{{ragga naago jecela dumarkana uroona }}


sc marka dhaman walalahayga soomaliayayd waan idin salamay melwalba aad jogtan waxan idin leeyahay ciid wanagsan weli waxan dhaxdabaalanayna maalmihi ciida markaana waxan idinku talagalay sheeko cajiib ah oona dhab ah sheekadan waxan kaso fikirayay mudo aad ufara badan si aan idinku so gaarsiiyo inkasto biniaadamka uusan dhameystirnayn hadana wey iisuurta gashay in aan ku guulaysto sheekadan markaan aqirstow bal dhagahiina noodhiiba si aan maqal wanagsan iyo indhihiina ay qabtaan waxana marwalba garabkiina tagan wa anigo ah abubakar mohammed hasan mr {{ qurbaani }} kabogosha wacan o wanagsan sheekadana waxa la yiraahda magacayda wa {{ rako naago jecela dumarkana uroona }}

shekadan waxa ka hadlayso xamdi oo ah gabar soomaliyayd oona ku sugan dalka yemen iyado halkaasi ku jeclaatay wiil lagu magacabo fahad waxayna ku bilowday sidatan…

Waan idin salaamay asxaabta barnaamijkan, ugu horeyntii waxaan ahay gabar Soomaali ah oo bikro- ahaanshaheedii weyday, da’deyduna waa 22 jir, waxaan ku noolahay dalka Yemen, waxaan dareemayaa inaan ceebeysanahay mana garanayo xal u helida mushkiladeyda oo sii korodhay siina adkaatay

waayo yemen markaan imaaday oo badii ilahay iiga so badbaadiyay aya waxa lii geeyay xirada aljaxiim meeshaasi aya waxa ku noolaay mudo dhan 25 maalmood kadib markii aan xooga caafimaad buxda helay aya waxa arkay soomalida dhaman oo ninwalba cidiisa tel udirsanaayo laakin aniga wax lacag ah ma aanan haysanin wiil soomaliyayd aya meeshaasi ku arkay waxana weydiiyay in uu iidiri karo tel nasiib wanag wuu iidiray wxuuna ahay wiil wanagsan eedadeeda oo joogtay sanca aya wacay waxana usheegay in aan cideeda kaso dhuuntay hadana xirada aan ku jira wax lacag ah aanan haysanin waxay iisheegtay in aan meeshaasi kaso tago cinwaan ayay isiisay cinwaankii marki aan ka qortay aya wiilkii tusay asiga kaliyah aya xeradasi aniga qof aan kala hadlo asiga ahayn ma aysan jirin waayo waxan ahay gabar xishood badan oo gurigooda waligayd banaan soo bixin markii iigu horeysay aan so baxo waxay noqotay safarkii aan ku imaaday yemen..

alxaasil cinwankii markii wiilkii aan tusay wuxuu iisheegay in uu iwadi doono ooo cideena ii raadin doono anigana waxan ku qasabnaday in aan wiilkaani isaga raaco waan raacay waxan gudi galnay in aan raadis ku bilowno cideena alxaasil wiilkii wuxuu ku guulaystay in uu cideena uu iigeeyo aniga markii aan eedadeda utagay aad ayan u farxay wiilkiina wuu iga taga wuxuuna isiiyay tel gurigooda magaciisana wuxuu iisheegay fahad aniga aad ayan uuga helay run ahantii waayo intii aan wadada ku jirnay waxan niyada iska lahay cidada yasan lahelin waxan ka baqayay hadi aan cideena la helo in aan wiilkaani kala hareeyno anigana sawirkiisa aya ii muuqday iyo wajigiisa dhaldhalaalayo wa markii iigu horeysay aan naf jelaado intii aan soo weynaaday waayo yarantayda ilaa aan kaso qaangaaro waxan kuso koray waalidkayga iyo walalahayga mana aqaanin in ay naftayda u baahantahay ruux idaryeelo laakin markii aan safarkaani soo galay waxa umaleynaysa in uu indhaha ii furmeyn aana dareemo in aan nafleeyahay aan nafkaleto ubaahanahay.

markii aan eedadeeda gurigayda imaaday meshi aan farxad kuso dhaweyn lahay eedadeeda waxan kaso horbaxay anigo yaaban iyo waji ganac waayo markii aan arkay fahad oo guriga albaabkiisa taagan oo by idhahaayo waxay ila noqatay arin aan u adkaysan wayay waayo wa markii iigu horeysay aan wiil jeclaaday oona iiga sii tagaya markii aan guriga hore usii galay aya marqura tel kuso booday waxan garaacay numbarkii fahad wax iiga qabatay islaan habaryartiisa waxay iisheegtay in uu weli guriga uusan soo gaarin waxan usheegay hadi uu imado waxa tiraahda xamdi aya kuso wacday dheh hana iigu so celiyo fadlan iiga gaarsi intaas ..

alxasil fahad waan ishelanay laakin sida aan umaleynaayay ma uusan noqon waayo jaceylkii iyo farxadeeda wuu texgali wayay waxa kaliyah umuuqday jirkayga iyo cadantayda kaliyah mana uusa arka jaceylka daacaaaaaadnimada aan uqabo alow naftii aan naftayda ka jeclaaa sidan may noqotay wiilkii aan dartiisa u rafaadayay aana danta ka lahay sidaan muu noqday jaceylkiisa biniaadamka isku mid maahan mid waxa ilaahay siiyay hami iyo dulqad iyo iman dadkana faraq weyn aya udhaxeeyo anigana nasiibkayga aaya sidaan noqday laakin side naftayda doonayso hadi aan heli lahay wey iidhacan lahayd laakin fahad ya wax usheego in aan jeclahay adunyada asiga uuga jeclahay ya usheega.

kadib maalin ayuu ii imaaday aniga gurigayna wuxuu isheegay in uu rabo in aan raaco si uu gurigiisa isoo baro si uu anigana markayga aan gurigiisa ugu tago lakin aniga maalintas waan ka ogolaaday waayo fahad aya ku qayaanaayo aniga isma dhahaynin laakin markii aan gurigiisa tagnay aya albaabkii uu xirtay dhahda ka xirtay anigana waan cabsoday markii uu damcay in uujirkayga taabto ayan waxan ushegay in aan sidaani labadayna mustaqbal inoogu ahayn fahadow aboowe waxa ogata aniga waxan kuso raacay wa kalsooni aan aniga naftayda ku qabto laakin adiga hadii u fikirkaaga sidaan yahay aniga iyo adiga mabada socon karno wayo aniga waxan ahay gabar adiga mustaqbal kaga sugayso waana ku jeeda in aadan dan iiga lahayn aniga kaliyah aya maanta ku jecel laakin aboowe waxa ogaata in dunida ay tahay hargisa labadiisa galin adiga sugayo ku qadin sabartana kusiin war fiiri hada hadi aan labadayna sidan ku kulano berito xiriirkayna magac noocee uu yeeshana aboowe iisheeg..

aniga maalintas fahad waan la dagalay waana ka celiyay wadadii u ku socday laakin ma aha nin wadaadasi laga celin karo wa nin kaliyah umuuqda aniga jirkayga waxa aan ku suubiyo aya garan wayay dhormar ayuu isku dayay arin noocan ah sidi aan dhanwalba wax uuga sheegi jiray waan ka daalay anigana waxan ku qasabnaay fahad waxa uu rabo in aan u sameeyo madama aan jaceylkayga wadaadaani aan wado ahayn ku heli kara alxaasil fahad waxa uu damacsanay wa aniga jirkayga wana u fasaxa madama jaceyl iiga tanweyn aan xambaarsanay waxana ogata in uu jaceyl kugu kalifaayo waxwalba xita naftaada ku waykarto anigana waxan ku wayay gabarnimadayda.

Dhibka i heysta wuxuu la xiriiraa in wiil aan isku jeclaanay Caasimadda Sanca , intii xiriirkeenu socday, wuxuu ii dabay dabin khayaano ah, taasoo aan ku waayay bikro ahaanshaheygii , kadib-na markuu sidaa ii galay wuu i dayacay , waxaan maleysanayay in arrinta ay halkaa ku ekaaneyso , ee waxa uu iigu hanjabay inuu i dili doono hadii aan arrinta dadkeyga u sheego ama qoyskiisa u bandhigo , anigu waxaan ka baqayaa in qoyskeygu ay ogaadaan waxa dhacay, waayo waxay ii arkaan gabar wanaagsan , iyaguna ma ahan kuwa dhib jecel .

Ninka khayaanada badan ee sidan ii galay wuxuu igu soo jiitay lacag iyo hadiyado uu isiin jiray .

Wiil kale ayaan xiriir la sameystay kaasoo i dhihi jiray “waan ku jeclahay” , jaceylka daran ee uu ii qabay iyo kalsoonida uu ii muujinayay marna ma jecleysan inaan khayaano, wuxuu bilaabay inuu ila gorgortamo oo uu iga dalbanayay inaan la sameeyo xiriir dhameystiran oo guur ah , anna waan ka diiday , qisadii labaad sidaa ayey ku dhamaatay sida midii koowaad ay ku idlaatay oo kale, waxaan dareemayay in nolosheyda ay rajo beeshay oo ay burbursan tahay.

Mushkiladda i heysata ayaa waxay noqotay inaan ku kalsooneen dadka oo idil ,xitaa asxaabteydii gabdhaha kuma kalsooni oo sidii hore oo kale ulama sheekeysto, waxaan aad u dareemaa murug iyo rajo-beel , waxaan jecleystay in dhaqtar cuqdad nafsiga yaqaan inaan aado , laakiin weli uma aanan tagin, Please i saacida , qalbigeyga wuxuu dareemayaa xanuun iyo xumaan wixii dembi ah ee la iigu sameeyay oo aanan raali ka aheyn walalahayga soomaliyayd waxan idin sheegaya anigo ah mrqurbaani ninka sheekadan niiso gaarsiinayay waxa lasocotiin in uu jeceyl jiro jaceylkana yala fududaysani waad ujeediin gabadhaan jaceylka wiilka uqabto dartiis ayay gabarnimadayda kuwaysay sababtana waxay kadhigtay waxay islahayd hadi xooga dantiisa uu gaaro dantaada waad ka hele laakin waxay ilowday in ay ku qaldaneyn waayo biniaadamka dantiia kaliyah ayuu fiirsada qofka dantisa maba u fiiriyo waayo aniga ahan raxmo waxay sameysay way ku saxneyn waayo sikale ay jeceylkayda ku heli lahayd ma aysan jirin laakin fahad aya nin xun noqday ninkii fikrad qaldan ka qabo arintaan
waxa ila soo xiriiri kartaa
abubakar65@hotmail.com ama
{{ 0035699178435 }}

sidaas aya niiga tagaya wa baxda barnaamijka nololcusub.tk waxay idin leeyihin kulanti dambo oo xiiso leh wcw

8 Comments

  1. a/s/c mahda barnamijga waan idin salaamay salaan kadib waxan kaxumahay gabadha walashey dhibga kunacay abaayo waxan kuleyahay samirga kasho ninka aad jeclanesid isga firi dhaqankisa iyo diintiisa wixii kuugu dhacay isga iloow allane talo saaro waxbo kama halabayan insha allah

  2. a/s/c mahda marna mijga waan idin salamay salaan kadib waxan kaxumahay gabadha walashey ah dhibga kudhacay abaayo waxaan kuleyahay samirga kashayo waxaad ogata ninka raga aad jeclane sid inaad siyaabo madan ufirisid xaga dhaqan iyo diinta wixii dhacayne isga iloow allene talo saaro waxbo kama halabayane insha allah

  3. salma runtii fikirkaaga markaa fiiriyay ma iska xumo laakin waliga marki aad ka hadlaysid in aad ku talo siiso mahan in aad niyada ka jabiso ama aad tiraahdo adiga ku qaldan waxa aad sameysay war fiiri qofka waxa uu suubiyay wuuba suubiyay waxa la isweydiina adiga ma isweydiisa waxay tahay micnaheeda sidee xal loo heli kara waaye salma wadna ku mahadsantahay madama ad fikirkaga naso gaarsiisay anagana bahda nololcusub hadan nahay wan ka gudoonay

  4. asc marka hore waxaan salamaya aqyaarta maqaalkan qortey marka xigta waxaan aad uga xumahay waxa walashey ku dhacay talada aad na waydiisayna waan isku dayena ilahay ayaa wax saxi karo bani aadan waxba ma badali karo sidiin roon raba og labo talo ayaan ku sinayaa muhiim ah 1:inaad iska hilmaanto khladkad sameysay
    2:inaad ku kalsoonaato naftaada hadii aad naftaada ku kalsonato ama aad noqoto qof isku kalsooon waxaad hanan kartaa nolosha so socoto iyo mida aad hada ku jirto garabkaaga allaha galo wcs

  5. Asc walaalayaashay rag iyo dumarba waan idin wada salaamay salaan kadib qisadaani waa qiso aad u xanuun badan runtii markaan aqriyey waan ilmeeyey, runtii jaceylka wax waliba ayuu kugu kalifayaa waayo qofka wax jacel waxuu mar waliba ku dadaalayaa ha ahaato awoodiis ama yeysan ahaadid siduu ku qancin lahaa qofkuu jaceylka u qabo, waxaana fahmi karo qofkii jaceyl soo maray am qof wax jacel.. abaayo macaaneey waxaan kula talin lahaa in aad iska ilowdid waa qadar ilahay..Xumaan iyo nabsi ruux xambaarsaday xashaash ku noolaan maayo, xaqdaro nin ku dhaqmaayo xakinkaa arkaayo xaqiiqdii guul ma gaaraayo, xiliga maanta la joogana xaalka aduun yaalo xifaalo malaha, xili leys xisaabinaayo xabaasha aaqiro waaye ee xiskiina ku haaya….. ruux nabsi galo guul ma gaaro.. ee abaayo macaaneey waxaan kaloo kuugu la talin lahaa ka fiirso qofka aad laabtaadi u furfureysid, qof aadan kalsooni buuxdo kuu ahaynin xiiir ha la wadaagin.. qof daneesta ah oo fiirinaayo dantiisa kaliyah xariiri la lama wadaago ee ka fiirso… ilaahay dhamaanteeno ha na xafido…

  6. AF MAAHAN WAA ISKU NIIBAY EE JECEELKA HA NABIN ADIGAA QALDANEE WALLAL

  7. ASC ugu horeentii waa idin salaamay dhamaan asxbta iyo gaar ahaan Xamdi abaayo aad baan ugu xumahay dhibka ku soo gaaray waan dareemi kara mesha ay la dhantahay bes waxaa ku dhihi lahaa kaas saas sameeyay ILAAHAY ayaa u joodo oo asiga ayaa kaaga xaq goonaayo ee adigana in aad ALLIHII ku uuntay aat u booba keentit eena ILAAHAY baryid in niyadaa waxaas ka qafiifiyo eena waa helee INSHA ALLAAH mid daacad ah oo ku dhaqi doono dhamanteena waa kuu soo duceeneena eena niyada waxba ha iska dilin waxaan waa iska imtixaan waa laga bixi dona ee sabar xoog ah lee loo bahan yahay

  8. asc.asxaabta marka u horeeyso wana idin wada salamay salaan kadhib. wlhi qisadaan waa mid cajiib ah qofkii aqriisado jaceyl aan kalsoon laheen dhibkiisu ayuu leeyahay wlhi waayo gabadhan somaliyeed waxaay is laheed wiilkan hadii aad wax walba uu jecel yahay uu sameeyso inuu u noqonaayo mid daacad ah ileeeeeee waa mid ku dheereyo qiyaamada lkn qofkii qof daacad ah qiyaamo asigana maruun baa la qiyaami doono ilee aduunkan waa Nabsi ayaa ka jiro oo maruunbaa ku heli doono. intaa aad ku Nooshahay aduunka.ee walaasheey xamdii aad ayaa uga xumahay dhibkana faraha badan ee kusoo galay lkn hada hadii uu wiilka ku jecel yahay kana heleyso kalsooni buuxdo waayo Naloshuu waxaay ku dhisan tahya waa aas aaska noololsha,iyo qofkaa aad is aamiintaana.aaway intaas xagee laka helaa waaye.


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: