{{{{ WAX LA, AANTA. HA IGU NICIN }}}}}


inkastoo la garo xiligii aan ka hadli lahayn {{ maalinta jaceylka ee aduunka }} aya waxan ka hormarinayna sheekadan wa sheeko xiiso badan runtii waxa arkaysa wax la,aanta inee dhib badanthay qofka bini,aadamka ah noloshiisa ad ayay uugu adkaanaysa marku wax haysan hada ka hor aya anigo shaqaynaya oo ila shaqaynayo wiil aan saxibo markaas ahayn oo ila kaftamay wuxuu idhahay eray marku idhahay kadib aan gadaal kaso xasuustay marku idhahayay waxa mooda in an xooga yara maqna marku ogaday in aan maqanahay ayuu dareemay wuxu idhahay war saaxib idinka reer xamarkiina markii ay nagihiina isku dhagdaan aya maskaxdiina isku darsanta lakiiin anaga marki aan wax la,aan nagu dhacdo aya maskaxdayna isku darsanta wa runtii wuuna ku saxsanay markana kuso dhawada sheekadi magacayda

{{{{ WAX LA, AANTA. HA IGU NICIN }}}}}
Sheeko Jacayl ah sheekadan waxa idin so garsiinayo wa qoraagiina weyna abubakr mohammed hassan {{ mr qurbaani }} ka bogasha wacan…

Nolasha runtii waxuu Alle ku saleeyey mid hoose iyo mid sareeysa waxad arkaysaa qof nolasha meel sare ka taagan micnaha wax uu ubahanyahay aysan jirin Rabi moyee, iyo qof nolol adag ku jira markaad fiiriso nolasha qaabkeeda waa rawaayad oo waxa ay keentaa maahmaah ahayd garta laba nin kama wada qosliso nina shaatiga uma galayo nina shaatiga uusan haysanin nolosha marki aysan wax haysan aya nolosha macantayda dareemi karta waayo wax la,aanta waxa keenay waqtiga marki adan wax haysanin nolosha sida ad laqabsato wey kugu adkaanaysa waayo marki ladhaho xaga waxbarshada xaga jaceylka dhinac walba adiga waxa ka tahay daciif waayo gacantada marki ay wax ku jiran niyadada waxbadan ayay ku dooraysa qasatan kibirka isla weynida qaabxumida aad ku noolanayso wayo masaakinta aad aya u nacaysa hada ka hor aya gabarta madaxweynaha bin clinton waxay aragtay iyado diyarad saran oo marayso dhinaca masar malintas masar waxa ka socday mudaharad looga hadlayay in ay rootiga lagu qaaliyay malintas laamiyada dhaman waxa so buuxdhaafiyay dadweynihii ayago watay boorar ay ku qornayayn in ay rootiga loo raqiiisiyo markaas ayay aabahayd weydiisay waxa dadkaan la qaylinayan markasu ugu jawabay rootigii aya lagu qaaliyay sidas ayay wadada u fadhiyan kula aabe hadi ay rooti waayeyn may iska dhaafan oo keek cunaan fiiri fikradeeda qadlan nin rooti wayay macuni kara keek dunida wa sidas…

Waxan ku noolahay wadanka Kenya qaasatan magalada Nairobi , waxan la noolahay abti*** waxan ahay nin dhalinyaro ah oo danyar ah ooba waxhaysanin aniga ma ihi sida saxibaday oo kale ma aan ihi, saxibaday waxa ay inta badan adaan meelaha lugu baashaalo oo dhalinyaradu iskugu timaado waxa ay u baahantahay dhaqaale lakinse aniga waxan ahay danyar aysan wax haysanin abtigay ma awoodo in uu isiiyo dhaqaale aan kuso caweeyo waayo tii aan nolosha ayaba dhib nagu ah ma wax kale aya uuga dari kara wa maya.

Modo dheer waxa isku guri daganeen Fartuun daahir fartuun waxa ay ahayd gabar qurux badan waxa ay saxib la ahayd dhalinyaro badan oo rag iyo dumar iskugu jira markii aan guriga galayo waan salama markii aan ka soo baxana waan salama laakin sababta aan usalaamayo daacad ma aysan iiga ahayn waayo waxan ula jeeda in aan cashaq u haleelay mana awoodo in aan ku dhaho walaley wan ku jeclahay afkiiba aya so qaban karin wax la,aanta ad ayay udhibbadantahy runtii fartuun markii aad si fiican u fiiriso ma ahayn gabar laga hari karo waayo noloshayda wa marki uuga horeesay aan dareemo in aan ruux u baahanahay intii aan so qaangaray ama aan dareemo jaceyka waxa uu hayay ala yabaab badana ruuxa jeceshahay usan ku ogayn cashaqa hadu ogaysiis lahayn lahay ninka uuga horeeya oo goobtaasi la xiriiri lahay ayan noqon lahay waraaqna uma qori karo dadna uma adeegsan karo caashaqna wuu ihaya tolow se kayela mana kasabri kara noloshayda aya ubaahan nolosha dhib badana ruuxii ay u baahato kaliya ruuxaas aya u cad lakinse waxan u sheegan caashaqa aan u qabo waayo fartuun waxa ay shukaansata dhalinyaro ladan.?

Waqti barqadii ah Abti***na uu aday magalada xaafaduna ahayd cidlo ayaan waxan helay jaanis aan ugu sheegan karo dhamaan caashaqa aan u qabo fartuun waxa ay fadhidaa jikada waxa ay diyaarinaysaa qadadii waxan ku iri hadii aan agteeda usoo dhawaaday fartuun maantay aad iyo aad ayaad u qurux badantahay, fartuun hadii ay qososhay ayeey igu tiri waad mahad santahay anigo ka faa’idaysanaya jaanis ka aan haysto ayaan waxaan ku iri fartuunay aduunyada waxaa ugu daran qof ku jecel aan ku sheegan Karin run ahaantii aniga waan ku jeclahay balse waan ku soo bandhigan wayey fartuun intay ifiirisay ayeey igu tiri isma jeclaan karno waayo waan ka warqaba wiil wax haysta ma tihid anigana qof wax haysta ayaan rabaa marka daris ayaan nahnay yaa lays ku soo xad gudbin fahad intaan naxay aya waxa iiga yimaaday dhidid aad u waaweyn o isla markas dharkii aan watay oo qooyay alla ruux aad wax kafilaynin hadu wax kaga yimado dhibaato badana waxan suubiyo ayan garan wayay waagi aya ii baryay indhihii aya i weynaadeyn waji oodhan waxa iiga yimid shuxuur aan cadi ahayn cabsi weyn aya dareemay qalbiga oodhan aya iqaractamay meesha la iiga jiro ayan garan wayay.

Haa waa sidaad u sheegtay waxaan ahay wiil aan wax haysan balse qalbigiisu yahay nadiifyahay adiga maanta waxa ku cad aduunyo oo kaliyah uma jeedid jaceylka aan ku qabo iyo dhibaatada aan darta umaraayo run ahaantii maantay waan helay jawaabtada waxana ogata in ay dunida ay tahay labada galin kii sugaayo qadin kii sabrana wuu helaya anigana kama xumi fikirkaaga runtii aad ayan ugu xumahay anigana waan qaatay jawaabtada waxaa igu darnaan lahayd anigoo aan ku sheegan walbahaarkana igu batay balse wixii qalbigayga ku haystay waan ku sheegtay wax la,aan laykuma naco xoolahana rabi ayaa haya kan wax haysta iyo kan an wax haysan labadaba rabi ayaa ku khaddar leh waqtiga maanta ihaayo ayaad igu nacday balse waqti kale ayaan is wareesanayna wixi ka danbeyey maalintaas waxaan go,aan ku garay sadex arin in aan guriga ka guuro, in aan shaqo raadsado iyo in aan wax barto.

Intaan guurin waxaan raadsaday shaqo balse waan wayey meelaha shaqada leh waa Town ka waxa layga rabaa sharci iyo Shahadooyin wax barasho balse xaafada islii iyadana waa ay iska shaqo yartahay, makhaxida Al-fows waxa ka shaqeeya sxb kay waxa uu iga soo qaal qaalshay shaqo markii aan ka helay makhaxidaas shaqada waxan imid guriga Abti*** waxan ku iri waan guurayaa waxan dagaya meel gooni ah, run ahaantii abti*** wuu ka xumaaday wuxuna igu soo cel celshay maxa lugu dhimay iisheeg asbabaha kugu kalifay in aad abtigad ka guurtid mi iisheegi karta.

igu tirsanaysa ma dhibbaad iga tirsanaysaa maad ii sheegatid, Abti waxan ku iri abti aniga ayaa jeclaaday in aan iska guuro oo meel iska soo saro abti intuu isoo dhawaaday ayuu igu yiri ok go aan kaaga ma diidayo yaad la dagaysa yaa ku biilaya, waxan ku iri rabi ayaa ibiilaya rabina waxan ka baryayaa in uu ixafido nolasha aan hada galayana igaga dhigo jaran jaro aan oga tilaabsanayo dabaqada nolasha ugu wacan runtii abti inta aan kula joogay wax dhibaato ah kama sheegto lakin abti waxan ubaahanahay in aan meeli iska so saaro adigana waxa tahay qofka kaliyah kenya iijooogo hadi ay cilad jiran waan kula so gudbin doona laakin insha alah ilaah waxan ka baryaya in uu iisahlo nolosha aan kaligay bilaabayo malintaas abti asigo ooynaayo ayan kaso tagay wuuna iiso duceyay wuxuuna idhehay hadi aad wax dhibaato ah kala so kulanto magalada aniga abtiga ah oo ku joogo niyadada qayr usheeg meelwalba aad tagto wax dhibaato ah kuma arkaysid ayuu abtigayga idhehay anigana waan kaso tagay asbaabta iigu kaliftay in aan abti kaso tagay waxay ahayd gabarta aan jeclaay oo idiiday wax la,aan iigu nacday aya iigu kaliftay in aan abti noloshiisa kaso fogaado.

Anigoo boorsada lasoo baxay Abtina ifiirinayo iguna hayo meel qayr qabta ayaan kugu ogahay iimana sheegaysid waxaa lugu geestay ayeey maqashay Furtuun intay iga soo daba baxday ayeey igu tiri maxa kugu dhacay oo aad la guuraysaa, intaan boorsada dhigtay aayan ku iri fartuuney ma ogtahay aduunyada in ay tahay cadan iyo madow inta aan nooshahay dunida waxa lakulamaysa farxad,caloolxumo,baahi,wax la,aan dhibaato,niyad jab,laakin maalintaa adiga iigu tiri waxa tahay waan ogahay in aad waxba haysan runtii sida aad wajiga runta iiga sartay aya malintas wixii kadambeeyay waxan go,aan ku garay in aan noqdo nin isku filan aan shaqaysto aan heer ka gaaro dunidan waayo aniga yarantayda aabo iyo hooyo jaceylkooda maso arkin malintan jaceylkaaga ubaahday waxan noqday nin faqiir ah oo adiga noloshaada u qalmin aniga waligay niyada ismana dhihin in ay wax iiga dhimnayeyn laakin maalintaad i dareynsiisay in aan ahay nin shaqinka laga so qadan karin aya waxa i dareensiisay in aan ahay aqoon waayo abti intaan lanoolay ma aanan dareemin hooyo iyo aabo asiga waxwalba ii ahay wuxuu hayo wuu isiin jiray wuxuuna haynin anigaba kuma kalifin jirin fartuuney abaayo aniga waan kujeclaay jaceylkana kuma xirna waxhaysasho laakin adiga bilaabay maanta waan sii baxaya noloshaada dhaman aya ka fogaanaya hadi aan noolnahay waan is arki doona hadi aan dhinto cafis iyo saamax aya iiga thay laakin waxa ogata in aan waligay ku jeclaan dono inta aan noolahay fartuun malintaas waxay isku dayday in ay i celiso laakin aniga waan kadiiday iyadoo ii qaylinayso iina dhahayso adiga wad walantahay magalada kenya laguma noolankaro nimaan waxba haysanin ee abtiga ha iska cidlaynin anigana hadalkayda dheg uma dhigin waan kaso tagay.

wxan u imaaday saxibkayga qaaliga ahay jamaal waxan isla bilaabnay maqaayadi aya shaqo ka bilaabay waxan noqday nin isku filan oo nolosha heer ka gaarayo waayo intaad waalid iyo walalahaga ku dheh jirto waliga heer ma garayso laakin markad kaso dhexbaxdo aya waxa ku bilabanayso nolosha runta waxay thay indhaha aya ku furmayan anigana waxan noqday nin isku filan guri ayan ijaartay magalada ayan dhinac ka dagay abtina waan u tagi jiray anigo libisan oo barfuunka iiga haadayo waxana u danlahay fartuun in aan tusiyo lacagta waxay tahay waayo shalay waxay iigu diiday wax la,aanta kaliyah laakin maanta markan isku filan garay waxa laga yaba ileyn wa bini,adam in ay in ay iiso rajuucdo waayo bini,aadam sidiisaba aya sidas ah.

kadib shaqadii ayan sii watay maalin maalmaha kamid ah anigo shaqadii ku jiro aya tel liiso diray waxana lii shegay in uu abti isbitaal yaalo wadnaha laga qabtay intaan is celin wayay ayan soo orday wxan soo aaday isbitaalkii liisheegay oo abti ku jiray markaan tagay aad ayan u calool xumaaday wayo hal qof e dunid ka fiirsanaayo ayuu ahay waayo wadankaani abti maahinee qofkale ma ii joogin abti ayan so booqday wuuna nabad qaba laakin maalintas waxa lajoogtay fartuun aya u sabab ahayn in uu abti isbitaalka lakeeno iyada gurmad maalintas u ahayd hadi iyada malintas ahan lahayn abti noloshiisa qatar ayay gali lahayd anigana waxan ku qasbanaday in an fartuun u mahadceliyo fartun ayan u tagay waxan ku iri abaayo waad ku mahadsanthay madama aad abti gurmad u noqoto hadi adiga ahan laheyn abti noloshiiisa waxa laga yaabi lahay in ay qatar gasho fartuun waxay itiri aboowe waxasi wa bini,aadamnimo waayo abtiga abtigayga oo kale waye madama aan halguri ku noolnahay wa inaa ugargara adigana aboowe abtiga wuu ku baahanyhy garabkiisa aya tahay maanta aniga joogay mahane abtiga waxa laga yaabi lahay cid ay ogaato aysan jirin adigana waxan kiu dhhihi lahay in aad guriga kuso laabato aya ku fiican.

haaaaa waa runta abaayo laakin sababta an guriga uuga so noqon karin waxay tahay hada aya indhaha ii furmay mana raba in aan markale indhaha iiga xirmaan waayo saxibkay shalay markaan u imaaday oo an kudhehay shaqo ayan u baahanahay wuu isiiyay maantaa maxa ku dhahay hadana shaqadada marabo waan ka tagaya af aan ku dhaho ma iigu yaalo e abti aniga oganayo adiga niyadada qayr usheeg anigana in aan gurigaas kuso laabto lagama yaabo wa go,aankayga uugu dambeeyay aan garo.

ha aboowe waan runta laakin saxibka ma waxa ka dooratay abtiga qaaliga ah saxib wa lahelaya lakin ogow abti sifuduud laguma helaayo waxa ogata inuu yhay abti hooyo aan naas lahayn adiga ma waxa ilowday in uu abti ku bahanyahay garabkiisa aya tahay shaqana meelwalba aya laga heli kara ha aboowe maanta abti kaligiis kuma baahna anigana noloshayda wey ku bahanthay waayo shalay si fudud ayan ku dhehay waxa tahay waan ogahay taas waan ku qaldanay iigana raalli noqo maanta ayan ku bahanahy waayo kama maarmo waxatahay wiil cajiib ah waayo shalay arimaha jaceylka waxkama aanan ka ogayn shalay damiir ma aana lahayn laakin maanta ayan damiirkayga kacay waxana ogaday in ay waxwalba uuga horeeyo uu yahay jaceylka ninkii jeceyl haysto ninkaas faqiir mahan ogow aboowe in aan maanta ku baahnahay hadi aad is leedahay shalay ayay ku diiday adigana maanta ka argooso ogow qofka jaceylka haya waxa lagu garta in ay niyadiisa ay saafi tahay waxwalbana wuu ilooba laakin hadi aad maanta adan ahayn ninkii shalay i jeclaay oo ninkale aad noqotay iiga ralli noqo aniga ulajeedadeeda ma ahayn in aan kudhaho wax la,aan aya tahay uljeedadeda waxay ahayd kaliyah in aad noqoto nin isku filan oo dunida iska dhicin kara waayo adiga walia abtiga aya hoos fadhiisan lahayd asiga wax ka sugi lahayd maant wad ujeeda waxa noqotay nin isku filan oona u baahnayn abtigiisa xita aniga ii baahnayn laakin ogow in aan shalay ku jeclay maantana ku jeclahay.

runtii hadalkaga waxan ka fahmay in aad tahay ruux qaali ah si fudud lagu heli karin waayo damiirkayga oodhan aya kicisay waxa isoo xasuusisay jaceylkii shalay aan ku qabay in aanan marnaba iiga dhamanin wa runta abti wuu ii baahanyhay adigana waad i bahantahay anigana noloshayda dhaman aya ku baahan abti kaligiis uma so laaban adigan waan kuso labtay qofkii ku hela qofkaasi aya nasiib leh fiiri shalay nimaan waxba ahayn aya waxweyn maanta ka dhigtay manta gacantayda ayan kushaqaysan kara qaaliyey nasiibka aan maanta leeyahay nin nasiibkaani o kale leh aduunyada wuu ku yaryahay kalay macaney hab isii hamuuntada isaar maalintas wixii kadambeeyay aniga iyo gacalisadeyda fartuun waxan noqonay mataano lagu shegaysto magalada kenya oodhan xafada islii waxa lagui xanta in aan nahay qays iyo layla waayo hormaarka aan manta garay waxa ka dambeeysa fartuun fartuuun hadi ay malintas idiidin lahay ay indhaha ii furi lahayn waligay wax noqon lahay nin abtigiisa hoostiisa joogo kaliyah hada fiiri abti mashaqeeyo aniga biilo fartuuna waan guursaday waxan noqday nin wax qabad leh sxibkayga qaaliga ah oo qoraga weyna abubakar qurbaani sxb sheekadeyda wa intas aniga hormarka aan garay waxan dadweynaha usheegaya in ay fartuun ka dambeysa wxaaadna ogatiin ninwalba oo hormar garay in ay naagi ka dambeyso ogaada walalahayga soomaliyay intaas ayan kuso gabagabenaya sheekagii maanta aan ka hadleenay walalkeena fahad nagu so gaarsiiyay magalada kenya ee xafada islii intaas ayayy ku egtahay waxana qalinka u qaatay wa
QORAAGA WEYNA ABUBAKAR MOHAMMED HASSAN {{ MR QURBAANI }} EIMAIL WUXUU ILA SO XIRIIRI KARA abubakar65@hotmail.com ama qurbaani2012@hotmail.com

3 Comments

  1. asdd

  2. asc ma shallaah waad baan uladcahacay qisadan cajiibka ah ruux kasta ee qimaha jecelka yaqan waxa la donaa ina ku deysado walalken qali ka ah waxana leyahay ku nolow raaaxo iyo farxad noqda ku wii ubada bariyaaal ah kalhel wadna ku mahadsantahay sidaa noku warantaya waxadna ogataan qofki ku dhaha waxa maheysatit inuu wax ka haleen ee ku dhahay waxa yeelo

  3. caadi ma ahan walaahi waan ku heystaa webkaan caadi iga dheh cml


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: