seddax ayaa ku keentey seddax ayaad uga baxeysaa guriga nin danbena ma guursan kartid


Waxaan ku dhashay magaalada Muqdisho, waxbarashadeeda ilaa heerka dugsiga sare ayaa waxaan kusoo qaatay Iskuulka Imaamu Shaafici qeybta K.P.P ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Ninka aan ubadka u dhali doono ee Cali ayaa waxaanu ahayn qaraabo, isla-markaana wuxuu imaan jiray gurigeyna, aniga iyo isagana meeshaasi ayaa iskala qaadnay,

wuxuuna uu igu qal qaaliyay inaan isguursano, anna waan ka aqbalay, maxaa yeellay gabar kastaa ayaa waxay u joogtaa waa guur iyo inay wax dhasho.

ALLE (SW) wuxuu qadaray inaan isguursano, markii uu guurkaynu uu kasoo wareegay muddo dhan laba sano, isla-markaana aan isu dhalnay hal wiil, ayaa waxaan isbadalay aan horey ugu arag ku arkay Cali, waxay igu noqotay yaab iyo amakaag, waayo Cali wuxuu ahaan jiray ruux aan habeenkii guriga kasoo dhixin, wuxuu kaloo ahaa ruux jacel in uu ila jooggo oo qura, wax kasta oo uu haayana wuxuu jeclaan jiray in uu aniga faraha iga saaro, laakiin taasi mid ka duwan ayaan ku arkay, oo ah in uu habeenkii iska soo dhaxo, in uusan wiilkiisa yar u keenin wax caano ah, wixii lacag ahna uu helana uu kusoo cuno Qaad iyo Sigaar.

Iyadoo ay xaaladdu sidaasi tahay ayaa waxaan yeeshay uurkii wiilkayga labaad, waxaan rafaado oo aan silco, waxbana uu ka qaban waayay Cali ayaa waxaan arintii u sheegay qoyska aan ka dhashay, waxayna igu yiraahdeen iska samir, Samirbaa wax kasta lagu hellaa.

Waxaan u soo wareegtay guriga qoyska aan ka dhashay, maadaama uusan Cali waxba ina siineen aniga iyo wiilkayga yar, kadib waxaa dhacday in guriga qoyskayga aan ku dhalo wiilkaygii labaad, iyadoo ay xaaladdu sidaasi tahay ayaa wuxuu Cali uu garwaaqsaday in uusan ubadkiisa yar soo booqan, waxna siinin, wixii uu helaana uu ku cuno Qaad iyo Sigaar, kaaga daranee isaga oo aan waxba ina siineen ayaa wuxuu guursaday naag kale.

Markaan maqlay in uu naag kale guursaday ayaa iska aamusay, laakiin gabar isaga la-dhalatay ayaa u sheegtay inaan maqlay in uu guursaday, hase yeeshee intuu i soo wacay ayaa wuxuu igu yiri “Haye Falis inaan guursaday waad maqashay soo maaha” ? anigoo aan ogeyn dhul iyo cir halka aan ku suganahay ayaa teleefanka ku jaray.

Intaan iscelin waayay ayaa waxaan isla habeenkii aan ugu tagay goob uu ku cuni jiray Qaadka, deetana waxaan bilaabay inaan meesha kula dagaalo, anigoo oranaaya aniga iyo adiga Sharciga ayaa u kala baxeynaa.

Habeenkaasi anigoo aad u careysan ayaa waxaa goobtaasi iga soo waday wiilal aanu qaraabo ahayn oo maqlay in aan goobtaasi ku suganahay, markaan guriga imaaday ayuu i soo wacay, isagoo igu yiri “waxaa ku keentay seddex, hadana seddexdaada waad iga qabtaa”, markaan maqlay in uu i furay ayaa waxaan u farxay, sida xowlo muddo abaar baahsan ay heysatay, balse markii dambe hellay roobab mahiigaan ah, hase ahaatee Kadib Maxaa dhacay?

Mar ay furiinkayga kasoo wareegatay afar bilood ayuu i soo wacay, wuxuuna uu igu yiri “Nin aad guursan kartaa majirto waa inaad ii ilaalisaa labada wiil ee aad ii dhashay” hadalkaasi intaan la-yaabay ayaa waxaan u sheegay wiilal ila dhashay, kadib waxaan aadnay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Maxkamadda ayaa waxay naga dhageysatay dacwada aan qabno, isla-markiiba maxkamadda ayaa waxay amartay in lasoo xiro Cali, wuxuuna hada uu ku xiran yahay Xabsiga Dhexe ee magaaladda Muqdisho, waxayna maxkamaddu ay amartay inaanan lasii deen doonin ilaa uu ka bixiyo, hal sano iyo seddex bilood wixii marsho iyo masruuf aan u kulahaa, waxay kaloo ay maxkamaddu ay amartay in uu bixiyo maherkayga oo ahaa sodon garaab (30gr) oo Dahab ah.

Hada Cali wuxuu uu u xiran yahay Sharciga, labada qoysna waxay wadaan wada xaajood, laakiin aniga waxaan taaganahay inaanan ninkaasi ku laaban, xitaa haddii uu noqdo ninka adduunka sareeya.

Sihaam Cali Nuur
sihaamcali3@hotmail.com

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: