hadii america la tagaayo jaceylka mala ilawaa ? waa qiso dhab ah


Sheekadan la yaab ka leh waxay ka dhacay Xaafada islii ee magalada Nairobi, Waxayna dhex martay wiil iyo gabar Somali ah oo ku nool isla xafada islii.

Xaaji wuxuu ka mid yahay dhalin yarada soomaliyeed ee ka soo carartay, Dagalada ka socda magalada muqdisho ee caasimada dalka soomaliya

Xaaji waxaa u suurto gashay inuu Yimaado magalada Nairobi sanadkii 2007. waxayna is bartee gacalisadiisa Xafso oo ay isla socdeen mudo dheer.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Xaaji waxaa u soo yeeray hadal uu ku farxay kadib Markii Saaxiibtiis ay u sheegay in ay Heshay Fursad Bixitaan Mareykanka ah.

Xaaji malintaasi aad iyo aad ayuu u faraxsanaa waayo wuxuu Ku Fakaray Qaalidaada ayaa kuu bixi doonta mar dhaw adigana taasi fursad ayay kuu tahay

Maalin jimco ah oo ay tariikhdu ay ku beegneyd 01/04/2011 ayaa waxaa soo wacday Gabadhii uu Jeclaa Wexeyna u sheegtay in uu laynkii u soo baxay mar dhaw ay dhoofayso waxayna Ka Codsatay in ay kulmaan

Xaaji is la markiiba wuxuu u diyaar garoobay in uu aado gacalisadiisa oo malintaas war uu ku farxo u sheegtay wuxuu soo aaday dhankaas iyo gurigii Xafso, Markuu soo garay gurigii gacalisadiisa xafso salaan iyo sheeko kadib Waxaa hadalkii qaadatay Xafso waxayn ku Tiri:-

Xafsi: aboowe xaaji waxan rabaa in aan wax kuu sheego..?

Xaaji oo aad moodo in uu sugi la yahay ayaa waxaa u yiri ii Sheeg Waxaad Rabto

Xafso: Aboowe macaane sida aad la socoto waxan rabaa in aan aado Dalka Maraykanka oo waataan kuu sheegay Leynkii wuu ii soo baxay, Waxaa ila soo hadlay Hooyo iyo Aabe waxay ii sheegeen in ay isiiyeen wiil adeerkay dhalay aniga wan ka aqbalay arrintaas, waayo waxay igu dhaheen Habaar iyo Duco mid dooro aniga waxaa doortay ducada ee aboowe arrintaas ayaan rabay in aan Kula Socodsiiyo.

Xaaji: oo aad moodo in hadalka Xafso uusan u dhadhameynin ayaa wuxuu ugu jawaabay haaa haa wan gartay, wuxuuna ka soo baxay gurigii Xafso wuxuu soo abaaray gurigiisii isaga oo aad u malaysid in loo soo sheegay Geeri.

Xafso. Dhankeeda yaab ayaa ka soo haray waayo waxay fileysay wax ka duwan ayaa u soo baxay Maadaama ay Xaaji Ka Maleysaneysay in Go”aankaasi uu si Dhaqso ah u Diidi Doono.

Xaaji: Marki uu soo gaaray Guriga wuxuu isku tuuray Kursi yaalay meel u dhaw Albaabka, waxaana arkay saaxiibkiis Axmed oo u dhowaa, wuxuuna ula cararay Hosbitaal.

Xaaji ayaa Intii Hosbitaalka Loo Waday Waxaa Kasoo Yeerayay Hadalo la yaab leh oo ay ka mid yihiin Xafso macanto wan ku jeclahay, Xafso Kaama Maarmo, Xafso Hadalkaan Kaama Filaneyn iyo Kuwo Lamid ah.

Xaaji iyo Xafso sidaas ayey isku Waayeen oo Xaaji Iminka ayaa Lagu Daweynayaa Hosbitaal Ku Yaala Magaalada Nairobi, iyadoo Xafsana La Rajeynayo in Todobaadkan ay ka Dhoofto Magaalada Nairobi iyadoo Kusii Jeeda Wadanka Mareykanka.

Laakiin Su”aasha isweydiinta Mudan ayaa wexey Tahay Xafsa mexey Lakulmi Kartaa Maadaama Wiilkii ay Mudada Jaceylka La Waday ay is Waayeen iyadoo Laga Yaabo in Xaaji ay isku Dhaafineysay Wiilka adeerkeed Dhalay ee ay sheegtay in Lagau Daray, Waxaase Hubaal ah Hadii ay Runtahay iyo Hadii Kaleba Dhalinyarada Qurbaha Meesha ay usoo Arooska Doontaan in ay Tahay Wadamada Afrika.

W/Q Mahad C/llaahi C/raxman (Caseer)
Caseercade@hotmail.com
____________________________
Tafatiraha webka
cabdicasiis
qalbijaceyl11@hotmail.com

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: