DAMIIR waa qiso dhab ah



waan idin salamay salaan qaali ah ayaa hawada idiin soo marsiinaya waa anigo ah qoraagiina abubakar mohamed hasan {{ mr qurbaani }}waayaha iyo dhacdooyinka qofka soo mara haday yihin naxdin iyo murugo farxad iyo caloolxumo guul iyo guuldaro aya loo kala duwanyahay sida ay xasuustooda inta badan aysan ilaawin oo marwalba maskaxdooda ku hayan ilaa ay ku kalifto in ay uso gudbiyan qorayaasha si ay dhawacooda ugu roonadan marki ay afka soo mariyan indhaha ay ka ilmeynayan intii ay sheekada wadan waxana macquul ah inta badan qorayaasha marwalba waxay ku suganyihin marxalado kala duwan asigo marwalba dadka qaar ay usuurta gashay in ay qisadooda ka dhagaysto kadibna uso bandhigo dadweynaha si ay hadow dambi iyo qalad ay gali raban ugu hortago..

maanta sheekadan an rabo in aan idin soo gaarsiiyo waa sheeko cajiib ah
sheeko sideedaba sheeko ayay ku timaada sheekadani waxa la yiraahda {{ DAMIIR }} waa sheeko xiiso badan ioo aad ka heli doontaan
waxana sheekadan ku jiro murti maawelo fajac mucjiso iwm waxana sheekadan soo saaray anigo ah mr qurbaani ka bogasha wacan..

fahad wa wiil muwadin ah oona dhalinyaro ah wuxuuna ku jira waqtigiisa

fahad wuxuu ku dhashay magalada kismaayo
fahad aabihiis siduu noosheegay wuxuu ku dhintay dagalada sokeeya ee ka dhacay magalada somalia fahad wuxu kuso koray agoon hooyadiisna markii uu aabahiis dhintay naxdinkii aabihiis ay ka naxday ayay ku waalatay xitaa fahad daryeel hooyanimo ma uusan helin waxaa soo koriyay adeerkiisa madama fahad kaligiis uu ahaa adeerkiisa inta badan wuxuu ka dhigtay aabihiis oo kale madama uusan aabihiisa arkin.

fahad wax walal lama ladhalanin markuu weynaaday ayaa waxaa la geeyay tuulada school ku yaalay si uu afsoomaliga u barto iyo waxbarashadiisa uuga fiicnaato adeerkiisa aad ayuu u jeclaa wax walba uu u baahda wuu ka heli jiray madama uu adeerkisa wax ilmo uusan dhalin fahad wuxuu helay daryeel waalid iyo daryeel cafimad intaba waxaa siin jiray adeerkiisa fahad waxaa schoolka ku yeeshey saaxibo fiican oo isku kalsoon dhib iyo dhawac ay isla qaybsadan malin ayaa waxa kuso biirtay schoolka gabar aad u qurux badan joog iyo jamaal intaba ilahay ku hibeeyay fahad markuu arkay gabarta aad ayuu isla markiiba uuga helay wuxuna isku dayay in uu saaxib ka dhigto madama uusan lahayn wax nolosha ku wehliya.

fahad waxaa galey jaceyl intuu is celin wayey ayuu arintii saaxiibkiisa usoo bandhigay wuxuuna usheegay waxa uu arkay iyo sida ay hamigiisa uu galiyay qofkaasi saaxibkiisa wuxuu kula taliyay in uu dantiisa usoo bandhigto qayr iyo qasaaro kala kulmo alxaasil fahad wuxuu isku soo qaban qaabiyay siduu ku baran lahaa alxasil wuu ku guulaystay wuuna bartay gabrta magaceeda waxa layiraahda fartuun wa gabar firfircoon wax garadna leh isbarasho kadib fahad wuxu soo dheereeya wuxuu sameeyay wuxuna ka codsaday in ay fartuun schoolka kadib ay la kulanto si ay arimo badan oo asiga laso gudboonatay ula soo socodsiiyo fartuuna wey ka ogolaatay waxana la gaaray xiligii balanta la lahayd waxayna isku so diyaarisay balantii fahad la lahayd waxayna ku kulmeen jartiin xafada sidasi uuga fogayn faruun marki ay imaaday waxaa meeshaa uuuga soo horeeyay ninkii fahad ahaa
wuxuuna yiri fartuuney waan kusalamay soo dhowow abaayo maba islahayn weyba ku imaanaysa waxa ii cadaysay ina tahay qof qali ah oo laheli karin waxana raba asbaabaha aan manta kugu yeeray wax kale maahan dhibaato sidaas u weyn ma jirto aan ku raaciyo abaayo.

deeq waa mida loo baahanyahay dadalna waxa
waxa laga suga rabigii na abuuray horta hadan
diido in aan dib isku dhigo oo adiga dartaa
kuso dhawada waba su,aale duufaan maaso dagayso oo daarahan
dumeyno wa maya mise nin hora loo dilay aya dib
usoo noolaayo wa maya mise dadweynaha
ha iigu diidmaan hana iigu darnadan
waxan go,aansaday in aan deeq iyo dayr kula
wadaago macaney fartuun maxa ka dhihi lahayd.

walaahi runtii fahad aboowe wxa tahay wiil geesi ah i gaclooday meel cidlo ahna kuma siideyn karo aboowe waxa tahay bil dhalatay maanta laga bilaabo dhinacaaga iiga fiiri aboowe

walaahi fartuuney abaayo isma dhahaynin fartuun aya sidaani kula hadlayso masha alaah runtii waxaa tahay qof naf loo huri karo waxana ka raba in aad balanta aan dhigano aad adkayso hana noqonin dhalinyarada samankaani jiraan abaayo aniga waxan ahay wiil iska masakiin ah niyada hadi aad iiga jibiso ogow gabar kale in aan mar dambe aan aminin taas intee dhicin abaayo ka taxadir aniga waxan ku balanqaadaya intaad adiga ifka ku nooshahay ina gabar kale aan damcin aniga axdigan ka qaado in aan oofiyo ayaa iigu balan ah axdina waan ka qaadaya abaayo.

walaahi runtii sidaan fartuun isku baranay waxaa umaleneysa in aan nolosha wax badan iska badalay alxasil mudo kadib fartuun abaheed w uxu damcay in uu wiilka adeer u yahay oo dibada ku maqan la siiyo
faruun arintaas aad ayey uuga soo horjeesatay laakin talaa ku cadaatey anigana markii ay iisheegtay aad ayaan u murugooday waxayna ii dhehday aboowe aniga hadii sidan liigu guursado ogow adiga maxaa ku dambeenaayo aboowe adiga fikir waxaa noo roon in aan isa soo mehersano aan qarsano guurkaena sidaasi ayaa noo roon adiga maxa ka fikiraysa isheg.
abaayo aniga hadi an ku dhaho waan isa so mehersanayna been ayaa ku sheegay waayo lacag aan kugu so mehersado gacantayda maku jirto abaayo adeerna ma dhihi karo lacag aan naag kuso mehersado ayan raba qalad ayuu u arkaa waayo abaayo aniga aabo iyo hooyo adeerkayga ayaan ka dhigtay mana kalifikaro wax aan sameeyo maba garanaayo

aboowe hadi sidaas tahay aniga dhibaatada wa dhibaatayda hadi aad wax lacag haysanin aniga ayaa heeyo beritana is diyaari

aniga waan xili danbe habeynkii ayaa waxan utagay saxibkay asigo yaaban oo dhahaayo fahad aboowe maxa kugu dhacay oo xiligan kuso jeediyay marki aan usheegay waxa jiro wuxu igu yiri saxib waba arin fiican hadi iyada waxwalba ogoshahay eena diyaar ku tahay adiga maxa ku diidee hada iska sexo beritana wan is raacayna
waxaan isku diyaarinay balantii aynu dhiganey aniga iyo fartuun
subaxii marku waagi baryay ayaa waxa iskugu imaanay meeshii laga raaci lahaa baabuurta
baabuurki ayan raacnay waxana aadnay goobtii la isku mehrin lahaa galabtii markii aan kaso laabanay ayaa waxaa soo aadnay saaxibkayga gurigiisa ayan imaanay anago daalan ileyn waba safar weyn

galabtii oodhan waxan ku baashaalaynay saxibkayna gurigiisa kadibna waxan geeyay fartuun gurigoodii iyadoo cidna ogayn arimaheena alxaasil arinta waxey sidaasi ahaataba markastana aan si qarsodi ah u kulannaba
fartuun waxay qaadey uur labo bilood iyado cidna ogayn aniga markii ay iisheegtay meeshii aan ku farxi lahaa

waxaan ka murgay adeerkayga waana u sheegi la,ahay mana dhihi karo adeer naag aya iigu mehersan iina doono af aan ku dhaho maba iigu yaalo waayo aabahayga hadi xiligan noolan laha ciil maba arki lahayn naag alah naagtii aan rabaado asiga labaatan jir u ahan lahaa wuuna iidooni laha qeyr iyo qasaaro wuxuu lakulmo wuu iidooni lahaa arinta waxay sidasi noqoto aan sii qariyo fartuuuna waxay noqotay walac calooshiina wey sii weynaatey

alxaasil arinta waa la ogaaday fartuuna waxay noqotay xaskayga wana la i siiyey si sharaf leh ayan ku guri gaystay anigo markaan faraxsan iyadana faraxsan waxan ku noolayn nolol fiican laso koobi karin mudo kadibna fartuun wxay iidhashay wiil wiilkaaso ku samiyay aabahayga mahammed.

noloshii ayaan la qabsaday mudo kadibna waxan shaqo ayaan bilaabey ilee fadhi mayaalee waxaan furtay dukaan weyn oo lagu iibiyo daawada maalin maalmaha kamid ah aya anigo gabar soomali ah daawo ka gadaayo kadibna daawadii sida ay u qaadanayso usheegaayo aya waxa i kortimid fartuun laakin aniga xiligaas waan mashquulsanay shaqo ayaan ku jiray markii aan arkay fartuun waan salamay gabartiina wey iiga tagtay laakin fartuun wajigayda waxan ka dareemay xanaaq aan caadi ahayn waxayan idhehday gabarta maxa usheegaysay waba iyada hoos kaga jirtay abaayo fartuun adiga waa lasocota in aan goobtaani goob shaqo tahay cidwalba ay imaanayso ee hadi aad xumaatay iiga raali noqo laakin waxaan ku weydina adiga meesha xiligan maxa kaso doontay iisheeg maya waxkale uma imaanin waan kuso xiisay waana ka ahan wayey sidasi awgayd ayaan ku imaaday marki sidasi idhehday qalbiga dhamaan ayaa iholcay intaan is celinwayay aya dukaanki oodhan soo xiray
waan so raacay waxana soo aadnay gurigeena.

alxaasil fartuun maalintaas wixii ka dambeeyay waxay iiqaatay shaki aan cadi ahayn marwalbana waxey ii timada iyado meeshaani naag joogto aniga maxan sameeyaa ma shaqaysta miise naag aya ilaalin kara waxan noqday dharigii labada dhinac ka gubtay fartuun si walba ayaa wax usheegay weydiiday waxayna hadalkayga kuso af jartay in aan dukaankaani gabagiisa aan xiraayo hadi kale in iyada la furaayo anigana waan ka diiday waayo in aan shaqadeyda dhaafo ma ii suurta galayso waayo wiilkayga waxbarashadiisa aniga ayey isugaysa iyadana aniga ayay wax iiga rabta alxaasil fartuun waxay soo istaagtay in la furo anigan siwalba hadi aan kor iyo hoos wax ugu sheegay wey fahmi weysay waana iska furay canugayda iyada qaadatay anigana wax aan sameeyo ayaan garan wayey shaqadayda ayan siiwatay biilkeedana fadhigeeda ayaan ugu geynaayey waayo waxay iihaysa wiil
alxaasil mudo markii aan ku noolay kaligay noloshii oodhan ayaa nacay waayo cidlada aan dareemay marki aan adeerkayga la noolay maba aan dareemin.

nasiibkayga waxa umaleynaysa in uu aad uxunyahay waayo habeyn habeynada kamid ah anigo guriga iska fadhiyo oo xaaskayga ka fikiraayo ayaan waxan maqlay buuq buuqasi oo ahay in ay gubatay suuqii aan wax ku iibinaayey anigana in aan is celin wayay ayan soo cararay marki aan suuqii imaaday awood ana ku galo waan wayay dukaankaygii sidaas ayuu ku gubtay subixii markii u wagi baryay ayan imaday asigo meel ka fiyow lahayn aad ayaan u calol xumaday waayo naag mahaysto dukaankiina wuu iiga gubtay dukaan mahaysto naagna mahaysto

alxaasil waxan soo xasuustay xooga lacag oo shalay aan dollar ka dhigay in ay guriga ii taalo aad ayan u farxay ader ayan utagay waxana ka codsaday in aan baxo aan tahriib aan aado waayo madam uu wadankii sii xumaanaayo amankiisana kasi daraayo noloshiisana heer uusan lahayn ader aad ayuu iigu duceyay waxan utagay fartuun si aan tahriibkayga ugu sheego waxayna iigu jawaabtay hadi aad baxdo iyo hadi kale aniga wax ii yaalo malahan ogow marki ay sidaasi u hadashay wan ka tagay.

tahriibkayga ayan kaso bilaabay waxana soo dheereeya wxan imaaday adis ababa marki aan imaaday intaan adeerkayga wicin aya xaaskaygi fartuun wacay waxan usheegay in aan adis ababa jooho waxayna idhehday weli adis lee ma joogta suudan maba garin iyo hadalo oo loo joogin ayay gashay anigana lacag aya iigu socotay waan ku damiyay hadana mudo kadib marki aan suudan soo garay ayan wacay hadana waxay iigu jawabtay weli liibiya magarin miya hadana sidoo kale wan ku damiyay

alxaasil runtii markaan liibiya imaaday ma wicin waayo hadan waco in aan hadal fiican ka helaynin ayan ogahay waana iska dhafay liibiya aya doon kaso raacay waxana badii kuso jiray mudo 3 maalin waxan imaaday italia markii aan italia imaaday ayan wacay ad ayey ugu faraxday waxayna dhehday waxan raba in aan so baxo anigana waxan dhehay abaayo dhibaatado ayaa meeshani talo adiga lama socotid ayan dhehay wey diiday wana celin wayay anigan italia ayan shaqo ka helay waxan noqday nin isku kalsoon fartuuna mudo laga joog 1 sano aya waxan ogaadey in ay italia imaatay

si kadis ah ayan ku kulanay waaba amin wayay meeshii ayan kuso dhaweyay waxana keeyay guri an aniga deganaa oo ii ijaaranaa.

alxasil meeshii ayan ku sheekaysanay waxan usheegay madama oo weli aysan guursanin aniga aan guursanin in aan isku laabano si ay wiilkayna mustaqbalkiisa ku dhismo waana isku laabanay waana ku faraxsanay waxana la nolaa mudo aad uweyn aya italia joognay nasiib wanag hadana waxay ii qaatay uur kale marki ay uur ii qaatay aad ayan u faraxay iyadana wey faraxday waxay dhehday waxan raba in aan italia ka tago waayo waxay dhehday meeshaani mustaqbal fiican malahan waxan raba in an swedan tago marki an sharci ka helo aniga aya dowlada usgegayo in uu ninkayga italia joogo aniga aya ku wadanaayo ayay idhehday laakin aniga warkaasi dheg uma dhigin alxaasil waan diray waxay tagtay swedan mudo kadib waxay iidhashay gabar markii ay isheegtay waan ku farxay aad iyo aad hadana waxay bilowday in ay i xujeso fartuun waxay idhehday waxan raba in aad biil meel iisaarto waayo naagtaada ayaan ahay xaq ayaan ku leeyahay bil walbana lacag ayaan ka raba hadi aan ka waayo iska kee fur ayey af ka dhigatay aniga waan layaabay waxan mucjiso iila noqotay fartuun aan aqaanay maxa ku gaystay in aad ku laabato aya iiga imaatay..

waxan dhehay abaaayo imaqal furiin waan ka hishiinayna laakin waxan raba in aad iiso dirtid sawirka gabadhayga kadib waxan rabto waan ku sameyna laakin fartuun wey iiga diiday waxayn idhehday hadi aad sawirka gabadhaada ad rabto marka hore ifur afkaaga aan ka maqlo aniga waan layaabay naagahaani waxan cabsi weyn ka qabay fartuun waayo hadi aan furo xita in aan sawir iiso direynin ayaan ogahay mana la amin karo mudo yar ayan ka aamusnaay ilaa gabadhayda ka garto 8 bilood hadana fartuun ayan lahadlay ilaa hada waxay taagnayd meeshii shalay tagnayd aniga fartuun waan jeclahay mana furi karo waayo xaaskayga aan jeclahay bilaash inaa ku furo marabo gabadhaydana waan raba xita sawir kama haayo fartuun xaasidsana maxa ka sameeyay oo sidaani iigu galaysa gabar iyo aabaheeda aya kala qarisay anigana iyada waan raba gabadhayga waan raba meeshaani kama tagi karo waayo shaqo fiican aya haysta oo lacag fiican ka helaayo
gabadhaydana weli ma arkin wax aan sameeyo ayan garan wayay damiirkayga iima siinaayo in aan ka maarmo xaaskayga iyo gabadhayda

qurbaaniyow saaxibow sheekadayda wa sidan walalahayga soomaliyad waxan idin sheegaya waxan sameeyey maqalad miya mise waa sax aniga iyo fartuun ya qaldan intaasi ayan kuso gabagabeenaya qisadii maanta an ka hadlaynay oo ahay {{ DAMIIR }} INTII AAN DIB UUGU KULMI DOONO WAXAN IDINKA TAGAYA WA IDINKA IYO MR QALBI JACEYL..
mahadsanididiin
wixii faafaahin ah kala xariiri
qalbijaceyl11@hotmail.com

4 Comments

  1. waa sheeko xiiso badan sxb mahasanid

  2. waaw qisadaa caadi ma ahaan lkn wiilka asiga xaaskiisa waaab jaceylahay shaqada wadnkeega ee joogto ayaaaa ka shaqeysaan karaaaa asiga qalaad gabarta maba qaldaaan heeeee kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  3. waan salaamayaa walkeeyga waan ka xumaahy waxa ku dhacay
    qisadatan caadi maaha waan ka helay

  4. WOW SHEEKO MACAAN AYAAY AHAYD AADNA UU MURUGO BADNAYD SAXIIB WAANKA XUMAHAY WAXAA KUGU DHACAY LAKIIN MARKII HORE AYAADA KHALDANAYD MARKAN HADA AY SWEDEN JOOGTO HADII ANAY WAX SHAQO AH KA HAYN AMA DOWLADU CAYD SIIIN OO ADIGU SHAQAYSATO DEE XAQBAY KUGU LEEDAHAY SXB INAAD BIISHO LAKIIN HADII AY WAXYABAA AAN SOO SHEEGAY HAYSATO AY DOONAYSO LACAG KA FATOOSHIIDA AYAADA GARDARAN TAASI MICNAHEEDUNA WAAY KU NACDAY WEEYAN SIDAY ILA TAHAY ANIGA MARKAA WALAAL HADII AAD NAAGTA JECSHAHAY ISKA SASABO HADII KALENA HAADA WAA SALAAM GABADHANA SAWIRKEEDA ARAG AMA HA ARKIIN SAWIRKEEDA WAXBA KUMA FAA IIDAYNAAYO WAA WAXAA WAX UU FAA IIDAYNAAYA WAA WAXAAD UU TARTO IYO INAAD KOLBA UU TAGTO OO ABENIMO DAREEN SIISO


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: