daneysiga dumarka damac yurub


Qisadaan oo mid layaab leh ah ayaa waxay dhex martay lamaane Somaliyeed oo lagu kala magacaabo Cali iyo Suldaano, Cali ayaa wuxuu ku noollaa dalka Canada, halka Suldaano ay iyana ku nooleed magaaladda Muqdisho.

Suldaano waxaa soo korsaday qoyska uu ka dhashay Cali oo ku noollaa dalka Canada, isla-markaana Cali oo horey guurka uga soo xumaaday ayaa wuxuu lasoo hadlay hooyadii oo ku sugneed magaaladda Muqdisho, deetana wuxuu ku yiri “Hooyo waad ogtahay in uu guurkii hore iga halaabay, marka waxaan doonayaa inaad i soo raadiso gabar wanaagsan oo la-guursan karo, si’aan u keendsado dalka Canada”.

Cali hooyadii ayaa waxay ugu jawaabtay “Hooyo macaan anigaa iga taqaanaa gabar fiican ee waa kheyr haddii aad dooneyso inaad guursato gabar kale oo ka wanaagsan midii hore”, kadib ayay Cali hooyadii bilowday inay gabar wanaagsan u raadiso, hase ahaatee waxaa niyadeeda kusoo dhacday in’ay Cali u guuriso gabadhii Suldaano ahayd ee ay soo korsatay.

Cali Hooyadii oo lagu magacaabo Abshiro iyo Suldaano ayaa waxaa dhex martay sheeko gaaban, waxayna u dhacday sidatan:- Hooyo Abshiro ayaa waxay u imaaday Suldaano oo qolkeeda ku dhageysaneysa heeso Soomaali ah, waxayna ku tiri “Hooyo maanta waxaan kuu wadaa arin wanaagsan, waxaana jira in wiilkayga Cali ah uu doonaayo gabar uu guursado, waxaana u doon doonay gabar fiican, laakiin waxaan ogaaday inaysan jirin gabar adiga kaa fiican oo uu maanta guursan karaayo wiilkayga Cali, ee Suldaano hooyo macaan sidee u aragtaa arintaasi”?, Suldaano ayaa waxay iyana ugu jawaabtay “Hooyo waa arin fiican anigana ma-diidi karaayo hadalkaaga”, kadib waxaa leesku af-gartay in Suldaano loo-guuriyo Cali.

Cali iyo Suldaano aqalgalkoodu ayaa wuxuu ka dhacay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, deetana wuxuu Cali uu sharcigii dalka Canada uu u xareeyay xaaskiisa Suldaano, wuxuuna Cali uu dib ugu laabtay dalka Canada, oo uu kolkii horeba uu ka yimid.

Nasiib wanaag muddo sanad iyo bar kadib ah ayay Suldaano heshay sharcigii ay ku taggi laheyd dalka Canada, markiise ay imaaday dalka Canada, isla habeenkii iskugu horeysay Cali iyo Suldaano, ayay Suldaano ka baxsatay gurigii Cali oo saacado kahor la-keenay.

Arintii Cali iyo Suldaano ayaa waxay isku shareertay cirka, si walba oo la-sameeyay ayay Suldaano diiday inay Cali nolosha la-qeybsato, taasoo ay si weyn ula yaabeen dhamaan qoyska Cali, iyo weliba iyaga oo la-yaabay sida ay Suldaano u gashay Cali.

Cali ayaa wuxuu wacad ku maray in uu Suldaano dib ugu soo celin doono magaaladda Muqdisho, laakiin hooyo Abshiro ayaa taasi diiday, iyadoo tiri “Haddii ay Suldaano sidaasi yeeshay Caliyow haku dayan”.

Qisadaan ayaa waxay la-yaabay inta badan dadkii yaqaanay Suldaano, kaaga daranee waxaa si weyn ula fajacay hooyo Abshiro iyo dhamaan qoyskii uu ka dhashay Cali, oo aan arintaan ka filaneenin Suldaano.

beseme1@hotmail.com

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: