Sidee naf kaa janjeerta usoo jiidan laheyd



> Dunidaan aynu guudkeeda saaranahay waxa ku nool qomiyado kala duwan
> kuwaas oo aan isku diin, isku af, iyo isku dhaqan toona ahayn, balase
> wax ay kawada siman yihiin jaceylka, hinaasaha ama maseyrka iyo
> waxyaaba kale.

> Qarniyadii hore jaceylka waxaa uu ahaa mid ay dadku aad u qadariyaan
> aadna u qiimeeyaan. Waxaynu ognahay in dad badan ay u dhinteen
> jaceylka halka kuwa kalana dhibaatooyin badan kala kulmeen.
>
> Dadka baalka lama ilaabaanka ah ka galay taariikhda jaceylka waxaa ka
> mid ah jaceylkii Cilmi boodhari iyo Hodan, Qeys iyo leyla, Cantar iyo
> ceebla.
>
> Qarnigaan aynu ku jirno dad badani waxa ay aaminsanyihiin in jaceylku
> yahay wax jira, halka kuwa kalana ay u heystaan in jaceylku uu yahay
> wax aan jirin oo ku kooban afka oo kaliya oo aanan uurka jirin.
> Laakiin waxaa xaqiiqa ah in jaceylku yahay wax jira kaasi oo ka
> bilowda ka helitaan iskuna bedela dareen ku abuurma qofka qalbigiisa,
> dadka aaminsan in jaceylku aan ahayn wax aan jirin waxaan dhihi karnaa
> waa kuwa aan fahansaneyn wax uu yahay jaceylka oo aan wali wax
> jeclaan.
>
> Inta aanan ugudbin dulucda maqaalka oo ah (sidee ku kasbankartaa qalbi
> kaa janjeera?) ayaa waxa laga yaabaa in ay dad badani, is weydiinayaan
> su,aasha ah waa maxay qalbi kaa janjeera?
>
> Qalbi kaa janjeera waa qof aad gaclootay oo isagana aanan u soo jeedin
> jaceylkaaga ama ku mashquulsan qalbi kale.
>
> Dhalinyaro badan ayey arintaani lasoo gudboonaatay kuwaasi oo qaarkood
> ku degdegay in ay u soo bandhigtaan jaceylkooda qofkii ay jeclaadeen
> iyagoo aan isweydiin maxaa kaaga imaan kara.
>
> Waxa dhacda inta badan in qofkii ay u soo bandhigteen jaceylkooda uu
> soo dhaweeyo soo dhaweyn aan uurka jirin balse ay katahay niyad dhis,
> iyadoo qofkii jaceylka hayayna uu u qaato inuu ku guuleystay
> jaceylkiisa oo uu helay qalbigii uu gaclooday.
>
> Laakiin muddo ka dib ayuu ogaadaa in uusan helin jaceylkiisa oo uu ku
> guul dareystay kasbashada qofkii uu qalbigiisa u taamayay.
>
> Taasina waxa ay sababtaa niyad jab weyn iyo iyadoo qalibigiisu soo
> gaadho dhaawac xanuun badan.
>
> Qaar kale oo ka mid ah dhalintaan waxaa ay danta ku kaliftaa in ay
> qarsadaan jaceylkooda intii ay guul daro iyo xumeyn kala kulmi
> lahaayeen u soo bandhigida qofkii ay jeclaadeyn.
>
> Taasina ma ahan mid uu qalbigooda ku bogsanayo, waxaana kusii kordhaya
> jaceylka iyo rabitaanka uu u qabo qofka uu jacelyahay, Soomaaliduna
> waxa ay ku maahmaahdaa waxaad qarsato weey ku qarsadaan.
>
> Hadaba aqristoow hadii ay kula soo gudboonaato arintaan oo kale oo aad
> weydo sidii aad u heli lahayd ama ku kasbanlahayd qofka aad jeceshahay
> qalbigiisa, waxaad kaga bogankartaa dulucda maqaalka oo ah Sidee ku
> kasbankartaa qalbi kaa janjeera?). Sidaaad ku kasbankarto qalbi kaa
> janjeera wey fududahay hadii aad sameeyso shuruudahaan soo socada.
>
> 1.Ugu horeyn hanoqon qof ku degdega u bandhigida ama ugudbinta qofka
> aad jeceshahay fariiintaada jaceylka.
>
> 2.Waa inaad tahay qof furfuran dabeecad wanaagsana leh.
>
> 3.Hadii aad tahay dumar waa inaad ahaataa qof xishood badan.
>
> 4.Waa inaad tahay qof qurux badan soo jiidashana leh.
>
> 5.Hadii aad tahay gabadh ama wiil ku dadaal sidii aad u ogaan laheyd
> qofka aad jeceshahay waxyaabaha uu xiiseeyo ama balwadiisu tahay
> adigoo aan weydiin qofka aad jeceshahay, Balse raadi wada kale oo aad
> ku ogaan karto sida adigoo ka wareysanaya saaxiibkii ama saaxibadeed
> adigoo aan lagaa dareemin u jeedkaadu waxa uu yahay.
>
> 6.Mar walba uga sheekeey qofka aad jeceshahay waxyaabaha uu xiiseeyo.
>
> 7.Ogoow jaceylku indha malahan, Qofka uu qalbigaagu raacay hadii uu
> yahay qof balwadiisu wanaagsaneyn ku dadaal sidii aad uga waanin
> laheyd adigoo hadalo macaan kulahadlaya.
>
> 8.Qofka aad jeceshahay hadii uu yahay qof kaa fog oo aad laba wadan ku
> kala nooshihiin ku dadaal sidii aad u xiriirin laheyd mar walba adigoo
> telifoon kula hadlaya ama waraaqo lagu xardhay ereyo qalbiga u roon
> ugu diraya aalada casriga ah ee internetka.Hadiise aad hal wadan wada
> joogtaan, ama aad meel kawada shaqeysaan waa inaad mar walba ku soo
> dhaweysaa waji furan oo ay farxadi ka muuqato.
>
> 9.Qofka aad gaclootay hadii uu kaa fogyahay ama meel wada joogtaan
> noqo qof ka warqaba oo la qeybsada farxad iyo murug wixii soo wajaha.
>
> 10.Noqo qof loo xiiso marka uu maqanyahay iyo marka uu joogo.
>
> 11.Waa inaad tahay qof mar walba ilaaliya balanta.
>
> 12.Kudadaal in aad u hadiyadeyso qofka aad jeceshahay waxyaabaha uu
> xiiseeyo.Ogowna hadiyadeynta waxey qeyb libaax leh ka qaadataa
> kobcinta jaceylka.
>
> Guntii iyo gabagabadii hadii aad intaa sameyso adigoo alle ku xiran
> waxaa xaqiiqa ah inaad kasbaneysid qalbigii kaa janjeeray waliba adoo
> afkaaga uga sheegan jaceylka aad u qabtid oo uu isaga kaalasoo hormari
> doono jaceylka aad qalbigiisa ama qalbigeeda ku abuurtay.
>
> Waxaan ku soo gabagabeynayaa qoraalkeyga in aad dhalinyahay noqotaan
> kuwa ka fogaada waxyaabaha xunxun ee ay reer galbeedka ku dhaqmaan oo
> aanay diinteena islaamka waafaqsaneeyn.

abdinasir omar sheikh aden (c/nasir carab)
kaanuu15@hotmail.com

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: