jaceylka wuxu yimaada guurka kadib ama guurka ka hor ?


walalahayga aqristayaasha qiimaha iyo qayaha badan qisadaani runti waxay dhacday goor hore sanad tagay ilaa hada waxan isla lahay waad ilooweysa laakin waxa run ah wixii kugu dhaca in adan ilooweynin siiba arrimaha jaceylka ma ahan mid si fududu lagu iloobi kara ama niyadada ka tirtiri kartid hadi aad isku daydo in aad niyadada ka saarto maskaxdada aya kuso noqnoqonaysa markaana anigo ah qofka sheekadan ay ku dhacdaywaxana lay yiraahda magacayga wa xaawo xaaji waxan jeclaystay in aan walalahayga soomaliyay in ayagana aay iila aqriyan bal arinna meel iila dhigaan sheekadan ha u qadan sheeko lasameeyay wa sheeko dhab ah waana macqul in aad markaasna aad uxiiso badan codsigiina aniga in aan niigu tixgaliyo waan jeclahay anigo ah qorahiina marka walalkiina soomaliyeyd markaana waxan raba sheeko dhab ah oona dhalantayd ahayn in aan niisoo gaarsiiyo waxana la yiraahda {{ jaceylka wuxu yimaada guurka kadib ama guurka ka hor }} ka bogosha wacan sheekan waxana niiso gaarsiinaayo wa abubakar mohamed hasan mr qurbaani ka bogosha wacan aqristow………………

qisadaani waxey ku dhacdey gabar lagu magacaabo xaawo xaaji
waa qiso dhab ah oo ka dhacdey magaalada muqdisho gaar ahaan
degmada dharkenley ee xaafadda madiino
xaawo waxey muqdisho la keeney sanadka markuu ahaa 2003dii
xaawo waxay jirtey markii la keenaayey muqdisho 19sano
waxeyna ku soo degatey xaafada uu adeerkeeda leeyahay.

xaawo ayadoo joogto muddo sanad ah ayaa waxaa lagu darey wiil
ay ilmo adeer yihiin arooskii kadibwiila adeerkeeda uu dhalay aya lagu daray iyado raali ka ahayn xaawo ninkaani wax jaceyl ah uma qabin markii ay guursanaysay ninkaani madama uu adeerkeeda la joogtay asigagana mas,uuliyadeeda qaaday madama uu aabahayda uu goor hore uu dhintay ka balan qaaday in lagu dari doono xaawo marki ay soo weynaato wiilka adeerkeeda dhalay waxana meeshaani loo keenay madama ay weysnaatay inay wiilkale raacdo ama jaceyl wiilkale la sameeyso sidii ayay xaawo wiilka adeerkeda dhalay ku guursatay mudo kadibna ninkeeda wuxuu aaday ama shaqo u aaday sauudiga.

xaawo cid kale ay meesha
kama aysan garaneysey majirin aan ka aheyn eedadeeda iyo gabadheeda
moyaane xaawo muddo bilooyin kadib ninkeeda wuxuu safar u noqdey
dadlka sacuudi ayadoo leh uur oo bilooyin ah kadib markuu baxey
ninkeeda xaawo waxey noqotey xaamilo weyn xaafadana aad ayay uula qabsatay
xaawo waxey xaafada iska barteen gabar ay deris ahaayeen
kuwaasi oo si fiican iskugu fiicnaadeen xaawo waxey ku umashey
wiil xaawo marka ay ka soo baxdey umasha waxey u imaan jirtey
gabdhihii ay la saaxibtey gurigooda hal iyo habeen meesha ayey
joogi jirtey.

galab galbaha kamid ah waxaa gurigii saaxibadeeda imaadey wiil
ay ilmo adeero yihiin xaawo saaxibadeeda oo lagu magacaabo
fanax yare.

fanax wuxuu ahaa wiil wax ka barta school lagu magacaabo
khadiija model school wuxuuna deganaa xaafada aan ka dheereyn
xaafadda xaawo iyo saaxibadeeda
xaawo waxaa meesha lagu barey wiilkii madaama uu kamid yahay
reerka saaxibadeeda meeshii ayaa la isku dhaafsadey kaftan
iyo sheeko fanax waa ka soo tagey xaafadii walaalihiisa
fanax wuxuu ahaa wiil soo jiidasho leh iyo kaftan badan marka
uu sheekeynaayo lagama bogan jirin sheekadiisa.

xaawo markaste waxey timadaa guriga saaxibadeeda ayadoo sidata
wiilkeeda ileen cid kaloo ay meesha ka garaneyso malahan gurigeeda
wey ilaawdey cidlo ayey dareemi jirtay markeedii hore laakin markii ay saaxiibo ka baratay xaafada cidladii ay hore ku jirtay waxa moota in ay xaafada degantahay oo kale xaawo.

xaawo iyo gabadha kamid ah asxaabteeda oo lagu magacaabo fartuun degan
ayagoo isla socda waxaa jidka la isku arkey fanax yare oo asna usocda
dhankaa iyo gurigiisa horey ayaa la isu raacey inkasto ayaga
ay u socdeen adeeg waxaa horey loo marey gurigii fanax
fanax guri filo ah ayuu keligiisa deganaa
markii la galey guriga wuxuu guda galey inuu usameeyo cabitaan
xaawo waxey ku mashquushey fanax habka uu dadka ula sheekeysanaayo
iyo hadaladiisa macaanka badan iyo soo jiidashadiisa
markuu u sameeyey cabitaan ayaa la is horfadhiistey sheeko yer kadib
fartuun ayaa xaawo ku tiri xaawo ina keen fanax hadalkiisa kama
dhergeysidee maalin kale ayaan u imaaneynaa
aan adeega gadanee maalintaas oodhan xawo waxay fiirinaysay wajiga fanax kaliyah xaawo waxa moota in ay hada nolosha ay u bilaabatay markii ay fanax lakulantay weyba ilowday in ay tahay qof marwo ah oo xaas laqabo waayo ninkeeda markii ay lagu daray modooyin kadib wuu saafuray ayago weli si fiican isku baranin wax xiriir ah oo jaceyl ahna mana dhaxmarin xaawo waxa umaleyneysa in ay thay qof isk caadi ah waayo in la qabo iyo in kale shaki ayaba dadka uuga jira waayo lawatan iyo afarta saac waxay dhaxfadhisa guriga saxibtay iyado barnaamijkeeda yahay in ay fanax kaliya raadiso ayna la sheekesato waayo fanax wuxuu ahay nin iska degan oo sheeko badan ninkasta oo fanax lakulma sheekadiisa kama uusan dhargi jirin .

wey sii baxeen asigoo sii dhoweynaayo fanax xaawo ayaa ku tiri maad
noo imaadid aboowe
wuxuu ku yiri cawada ayaan idiin imaanayaa aniga inta badan
waxaan ku mashquulsanahay wax barasho markaan subaxdii aan kasoo baxo
schoolka waxaan aadaa school kale waqtiba ma heeyo
waxaan idiin imaanayaa cawada haduu alle idmo
xaawo waxey la dhacdey fanax.

fartuun iyo xaawo oo wada socda ayaa xaawo waxey tiri
nin iga dheh kan masha allah hadii aan xiligaani la i qabi laheyn
kan igama fakadeen ee fartuuney adiga ayaaba adeerkaa kuu dhaley
maad qabsatid maya saaxibey aniga walaalkeyga miyaan guri u galaa
ma waalantahay anigaba waxan guursaday sow walalkey maahan welina asigo si fiican isku baranin ayuuba iiga tagay walaalkeyga ley guriga ugumajiro
xaawo waxey marwalba isku diyaarisa hal iyo habeen fanax
fanax waa sidii uu horey balanta uga qaadey gabadhaha wuxuu u tagey
habeenkii waxaa la isla fadhiistey guriga xaawo darjiinkeeda
meesha ayaa in muddo ah lagu sheekeystey xaawo ayaa tiri
aboowe adiga gabadha miyaa la socotaa.

fanax wuxuu yiri gabadha maya maya aniga reera gabdho ma ahi
ee aniga ayuuba mashquul igu furanyahay ee mashquul kale
miyaan tabar u heeyaa abaayadiisa.

xaawo waxey ka heshey fanax waxeyna tiri ragga ninkeyga oo kale ley
umaleynaayey hadii aan xiligaan la i qabi laheyn sow doqeyga kama
ciyaareen dadka isfahmo fiicanaa fartuuney abaayo yaan nin qorta
laguu gelin sideyda oo kale hadda
xaawo waxey gashey shalaay
xaawo markaste waxey jeceshahay iney maqasho hadalkiisa waayo
meesha waxaa soogaley dareen waxey u dirtaa taleefoon
waxeyna weydiisaa xaalkiisa waxeyna la qadataa sheeko marwalba waxay jeceshahay in ay fanax kaliya ay aragto hadii ay maalin arkin tel. ayay u diri jirtay si ay xaaladiisa si ay o ogaato niyadaydana waxa galay hami aad uweyn .

xaawo ninkeeda siduu u baxey marna ma soo wicin ayadana ma wicin
asiga wuxuu ka wareystaa adeerkeeda xaalkeeda markaste adeerkeeda
ayuu soo wacaa oona ka wareystaa wuxuuna dhaha adeer iiga waran xaaskayga iyo canugayga xaladiisa waxana jeclahay hadii aan sharci helo ama shaqo fiican waxan jeclahay in aan wax nii qabto laakin hada adeer weli gacantayga wey marantahay waxna mahaayo laakin goor dhow waxan raajicin ku haya shirkad lagu magacaabo jamjuum shirkadaaasi ayan goordhow shaqo ka bilaabi doona haduu ilahey ogolaado iiguna salan xaskayga adeer adiga meesha joogo iina ogow canugayga adeer macan.

ayadana maba la hadashee ileen
ileen waa dad aan is afkaseynin oo dhaxmartey sariirtaas oo kaliyah inkastoo aysan fiicnayn in aad guursatid qofaa kaseesin in aad sariir ku barato waayo is fahamka waa shay qaali ah dumarkana waxa fiican ninkii ay jeclaadan kaliya in ay guursato waayo dumar qofa kaseesin oo shalay sheeko aysan dhexmarin si ay ula nooladan taasi aad ayay udhib badan tahay waxana fiican in laga fiirsado guurka noocaasi oo kale.

muddo kadib xaawo waxey jaceyl u qaadey fanax ayadoon u sheeganin
jaceylkeeda ayadoo ka baqeyso hadey u sheegato jaceylka ay u qabto
inuu sheydaan meesha soo sedaxeeyo oona ilaalineyso iney tahay
qof la qabo ninkii qabay wey ilowday waxayna iska soo qaatay qof cusub oo hada nolosha ay u bilaabatay waayo shalay jaceyl ma aysan arag guur aya gashay wax xiriirkale ma aysan dhaxmarin iyagoo isku cusub ayuu iska baxay kii qabay meel cidlo ayuu uuga tagay waxayna ka heshay wiilkaan fanax aad ayay u jeclaatay waxayna jeceshahay marwalba waxey ku oonbaxdaa oo kaliyah hadalkiisa iyo aragtadiisa
fanaxna ma ahan qof waxaasi dheg u dhigo asiga waa qof iska
furfuran dadkii ay isbartaan iskala kaftamo maba oga
in loo qaadey jaceyl.

xawo aad ayay nolosha hada ula qabsatay waayo shalay nolosha wax kama aysan garanaynin waxayna u haysatay kaliyah in ay tahay nolosha sidaani oo kale wa markii uuga horeesay ay dareynto in ay qof niyadeeda u baahantahay in ay la daryeelo oo qof la haasaawdo hadal macaani qalbigayda maqasho sida ay niyadeyda ku heshay fanax waa wiilka kaliya noloshayda wax ka bedelay markii la dhaho xaga nolosha waayo shalay waxay ahayd qof la qabo oo ninkayda sugayso niyadna aysan uhaynin laakin dumar horaa wa tii loo yiray{{ dumar iyo xashi waxad ku qorto si fudud aya looga dirtiri kara }}
xaawo markii danbe waxey baratey iney u wacdo oo ku tiraahdo
noo imow asna wuu u tagi jirey laakiin maba oga in araktadiisu
daawo tahay maskiin alaw ya runta usheega ninkaani wax ogayn.

xaawo markey aragto fanax aad bey u farxi jirtey waxeyna ku kulmi jireen
guriga saaxibteeda mise darjiinkeeda waayo ayadoo ka cabsaneyso
hadii ay kulmaan iney nafteeda xakameynweyso waayo aad ayay noloshayda cidlo dheer uuga jirtay waxayna ka baqi jirtay hadii ay gurigayda kula kulmaan in ay wax dhaxmaran
xaawo waxey aheyd qof aad u dadaal badan oona inta badan is og
iney tahay qof la qabo laakiin uu soo jiitey wiilkaan
ay ka heshey madaama ay horey u soo marin hasaaw iyo sheeko ragged
ninkaa lagu dareyna ayadoon waxba ogeyn lagu darey
sheeko iyo markaste isla kulan kadib xaawo waxaa dareemey
adeerkeeda waayo hal iyo habeen waxay jogtaa gurigaan saaxibadeeda
waxaa kaloo fahmey dadkii deganaa sonahaas oodhan waayo qof wax rabo waa ladareemi kara sow maahan xaawana wey is celi weysay waayo naftayda oodhan waxa ku saaqay fanax….

waxaa loo sheegey adeerkeeda waxaana lagu yiri.

gabadhaada waxey la xiratey gabdho kale waxeyna la kulantaa
markaste wiil xaafadda degan laakiin sida ay dadka u dhigeen
ma eysan aheyn arinta xaawo ayaa waxaa u yimid adeerkeeda
wuxuuna ku yiri beryahaan hadalkaaga ayaa isoo gaarey
ee wax makuu shegaa waxaad ilowsantahay inaad tahay qof la qabo
adeer waan la socdaa aniga wax masameynin ee gabadho aan deris
nahay ayaan u tagaa oo kaliyah tasna ceeb maahan adeer aniga in lii qabo waan lasocdaa in taasi i ogaysiisid maahan anigana waxan ahay qof marwo ah waan lasocdaa taasi
deriska maxaa ku hoos duugan maya adeer sida aad moodid ma ahan
aniga waan iska adkahay hadii aan iska adkaanlaheyn maalintii
aad igu dareyseen ninkaasi oo asna iga tagaayey ayaan bilaabi
lahaa waxa aad ka baqaneyso aniga ma ahi qof xunwaayo ninkayga markii iiga tagayay aniga raali ayan ka ahay hadana waan sugi kara sow maahan adeer.

xaawo intaasi kadib waxey jaceyl xun u qaadey fanax
haddana ayadoo is dhowreyso
xaawo nafteedii ayaa ka tanbadisey waxey badisey xariirka
ay la yeelaneyso iyo lahadalka fanax taleefoon ha ahaato mise
kulanba
xaawo waxaa laga ogaadey xaafadda oo dhan waana lagu sheekeystaa
koleyba waa dareemi kartaa dad meel iskugu imaadana wax xun sheeg
iyo fasiritaan dadkii oodhan iyo adeerkayd wey ogadeyn xaawana wax ay suubiso ayay weysay madama ninkaani ay naftayda rabto ayna ka baqayso dadweynaha waxa ay dhahayan waayo qof laqabo hadana hadii ay ka hesho naf kale in ay qalad tahay tasi waxa aminsay sow soomali dhaqankayna sow maahan waxayna ilowsan yihin in ay nafta tahay shay qaali ah ayna ubaahantahay iyado la qabo ayna jeclaan karto ruux kale.

xaawo waxaa loo sheegey ninkeeda waxaana lagu yiri
saaxib inta naag kuuma joogto ee sidaas ula soco
asigoo yaaban ayuu la soo hadley xaawo wuxuuna yiri
waa la ii sheegey waxaa tahay oo dhan.

waxey ku tiri hadiiba aad soo qaadaneysid hadal dadka kale
markii hore inteed igu ogeyd oo igaga tagtey aniga sharafteyda
sida loo ilaaliyo waan aqanaa marka aad imaadid ayaad wax ogaaneysaa
hadii aad run sheegeysid imow aniga ma ahi mas meel ku nool aniga waxan ahay xaaskaaga niyadaadana hadii sidas galayso intaani oodhan kuma sugi lahayn waayo aniga sharaftaada sidan u ilaalinaayay aya naftayda xakameyn wayay waxana raba waad ogtahay anigana in aad iiga shakisid maahan waayo waxan nahay labo is qabta hadii kalsooni iigu qabin maxa markii hore iiga tagtay oo iska kay furi weysay waayo hadi kalsoonidaada sidaan ku burburayso.

xaawo iyo fartuun aniga xaafada hadal xun ayaa ii galey ninkeyga
xitaa waa loo sheegey walaalkaana waan jeclahay waxaan ka baqaa
hadii aan u sheegto inaan is celin waayo
fartuun waxey ku tiri walaalkeyga ma u maleynaayo inuu sharaftaada ku dheelo
laakiin adiga maad iska deysid waaba lagu qabaaye hadii lagu furo
ka waran gurigaagana sow kaama dumaayo waayo walalkayga waxad kala kulmaysid maba ogtiday walalay xaawo sharaftaada iyo gurigaaga fiiri ayan ku dhihi kara maadama aan walashaada ahay .

walaahi hadii la ifuri lahaa weyba ii dhici laheyd
dooqeyga ayaan ka ciyaari lahaa nin aan kaseynin ayaan horay ugu jiraa
sidaan maba u maleynin ee maba ogaladeen guurkiisa
waxaa safar soogaley xaawo ninkeeda wuxuuna yimid somalia
laakiin kama heli soo dhoweys iyo farxad
xaawo markuu u imanaayey ninkeeda wey iska seexatey maba usoo kicin
intaasi waxey raadineysey iney ku furto buuq iyo qeylo
asigoo yaaban ayuu guriga soogaley wuxuuna arkey in meesha
laga soo dhaweynin wuxuu iska galey qolkii kale..

dharka ayuu iska bedeley durbadiiba wuxuu abaarey dhankii adeerkeeda
wuxuuna usheegey sida ay wax u dhaceen wuxuuna ku yiri adeer
xaawo aniga waan fahmi waayey ee waxa la shegaayo miyaa wax
kajiro waxaa isa soo raacey xaawo adeerkeeda iyo ninkeeda
waxaa loo yimid xaawo oo cunugeeda iska qabeysaneyso
waxaa hadal weydiiyey adeerkeeda maxaa kugu dhacay xaawo ?
adeer waxba iguma dhicin
waan caafimaad qabaa maxaa dhacay ?
waxa la shegaayo maxey ahaayeen aniga ma ogi wax la sheegey
waxaa hadley xaawo ninkeeda uu durbadii ku calaacaley inuuba aheyn
xaawo ninka qabo.

waxey ku tiri adiga inteed igu ogeyd bal ii sheeg
aniga intaad guri isoo gelisey ayaad iga carartey ilama soo
hadli jirin iima tixgelin jirin naag adiga oo qabtid oo kale
sidaan maba ku moodeynin maba ku aqbaleen
haddana waxaaan kaa codsanayaa inaad ifurtid hadal kale uma baahni
waayo waxan ku sabraayay waa mudo aad ufaro badan adiga waad iska baxday aniga agtaada maxan ka ahay alaabta guriga la dhigto miyaan ku ahay wax badan ayan ku dulqatay wax badana waan ku sabray aniga qalbigayga dhaawaca gaaraayo aniga waa i xanuuna xanuunka dartiisa ayan la ooynaaya walina waxa soo jirtay in aad aniga iiga shakiso qofkaan la hadlo in aan lasoo seexanaayo ayad moodaysa maxa aniga sharmuuto miyaan ahay waxa i tusisa hadii nin rag tahay qofka sida looga sabro naagaha markaasi ayan ku aqoonsanaya aniga waxan kula joogay mudo aad ufara badan xitaa halmaalin raxo xita kama helin markaasi aya ileedahay aniga ku qabo ninka iyo naagtana waxay isku guursadan kalsooni iyo jaceyl aniga jaceyl iyo kalsooni hada iigu dhaqi lahayd aniga waligay qof maba damci laheyn …

ninkii wuxuu la hadley xaawo waalidkeeda oo ku nolaayeyn xaafad kale
wuxuuna u sheegey arinta jirta
waxaa lagu yiri inoo keen anaga ayaa la hadleynee
xaawo ninkeeda markuu xaafadii galey ayaa looga sheekeyey
ninka ay jeceshahay dhalinyaro ayuu ka codsadey in la tusiyo
wiilkaasi oo naagtiisa kala wareegay sida u yaalo si uu ku arko ayuu rabay kaliyah
xaawo ayaa maqashey hadalka ninkeeda waxeyna durbadiiba
taleefon u dirtey fanax waxeyna ku tiri waxaa yimid kii i qabey
adiga ayuu kaa maseersanyahay dadka xaafada ayaa wax aan jirin
u sheegey ee iska jir walaalow yuusan ku gaadin.

labo beri kadib ayaa fanax oo kubad ku ciyaraayo saldhig galbeed
ee xaafadda xoosh iyo xaawo ninkeeda oo asna gaari ka soo degey
fanax oo markaasi ciyaarta ka soo fadhiistey iyo kan oo gaari
kasoo degey
ayaa wiil ay wax isu ahaayeen xaawo ninkeeda u sheegey
inuu yahay fanax ninkaani ninka uu raadinaayo
wuxuu yiri walaal fanax waa kaas oo xaga fadhiyo
fanax ciyaarta ayuu iska daawanaayey dad weynaha
fiirsanayey ciyaarta ayuu hoostooda fadhiyey
waxaa dhanka fanax wajahay xaawo ninkeedii
fanax ayuu uyimid wuxuuna ku yiri walaal ii waran
waan fiicanahay..

waxaan rabaa inaan kula hadlo ee makula hadli karaa
fanax wuxuu ku yiri haa
waa uu shakiyey fanax durbadiiba waxaa ku so dhacay hadalkii
xaawo wuxuu ku yiri isug macawiista ayaan sooqadanayaa
wuxuu u tagey wiil ay saaxibo ahaayeen wuxuu yiri saaxibow
qof beryahaan dhan i raadinaayay ayaa hadda ii yimid ii dhiib
bistoolada.

wuuna ka qaatey asigoo si dadban amaanka u furtey
wuxuuna u tagey ninkii sugaayey
wuxuuna ku yiri haye maxaad iga rabtaa
wax kale kaama rabo dhib ma wato
ee adiga iyo xaawo xaaji
kkkkkkkkkkk wuu ku qosley wuxuu yiri xaawo xaaji waan garanayaa
laakiin waxba nagama dhaxeeyaan waa gabar walashey ah oo walaalaheyga
saaxiboyihiin
haddaba mid la soco inaad guriga adiga dumisey
anigaa seen ku diminaa gurigaaga
adiga ayaa dumiyey
hadalkaas ha ila imaanin imood hadii aad naftaada rabto
hanjabaad kadib ninkii asigoo yaaban ayuu ka tagey meesha
waxaa safar loo galey xaawo waalidkeeda dhankii ay joogeen
markii meesha la tagey ayaa xaawo hooyadeed waxey ku tiri see
wax u jiraan..

gabadheydii waxey ku tiri hooyo aniga waxa la iga shegaayo ma ahi
naag xun ma ahi weligeyna nin kale u ma tagin mana u tagi doono
laakiin ninkaan maalintii la igu darey siduu u baxey hadda ayaan arkoyaa
marka aniga intaasi oo dhan ayuu maqnaa hadii aan rabo mar hore
ayaan macsiyo gali lahaa haddan waxaan rabaa inuu ifuro
intuu danbi igelin lahaa hadal kale ma rabo
wuxuu yiri aniga hadiiba ay ka go,antahay furitaan diyaar ayaan
u ahay inaan furo xaawo meeshii ayaa lagu furey
waxaa u cadaa oo kaliyah in la furo hadal kale wey diidey
xaawo markii la furey waxey la soo hadashey saaxibteeda fartuun
waxeyna usheegtey in la furey waxey tiri
fartuuney abaayo see tahay
waan fiicanahay abaayo adiga see thaya
waan ladanahay
ka waran waalidka wey ladanyihiin dhamaantooda is wareysi kadib
xaawo waxey tiri fanax waxaad ku tiraahdaa
waala i furey waan u soo socdaa u sheeg saaxibey
waayahay waan u sheegayaa
fartuun waajib ayaa saarnaa waxeyna u tagtey fanax
waxey ku tiri fanax haye ii waran waan fiicanahay
waxaa ku soo salaameysey xaawo
teeda kale waad la socotaa ayaan filayaa iney kuu qaadey
jaceyl xaawo
fanax waan dareensanahay laakiin aniga jaceyl inteen ka qabanaa adba
waad ogtahay,

teeda kale waxaan kuu shegayaa in qoftaasi la furey
haddan ay soo laaban rabto dartaadan ay usoo socoto
hadii aad la hadashid waxaad ku tiraahdaa aniga diyaar uma ahi
jaceyl iyo afaaro naag ku dheh
yeysan isa soo lug goynin
fartuun kama qarin hadalkii fanax wey u sheegtey
xaawo asiga ayey si toos ah usoo wacdey waxeyna ku tiri
waxa ay saaxibteyda sheegeyso ma runbaa kadib is wareysigii
wuxuu ku yiri abaayo aniga ma awoodi waayo wax barasho ayaan ku jiraa
hadii waalidka ay maqlaan inaan afaaro naag ku jiro
wax hadda wax ku baranaayo ayaa la iga kansalayaa ee xumaan ha u qaadan
jaceylna kama gaaro iga raali noqo
xaawo telka intey ku damisey ayey ku qeylisey muxuu igu nacayaa
miyaan aheyn qof u qalmo jaceyl kan yaa jeclaan jirey jaceylka miyuusan ogayn qalad miyuu ka fahamsanyahay jaceylka mise kista aan ninkale so maray ayuu idiida
iyo hadalo kale.

xaawo maalmo oo dhan waxey ka go,dey raashiinkii
ayadoo kaliyah ayaa isla hadasho cid kale marabto
ilaa heer ay ka gaarto iney markii danbe ay maskaxdeeda isku daranto
yacnii ay qafiifdo.

quraan ayaa la saarey waa meesheedii
waxaa la geeyey meel baadiyo ah si ay meesha ugu nasato
laakiin nasiib daro wey reysan weysey waxaa loo geeyey odey waxyaabaha
fiiriyo sida ay somalida caadadoodu tahay siiba dhanka baadiyaha
wuxuuna sheegey ineysan laheyn daawo ilaa wiilka ay markaste
afkeeda ku heyso wiilkaasi lasiiyo si ay maskaxdeda dib uso laawato
haddaba xaawo xiligii ugu danbeysey inkastoo ay yara ronaatey laakin
weli sidii la rabey ma eysan noqon hadda waxey ku sugantahay
xaafadii waalidkeedu deganaayeen,

sheekadan wa sheeko xaqiiq ah waxana soo saaray qoraaga weynaa abubakar mohamed hasan mr qurbaani inkasto dadka badan ay aminsanyihin in uu guurka kadib u yimaado jaceylka laakin wa qalad midaasi waayo guurka sidiisaba wuxu ku haboonyahay in labada qof markii hore in ay isfahmaan dabeecadooda shayga kaliyah uu guriga ku dhisanyahay lacag maahan quruxna maahan wa dabeecad iyo kalsoni labada qofood hadi aysan iska helin markii hore hadi ay guriga ku kulmaan in ay is fahmi doonan lagama yaabo hada tusaale ahaan maanta waxan uso qaatay kuwaana qaata walashiina xaawo inkasto kumanaan dad ah ay fikir ahan ay aminsanyihin in uu guurka kadib jaceyl imaanaayo midaasi haku riyooninwaqtigaga qaaliga ah haku luminin intaasi waa iiga waano waana iiga talo wa anigo ah webka qoraagiisa waxana idinka tagaya sidas iyo kulanto dambo ooxiiso leh …………………………………………………………………….

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: