(dareen jaceyl) qeybti 2aad


hal week ka dib waxaan u fadhiisanay imtixaankii si sharaf leh ayuu noogu dhamaaday hanad sidii uun nagumuu dayn madama uu dhamaday waxii la akhrinaayayba oo wakhti fasax ah la joogo lakiin uuna soo booqan jiray haaruun ayuu u iman jiray mar marka qaarkood waa yaab anigu waxaan isku arkay markii ugu horaysay inaan hanad aad u xiisaynaayo lakiin masan garan karayn (xiise) lakiin marka afsoomali lagu turjumo waa ka helid waa qof aad ka hesho runtii waxaa ii cadaatay inaan hanad ka helo hadaba sideen uga helay ma garanaayo lakiin aniga waa iga daacad waxay ahayd walaltinimo walaashayna sidaasi oo kale ayay ahayd lakiin ma garan karayn xataa inay leeyihiin jacay hoos ahaaneed in kastoo ayna waxba jirin xagooda!!!!

durba waxaa la gaadhay wakhtigii la isku diyaarin lahaa ka qayb galka xafladii sanad dugsiyedka lagu so dhamays tiri lahaa ardaydana loogu sheeg sheegi lahaa imtixaankoodi sanad dugsiyeedkii ayay dhameeyeen midka helay iyo ka waayay iyo waliba darajooyinka ay heleenba.

waxaa dhacday in uu hanad noqday qofka 2aad halka aan aniguna ka noqday qofka 4aad walaashayna qofka 11aad aad halka uu walalkay aad noogu soo dhawaaday sanadkan isagoo noqday qorka 20aad hanad waxaa aad ugu farxay dhaman dadkii somalidii iyo walidkiisi iyo anagaba waayo aad buu ugu yar yahay wiil soomaaliyeed oo heerkaasi gaadha oo jooga wadan uusan u dhalan halkaasi waxaa ka sii dhashay in aan hanad isku yeelanay aqoon gaara oo uu noqday qof xaafadayada lagu tiriyo aabahay waxuu u sheegay hanad in uu gurigu gurigoodi yahay oo xataa uu u hoyan karo!!!!waa yaab hee
waxna ka cuni karo!!!yaa

runtii aabahay markaan hadal kiisa sii fasisho.. waxan uu hanad ku jeclaaday waa wanaaga iyo wax barashada iyo walalkay oo uu u horseeday darajo fiican maadama uu isaga wax la dhigan jiray waxa uu aabahay ku fikirayay uun sanadka danbana labo kaalmood oo isku xiga ayuun bay heli doonaan!!!!
waayo soomalida ayaa tidhaah saaxiibkaa waxuu yahay ayuun baad tahay sidii waxay ahaataba waxaa igu soo orday (rabitaan doonis xiise damac ku waasi oo u kala baxaayay inaan hanad u sheekeeyo inuu ii sheekeeyo!!!!! isku sheekayno”

inaan is aragno ugu yaraan labadii cishaba mar sidoo kale walashay hibo ila mid ayay ahayd inkastoonana anigu markii aanan dareemayn waxa ay iyaduna dareemaysay iyo kolba mar xalada aan dareemaayo in ay iyaduna dareemaysay

waayaabe wiilasha soomaliyeed adkaysi aad u badan ma lahan!!!
hanad muxuu jacay noogu sheegan waayay mise sharafta ay xaafadu u hayso ayuu ilaashanayay mise isaguba sidaan aniguba kolba marxalad u marayno ayuuu u maraayay mise dookhiisaba maan ahan waxba kama garanayn anigu waxaasoo dhan lakiin waxaa dhacday in aan telephon kula xidhiidho inta uu naga maqan yahayna mudo yar ka dib malin ayaa waxaa ii timid walaashay iga wayn ee hibo waxay iga tidhi

naa yaad la hadlaysaa yoo baas anigo telka kala hadlaaya hanad waxan ugu jawaabay waa hanad runtii anigu sidii walalkay oo kale uun buu ila ahaa lakiin waxaa ii dheera ka helitaan iyo xiisayn aan xiisayn jiray isaga.

walaashay waxay igu tidhi waa ceeb waxaasi si kale baa loo qaadan ee guriga waaka imaada ee telephonka jooji oo iska daa waxaasi walaashay taladeedi waan ka qaatay:
waxanan ka faa idaystay in ay suura gal tahay in ay aniga iyo hanad wax na dhex mari karaan maadama ay tidhi waa ceeb si kale baa loo qaadan !!!!!!!!

labaatan bari ka dib waxan arkay walaashay hibo oo hanad telephon kala hadlaysa waa yaabe sawtii aniga i lahayd waa ceeb waxaasi ee iska daa malintaasi ayaan aad u fikiray walasha sidaasi ayay ku tiri iyadiina way samaynaysa hadaba maxaa jira ma adigaa waalan mise cadan baa laga heesayaa””””

waxan is idhi walasha wiilka way jeceshahay oo malaha way kaa ceshanaysaa hadii aan sidaasi is iyiri ama aan ku fikiray waxaa ii xigtay in aan hanad jeclaado waa yaaab hanad waaban jeclaaday (hayaaaah) ma shaydaan baa ma anigaa ma isaga adama uu yah??? waxaan ku fikiray isla habeenimadii aniga iyo hanad oo is guursanayna” reerkayguna uu aad ugu faraxsan yahay oo aabahayna wanaag badan u hayo hanad (hayaay) waxaa dhacday in marka uu guriga soo galaba aan biyo qabaw ka horgeeyo (hayaaaay)

waxaa dhacday inaan meesha uu fadhiistaba kaga dabo fadhiisto intaasi oo dhan waxaa sadex igu ahayd walaashay oo iyaduna mar xalada aan anuu socdo uun socota marba waxaa dhacday in hadii ay hibo koob biyo ah u gayso hanad isago guriga fadhiya aan aniguna mid sharaba u geeyo (hayaaay) waxaa dhacday in hanad wakhtiga uu guriga imaado aan aniga iyo walashay kala qaybsano oo uu san walalkay oo ay saaxiib yihiin jaanisba u helin..

taasi waxay dhashay oon dareemay jacayl waxanan rabay een ku qaboobi lahaa waxuu ahaa uun in uu hanad i yidhaahdo hodan aan daadihino caashaqa…………………

lakin jaceylkayga wa caqabad ku noqotay gabarta walashayda ahayd iyadana wey jeclatay wax aan sameeyo ayan garan wayay marwalba walashayda hanad marku yimaado meel beyn ah ayay ii dirta waxayna i tiraahda sida suuqa aad jikada gal rashinka no kari dharka noo dhaq iyado ula jeedo in an fursad u helin aan kula sheekeysto anigana xaladeyda malinta maalinta kasi dambeyso aya jaceyl iigu siyaadaya awoodna aan ugu so bandhigto jaceylkayga ma lihi wayo waxan ka baqaya gabarta iila dhalatay madama ay iga weyn tahay meeshana hooyo iyo aabo inoogo joogin waxay ii gashay booska aabo iyo hooyo waxwalba aan u baahda iyada i siiso amarkeedana ma diidi karo tala iigu cadaatay jaceylna wuu i haya waxan go,aan ku garay in aan walashayda wiilkaani aan jeclahay u dhaafa madama ay iiga weyntahay iyadana la qabin niyadayda ayan ka goostay waxan dadal dheeri ah ugalay in aanan la kulmin aana utagin xita hadu yimaado gurigayna hanad aya maalin wuxuu yimid gurigayna maalintaasi walashayda ma joogin guriga aniga kaliyah aya joogay albaabkii ayuu so garacay anigana waxan umaleyay in ay walashayda tahay waan ka furay marki aan ka furay aya indhahayga marqura arkayn hanad oo bananka tagan waan naxay waxay iila noqotay riyo in aan ku jiro oo gale hanad wuxuu ileeyahay abaayo maso gali kara anigana maqane joogane ayan noqday marqura aya miiirkayga daboolmay in cabaar ah markii aan aamusnaay aya damiirkayga so noqday waxan ku iri aboowe maad so dhaaftid maxa ku helay asigo iigu qoslaayo ayuu so galay waxan weydiiyay waxa uu ku qoslaayo wuxu idhehay abaayo cajiib aya leedahay maanto oodhan aya albaabka tagnaay mana aadan idhihin so gal hadana waxad ileedahay maad so gashid maxa kugu dhacay sow mucjiso maahan.

haa aboowey marki an ku arkay xooga waxan ka fikiraayay walashayda wayo saakay ayay baxday kaligayd ilaa hada mana aysan so laaban waxa ku dhacay ma aqaan sidas daradeed ayan ku fikiraayay waxakale maahan aboowe hadana kwaran xalada cafimad maalmahan waba lagu wayay waxa kugu dhacay maqaan mana na nacday wa adiga noo imaaw weysay maya abaayo arinta sidaasi maahan labadani beri waxan k mashquulsanay imtixanka schoolka waxkale maahan laakin malmahan waxan layaabnay adiga waayo marki aan guriga imaado adigo sii ordayo ayan arki jiray ilaa hada qof aan suaal weydiiyo majirto madama aad maanta kaliga tahay waxan raba inaa ku suaalo waxa kugu kalifay in aad iiga cararto ma iisheegi karta abaayo maya aboowe sidaasi mahan waayo guriga aya hooli ka haya waxkale ma jiran ok abaayo kwaran xaalada cafimad inkasto aanan in badan aan sheekeysanin aniga walalka saxibkiis ayan ahay madama aad kaliga guriga joogto cabsi ha iiga qabin abaayo.

malintaas waxay ii ahayd malin xusid mudan waayo malintaasi oodhan waxan fiirinaayay afkiisa hadalada kaso burqanaayo hal hal aya u tirinaayay waxad mooda maalintaasi in uu gurigayna u imaaday in uu hadal iisheegto hadana waxad mooda in uu iiga cabsoonaayo anigana jaceylkii aan u qabay ayu ii siyaaday walashayda jaceylkeeda wey uso bandhigatay hadan laakin wuu kadiiday wuxuuna dhehay abaayo aniga gabar kale ayan jeclahay lakin uma shegin in aan aniga ahay walashayda qaaliga ahayd malintasi malin uma aysan ahayn iyado xanaqsan ayay guriga iigu timaaday waxan weydiiyay abaayo waxa maanta ka xanaajiyay waxay idhehday abaayo maanta waxa iishegtay in aan hooyadayda ku dhalin aniga hadalkaasi aad ayan ugu naxay waana niyad jabay waxan dhehay abaayo hadalkaani hadi uu cidkale idhihi lahayd wax uma arki lahayn laakin adigo og in aan walashaada ahay sidee ku keentay in aad hadalkaani idhehdo maanta niyada aya iiga jabisay waligay ma isdhaheynin walshaada aya hadalkaasi ku dhihi dooonto lakin waxa aad ka wado abaayo ma iisheegi karta iyo waxa aad ku keentay.

ha abaayo wan ku shegi kara waayo waad ogtahay in aan hanad aan aniga jeclahay adigana waad iiga daba martay waana iiga dhaxashay abaayo mana laga yaabo in aan ku cafiyo adunyada intaan joogo hadana gurigani waan ka tagaya waxan aadaya meele adiga iyo hanad aadan joogin waayo aniga hanad la,aantiisa manoolankaro adigana waad iila jeceshay asigana adigu ku jecelyahay hadi aad idhihi lahayd abaayo hanad wa jaceylkayga waan ku dhaafi lahay waayo waxad tahay walashayda qaaliga ahayd markasi wajigayga iyo agtayda sharaf ayad ka lahayn lahayd laakin maanta dhibkad i bartay iyo ciilkaad igalisay ma ahan mid aan waligay iloobaayo ilaa aan kadhinto abaayo hadana waan ku dhaafay hanad.

maya abaayo hadalka sidaasi maahan waa runtaa in aan aniga hanad jeclaa lakin marki aan arkay in aad adiga jeceshay jaceylkayga dhaman adiga aya ku dhaafay waayo adiga walshayda kaliyah ma ahayn waxad ahayd hooyo iyo aabe ayad ii ahayd hal wiil in aan ku dagalano wa laga fiicnay anigana adiga marhore ku dhaafay hanad wax jacel ah uma sheegan mana na dhehmarin abaayo arinta sida aad u maleyso maahan marka hore wax hubso gabarta uu sheegaayo uma maleenaayo in aan aniga noqon doono ee abaayo waxan umaleenaya in uu naag kale mesha timaado ee abaayo xirirka walaltinimo sidaani haku goynin aniga wiil dartiis ha iigu ciqaabin hanad iskaba daaye noloshayda dhaman ayan ku huri kara ee abaayo hanad hadu jaceylkaaga yahay aniga jaceylkayga ma ahan aniga marhore ayan ka quustay ee abaayo aniga waxan ubaanahay kaliyah walashayda ee abaayo hubsiimo hal baa lasiistaa ee marka hore gabarta uu jeclyahay hubso aniga hora ku sheegay uma maleenaayo in aan aniga ahay gabartaasi.

abaayo aniga yarantaadi ayann ku kasaayay aniga rabta in aad hadal ii qariso waan ogohay in aad adiga tahay nagtaasi uu sheegaayo lakin waxan kala helno waxba ha iiga siinin aniga jaceylkayga si sahal ah kuma qadanayso ogow gabaryahay aniga daciif ma ihi jaceylkayga waan dhacsan kara cilad walba e kuso socoto jaceylkagya wan ka difaci kara xita hadi aad adiga noqoto kuma dhaafaayo ogow maalintasi walashayda si aan wax ugu sheego wan gran wayay waxa kaliyah u caday hanad kaliyah waayo jaceylka hanad u qabto aya indhaha itiray xita anigo walshayd ah iima jeedo aniga waan ka baqay in aan isku dhacno walashayda wiil dartiis aniga waxan suubiyo ayan garan wayay jaceyl ma haysto walalna ma haysto magac uyeel ayan noqday hanad dhinaciisa waxan ka taganahay ilaa hada ma aqan walashyda waxay leedahay adigo ku jecelyahay anigana wan jeclahay lakin asiga jaceylka aniga u qabo ma ii qaba aya su,aal ah o wax lis weydiiyo walshyda sidaasi uguma daba harin waxay rabtay in ay ogaato gabarta uu iyada dartayd u diiday waxay utagtay hanad waxay su,ashay markale ma iisheegi karta gabarta anigo sidaan ucad u jilacsan wiilasha dhaman ay isku kay dilayan gabarta aad dartayd ii diiday ma iisheegi karta ayay ku dhehday hanad wuxu dhehay waad runta waad qurux badantahay waad qaayo wacantahay nimanka oodhan way isku ka dilan laakin adigo sidan uquruxsan sababta aan ku diiday iyo gabarta aan dartay ku diiday gabar kale maahan waa adiga walasha waayo adiga iyo walasha waxad is dheertihin edabta, xishoodka,hadal macane,tehgalin so jiidasho intaba waxa ka leh oo kaalin weyn ka gashay wa walasha waayo adiga waad i jeclaatay oo kale laakin iima fahmin hadana waxan ku dhihi lahay gabarta walasha ayan jeclahay waxad tahay dumashidayda kaliyah ku ekaaw.

ha wan ogay in iyada ay tahay hadana anigee iitala waxan sameynaayo malintaasi walashayda qalbigeeda dhaawaca so garay maaha dhaawac yar intii ay guriga iigu imaanin ayan kaso tagay iyado ii ogayn waxan soo aaday magaalo kale anigo kaso tagay walashayda iyo jaceylkayga intaba waxan kadoortay in aan niyad jab ah kaligay ku noolaado waayo hadi kale walashayda farxad kuma noolaanayso waxayna ii qaadayso kalsooni darro farxad kuma noolaanayso inti aan isla joogno hanad in badan ayuu warqad calacal ah iiso qoray asigo dhahaayo anigo qofaa adiga ahayn marwo ii noqon meyso hadi aad baxaday xita waan ku sugi kara xasuustada ayan ku noolaanaya iyo inkabadan ayuu iiso qora anigana wan jeclahay mana ka maarmo laakin waxan tehgalinaya walashayda qaaliga ahayd iyado joogto in aan nin guri lagalo aniga farxad ku noolaado iyadana murug aan ku dilo taasi farxad aniga ma ii aha jaceylkayga sidaasi ayan ku wayay waxan isku daya marwalba sidii aan ku ilaabi lahay inkasto ay ii suurta galaynin waayo jaceyl lama ilaawi karo hadi aad si walba isku dayso xasuustiisa aya niyadada ka tirtirmaynin mar qurbaani arinta iigu dhacday wa sidaasi hanadna ilaa hada ayuu waraaq iiso qora markii ay iigu war dambeyso asigo waashtay oo lageeyay baadiyo aya iigu war dambeysay dadweynaha qisadayda aqristay waxan suubiyay ma sax ayay ahayeyn mise qalad aniga walashayda farxadeeda ayan doorbiday hadaba aqristow maxad iigu talin lahayeyn jawabtayda waxan ka sugayay mar qurbaani intaasi ayan kuso gabagabeenaya sheekadi maanta aan ka hadlaynay marar badan aya ka hadalnay arimaano kale wey dhacan dunida intaad ku nooshahay hadaba waxan sugnaaba wa aqristaayaasha fikirkooda
waxadna iila so xiriiri karan abubakar@hotmail.com ama qurbaani2012@hotmail.com wa anigo qoraaga sheekadan wana abubakar mohammed hassan hadaba digniin lama daabici karo adigo fasax ka haysanin qoraha sheekadan

__________________________________
tafatiraha webka
beseme1@hotmail.com

3 Comments

  1. Asc dhaman asxbta gaar ahan qurbaani iyo abaayo, walaal ilama qurxoona talabadaasi aad qaaday 3 qof mustaqbalkoodu intu lumi laha mayna ka wanagsanaten labadina isjecel inad badbaadsatan noloshina…iyadna faraj khayr qaba ayu illahay ufuri doona wayna heli donta qof ilowsiya jacaylka hanad.

  2. Asc dhamaan bahda webka gaar ahaan qurbaani wad ki mahadsan tahay sida wacan ad noogu hurtay skdib abaayo horta wan ku salamay marka xigta wax aad samaysay waa qalad muqda ma ahayn in ad ka fikito walaasha kaligeyd mustaqbalkeyd walal ma go do lknwiilka wax qabsaday aad aya ugu xumahay lkn wa qadar ale

  3. haa bayao marna waad saxantahay marna waad ku fududaatay lakiin anika ahaan waxaan dhihi karaa run ahaantii adika waxaad aheed qof ka fikirayaa nolosha walaashed lakiin kama aadan fikirin wiilka dhalinyarada ah oo mustaqbalka lah oo aad ku ba bi say mustaqbalkiisa halkaas abayo my be waxaa laka yabi lahaa hadii aad walashaa jeceshay oo ayna ka weyntahay in ey fahanto jacelka aaad u qabto inaanka in u yahay cajiib kadib isku kiin hebeen laheed kaka na samri laheed lakiin in ka mustaqbal la aan ta aad dhigtay maad ku fikirtay noloshiisa waxa ku dambeen doonto iyo mustaqbalkiisa dunidiina ka tagay aqirana muusan gaarin abayo wax qaldan ayaad samesay abayo ok


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: