DARXUMO JACAYL


WAA SHEEKO JACAYL AH UU KUSAABSAN ARRIMAHA BULSHADA IYO DHAQAALAHA. W/Q: Cabdullaahi Cali Cabdulle (Fanax) Email: fanax97@hotmail.com / fanax97@yahoo.com

Waxay ahayd maalin arbaca ah oo ay jirto dabeyl aad u badan oo wadata Bus/Siigo, ayaa waxaa saacid oo ka Yimid iskuulka indhaha ka galay Ciid, isagoo ciida indhaha ka baxsanayo ayaa waxa uu madaxa ku dhufsaday gabar jidka mareysay, waxa ayna tiri “haye ma igu billaawday”, waxa uuna yiri “Maya abaayo iga raali noqo”, waa ay iska sii socotay, markii ay shan maalin ka soo wareegatay ayaa waxaa Saacid loo soo wareejiyay iskuulka Xaawa Taako isaga oo laga soo wareejiayay iskuulkiisii hore ee Xalane, Saacid isagu arrinkaa ma jecleyn balse waa amar ka yimid madaxda sar-sare, waxaase yaab ku noqotay markii ay isku galas noqdeen gabadhii maalinkii dabeysha ay isku dheceen, gabadhu aad bay u qurxooneyd, markaan yara eegno xagga bilicda, Maarriin bay ahayd, oo Tima jilicsan, dhirir keedu dhex-dhexaad ayuu ahaa, isagu ma ahan mid u qalma gabadha marka loo fiiriyo xagga dhaqaalaha, balse iyaduna ma’ahan mid u qalanta, waayo wiilka aqoontiisa ayaa aad uga sarreysa ardada oo dhan, dhowr maalin kadibna waxaa la galayaa imtixaankii weynaa, Sucaado iyadu waxba fara kuma heyso marka laga reebo laaluush oo ay imtixaanadii hore ku soo gudbi jirtay, balse sanadkaan laaluush ma jiro, waayo waxaa jooga kormeerayaal, ardadana laba-laba ayay wax u aqrisanayaan marka laga reebo Sucaado oo iyadu meel gees ah iska fadhiso oo laaluushkii u socon waayay, dhinaca kale wiilka Saacid ah isagu aad buu isugu kalsoonaa, isagoo u socda guriga kana sii baxaya iridka iskuulka ayaa waxa uu arkay gabadhaan kaligeed meesha fadhisa, waxa uuna yiri “abaayo maxaa kugu dhacay”, “maxaad ka qaban kartaa” ayay ugu jawaabtay, “wixii macquul ah ayaan ka qabanaa” uyuu ugu jawaab celiyay, waxa ay tiri “imtixaanka ayaan ka wal-wal sanahay” markaasuu inta qoslay ku yiri “ka seexo anigaa kaa ballan qaadayo inaad baastee” intaa ka dib Saacid waxaa la geeyay meel Baar ah, waligii baar kama cabin koob shaah ah wax kaleba iska daaye, maalinkaa waa uu baashaalay, cashiradii ayuu ugu cel-celiyay dhowrkii maalmood ee ka harsanaa imtixaanka, imtixaankii ayaa la galay, waa ay baastay, ciddeeda oo dhan ma aysan rumeysan in ay Sucaado baastay, balse aabeheed C/fitaax-dheere ayaa waxa uu ballamiyay maamulihii iskuulka Mr. Axmeey, markii uu u yimid ayuu waxa uu weydiiyay sida ay gabadhu ku baastay isaga oo aan lacag laga qaadin, waxana uu yiri Mr. Axmeey “waan arkayay wiil meelaha wax ugu aqrinaya balse wax laaluush ah oo ay bixisay ma jiraan. Dhinaca kale wiilkii Saacid ahaa waxaa ku billawday wax xoogaa dareen ah, balse waqti badan ayuu qarsaday, laakiin markii danbe waa uu adkeysan waayay oo waxa uu go’aansaday inuu u sheegto, balse waxa uu ku fikiray gabadha nolosheeda inuusan u qalmin, waayo isaga nolosha ayuu ku rafaadsan yahay, iyadana waa ay ku raaxeysaneysaa, niyaddase waxa uu ku dhistay (Jacaylku ma ahan Hanti & Magac ee waa Dooq) maalinkii danbe ayaa waxa uu ku ballamiyay meel qaas ah, waana ay ka ogolaatay, markii ballantii la gaaray ayay meeshii ugu timid waxayna tiri “halkaan maxaad iigu ballamisay” waxaana uu yiri “aniga ayaa kuu sheegayee iga dhageyso” :-

-Sucaadooy gacaliso

-Suubantii hablahaay

-Saableyda feeraha iyo

-Sadrigaad ku taalaa

-Seexashada jiifkiyo

-Socod waan ka quustay

-Sidayaasha dhiiguna

-Saafi uma shaqeeyaane

-Sucaadooy huunno

-Saami ii soor abaayo

-Silica maanta ihaysta

-Sababtiisa waa adigee

-Si wanaagsan ii daweey

Intaa markii ay afkiisa ka dhamaatay ayaa inta lagu jeesteeyay lagu yiri “Doqon!!! oo haddaad imtixaanka iga saacidday ma iska key jeclaaneysaa, bal markeeyga i dhageyso”:-

-Wiil yohow faqrigaa

-Wal-walka dunidiyo

-Wareerka ku koray

-Waagii baryana

-Waalidkii dhalay

-Weel ugu ridaan

-Wax yar oo ceesh ah

-Waa ku caashaqay

-War inuu ka dhigtaa

-Waa mucjisee

-Wadada iiga leexo

Saacid waa uu yaabay, wax uusan ka fileyn ayay ku tiri, waa iska tagay, markii uu jidka ku sii socday waxa uu taag-taagayay gacmaha waliba isagoo isla hadlayo oo aan xishooneyn, balse dadkaba adaa yaqaano iyo in la xishoodo, Murugo waa tanaa, wiilkii haddaayay faraxsanaa hadda waa rafaad san yahay, maxaa u geeyay, balmuu iska dhaafo, muxuuse iska dhaafaa isaga isma wadee waa la wadaa, yaa wado? Wixii wado isagey u taalla, iyada maxaa ka galay!!!? Way iska raaxeysaneysaa oo maba ka qasno, isagana waa kanaa sidaanaa ka daacad ah iyo isla hadalkaan, gacmuhuu cirka u taag-taagaa sida qof marraan ah oo uu waqtigu ciilay, Saacid maalinkaan maalinkiisi ma’ahan, waayo wuxuu ahaa nin farxaan ah oo bulshada ka qosliya mar kastana loo xiiso sheekadiisa, balse hadda Saacidkii hore ma�ahane waa mid maqane jooge ah, siduu u sii socday ayuu gurigii iridda ka galay isagoon cidna la hadlin, hooyadii ayaa tiri “maandhow maxaa kugu dhacay?” “waxba hooyo”ayuu yiri markuu gudaha sii galayay ayaa Maana hab siisay kuna tiri “maanta waa is maskiinisee maxaa damacsan tahay?”, yaa ogeysiiya wiilka meeshuu marayo xaalkiisa sidaan ulama hadasheene. Saacid sariirtuu isku tuuray, dharkiisii ayuu ku seexday, sariirtu ma habeysna, isagu surwaalkii kaakiga ahaa ee iskuulkuu wataa, waxa uu tabar ka dhigtay inuu iska calaacalo, oo uu marba Hees shido si uu isku madadaaliyo iskuna moogeysiiyo jacaylkan baaxadda weyn ee uu dhibka kala kulmay, balse wuu owoodi waayay inuu illoobo, isaga oo iska calaacalaya ayaa waxa uu yiri ereyadan:-

-Idilkeedba dunida

-Inan taan ka caashaqay

-Inay iigu jawaabto

-Inan yohow faqrigaa

-Iyo wax aan ka fileyn

-Iima ahan farxadee

-Ilaahoow caadiloow

-Iga saar noloshaan

-Imtixaankii aduunkaa

-Ihaysta maantee

-Ii maciin saadiroow

intaas markii uu ku calaacalay waxna uusan isku tari karin ayuu iska seexday, isagoo marba dhinac u gad-gaddomaya ayaana waagii baryay. dhinaca kale gabadhii Sucaado ahayd qof walba oo arkaa waxa uu ku yiraahdaa “wiilkaan adiga ayuu nasiibkaada ahaa waayo waxaa qorneyd inaad madixiisa ku baasto!!!, waligaa isaga ka hor ma baastay!!!?” iyo ereyo la mid ah oo gil-gilay laabta Sucaado. Sucaado maalin kasta waxaa ku soo dhaca sida wiilku uu ugu dadaalay imtixaanka diyaarintiisa oo uu rafaad badan kala kulmay, balse uusan marna u muujinin in uu ku dhibban yahay shaqada uu u hayo iyada, Sucaado waa ay dareen saneyd in wiilku dhib ku jiro balse midkaas mid ka daran ayaa iyada haystay oo xallintiisa lagu jiray, balse markii danbe lagu guuleystay in la xalliyo, intaa kadib Sucaado waxaa galay dareen culus waxay adkeysataba waa is celi weysay, waa lagu batay, markeedey calaacashay, murugtii ayaa qeyb ka soo gaartay, bal markii hore maxay u diiday inanka, sidaanaa u qorneyd inay noqoto, iyadoo isla hadleysa ayay tiri:-

-Murugaa i haysee

-Moowloow kaalmiyo

-Maciin ii lahoow

-Malab ma ahan jacayl

-Maantaan arkaye

-Midkii i calmadoo

-Maankiisu i raacay

-Mashaqadaan ku dhigaa

-Maskaxdiisa ku jirto

-Markeygaase ley helay

-Maskaxdaan ka waashay

-Ma dadaalin mar horoo

-Maan gaabnimaa i qaaday

-Miirkeygii tagyee

-Mataankeygii inaan helaa

-Macquul ma tahay?

-Maya maya ee

-Mowloow magantaa

Intaas markii ay tiri ayay waxa ay is tustay in ay wiilka mar uun la kulanto si ay wax uga dhaadhiciso, waxay soo aaday xaafaddiisa, dadkii ayay soo weydiisay meeshuu daggan yahay, waxaa loo sheegay in Saacid uu daggan yahay gurigaas jiingadda ah oo Dabakaayada ku taallo, waxaa iridda fadhiya hooyadii oo Muufo dubeysa, geeska kalena waxaa Miis Yaanyo ku gadaya walaashiis Maana, Saacid isagu Maana ayuu la kaftamayaa, kor ayay ka aragtay, waa ay u yeertay meel luuq ah ayay geysay waxana ay ku tiri:-

-Amaan badanoow

-Adaan kaa inshaartay

-Adduunka inta joogto

-Abidkey intaan joogo

-Amaantaada ma iloobayo

-Anaa kaa caashaqay

-Asaagaada oo dhan

-Adigana i soo eeg

-Anaa hore kuu deyriyee

-Adigana ha igu dayanine

-Amarkeyga ii yeel

-Abaalkaada anaa gudaa

-Allana waxaan ka tuugaa

-Aroos macaanoo

-Aayo leh inaan galno

markii ay intaas tiri ayuu intuuu ku qoslay waxa uu ku yiri (Ninba Maalinkiisaa Waalo loo Tumaa), adduunyooy xaalkaa ba’ ma wiilkey ku sameysay waxay ogeyd ayay maanta garab ka soo doonatay!!!!, waa yaab iyo xaal adduun, Saacid waxa uu is yiri gabadha gurigaada timid ha ku dirin wado cidlo ah ee bal xoogaa dabac sanaan u muuji mar lee ha ku dhaaftee, isaga oo qancinayana waxa uu yiri “wax walba way hagaagayaan ee nafta qeyr u sheeg”. Sucaado farxad ayaa ka badatay, wax ay san fileyn bay aragtay, oo markii hore rajo xun ayaa ku jirtay, laakiin hadda waxa ay ku raaxeysaneysaa hadalka macaan ee loo sheegay, oo waliba aysan fileyn balse hadda dhagaheeda ay ku maqashay, markii ay hubsatay inuu hagaagay jacaylkeedii ayay tiri ereyadan :- ballanteena adkeey, waxaan ahay asaaggaa, dadka kaa inshaartay, kuwa loogu magac daray dira-diraalaha iyo kuwa la dhaqanka ah, inay jacaylkeena faraha la soo galaan oo dhibaato iyo ma hadho nagu reebaan, aniga dhankeyga kama imaanayaane dhinacaada ka ilaali,.Saacidaa hadlay oo yiri “Maanta warkaada aad ayuu u macaan yahaye yaa ku baray hadalkaan sidaan u qurxan?”, waxa ay tiri “Aboowe nafteydaa i bartay”, Saacid ayaa yiri “ina keen aan Baska kuu sii dhaweeyee”, “waayahay Aboowe macaane” ayaa loogu jawaabay inta qosol yar oo dhoolla caddeys ah qac laga siiyay, Baskii ayaa la joojiyay, iyadoo wali sii qosleysa ayay fuushay. Saacid markii ay tagtay ayuu hoos waxa uu ka yiri “marlee i dhaaf”, laakiin markii uu xoogaa wadada ku sii socday ayaa waxaa soo hor istaagay shan wiil oo wajigu u qarsan yahay waala garaacay waxaana lagu riday gaari Caasi ah, waxaana la geeyay meel xabsi ah oo aan cidna kaa war heleyn si kastoo laguu raadiyo, waxaana lagu xukumay koton (50) karbaash subaxdii, galabkiina Istaanbo Baraf ah ayaa xabadka laga saaraa ilaa sodon (30) daqiiqo, habeenkiina waxa uu ku casheeyaa koronto (220) in lagu qabto, waa la silciyay, wax lagu heysto mayaqaano, meeshuu joogo ma yaqaano, saddax habeen kadib ayaa waxaa lix saac oo habeennimo u yimid Gaashaanlihii dhalay gabadha, waxaana uu ku yiri “meeshu sow ma qurux badna?” isagoo hadalka dhibayo ayuu yiri “maxaan halleeyay?”, “waxaad halleysay gabadheyda ayaad jeclaatay adiga oo faqri ah, danbigaada waa halahaas oo kaliya, adiga oo aan saxiixin inaad mar danbe la hadleyninna inta kama baxeysid”, wiilkii Saacid ahaa waa cusub ayaa ku baryay oo uusan fileyn. Hooyadiis yaab ayaa ka soo haray, ilmo isaga iyo hal gabar ayay ka dhashay, aabihiisna isaga oo uurka ku jira ayuu ka tagay, wax dadkiisa ah oo layaqaanana ma jiraan marka laga reebo abtigiis oo isagana ah nin iska taag daran xagga nolosha, hooyadiis waxaa ka soo haray fikir, wiilkeedii meel uu ka baxay ayay la�dahay, mala dilay, haddii la dilayse meydkiisa waa la arki lahaa. Saacid isaga oo suuxsan ayaa waxaa xabsiga kormeer ku yimid Jen. Abaadir-seey waxaana uu arkay wiilkaan silicsan, waxaana uu yiri: “Aaway qofkii soo xiray wiilkaan” shib ayaa laga yiri, waxa uuna yiri: “Isbitaalka hala geeyo” markii Isbitaalka la geeyay ayaa waxaa arkay canug yar oo hooyadiis Isbitaalka ku jirtay, wuxuuna u soo orday xagga Saacid hooyadiis, waxa uu u yimid iydoo iridda fadhisa waxa uuna ku yiri “Hooyo!!! Hooyo!!! Saacid Isbitaalka ayuu ku jiraa”, “yaaaaa!!!! Isbitaal aaaa” ayaa Hooyadiis war ugu danbeysay, wey suuxday cunuggiina waa uu iska tagay, walaashiis Maana oo guriga ka dhax hadleysa ayaa tiri “Hooyo wax war ah ma heshay?” jawaab ayay weysay, banaanka ayay u soo baxday, waxay aragtay Hooyadeed oo dhulka taalla, Naxdin qac!!!! Maana wey oysay, waxa ay tiri “Alla anigaaaa, ma is dilaa, seen wax yeelaa, walaalkeey horaan u waayay, haddana Hooyadey maa dhimatay!!!!?, inteen aadaa, Ar aniga nasiib xumiyaaaa, yaa i habaaray!!!?, iyadoo xabadka Hooyadeed ku jiiftaa waxaa soo ag maray nin Oday ah waxaana uu yiri �Hooyadaa ma dhimane waa suuxsan tahay ee Isbitaal geey”, “Run sheeg Aabe!!!! ma nooshahay!!!?, haddaan qaadaa”, laakiin maxay ku qaaddaa, lacag ay Taksi ku saarto ma heysato, way xanbaarsatay, markii ay dhowr tallaabo la qaaday ayay la kuftay, Ninkii Odayga ahaa ayaa maqlay jugta, markii uu soo jeestay ayaa waxa uu arkay gabadhii iyo duqdii oo dhulka yaalla, waxana uu yiri “Maandhaay maad Taksi saartid”, “Aabe lacag aan ku saaro ma haysto” Odaygii ayaa yiri “Maadaama aad sida gabadheyda Aabe i tiri aniga ayaa ku siinaayo qarashka ee saar Taksi”. Markii ay Isbitaalkii geysay ayaa iyadoo iska calaacaleysa waxa ay tiri “Laba il ayaan lahaa mid hore ayey iiga dhacday, maantana tii kale ayaa iga dhici rabto Ilaahoow adaa joogo”, Maana waa ay caga caddahay ismana oga, waa ay iska murugeysan tahay, iyadoo xaalkeedu meel xun marayo ayaa sariirta ku dhaggan waxa ay ka maqashay Maana!!! Maana!!! Abaayo inta maxaad u timid!!!?, markii ay fiirisay waa walaalkeed Saacid, Naxdin hor leh Qac!!! Maana beerkaa laga qabtay, Matag ayay ku waalatay, Hooyana sariirta ayay saaran tahay, Saacidna daris ayuu la yahay, qoyskii sidaanaa u danbeysay. Taqaatiirtii laga rabay inay la tacaalaanna waxa ay ku xujeeyeen Qarash ay howsha ku qabtaan, dhinaca kale gabadhii Sucaado ahayd ayaa maqashay meesha arrintu mareyso, waxaana ay niyadda gashatay in wiilkii Saacid ahaa la dilay, iyadana Isbitaalka ayaa la soo dhigay, lacag iyo wax walbo oo taqaatiirtu u baahan tahayna meesha ayaa lagu soo diyaariyay si loo bad-baadiyo gabadha, wax walbo waa loo sameeyay, waa ay ka sii dartaa mooyee sooma roonaato. Dhinaca kale Maana ayaa waxa ay socodsiineysaa walaalkeed oo ay jimicsi siineysaa, intii jimicsiga uu sameynayay ayaa waxa uu arkay Sucaado oo sariirta ka danbeysa saaran, markii uu sariirtiisa ku soo laabtay ayuu gabar kal-kaaliso ah weydiiyay oo uu ku yiri “gabadhaan maxaa ku dhacay?”, waxa ayna tiri “Wiil ay is jeclaayeen ayaa la dilay marka naxdin ayay sidaan la noqotay”, su�aal ayuu ku celiyay “Wiilka magaciisa ii sheeg?”, “Saacid ayaa lagu sheegaayay balse aniga ma arkin”, Saacid waa uu yaabay, gabadhii uu lahaa mar lee yaa kaa reebo ayaa daraadiis sidaan u noqotay, naxariis ayaa gashay, markii lakala seexday ayuu soo aaday, waa uu ka kiciyay, waxa uuna yiri “Sucaado sidee tahay?” waxa ay tiri “yaawaaye, Alla Saacid!!!, Gacaliye, adiga miyaa, ma nooshahay, Alxamdu lillaah” waa la isku soo booday, xabadkaa la isa saaray, waxaa la isku dhii-dhiibay xoogaa erayo ah, iyadaa billaawday oo tiri:-

-Gacaliyoow saacid

-Gayaankii naftoow

-Goortaan ku waayaa

-Go�aankeygu noqday

-God inaan u hoydee

-Geesiyoow gacaliye

-Gantaalihii caashaqaa

-Goobtaan i dhigaye

-Garabkeeyga ii joog

Saacid baa markiisa hadalka qaatay oo yiri:-

-Huunnooy sucaado

-Habeen iyo dharaar

-Haadda iyo shinbirahaa

-Haatuf iigu sheego

-Hammuuntaad ii qabtide

-Hab isii gacaliso

-Horaadkaada i saar

-Hammuuntu ha ina deysee

waala kala seexday, si wanaagsan ayaa loo sheekeystay. Maana iyadu waa ay arkeysay waxa meesha ka dhacaya, macnohoo dhan waa ay fahantay, waxa wiilka loo rafaadiyayna garatay, sariirta ayay isku dhajisay, sida qof caawa oo dhan hurdaayay, dhinaca kale waxaa dalka soo galay nin la yiraahdo Maxamed oo raadinaya afar qofood oo uu aabihiis kala soo dar-daarmay mar uu ku sakaraadayay Isbitaal ku yaalay dalka Mareykanka, afartaas qofood yey kala yihiin? waa (1) Jen. Aabaadir-seey, (2) Saacid, (3) Maana, qofka afaraadna waa Hooyo Caasho. Hotel-kii uu dagganaa ayuu ka soo watay wiil ay isku barteen, wuxuuna u sheegay waxa uu halkaan u yimid, wiilkii ayaa waxa uu ku yiri “intoodaba waan aqaanaa ee guryohooda ma ku geeyaa?”, Maxamed ayaa yiri “haa aboowe igeey”, gurigii Jen. Abaadir-seey ayaa lagu soo hor mariyay, waala soo waday, gurigii Reer Caasho ayaa la yimid, balse qoyskii oodhan waxaa la sheegay inay Isbitaalka ku jiraan, Isbitaalkii ayaa la yimid, waa la is bartay, farxad ayaa meesha ka dhacday, ninkii Jen. Abaadir-seey ahaa ayaa waxa uu yiri “wiilkaan aan xabsiga ka soo saaray walaalkey miyaa?, Gaashaanle C/fitaax-dheere waa inaan berrito maxkamad saaraa”, subaxdii ayaa Gaashaanle C/fitaax-dheere maxkamad la soo taagay, markii uu xukunku dhici rabo ayaa Saacid oo xaalka meesha ka dhacaya soo maqlay Maxkamadda soo galay, waxa uuna yiri “Waan cafiyay Gaashaanle C/fitaax-dheere, maadaama aan ahay dhibanaha dacwaddiisu furantahay”, Maxkamaddii waa ay cafisay Gaashaanle C/fitaax-dheere. Saacid ayaa ka codsaday walaalihiis in loo doono gabadha Gaashaanlaha, waa loo doonay, markii loo tagay Gaashaanlihii wuxuu yiri “gabadhu waa xaggiina maadaama aad iga roonaateen illeen horaa loo yiri (Haddaan la kala Roonaan Roob ma Do’o)”, isla markiiba Xaflad Meher iyo Aroos ah ayaa la qabtay, Lamaanihii oo dabbaal dagayana waxay isu dhii-dhiiben ereyadan:- Sucaadooy gacaliso, Hee Saacidoow gacaliye, Sideed u aragtaa guusha maanta aan gaarnay?, Baraare ayaan u arkaa, Guurkeena maxaad tiri?, Guur qeyr oo aan abid ku waarno, sidaa ayaana labadii is dooratay isku heleen.

DHAMAAD

W/Q: Cabdullaahi Cali Cabdulle (Fanax)
E-mail : fanax97@hotmail.com / fanax97@yahoo.com

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: