Allahayow Dhib Badanaa adoo dhoofay Caashaqu Dhul shisheeye Kaahela!


Allahayow Dhib Badanaa adoo dhoofay Caashaqu Dhul shisheeye Kaahela! waa mid kamid ah oraahyada ama hal kudhigyada ay ku cataabay Mucaashaqiinta uu waayaha aduunyada kala geeyay midba cirif kariday ,Waqtiga nacaseesanaa Waayuhu yaab badan ogaa Waqtigu maxuu kala geeyay laman nolosha isku jeclaa uu midba meel kuwaabay hooyo iyo wiilkeeda aabe iyo gabdhii nin iyo naagtii maxey maanta midba meel kajoogaa daacafa Dunida diif iyo Daal jaceyl meel kula yuuraraan.

Waa hubaal Aqristow qaar badan oo idinka mid ah maanta in uu wax tabayo Cuqdad iyo Caloolyowna mee lajiifo Naftiisuna tabeeyso waxyabao fara badan , midbaa tabaya labadiisi waalid uu aduunku ugu jeclaa waayaha aduunka kala geeyay hilow badana u qaba ,kuwaa iayana tabaya gacalisadiisee ama Gacaliyaheedii uu aduunka kadaawanayay uu maanta ka fogyahay oo ay laba qaaradood kukala suganyihiin midba gooni u ilmeenaya barkintiisana har iyo habeen dagaal kula jira .

Jaceylka sidiisaba daranaa oo walwal iyo wal bahaar badanaa oo dhibicdiisu kululaa , haba ugu sii darnaadee marka ay kala dheeryihiin lamaanaha isjecel midba meel fakir iyo dhakafaar dhabanada laheestaa murugo iyo walwal daris lanoqdaa marwalbana kafikiraa xalka uu kusuganyahay gacalisadiisa ama gacaliyaheeda xaalka uu kusuganyahay farxad iyo murugo, maxey halkaasi kudaadataa ilmo aan la iska tireen horaa loo yiri ”Laba Heshiis ahaa hadey kala tagaan ama wey is hilmaamaan ama wey isku soo hiloobaan” waa xaqiiqda jirta inlabada qof ay isjecel hadii ay kala irdhoobaan oo ay kala fogaadaan in ay labo mid noqoto in la is ilaabo waxii hore u dhaxmaray xalay dhalay laga dhigo ama ay isku soo hiloobaan oo aysan kala daalin .

Alla Jaceylku xanuun badanaa oo xumadiisu daranaa markii aad weyso indhaguna umuuqan naftu tii ay tabeesay ama muhaneesay Ciil iyo Caloolyow badanaa, Abwaano iyo Fanaaniin ayaa horay uga mariyay faalooyin tusaalana uga baxiyay Fanaan Jeylaani ayaana ku taahay ereyadan ”Nin Jaceyl Wareemayoo Waagii Gaduubtaba Wadaaduu Jeclaa Dadka weydiyaan ahay ” Fanaanka ayaana ereyediisa kooban waxa aad kafahmeysaa in uu baafinayo ama raadinayo tii uu dunida ugu jeclaa waxaana ereyada heesta kaaga muuqanaya in ay fananaka iyo lamaantiisa ay markasi kala fogyihiin Jeylaani ayaana Catowgiisa sii Raaciyay ”Alla waayayee Wal bahaarayee igu wiirsay caashaqu yaan kawaheshadaa ” kiinii caloosha jilicsan ama wax kagaran qiimaha Jaceylka waa garan karayaa halka uu xaal kamarayo Fanaanka iyo qof walbo markaasi ay ka dheertahay gabar ama wiilka qof walbo qofkuu muhanayo.

Jaceylka kala fog ayaana waxa uu lakulmaa dhibaatooyin iyo hagardaamooyin ay u qoolaan xaasid Jaceyl ama dira diraalaha iyagoo mar walba lamanaha u kala wariya xumaan iyo waxyabao keeni kara in Bur bur jaceyl halkaasi kadhasho Fanaan Roorayae ayaa gacalisadiidii kadheeraaday kuna wareeray dhambaalo badan oo Jaceyl oo hawada u samariyay Gaclisadiisina wax jawaab ah kahelin waxa uuna ku taahay ”Waxa aan ladhiileesnahay la dheeldheeliyaa waxaan ahay dhambaal wade arinkiisa dhaantee Dharaartii qura Sanad iiga dhiganee Nin ladhoora yaan ahay asa dhiman Na nooleen, Warqadahan isdhaafinayay ladhacaayay tigidhada dhanka ay marayaan dhaka fara kaqaadee Dhaxda waxa ujoogee dhufsadaan layaabee Aduunyada dhibkeedaa ani lee dhameeyee” inbadan oo idinka mid ah waad ila fahanteen waxa uu fanaanku kahadlayo waxa uuna muujinayaa in Jidgooyo jaceyl ay jidka ugashay dhambaaladiisa dhaceen oo ana lagaarsiin nafta uu tabanayo balse fariimihiisa quruxda iyo jaceylka badnaa kuwa lid ku ah laga gaarsiinayay .

Fanaan Hanuuniye ayaa isna digniin hawada umarsiiyay Gacalisadiisii ugana digay Cadowga iyo diro diralaha Jaceylka Waxa uuna Yiri ”Dad baa jira waalanoo hadey wax is raba arkaan u kala wariya xumahee walaalaha kala dilee Jaceylkeena kaweyn ,Wad iyo Calaf waxaan ahay in nakala weeciyaanoo Jaceylkeena kaweyn , waa run waxa uuna taabtay Point muhiim ah dad badan ayaana is oran doona Qoraha shekadan Gacal Ayman Dhibaatoyinka Jaceyl oo lasoo kulmay badanaa waxan uu sheegayo ma asiga ayey kudhaceen cataw iyo calaacal badanaa lakain aqristoo fartu kaligey iguma godna inbadan ayaan u xog waramayaa oo dhibkaa qaba

Sidoo kale dadku mawada ahan markii ay kala dheeraadan ama waayuhu kala geeyo kuwa kukala hara Jaceylkii qiimiga badnaa ee labadaasi kadhaxeyay balse waqtigu oo kala wiiqay Abwaan baa isna fariin mahad celin iyo amaan hawada umariyay lamaantiisii uu mudo kamaqnaa dibad dheerna kajiray waxa uuna hawada umariyay dhambaalkan qiimaha badan ”Jirkaa kuu damqoo waan kudoonayaa Dumar lama hadloo Dadkaad ii xigtaa ,Anoo dibad kumaqan Dal dheer kaajiroo kaa galaa danbaa Daryeeshoo ilmihii dusha saaratoo ii dulqaadatee Ilaahayow Ku daa Eebow kudaa ”, halkaasi waxa ka muuqanaya in ;la isku samray samirkuna wax weyn yahay ,Hibaa iyana sii sagootineysaa gacaliyaheeda dhambaal iyo duco sagoontin ah hawada umarisey oo maxaey kutiri iayana ”Samri weysay niyadeedii laguu saaray Calankee saqda dhaxe habeenkii Sahwiyoo dhawaaqee …. Nafteyda saacado hadey hadey kuweysana sidee noqonba moogiyee ane waan kusugayaa soo noqo adoo nabad ah soo noqo adoo nabad ah”.

Guntii iyo gaba gabadii iyadoon amuurahaan Jaceyl halkaan lagu soo koobi karin ama suugaan lagu soo afmeeri karin waxaan filayaa in aad ila dareenteen Dhibaatada ay leedahay lamanah Jaceylku kala fogeeyay midba meel waqtigu kuwiiqay waxaan idinkula dardamayaa in aad samirka kaashataan kana fogaatan dira diralaha jaceylka ” ”Koley wadnayaal is raacay waxaa weerara oo was waasa wax kastoo idinku yimaada hawiiqina oo Jaceylkiinaa kaweyn
_________________________
tafatire qalbijaceyl
beseme1@hotmail.com

2 Comments

  1. mazy aadayaan uga hley noolow qoraaga sheelkadaan qorayow aad ayan kaaga mahadcelinayaa noolow waliga ailaah cimri dheer ha ku siiyo

  2. aad ayaan uladhacay


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: