{{ Dareen Jacayl}} qeybtii kowaad


{{ Dareen Jacayl}} Qiso Dhab Ah waxana qalinka uqaatay qoraaga weynaa reer maalta wa mr {{ abubakar mohammed hassan mr qurbaani }} ka bogosha wacan

hordhaca sheekada

Waa kee jacaylka dhabtii, yaa sheegi kara macnaha jacayl,maku halelay caashaqu mase aragtay ciduu wadnaha jaray dulsaartoo intuu halista kadegay ku hab yiri dushiisoo la heedadaabayoo badan Hadaba in badan ma ma qashay qays iyo layla,ceebla iyo cantar,cilmi iyo hodan kuwaa soo dhamaan tood ahaa qarniyo hore tagay tolow miyaan dabadood lays jeclaan ama xiriir jaceyl dabadood la sameyn hadi la sameeyay ya sidooda oo kale u dhintay jaceyl ma lisweydiiyay mana la maqlay cid uu dilay ama dhaawaca ama uu u waashtay jaceyl runtii dhalinta maanta dunida ku nool 100%

jaceyl wey yaqaanan weyna maqlayn laakin lama arag ilaa hada cid uu kaso baxday booskii cilmi boodhari ama qays dhalinta hada joogto waxay ku dheereyan qayanada beynta waxayna matalan romance lakin markii aad si fiican u fiirisid aya dameeri karta in uu ka ahayn daacad uu ka yahay danaysi ma is weydiisay qofta aad qayanayso ama dhaawacayso in aad berito ubaahan karto war umadee in badan aya ka hadalnay nadan nahay bahda nololcusub laakin warkeena cid u waana qaadatay ama ku dhaqantay ma jiraan wa maya lakin abwaanka ama qoraaga marki uu hadalkiisa la qaato ama lagu dhaqamo wuxuu u qaadanaya in uu hadalkiisa dhulka uusan dhicin ????????????

Qisada ee lamagac baxady (dareen jacayl) waxay lamaanaysay laba qof oo aad nolosha ugu kala fogaaday.waxana qalinka u qaatay qoraaga weyna walibana aha mulif weyn wa ninkee ninkaasi wa ninkii kadaba dhacdeyn wa { abubakar mohammed hassan mr qurbaani }}…………

“Mar waxa uu jaceylku ku bilaabmaa aragtida mar qura sidii uu abwaankuba ulahaa (balan maaha jacaylku bandhig laysugu baaqee waa ishaa biligtaada wax bogaaga ku beermaa)

Marna wuxuuba ka dhex dhashaa laba qof oo is ag joogay muddo aad u dheer oo xataa laga yaabo in mid waliba ka kale ogaa arrimihiisa ama ahel ahaa oon loo filayn inuu kadhex dhasho jacaylku Tusaale (hibooy inaabti haduu hilikaygu kuguyaal ama uu habeen qudha kaa galay hunguri haka aamusine nafta baas lahadaloo haasaawi galab qura..

Haddii aad sheekadan akhrisid waxa, boqolkiiba boqol, hubaal ah in aad nooshahay. Haa nooshahay, naftii kugu jirto oo aanad weli dhiman.

Hadaba bal aynu u soo noqono qisadeenii ahayd(dareen jacayl) qisadan sida uu magaceedu muujinayo waa dareen ka dhashay (qof jeclaaday qof qofkuu jeclaadayna lala jeclaaday qofkuu jeclaana uusan raaliba ka ahayn)! waa qof walba sida uu u dareemo jacaylka iyo qofkuu dareemay sida uu ka yeelo waa yaab qisadani waa labo gabdhood oo wada dhashay oo wiil wada jecel isagiina uusan dareeminba amase uusan u jeedin jacaylka labadan gabdhood waa qiso xanbaarsan naxdin,fajac,yaab,amakaag dhib,daal,walwal,boqdin,farxad,waali, walaac intaba.

runta marka aan laga meer meeraysan qisadani waa dareenka jacaylka dhabta ah.waxan yiri way adagtahay sida loo dareemo jacaylka!!!!!

dadka badankiisu u wadahayaa jacayl lakiin inta dareentay baa yar !!!

qofka jacaylka dareemay ee uu hayo waxa lagu gartaa cay waxba kama tarto dilmo wax kama tarto dhib ma dareemo waxad moodaa qof dhago iyo indhaba aan lahayn markaa taa macneheedu maaha qofkii uu indho iyo dhago laayahay ee jacaylkii hayay baa u noqday (maas) ama qolof adag oo uu dusha ka xiro kana celinaysa waxwalba oo uu ka garana haa ama dhaawac u gaysan lahaa maskaxdiisa xataa magaranayo meesha uu naftiisa ku hogaaminaayo iyo xataa in uu is dilayaba ma dareemo!!

hadaba qisadan ( dareen jacayl waa qiso dhab ah ) waxana inooga sheekaynaysa gabar da,yar iyada lafteeduba baal cad ayay kaga jirta sheekadan magac dhayalbaxee (hodan)

hodan waa gabar bilicda iyo quruxda ka muuqata ka sokow u dheeryihiin, bulshonimo iyo bashaashnimo xad dhaafa. Waxaana wajigeeda ka muuqda farxad iyo qosol aan kala go’ lahayn oo aad arki karto inaanay jilayne ay dabeec u leedahay, eebana had cad hibo u siiyey.

Waxaa intaas u dheer iyadoo hodan ay tahay Ciyaaryahan is nacay,muusigii la daarana waxaa gacanta qabsada wiil. Marmarka qaarkoodna kaligeed baa golaha loo goleeyaa oo inta badan ciyaarta carabiga ayay aad u taqaan hodan wali jacayl iyo dabayl diirani ma soo marin waxayna ka doorbidaa wax walba wax barashadeeda marka laga reebo xafladaha ay ka qayb gasho ee somaliga oo aad loola dhaco ciyaarteeda is nacday.

hodan waxaa la dhashay hibo oo ku hogaaminaysa hodan hal sano iyo haaruun oo labada habloodba ka wayn iyo waalidkeed iyo hooyadeed waxa lagu yeeri jiray safiya ninkeedana samatar..

waxaan sugaba markii ay xaadu socodka daysay jidhkuna dhaqaaq daayay indhuhuna wac i yiraahdeen ayay ooda ka rogtay sheekadan:

iyadoo ii balan qaadaysa inay ii dhamaynayso inta ay xataa afka iga sheegi weysay ama ay oohin indheheeda qariso waxay balan iigu qaaday inay qalin iigu qorayso far waawayn.

maadama aan kula taliyay in ay walaalaheed iyo umada soomaliyeed ay ku talo iyo tusaale qaadan doonaan sheekadan oo ay baal cas kaga qormidoonto taariikhda soomalida waxaanan ku booriyay in ay ka sheekayso hoogeega iyo jabkeedii ama farxadeedii raali ayayna ka noqotay marka laga reebo inay iyaduba aad u jeceshahay inay umada u soo ban dhigto sheekadan

tusaale waxa inoogu filan Ma dhabbaa jacayl waa loo dhintaa” ee uu qoray wiilkii ay Hodan dhashay ( jacaylkii cilmi iyo Hodan) iyaa tusaale inoogu filan . Ninkaasi waxa uu ku ammananyahey in uu ummadda u soo gudbiyay wixii hooyadii lagula hasaawi jiray.

waxay ku bilawday sidatan:

waa subax hore: waxaan isku diyaarinay aniga iyo walaashay iyo walalkayba in aan aadno dugsiga waxan isku fasal ahaan jirnay arday badan oo iskugu dhex jirta wiilal iyo gabdho. somaali aad baan ugu yarayn waxaan ahayn 7qof lakiin tirada guud ee dugsiga ayaa intaasi saray u dhaaftay.
run ahaantii anigu waxaan ahaa gabar dhawrsan oo edab iyo diinba leh si tartiib leh ayaan dugsiga u imaan jirnay una dhamaysan jirnay waligayna ima ay soo marin jacaylku igumana dhicin mana (dareemin jacay) walaashay iga waa wayn xataa ma uu saamayn jacayl wax uu yahayna masan kasayn qaraar iyo dhanaan toona wax uu yahay macaan iyo malab midka uu yahay. run ahaantii malin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa dugsiga ku soo biiray wiil cusub waxaa lagu magacaabi jiray (hanad)

hanad waa wiil Somaliyeed oo gaangaaray aynigii guurka waxa uu daganaa magalada Dubai-United Arab Emirates- waxaa uu la dagana hooyadii iyo walalihii hanad waxaa la dhashay labo hablood wiilna waa kaligiis hooyadii waxaa loogu yeeri yeedhi jiray barni, xariifkeedana barkhad, waxayna ahaayeen qoys iska danyar ah oo aan haysan dhaqaale sidaasi u buuran.
hanad waxuu cagacagaynayay ( labaatan sano) hanad waxuu inta badan ku hawlnaan jiray wax barashadiisa wakhtiyada firaaqada waxa uu aad u xiisayn jiray kubada cagta oo uu inta badan u daawasho tago ama uu (tv) ka fiirsan jiray
hanad waxay saaxiib ahaayen labo wiil (faarax) iyo (farxaan) runtii hanad labadiisa saaxiib aad iyo aad ayay isku jeclaayeen, waxana caado u ahaan jirtay in ay wax walba oo noloshoda ku soo kordha ay isku sheegtaan iyo in ay’ wax wada bartaan, hanad aad iyo aad ayuu ugu fiicnaa xaga wax barashada waxuu ahaa wiil uu eebe siiyay karti iyo maskax dheeerada oo aad moodo inuu ka aragti dheer yahay, inamada kale, ee ay isku dugsiga yihiin,
hanad waligiis muu cashaqin gashaanti iyaduna ma ay caashaqin marka laga reebo in qof walba oo biliaadami uu niyada ku hayo qof uu nolosha la qaybsan doono oo uu isagu markaasi riyo ku hayo magaceeda iyo quruxdeedaba iyo sifooyinkeeda oo niyada ugu jira gabdhuhuna sidoo kale.

Hanad waxuu u soo guuray magalada aan anagu markaa daganaan jirnay oo lagu magacaabi jiray sharjah wax barashadiisina halkaasi ayuu ka sii watay isku dugsi ayaan noqonay. waxay tiri hodan .

hanad aad iyo aad ayuu ugu fiicnaa xaga wax barashada waxuu ahaa wiil uu eebe siiyay karti iyo maskax dheeerada oo aad moodo inuu ka aragti dheer yahay, inamada kale, ee aan isku dugsiga ahayn..

waa subax sabtiya dadku wada dhalaalayaan jawiga dugsigu waxuu ahaa mid bilicsan waxan soo socdaba aniga oo hodan ah iyo walaashay hibo iyo walalkay haaruun waxaan soo galnay fasalka ilbidhiqsiyo ka dib waxaa noo bilaabmay duruustii.
subaxdaasi waxa uu macalinku bilaabay inuu hanad baro ardayda kale soona dhaweeyo runtii dugsiyada carabta waxaa caado u ah arday marka uu dugsi cusub ku soo biiro in loo soo bandhigo wax barashadiisu heerka ay taagan tahay ardayda kale ee uu u yimid iyo imtixaanadkii fasalkan aan ugu soo gudubnay darajada uu halay iyo waxyaabo kale oo badan runtii hanad waxii uu la yimid schoolka waxay noqdeen wax cad oo saafiya una eeg wiil aad u wanaagsan hanad waxuu bilaabay inuu dadaalkiisii iyo dabeecadiisi hore kula dhaqmo ardayda dhamaantood.

waa goor barqo ah bishu sideed tahay dhulku madoobaaday kulayl dartiis dadkuna wada haraaday ilayn meeshu waa dubai e waxaan arkay hanad oo la saaxiibay ardayda fasalka ku wooga ugu wanaagsan shan bari oo kale ka dib waxaan arkay hanad oo ay dhamaan ardaydu leeyihiin waa xariif wiilkaasi runtii anuu waxan mar walba noqon jiray qofka labaad ama sadexaad sanad walba walaashayna sidoo kale in kastoo uu walalkay heli jiray uun darajada lagu gudbo waxan ahaa gabadh aad u dadaal badan aabahay waxuu ahaa maalqabeen is garan la mar walba waxuu nagula dardaarmi jiray wax barashada oo uu aad u jeclaa.

waxaan galnay wakhti kala wareeg ah oo imitxaan ayaa noo bilaabmay waxaa dhacday in uu hanad igala wareegay booskii aan ka gali jiray wax barashada fasalka oo ahaa ka labaad ama sadexaad anigoo noqday sanadkaa qofkii 4 isaguna ka sadexaad taa macneheedu waxaa waaye waxaan helnay labo raqam oo isku xiga haduu uusan isagu dugsiga joogin waxan noqon lahaa uun ka sadexaad!!!

sidii waxay ahaataba waxaan u gudubnay sanad dugsiyeed cusub waxay ahayd mar aan hanad is baranay oon si xushmad leh iyo walaltinimo isku salaamayno waxay ahayd mar ay dhamaan ardayda is wada barteen.
galab galbaha ka mid ah: walalkay haaruun iyo hanad ayaa isku soo raacay gurigayaga
waxuuna usoo doontay buug saynis ah run ahaantii galabtaasi aad ayaan u soo dhawaynay hanad walalkay waxuu baray hooyaday iyo aabahay iyo dhamaan dadki kale ee guriga nala daganaa aabahay waxuu bilaabay inuu warsado hanad waxuuna u sheegay in uu dugsiga dhigto mudo yar sanadkana uu noqday qofka sadexaad oo uu rajaynaayo inuu galo kaalinta koobaad sanadada soo socda isagoo sobob uga dhiga in uusan la qabsan dugsiga!!!!

aabahay aad ayuu ugu amaanay hanad waxuuna u sheegay in isagoo dugsiga ku cusub uu kaalintaasi helay in uu yahay qof aad u dadaal badan aabahay waxuu ku idhi hanad

adeero wiilkaygan haaruun wax wada barta oo dadaala gurigna wax kuwad dhigta habeenki sidaasi buu u sheegay aahahay

hanad waxaa cajabisay jawiga gurigayaga iyo adeega wax barasho ee fudud oo laga heli karaayay wax walba buug iyo wax walba oo loo baahan yahay maadama uu isagu yahay wiil iska danyar ah hanad waxa uu u sheegay arinkaasi hooyadii waxay u ogalaatay dalabkiisa malintasi laga bilaabo hanad waxaan noqonay uun sidii dad walaalo ah.
markii danbana si toosa ayaan wax u wada dhigan jirnay afar tayaduba waxaa bilawnay walaltinimo qiimo badan leh.
waxa la gaadhay wakhtigii la dhamayn laha sanad dugsiyeedka oo imtixaan kii waynaa loo fadhiisan lahaa

run ahaantii aniga iyo walaashay waan is hubnay inaan dhaafi doono lakiin walalkay oo imtixaan kii hore helay meel hoose ayaan aad ugu boqaynay waxaan xoojinay wax barashadii iyo is caawintii si wada jira ayaan wax ugu dhigan jirnay guriga hanad waxuu imaan jiray guriga habeenkii xataa markii danbe waxa dhacday in hadii xataa uu walal kay maqan yahay aan anagu wada dhigano walaashay aad ayay u xiisayn jirtay hanad hadal kiisa iyo wax wada dhigashada aniguna sidoo kale!!!!!!!!!!!

malin ayaa anagoo joogna dugsiga imtixaankiina aan u fadhiisan doono wiiga danbe waxaa dhacday in ay kuraydii dugsigu sheeko sameyeen oo ah..hee

in hanad uu aniga iyo walaashay mid isku wado ama uu jacayl wadag layahay malintaasi laga bilaabo waxaa ii furmay kidin aan ogaaday in ay sheeko na dhex mari karto hanad maadaama ay dadkiiba sidasi idhaahdeen! ma jecli inay wax na dhex maraan hanad mana rabin walaltinimadiisa mooyee lakiin waxan uga socdaa niyada ayaan ku darsaday…haaheej hadalkasi ay ciyaala dugsigu sameeyeen oo ay ii sheegtay gabadh aan isku fasal nahay waligayo waxasi iyo wiil kamaanu sheekaysan lakiin malinkasi haday saaxiibtay sidaasi igu sheegtay waxa cadayd inay wax jireen dad kuna isla dhex mar maraayeen ……..

la soco qeybta labaad ee sheekadaan

________________________________
abubakar@hotmail.com ama qurbaani2012@hotmail.com
waa anigo qoraaga sheekadan wana abubakar mohammed hassan hadaba digniin lama daabici karo adigo fasax ka haysanin qoraha sheekadan

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: