ARAGTIDA GUURKA


Guurku waa wadada keliyah ee ay ku suurgaleyso nolol wanaagsan oo dhexmarta laba qof,sababna u noqota taranka Bani’aadamka ilaa iyo wagtigii uu Rabbi abuurey ifkan uu dulsaaran yahay aadanaha.

Nolosha qofkana ma dhameystirmayso ilaa ay ka hesho naf kale oo kabta kana xaqabtirta baahideeda,hooyada iyo aabahana waa labada tiir ee qoyska la’aantoodna guri ma bilmo.

Hadaba maadaama uu guurku yahay wax iska dabiici ah laguna abuurey bani’aadamka oo dhan qofkasta noocuu doona ha ahaadee waa ay ku beeran tahay fikrada guurka xitaa intuu yaryahay ilaa iyo waqtiga uu waxkala garto Rag iyo Dumarba qofkuu doona ha ahaadee.

Laakiin qofka markuu gaaro da’da qaangaarka ah ayey fikradaas ku ballaarataa isu bedeshaana mid xaqiiq ah,wuxuuna ku fikiraa siduu uga talaabi lahaa markaasi ka dibne wuxuu sahan dheeer oo uu ku xulanaayo qofkii isaga la wadaagi lahaa Mustaqbal dheer,sidaa darted mushkiladda ugu weyn ee soo food saareysa qofka dhalinyarada ahi Rag iyo Dumarba waa doorashadii qofkii u qalmi lahaa lana wadaagi lahaa mustaqbal dheer, geedi dheer ayuuna u gala ka hor intuuna tegin tusmadiisa.

Marka uu helo qofkii uu u ku fikiraayey go’aanka ugu horeeya ee uu ku qaadanaayo waxaa waaye siduu qofkani ugu bandhigi lahaa ulajeedadiisa,waxaa markaasi bilowda wadahadalo dhexmara labadii qof ka dib is fahan ka yimaada labada dhinac,waan marxalada ugu dhibka badan .

Haddii ay is waafaqaan labadii qof,waxaa ku xigga marxalad kale taas oo ah marxaladii jaceyl is weydaarsiga oo ah marxalad Qatar ah,laakiin Su’aasha meeesha taala waxay tahay waa maxay jaceylka?Jaceylku waa xaalad nafsi ah kana soo fusha qalbiga jeclaadaha kadib markuu ka heley qofkuu jeclaadey sifaad uu doondoonaayey {Raadinaayey},ha ahaadeen sifaadkaas kuwa muuqda oo banaanka yaalla sida quruxda oo kale ama dhererka ama sifaadka qarsoon sida dabeecadda qofka oo wanaagsan qofka oo ah qofkarti leh.

Jaceylkuna ma ahan qurux uu leeyahay qofka la jeclaanaayo oo keliyah ee waa tilmaamo kooban hanaan raali geliya nafta jeclaadaha oo uu ka heley nafta uu jeclaanayo,inkasta oo ay quruxdu tahay asaasiga koowaad ee dhammaan tilmaamaha intooda kale.

Jaceylkuna waxaa uu u qaybsamaa marka laga eego xaga marxalada ama waqtiga uu qofka lasoo darso labo qeybood

(1) Jecayl kusoo bood ah

(2) Jaceyl soo daada, kan hore oo ah kusooboodka wuxuu ka dhalan karaa aragti oo keliyah oo uu indhaha ku dhufto qof leh tilmaamo cajabgeliyey isaga aragtidiisa Rag iyo Dumarba,waana kan ugu daran laakiin badanaaba ma daaho haddii aan laga helin dhinaca kale soo dhawaansho ama gacmo furan kusoo dhawoow iyo wax la mid ah.

Kan labaad oo ah jaceylka soo dada wuxuu ka dhashaa sheeko dhexmarta labada qof wuuna sii xidideystaa goor alle iyo goortii ay si fiican isu af gartaanba, jaceylkani waa kan aasaaska u ah guur dhab ah oo dhex amra labadii qof waa haduu dhab ahaayee,Jecaylkaa la’aantiina hawlaha guurka iskuguma kaa daba dhacayaan,arintaan aan kasoo sheekeeyey oo ah qeybinta jaceylka ma aha waxaan iska dhahaayo oo keliyah laakiin waa arin baaritaan dhab ah lagu ogaadey,baaritaankaa oo lagu sameeyey dhalinyaro badan oo iskugu jira Rag iyo Dumarba waxaa kaloo lagu ogaadey markii dib loo raacey gabayaddii Jaceylka ha ahaadaanee kuwii carabta ee waqtigii jaahiliga iyo kuwa soomaaliyeed .

Jaceylka markale wuxuu u qeybsamaa marka laga fiiriyo xaga xaalada dhaqaale ee jeclaadaha labo qeybood oo kala ah

1: Jaceyl gishiin ah

2: Jaceyl aroora ama dhundaba.sideedaba dadka ayaan waxay u qeybsamaan marka laga eego dhaqaalahooda ama kartida ay u leeyihiin guurka kuwo xaaladooda dhaqaale ay sareyso,kuwani jaceylkooda waa mid gishiin ah badanaana ma aha mid sugan si deg deg ahna ayuu u gaagaxaa,maxaa yeeley qofka dhaqaalaha sarre leh haddii uu yahay mid akhlaaq xun leh labada jid ee wanaaga ama xumaanta hadba kii uu wax ku waayo ma ahee kale ayuu ku helayaa qofkii uu jeclaadey qasadkiisuna wuu gaaraa badanaaba markuu doono iyo sidii u doonaba wuu ka xiisa dhacaa durbadiiba qofkii uu jeclaa,sababta oo ah jaceylkuba kuma tilaalmin laabtiisa in muda ahna kuma nagaanin qalbigiisa taas ayaana sabab u ah inuu jecaylkiisa noqdo mid daad raaac ah,xitaa qofka dhaqaalaha sarre leh haddii uu yahay diin ama akhlaaq leh isagana wuxuu ku helayaa jaceylkiisa sida ugu deg dega badan oo sharci ah wuxuuna la mid yahay qof suuqa wax kasoo iibsanaayo lacagtiina wata, nafta bani’aadamkana waxay hadba xiiseysaa sheyga aynaan awoodin waana ayna ka xiisa dhacdaa waxa si fudud ay ku heli karto.

Sheekadan Aragtida guurka waxaa qorey

Mr Mohamud Mohamed Ibrahim {MMI}

Kusoo dir emailkaan wixii talo iyo tusaale ah waan tix gelin doonaa talada iyo tusaaloyinka dadka ku xiran website kan

http://www.nololcusub.tk
Waad mahadsan tihiin dhammaantiina sidaad u dhan tihiin.

Maxamedyare68@hotmail.com

Haddii aad ku aragtaan meelo xaraf ama wax ka qaldan yihiin ka raali noqda ileyn bani’aadam unban ahay qalad iyo hilmaan intuba waa ay dhici karaan

1 Comment

  1. wooow very good Thnkz bro i like this


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: