dagaalka soomaliya muxuu ugaystay shukansiga dhalinyarada????


wadanka soomaliya waxa ku nool kumanaan dad oo weli ku nool dagaaladii ka soconayay wadankayna hooyo mana aha dagaalada mid xad leh lamana yaqaana xiligii uu istaagi karo alxasil markii cilmi baaris dheeraad ah aan sameynay ilaa hada lama garanaayo cida kadambeysa dagaalada iyo waxa laysku dagaalayo cid maanta ka jawaabi karto su,aashaasi majirto lakin markii aan inta badan aan isku daynay in aan ka wareysano dhalinta ku nool magaalada muqdisho qaarkood waxay noosheegeyn dhibaatada ugu weyn in ay kaso gaartay xaga shukaansiga waayo shukaansiga wuxuu qayb kayahay qayb ka mid ah xaga guurka ah waayo labada qofood hadi aysan kulmin ayna is arkin sidee uuga hadli karan guurkooda hadaba aan aragno dhibaatada uu u gaystay dhalinta soomaliyayd qaarkod ayago ka hadlayan arimahaasi iyo amaan darada ka jirto wadanka…


c/risaaq maxamed nuur oo noogu waramay amandarada ka jirto inta badan Shukaansi u aadi jiray c/risaaq waxa uu yiri waxan aadi jiray shukaansiga xafada kala fog xiliga habeenkii lakiin wayaahaan danbe ayaa waxaa soo food saray culeys oo aad u adag oo keenay in aan habeynkii aan wada socodkii noo diiday in aan aado xaafada kala duwan waayo waxan ubaahanahay in aan gacalisadayda soo booqdo saqda dhexe habeynkii in aan utago waayo maalintii inta badan fursad maheli karto wayo maalintii inta badan waxay haysa hoosha guriga odaygana markii cashadii lasiiyo oo bbcda dhagaysto kadib wuu seexanaya anigana waxan raba in aan xiligaas ka faaiidaysto dhibaatadana waxay tahay in aan aadi karin xaafadayda waayo amaan maba jiro waayo kaga yimid dhanka amaan xumida ka jirta magaalada Muqdisho iyo waliba ciidamada itoobiya oo xiliga habeenki jaclayn socodka dadka iyagoo cabsi ka qaba weerarada inta badan habeenkii lagu qaado.

c/risaaq wuxuu intaas noogu daraya asigoo maanta kahadlaya dhibaatada kajirta wadanka soomaliya iyo dhibaatada ka yimaaday hooshiisa shukaansiga wuxuuna noosheegay Dagaalada inta badan dhaca xiliga habeenkii waxay bajiyaan Balamo inta badan lagu kala tago kadib markii ay dhalin yarada la soo bixi wayaan cabsi jirta awgeed,waxaa intaas u sii dheer Taleefonada oo qayb ka qaato shukaansiga muqdisho ay goyaan rasaasta la is waydaarsanaayo taas oo sababta is arag la’aan iyo is maqal xumo.

c/risaaq wuxuu noosheegay inka badan 10000 kumanaan Lamaanayaal badan oo xiisa isku qabo ayaa kala baaqdo habeen kasto magaalada muqdisho ayagoo ka cabsanaayo in ciidamada itoobiya oo caraysan ay gacanta u galaan, taaso sababi karto in la dilo ama la xiro oo xabsi loo taxaabo kadibna dambi qofka uusan laheyn qorta loo galiyo mar hadii aad xabsi aad gasho si fudud in ad uuga so baxdo malaga yaabo hora waxa loo yiri xabsi si fudud waa loo gala laakin si fudud looguma so baxo nin maanta diyaar u ah majirto in uu xabsi galo dantana waxay kuugu kalifaysa in aad baajiso balantii aad lahayd adigoo cabsi awgayd kugu kaliftay laakin dumarka warkaasi dhago uma hayan waxay arkaan oo kaliyah in loo imaado xiligii balanta kaliyah hadi aad imaan weyso xanaaq aya kala kulmaysa waxana dhacayso in ay ku xanaaqdo kadibna meesha yimaado nicitan aan xad lahayn waxana usabab ah dumarka oo arintaasi fahmaynin sidee loo fahansiin kara .

Inta badan Dhalinyarada magaalada Muqdisho ama Soomaalida dhaqan uma lahan in maalinti la haasaawo ama lagu kulmo ,waayo dadka soomaalida waxay shukaansigooda ka dhigtaan xiliga habeenkii taas oo lagu kulmo inta badan guriga gabadha ay dagantahay.

Mid ka mid ah dhalinyarada magaalada Muqdisho c/risaaq wuxuu noo sheegay in gacalisadiisa aysan habeen is arkin tan iyo intiii ciidamada Ethiopianka magaalada soo galayn ,waxuuna hadalkiisa sii raciyay in ay is arkaan malintii mar mar lakiin ayna inta badan ku xariiraan Taleefoon,

Mahan shukaansi oo qura waxay ay dhalinyarada reer Muqdisho ay ka cabsanayaan ee waxaa intaas u sii dheer ayagoo inta badan hebeenkii wayeen ciyaarihii ay daawan jiray taas oo noqotay wax ay iska iloobayn mar hore.

kadibna waxa intaas sii dheer amaandarada ay ka jirto wadankayna soomaliya waayo dhalinta
soomaliyayd xita naftooda qatar weyn aya kaso garay waayo saqda dhexe habeynkii ayuu kaso tagay gacalisadiisa
wuxuuna rabaa in uu aado xaafadiisa sidee ku aadi kara waayo meelwalba isbaaro aya ka jirto xitaa naftiisa aya ku
waayi kara shukansiga awgiis danta waxay ku kalifaysa in uu iska dhaafo habeynka shukansiga uu aadaayo
waayo hadii uu heli karin wado u soo maro hablahayna soomaliya mafahmi karan wiilasha waxa ku kalifay
in ay balanta dhoori wayayn amandarada ka jirto wadankayna aya usabab noqday in ay kala haran lamaano badan
oo ay is jecel balan darada iyo waqtiga habeynka oo ay iman wayeyn dhalinyarada oo ay ku kaliftay cabsi
awgayd,,,,,,,,,,,,,,

inta badan hablahayna soomaliyayd sida lawada ogsoon yahay waxay fursad inta badan helan
markii ay waalidkood seexiyan markii ay dhamaato bbcda aya inta badan waalidka jiif isku diyaariyan
kadibna waxay isku diyaariyan balanta ayagoo sugayan wiilasha ina ay u imaadan waxa mararka
qaar dhacayan in ay wiilka imaan wayay asigoo uu wayay meel uu so maro sida lawada ogsoon yahay
ithobiya markii ay wadankayna ku biirtay dagaalka wuu sii kordhay shukansigana wu yaraday
dadka inta badan mawada ogson in ay ithobiya wadankayna dhibaato badan keentay oo ay
ku horeyso xaga shukansiga dhawac weyn kaso garay xaga ithobiya habalahayna waxay
inta badan u qatan markii ay loo imaan wayay in ay meelkale uu aday sidaas daraded
waxay qata shaki iyo maseer iyadoo kamaseereyso gabar kale in uu aday,,,,,,,,

kadibna waxa laga yaba in uu markale soo waco iyadana waxa macquul ah in ay telefonka
kaqaban weyso sidaasna uu ku baaba,o xiriirkii inta badan soo wadeyn uu halkaas
ku dhamaado aya macquul ah laakin hablahayna soomaliya qalbigooda wuu adag yahay
sidas uu u adag yahyna waa lasoo jiidan kara laakin markii ladhaho xiliga balanta waxay
marwalba jecelyihin in loo soo xaadiro hadii aad kasoo daahdid ama aad imaan waysay waxay
uqatayn si kale ayagoo qalbigooda ka shaqeysiiyan ama niyada ay iska yirahdan gabrkale
ayuu aday ama laga dortay waxa lagu imaan wayay aya meesha ku jiro laakin
war uma yahan cabsida ay ka jirto wadankayna soomaliya iyo amandarada uu uiman wayay
hora waxa loo yiray labo kala barisay kala war la intaas aya kusoo gabagabeenayan,,,
moowluucayna maanta oo uu ahaay,,,,,,,
dagaalka soomaliya muxuu ugaystay shukaansiga dhalinyarada,,,,,,,,
w/qoray abubakar mohamed hassan {{ mr qurbaani}

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: