habeen iyo maalinse waxaan isku sifeeyaa inaan ahay naag dembi culus gashay


Waxaan ku dhashay magaaladda Ceeri Gaabo ee gobolka Sanaad, balse waxaan kusoo barbaaray magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasi ayaana waxaa kusoo qaatay waxbarashadeeda Hoose, Dhexe iyo Sare.

Sanadkii 1997-kii ayaa waxaa nasiib u yeeshay inaan aado dalka Canada, halkaasoo aan iminka ku noolahay, Azad waxaan isku baranay Shabakadda MSN-ka, anagoo wada socono muddo dhan laba sano ah ayaa waxaa ku heshiinay inaan isguursano, waxaan baray Aabahey oo markaasi noollaa, inkastoo uu dhawaan geeriyooday.
Azad markaan ismahersaneynay wuxuu ku noollaa dalka Suuriya, anagoo is arag ayaa waxaa ku heshiinay inaan ismahersano, waxaana dhihi karaa Azad waxaa weeye nin nolosheeda ku reebay taariikh aan ilaawsho laheyn.
Azad inta aan isguursan kahor horey ayaa waxaa isku soo guursanay nin aanu qaraabo nahay, waxaana isku dhalnay seddex caruur ah, muddo kadib calafkii ayaa dhamaaday sidaasi ayaanu ku kala tagnay ninkii hore.
Aniga iyo Azad waxaa inoo bilaabatay nolol aanu labadeenuba ku qanacsanahay, waxayna nolosheenu ay ku ekeed Internet iyo Teleefan, balse waxaan qorsheeyay inaan Azad ugu tago dalka Suuriya, hase ahaatee taasi ayaa ii socon weyday, maxaa yeelay ninkii aan horey isku qabi jirnay ayaa garan waayay meel aan uga fakado.
Markasta wuxuu igu soo diri jiray caruurta, isagoo uga sheekeen jiray inaan ahay hooyo xun, isla-markaana ceyrisay Aabahood, si walba oo uu ninkaasi ii daba taagnaa, ayaa waxaan isku dayay inaan dhawr jeer ku dacweeyo ciidamadda ammaanka ee dalka Canada, hase ahaatee taasi ayaa waxaan u arkay inay tahay arin foolxumo badan.
Waxaan Azad uga sheekeen jiray hadal kasta ama wax kasta oo uu sameeyo ninkii horey ii qabi jiray, hase yeeshee Azad oo nin fiican ahaa ayaa wuxuu i dhihi jiray iskaga dul qaado, wuxuu doono ha-sameeyee.
Iyadoo ay xaaladdu sidaasi tahay ayaa wuxuu ninkii hore ee i qabi jiray uu Ceeri Gaabo ugu tagay qoyska aan ka dhashay iyo wiilal ila dhashay oo aan aad u jeclahay, deetana habeen iyo maalin waa uu ku dul ooyi jiray, wuxuuna dhihi jiray walaashiin aad baan u jeclahay, basle iyadaa i naceb, wax kasta waan u sameyn karaa, wax kasta waan u huri karaa, laakiin iima jeedo ayuu ku ooyi jiray.
Walaalahey iyo adeeradey ayaa waxay igula taliyeen inaan iska soo furo Azad, bacdamaa aanu weli wax caruur ah isku dhalin, waxay kaloo ay igula taliyeen inaan ka fikiro ama aan ka naxo caruurteeda.
Azad ayaa soo wacay si’ xun ayaa ugu qeyliyay waxaana ku dhahay, adiga ilama joogtit waxna iima qaban kartit ee walaale iskakey fur, boqolaal jeer oo horena sidaasi oo kale waan u dhahay, laakiin wuxuu ahaa nin wanaagsan oo waa uu i sasabi jiray.
Laakiin maalintaan markaan soo wacay oo aan si’ xun ugu qeyliyay kuna dhahay iskakey fur, ayaa wuxuu igu dhahay “Hadaad go’aansatay inaan iskakaa furo oo aadan iga xishooneen inaan ninkaaga ahay, orod oo guurso ninka kale ee aad ku qanacsan tahay” markii uu intaasi igu dhahay ayuu teleefankii igu damiyay.
Maalintaas wixii ka dambeysay wuxuu iska badalay teleefankii aan ku aqaanay, Emailkii aanu ku wada xiriiri jirnay, waxaan gallay nolol mugdi badan, muddo hal sano ah maanan maqal war iyo wacaal ku saabsan toona, markii dambe anna waan iska fasaqay waxaana dib ugu soo laabtay ninkii hore ee i qabi jiray.
Hada waxaan ahay marwo xaas ah, waxaanu hada ninkaani isqabnaa muddo hal sano iyo bar ah, laba sano iyo bar-na meel aan ku sheego Azad magaranaayo, habeen iyo maalinse waxaan isku sifeeyaa inaan ahay naag dembi culus gashay, hase ahaatee akhristayaasha ku taxan
waxaan ka codsan lahaa inay ila soo taliyaan iguna so hagaajiyaan Email-ka Sihamcali3@hotmail.com.
DhaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaMaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaad
Sihaam Cali Nuur

1 Comment

  1. Walal siham waan ka xumaday arinta ku heysata lakin anigon diinta ansas ugaraneyn anna wax jawab ah kasikarin waxan kugula talinlaha wadadada cilmiga leh weydi intadan waxdanbi ah naftada adan sarin ugna sheg wadadada sidi wan udhecen bilaw ilama dhamad thanks sis from uk


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: