay erayadii wiilka,nin dhinbiil jacel wadaa ma haro wuu raadiyey, balan cusubna u qabtay, markan way ka duwantahay sidii hore, gooni ayaa loo baxay, mid waliba waxaa uu ibba siibay xishoodkii iyo khajilkii, waxaa ay si wada jir ah u gardaadiyeen cishqi cusub oo shaash ubaxa loo saaray, waxaa uu mid walbaa dareemay wehel waxaa deysay dhaxan ofaha ka tumaati jirtay,waxaana hal qabsi ay ka dhigteen,(arageygu waa aragaaga,muusoodkeygu waa dabnahaaga) waxaa sidaa la ahaado,waxaa soo hadashay, gabar ay eddadeed dhashay, oo joogtay UK una sheegatay hooyadeed in ay damacsantahay in ay HANI siiso baasaboorkeeda,si ay ku gasho UK macal tikitkii waa diyaar ee 3 cisho gudaheead ha ku timaado ADDIS ABABA, hadalkaasi waxaa uu farax galiyey eddo laakiin waxaa uu wareemay HANI, HANI markii ay maqashay warka cusub waxaa ay beegsatay XAMSE way ogeyd in uu caano dhan u tagay howd isbuucna maqnaan doono, waxaa ay qaraacday taleefankii, waxaa loogu jawaabaa, taleefanka aad wacday wuu kabaxay khadka, way soo laabatay, sidee ayey fariin ugu sheegtaa, yey ku aamintaa fariin, midkoodna ma laheyn saaxiibo ogaa lana socday arintoda, XAMSE laftigiisa isbuucu sanado ayuu ku ahaa, HANI safartay ADIIS tagtay, XAMSE wuu soo laabtay, nasiib xumo waxaa ka lumay MOBILKII waxaa uu damcay in uu HANI la hadlo muxuu kula hadlaa maba hayo numberkeeda,waxaa u damcay inuu u fariisto xaafadooda iyo dukaanka eddadeed, wuu waayey, kana quustay, goor uu balanbalay ayaa loos heegay in ay dhooftay, laftigeedu dhimatay oo daashay ileen waa nin uu ka lumay taleefankii araxdaranaa jaceylku,qalbi adagaa aramida galgacal, boholyow badanaa dhanbaaladiisu, talo kale ma jirto oo aan ka aheyn inuu ADIIS abaaro, dhaqaaq, una kac dhankii ADISS ABABA, nasiib xumaa dhooftay xalay oo jadwal la soo xiray waa hore ayaa hagaya, way ka dhooftay madaarkii addiis iyadoo qifkii ay atagtaaba u yaha XAMSE, goor danbe ayuu gaaray, loona sheeg in ay gaartay carigii UK, QANBARUURSI jaceyl ayuu la fariistay, , email meyna laheyn labadoodaba waxaa hurinaya jaceyl uguba oo aan laheyn qaraabo iyo qansax, midna ma yaqaan meel uu ka baadi goobo ka kale, XAMSE soo laabay,hargeysa yimid,habeenkii seexad maleh maalintiina dibad bax daa hadalkiisa oonbaa biyaha loo cabaa uumatan gaajo, XAMSE waxaa dhex yaal wadnihiisa QALAN JADII GOLJANO ee galabtii xasuusta badneyd barkatay qalbigiisa, waa dhibane jaceyle haloo gurmado QALANJADII GOLJANO HALAGA NAADIYO DHULKII AY U HAYAANTAY….

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: